Walaalkeyga sharafta leh
Walaasheyda sharafta leh
Rabi aniga iyo idiga iyo dhamaan muslimiinta ha ina waafajiyo sidii kheyr ku jiro.
السلام عليكم ورحمة الله وبركاته أما بعد .
Salaan ka dib walaal hadaad mashquulsan tahay waxaan kaa rajeynayaa inaad aqriso risaaladan markaad firaaqo hesho.
Walaal waxaan kuugu baaqayaa inaad u furto risaaladan qalbigaada qirsan laa illaaha ilallaahu muxamadu rasuulu llaahi waayo waa dhambaal ay ku dheehan tahay kalgaceyl iyo walaaltinimo, waxaana nasiib wanaaga inaad ajiibtid arimaha uu dhambaalkan xunbaarsan yahay .Mida koobaad: waxaan kuugu baaqayaa markaad risaaladan gacanta ku dhigto inaad adiga iyo naftaada tusaalahan macnihiisa dhuuxdaan. Tusaale ka waran hadii qof bilaash kugu siiyo dhul dhisan iyo baabuur , oo waliba uu kuugu daro gabadhaad jeceshahay, laakiin uu ku yiraahdo waxaa shardiya inaadan I hilmaamin oo mar kasta ixusuusnaato , sidee xaalkaadu noqon lahaa, waxaan filayaa xasuusnaan iska dhaafe in lagu wardin lahaa, Walaal illaahay subxaanahu watacaalaa ayaa ku siiyey intaa wax ka badan illaahay wuxuu ku siiyey caqli aad ku kala soocdo wixii ku anfacaya iyo wixii ku dhibaya , Ilaahay wuxuu kaa dhigay muslim oo kaama dhigin kuwa caabuda sanamka iyo dhagxaha iyo lo,da i.w.m. Ilaahay wuxuu kuugu deeqay caafimaad - uusan qofku dareemi Karin- ilaa u xanuunsado oo kaadida iyo xaarka laga qaado. Ilaahay wuxuu ku siiyey waxaad ku noolaato , intaa kadib naftaada miyaad udiidi inaad alle caabudo. Miyaadse raali ka tahay inaad rabi la kulanto adigoo ku caasiyey? Yaa kuu balan qaadaya inaad noolaaneyso intaad aqrinta risaaladan ka dhameyn, Raali miyaad ka tahay inaad ku caasi garowdo allaha iska leh aragaada noloshaada geeridaada? Ogsoonow walaal wax alaale iyo wuxuu ilaahay aduunyada kugu siiyey oo nicmo iyo caafimaada iyo xoolo ah hadaad rabi adeecdo oo ku shukriso wuu kuu siyaadin .
قال الله تعالى : ( ولئن شكرتم لأزينكم ولئن كفرتم إن عذابي لشديد )

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1413225
Today
Yesterday
All days
122
3151
1413225
2025-12-21 01:31

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_69474ddec494014982441811766280670
title_69474ddec49905227142301766280670
title_69474ddec49dc14841686791766280670
title_69474ddec4a273747689691766280670
title_69474ddec4a711763689571766280670
title_69474ddec4aba15005129091766280670

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_69474ddf1a7c014483061571766280671
title_69474ddf1a81115383278101766280671
title_69474ddf1a85e20571244101766280671
title_69474ddf1a8a93428009431766280671

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com