Qodobka Shanaad
(Qur’aanka)

J: Waa maxay Qur’aanka kariimka ihi?

C: Waa kalaamkii Alle, ee uu isagu ku hadlay –subxaanahu- Jibriilla u soo dhiibay, si uu Muxammad ugu waxyoodo (sallalaahu calayhi wasallam)

J: Muxuu Qu’aanku la gaar yahay?

C: Kalaamka Alle la mid ma aha hadalka dadka, ruuxii maqla ee u fiirsadaana, wuxuu yaqiinsan inaan aadami isaga oo kale keeni Karin. Carabtu, iyaga oo ah dad loo hibeeyay fasaaxad iyo balaaqad, ayuu hadana Alle ku careeyay7 inay Qur’aanka oo kale keenaan ama toban, ama hal suurad oo isaga la mida, illayn makhluuqu waligii keeni kari maayo hadalka khaaliqa oo kale. Dhab ahaan Qur’aanku wuxuu ku soo degay afcarabi si wacan wax u qeexa, awood wayna ku leh nafta, oo xitaa kuwa aan af carabigaba aqoonin, qaarkood waxa ku habsata haybad iyo cabsi kolkay Qur’aanka maqlaan, oo aniga qudhaydu qaar aan la kulmay, oon carab iyo muslimiin midnaba ahayn, oo aan Qur’aanka wax ka waydiiyay, waxay igu yidhaahdeen: cabsi iyo khushuuc baa na hantida goortaan Qu’aanka maqalno, qaar kalana waxayba sheegeen in timuhu haybaddaa awgeed isla taagaan kolkay Qur’aanka maqlaan.

J: Maxaad haddana Qur’aanka ka odhan?

C:Waxaa kale oo Qur’aanka mucjisnimadiisa caddayn inuu Alle kafaalo qaaday ilaalintiisa, oo Qur’aankii Nabiga lagu soo dajiyay (1400) oo sano ka hor, uu yahay kay muslimiintu maanta ku aqriyi bari iyo galbeed iyo meel walba, isagoon xaraf qudhihi iska beddelin, arrinkuna sidaas ayuu sii ahaan doonaa ilaa qiyaamada, laakin kutubtii hore oo dhan waxbaa laga badalay, oo ma jiro kitaab kaliya ,oo ku jooga sidii uu Alle kusoo dajiyay, sidaa darteedbaa la arkaa hal kitaab oo leh nuskhado (koobiyo) is wada khilaafsan, Qur’aankuse arrintaa wuu ka badbaaday, oo musxafka iyo laabtaba waa lagu xifdiyay, oo dad badanbaaba korka ka haya, oo haddii uu midi khalad aqriyo, durba waa lagu celin oo loo sixi, xitaa hadii uu salaadaba ku jiro.

J: Muxuu Qur’aanku ka warrami?

C: Wuxuu ka warrami kuwii innaga horreeyey, oo ah nabiyadii iyo rusushii iyo ummadihii, laga soo bilaabo Aadam ilaa soo bixiddii nabi Muxammad ( calayhim al-salaatu wassalaam), wuxuu ka warramaa aakhiru zamaanka waxa dhici doona, qiyaamada, xashriga8, jannada iyo naarta, wuxu ka warramaa kala xukminta dadka, iyo dariiqa loo maro, iyo cibaadada iyo siyaasada iyo dhaqaalaha… iwm.

Wax walibana Qur’aanka asal buu ku leeyahay, aqri aayadaha soo socda:

مَّا فَرَّطْنَا فِي الْكِتَابِ مِن شَيْءٍ
(الانعام (38)

“Ma jiro wax aanaan Qur’aanka9gudihiisa ku sheegin.”

[Suuradda (6aad) al-Ancaam, Aayadda 38]

(9) إِنَّ هَذَا الْقُرْآنَ يَهْدِي لِلَّتِي هِيَ أَقْوَمُ وَيُبَشِّرُ الْمُؤْمِنِينَ الَّذِينَ يَعْمَلُونَ الصَّالِحَاتِ أَنَّ لَهُمْ أَجْرًا كَبِيرًا
(10) وَأَنَّ الَّذِينَ لاَ يُؤْمِنُونَ بِالآخِرَةِ أَعْتَدْنَا لَهُمْ عَذَابًا أَلِيمًا
(الإسراء (9-10)

“Qur’aankani wxuu dadka ku hagaajin jidka ugu fiican, mu’miniinta camalka saalixa ah falana, wuxuu ugu bishaarayn inay ajri wayn leeyihiin, kuwa aan aakhiro rumaysnayna cadaab xanuun kulul baanu u diyaarinay.”

[Suuradda (17aad) al-Israa, Aayadda 9-10]

كِتَابٌ أَنزَلْنَاهُ إِلَيْكَ مُبَارَكٌ لِّيَدَّبَّرُوا آيَاتِهِ وَلِيَتَذَكَّرَ أُوْلُوا الأَلْبَابِ
(ص (29)

“Kani waa kitaab aanu kuu soo dajinay oo la barakeeyey, si ay aayaadkiisa uga fikiraan, kuwa caqliga lihina ugu waantoobaan.”

[Suuradda (38) Saad, Aayadda 29]

Wuxuu u jeedaa heshiiskii Nabiga iyo quraysh ku dhexmaray Xudaybiyah oo Makko duleedkeeda ah sanadkii 6aad ee hijrada.

[2] Waa magac hore oo loo aqoon jiray degaan ay ka mid yihiin halka ay dhacaan lubnaan iyo suuriya iyo falsdhiin ………

[3] Kay ruumku wayneeyaan
[4] Erayga islaamka uugu yeedha oo ah ash-haadada
[5] Culimada Yahuuda
[6] Saahidiinta nasaarada
[7] Ku yidhi car keena Qur’aaanka oo kale
[8] Isu keenidda dadka maalinta qiyaamo
[9] Kitaabka lawxul-maxfuudka waa lagu fasiray kitaabkaa .

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1496588
Today
Yesterday
All days
711
2720
1496588
2026-02-02 04:19

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_698025d9d2f6b5686069821770005977
title_698025d9d2fbd12249162351770005977
title_698025d9d300a17721468071770005977
title_698025d9d30566199432211770005977
title_698025d9d30a02825912951770005977
title_698025d9d30ec3182443541770005977

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_698025d9e0e8a15785957601770005977
title_698025d9e0ede15897737731770005977
title_698025d9e0f2c15736709111770005977
title_698025d9e0f7817778700231770005977

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com