USUULU TALAATA


Usuul


الأَصْلُ الثَّالِث: مَعْرِفَةُ نَبِيِّكُمْ مُحَمَّدٍ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ:وَهُوَ مُحَمَّدُ بْنُ عَبْدِ اللهِ بْنِ عَبْدِ الْمُطَّلِبِ بْنِ هَاشِمٍ، وَهَاشِمٌ مِنْ قُرَيْشٍ، وَقُرَيْشٌ مِنَ الْعَرَبِ، وَالْعَرَبُ مِنْ ذُرِّيَّةِ إِسْمَاعِيلَ بْنِ إِبْرَاهِيمَ الْخَلِيلِ عَلَيْهِ وَعَلَى نَبِيِّنَا أَفْضَلُ الصَّلاةِ وَالسَّلامِ، وَلَهُ مِنَ الِعُمُرِ ثَلاثٌ وَسِتُّونَ سَنَةً، مِنْهَا أَرْبَعُونَ قَبْلَ النُّبُوَّةِ، وَثَلاثٌ وَعِشْرُون َفى النبوة. نُبِّئَ ب (إقْراء) ، وَأُرْسِلَ ب (الْمُدَّثِّرْ)، وَبَلَدُهُ مَكَّةُ. بَعَثَهُ اللهُ بِالنِّذَارَةِ عَنِ الشِّرْكِ، وَبالَدْعُوة إِلَى التَّوْحِيدِ

:وَالدَّلِيلُ قَوْلُهُ تَعَالَى

{يَا أَيُّهَا الْمُدَّثِّرُ‌ قُمْ فَأَنذِرْ‌ وَرَ‌بَّكَ فَكَبِّرْ‌ وَثِيَابَكَ فَطَهِّرْ‌ وَالرُّ‌جْزَ فَاهْجُرْ‌ وَلَا تَمْنُن تَسْتَكْثِرُ‌ وَلِرَ‌بِّكَ فَاصْبِرْ‌}

وَمَعْنَى {قُمْ فَأَنذِرْ‌}  يُنْذِرُ عَنِ الشِّرْكِ، وَيَدْعُو إِلَى التَّوْحِيدِ

وَرَ‌بَّكَ فَكَبِّرْ‌} أَيْ: عَظِّمْهُ بِالتَّوْحِيدِ}

وَثِيَابَكَ فَطَهِّرْ‌} أَيْ: طَهِّرْ أَعْمَالَكَ عَنِ الشِّرْكِ}

وَالرُّ‌جْزَ فَاهْجُرْ‌} الرُّجْزَ: الأَصْنَامُ، وَهَجْرُهَا: تَرْكُهَا، وَالْبَرَاءَةُ مِنْهَا وَأَهْلُهَا}

أَخَذَ عَلَى هَذَا عَشْرَ سِنِينَ يَدْعُو إِلَى التَّوْحِيدِ، وَبَعْدَ الْعَشْرِ عُرِجَ بِهِ إِلَى السَّمَاءِ، وَفُرِضَتْ عَلَيْهِ الصَّلَواتُ الْخَمْسُ، وَصَلَّى فِي مَكَّةَ ثَلاثَ سِنِينَ، وَبَعْدَهَا أُمِرَ بالْهِجْرَةِ إِلَى الْمَدِينَةِ، وَالْهِجْرَةُ الانْتِقَالُ مِنْ بَلَدِ الشِّرْكِ إِلَى بَلَدِ الإِسْلامِ

وَالْهِجْرَةُ فَرِيضَةٌ عَلَى هَذِهِ الأُمَّةِ مِنْ بَلَدِ الشِّرْكِ إِلَى بلد الإِسْلامِ، وَهِيَ بَاقِيَةٌ إِلَى أَنْ تَقُومَ السَّاعَةُ

:وَالدَّلِيلُ قَوْلُهُ تَعَالَى

إِنَّ الَّذِينَ تَوَفَّاهُمُ الْمَلَائِكَةُ ظَالِمِي أَنفُسِهِمْ قَالُوا فِيمَ كُنتُمْ ۖ قَالُوا كُنَّا مُسْتَضْعَفِينَ فِي الْأَرْضِ ۚ قَالُوا أَلَمْ تَكُنْ أَرْضُ اللَّـهِ وَاسِعَةً فَتُهَاجِرُوا فِيهَا ۚ فَأُولَـٰئِكَ مَأْوَاهُمْ جَهَنَّمُ ۖ وَسَاءَتْ مَصِيرًا إِلَّا الْمُسْتَضْعَفِينَ مِنَ الرِّجَالِ وَالنِّسَاءِ وَالْوِلْدَانِ لَا يَسْتَطِيعُونَ حِيلَةً وَلَا يَهْتَدُونَ سَبِيلًا فَأُولَـٰئِكَ عَسَى اللَّـهُ أَن يَعْفُوَ عَنْهُمْ ۚ وَكَانَ اللَّـهُ عَفُوًّا غَفُورًا

:وَقَوْلُهُ تَعَالَى

يَا عِبَادِيَ الَّذِينَ آمَنُوا إِنَّ أَرْضِي وَاسِعَةٌ فَإِيَّايَ فَاعْبُدُونِ}     العنكبوت:56}

قَالَ الْبُغَوِيُّ (رَحِمَهُ اللهُ) :نزلت هَذِهِ الآيَةِ فِي المُسْلِمِينَ الَّذِينَ بِمَكَّةَ ولَمْ يُهَاجِرُوا، نَادَاهُمُ اللهُ بِاسْمِ الإِيمَانِ

وَالدَّلِيلُ عَلَى الْهِجْرَةِ مِنَ السُّنَّةِ، : قَوْلُهُ صلى الله عليه وآله وسلم

[لاَ تَنْقَطِعُ الْهِجْرَةُ حَتَّى تَنْقَطِعَ التَّوْبَةُ، وَلا تَنْقَطِعُ التَّوْبَةُ حَتَّى تَطْلُعَ الشَّمْسُ مِنْ مَغْرِبِهَ]

فَلَمَّا اسْتَقَرَّ فِي الْمَدِينَةِ أُمِرَ بِبَقِيَّةِ شَرَائِعِ الإِسْلامِ، مِثلِ: الزَّكَاةِ، وَالصَّوْمِ، وَالْحَجِّ، وَالأَذَانِ، وَالْجِهَادِ، وَالأَمْرِ بِالْمَعْرُوفِ وَالنَّهْيِ عَنِ الْمُنْكَرِ، وَغَيْرِ ذَلِكَ مِنْ شَرَائِعِ الإِسْلامِ، أَخَذَ عَلَى هَذَا عَشْرَ سِنِينَ، وَتُوُفِّيَ ـ صَلواتُ اللهِ وَسَلامُهُ عَلَيْهِ ـ وَدِينُهُ بَاقٍ. وَهَذَا دِينُهُ، لا خَيْرَ إِلا دَلَّ الأُمَّةَ عَلَيْهِ، وَلا شَرَّ إِلا حَذَّرَهَا مِنْهُ، وَالْخَيْرُ الَّذِي دَلَّهَا عَلَيْهِ التَّوْحِيدُ، وَجَمِيعُ مَا يُحِبُّهُ اللهُ وَيَرْضَاهُ، وَالشَّرُ الَّذِي حَذَّرَهَا مِنْهُ الشِّرْكُ، وَجَمِيعُ مَا يَكْرَهُ اللهُ وَيَأْبَاهُ. بَعَثَهُ اللهُ إِلَى النَّاسِ كَافَّةً، وَافْتَرَضَ طَاعَتَهُ عَلَى جَمِيعِ الثَّقَلَيْنِ الْجِنِّ وَالإِنْسِ

:وَالدَّلِيلُ قَوْلُهُ تَعَالَى

{قُلْ يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنِّي رَسُولُ اللَّـهِ إِلَيْكُمْ جَمِيعًا}

:وَكَمَّلَ اللهُ بِهِ الدِّينَ؛ وَالدَّلِيلُ قَوْلُهُ تَعَالَى

{الْيَوْمَ أَكْمَلْتُ لَكُمْ دِينَكُمْ وَأَتْمَمْتُ عَلَيْكُمْ نِعْمَتِي وَرَضِيتُ لَكُمُ الْإِسْلَامَ دِينًا}

:وَالدَّلِيلُ عَلَى مَوْتِهِ (صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وآله وَسَلَّمَ) قَوْلُهُ تَعَالَى

{إِنَّكَ مَيِّتٌ وَإِنَّهُم مَّيِّتُونَ ثُمَّ إِنَّكُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ عِندَ رَبِّكُمْ تَخْتَصِمُونَ }

وَالنَّاسُ إِذَا مَاتُواْ يُبْعَثُونَ

:وَالدَّلِيلُ قَوْلُهُ تَعَالَى

{مِنْهَا خَلَقْنَاكُمْ وَفِيهَا نُعِيدُكُمْ وَمِنْهَا نُخْرِجُكُمْ تَارَةً أُخْرَىٰ}

:وقَوْلُهُ تَعَالَى

{وَاللَّـهُ أَنبَتَكُم مِّنَ الْأَرْضِ نَبَاتًا ثُمَّ يُعِيدُكُمْ فِيهَا وَيُخْرِجُكُمْ إِخْرَاجًا}

وَبَعْدَ الْبَعْثِ مُحَاسَبُونَ وَمَجْزِيُّونَ بِأَعْمَالِهِمْ

:وَالدَّلِيلُ قَوْلُهُ تَعَالَى

{وَلِلَّـهِ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الْأَرْضِ لِيَجْزِيَ الَّذِينَ أَسَاءُوا بِمَا عَمِلُوا وَيَجْزِيَ الَّذِينَ أَحْسَنُوا بِالْحُسْنَى}

وَمَنْ كَذَّبَ بِالْبَعْثِ كَفَرَ

:وَالدَّلِيلُ قَوْلُهُ تَعَالَى

{زَعَمَ الَّذِينَ كَفَرُوا أَن لَّن يُبْعَثُوا ۚ قُلْ بَلَىٰ وَرَبِّي لَتُبْعَثُنَّ ثُمَّ لَتُنَبَّؤُنَّ بِمَا عَمِلْتُمْ ۚ وَذَٰلِكَ عَلَى اللَّـهِ يَسِيرٌ}

وَأَرْسَلَ اللهُ جَمِيعَ الرُّسُلِ مُبَشِّرِينَ وَمُنْذِرِينَ

:وَالدَّلِيلُ قَوْلُهُ تَعَالَى

{رُّسُلًا مُّبَشِّرِينَ وَمُنذِرِينَ لِئَلَّا يَكُونَ لِلنَّاسِ عَلَى اللَّـهِ حُجَّةٌ بَعْدَ الرُّسُلِ}

وَأَّولُهُمْ نُوحٌ (عَلَيْهِ السَّلامُ)، وَآخِرُهُمْ مُحَمَّدٌ (صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وآله وَسَلَّمَ) وَهُوَ خَاتَمُ النَّبِيِّينَ

وَالدَّلِيلُ عَلَى أَنَّ أَوَّلَهُمْ نُوحٌ قَوْلُهُ تَعَالَى:

{إِنَّا أَوْحَيْنَا إِلَيْكَ كَمَا أَوْحَيْنَا إِلَىٰ نُوحٍ وَالنَّبِيِّينَ مِن بَعْدِهِ}

وَكُلُّ أُمَّةٍ بَعَثَ اللهُ إِلَيْهِا رَسُولا مِنْ نُوحٍ إِلَى مُحَمَّدٍ (صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وآله وَسَلَّمَ) يَأْمُرُهُمْ بِعِبَادَةِ اللهِ وَحْدَهُ، وَيَنْهَاهُمْ عَنْ عِبَادَةِ الطَّاغُوتِ

:وَالدَّلِيلُ قَوْلُهُ تَعَالَى

وَافْتَرَضَ اللهُ عَلَى جَمِيعِ الْعِبَادِ الْكُفْرَ بِالطَّاغُوتِ وَالإِيمَانَ بِاللهِ

قَالَ ابْنُ الْقَيِّمِ (رَحِمَهُ اللهُ): مَعْنَى الطَّاغُوتِ مَا تَجَاوَزَ بِهِ الْعَبْدُ حَدَّهُ مِنْ مَعْبُودٍ أَوْ مَتْبُوعٍ أَوْ مُطَاعٍ. وَالطَّوَاغِيتُ كَثِيرُونَ وَرُؤُوسُهُمْ خَمْسَةٌ: إِبْلِيسُ لَعَنَهُ اللهُ، وَمَنْ عُبِدَ وَهُوَ رَاضٍ، وَمَنْ دَعَا النَّاسَ إِلَى عِبَادَةِ نَفْسِهِ، وَمَنْ ادَّعَى شَيْئًا مِنْ عِلْمِ الْغَيْبِ، وَمَنْ حَكَمَ بِغَيْرِ مَا أَنْزَلَ اللهُ.

:وَالدَّلِيلُ قَوْلُهُ تَعَالَى

لَا إِكْرَاهَ فِي الدِّينِ ۖ قَد تَّبَيَّنَ الرُّشْدُ مِنَ الْغَيِّ ۚ فَمَن يَكْفُرْ بِالطَّاغُوتِ وَيُؤْمِن بِاللَّـهِ فَقَدِ اسْتَمْسَكَ بِالْعُرْوَةِ الْوُثْقَىٰ لَا انفِصَامَ لَهَا ۗ وَاللَّـهُ سَمِيعٌ عَلِيمٌ

وَهَذَا هُوَ مَعْنَى لا إلٰه إِلا اللهُ

[وَفِي الْحَدِيث: [رَأْسُ الأَمْرِ الإِسْلامِ، وَعَمُودُهُ الصَّلاةُ، وَذِرْوَةُ سَنَامِهِ الْجِهَادُ فِي سَبِيلِ اللهِ

وَاللهُ أَعْلَمُ. وَصَلَّى اللهُ عَلَى مُحَمَّدٍ وَعلى آلٰه وَصَحْبِهِ وَسَلَّمَ


Asalka sedexaad (waa sedexdii asal ee uu kitaabka ku saabsanaa kiisii u dambeeyay) waa garasho Nabigiina Muxammed scw aad garataan, waana (Abtirsiimihiisa)
Muxammed Bin Cabdullaahi Bin Cabdulmudalib Bin Haashim, Haashimna Quraysh ayuu ka mid yahay, Qurayshna Carab ayay ka mid tahay, Carabna waa Durayadii(Dadkii ka farcamay) (Nabi) Ismaaciil cw, Inankii (Nabi) Ibraahiim Al-khaliil, ha ahaato korkiisa (Nabi Ibraahiim) iyo Nabigeena (Muxammed) korkiisa Naxariis iyo Nabad galyo mida ugu dheeraadka badan.
Cimrigiisa wuxuu gaaray Rasuulka scw): sedex iyo lixden sano,
waxaa ka mid ah afartan sano Nabinimada ka hor,
Iyo sedex iyo labaatan sano uu ahaa Nabi iyo Rasuul,
Waxaa Nabi lagaga dhigay Iqra (yacnii markii ay ku soo degtay suuratada iqra bilawgeeda markaas ayuu nabi noqday),
waxaana lagu soo diray Mudathir (yacnii markii ay ku soo degtay aayadaha hore ee suuratul-Mudathir markaas ayuu Rasuul noqday),
Beledkiisa wuxuu ahaa Makkah, wuxuuna u haajiray Madiinah. Wuxuu u soo saaray Allaah Rasuulka scw inuu (Dadka) kaga digo Shirkiga,Uguna yeero (Dadka) Tawxiidka.
Daliilkuna waa Qawlkii Allaah Sareeyey:
[Nabiga is dadadayoow] istaag oo dig*Rabigaagana waynee* dharkaagana daahiri Xumaantana (Shirkiga iyo Asnaamta) ka haajir * hana mana sheeganin adiga ooy kuula badan tahay waxaad sameesay * Rabigaana u Samir] Al-Mudathir aayad 1-7.
Macnaha {Kac oo dig}na waa : inuu ka digo Shirkiga uguna yeero (Dadka) Tawxiidka.
{Rabigaaga wayneeyna} macnaheeda waa: ku waynee Rabigaaga Tawxiidka,
{Dhargaagana daahiri}macnaheeduna waa: ka daahiri Acmaashaada (waxaa aad qabanaysid) Shirkiga.
{Sanamyadana ka haajir} Ar-rujz macnaheedana waa: Asnaamta
(Wa hajruhaa) na macanaheedu waa (tarkuhaa) ka tagideeda (yacnii in laga tago Asnaamta),
ٍ iyo in laga beri noqdo Asnaamta iyo Ehelkeeda.
Wuxuu ku qaatay (Rasuulka scw) arinkaan toban sano inuu Tawxiidka (Dadka) ugu yeero
Tobanka (sano) ka dibna waxaa loo qaaday Rasuulka scw Samada
Waxaana lagu soo waajibiyey Shanta Salaadood,
Makko wuxuu ku dukaday (Rasuulka scw) sedex sano
Ka dibna waxaa la amray inuu u haajiro xagaa iyo Madiinah.
Hijradana waa : ka guuritaan laga guuro Balad Shirki loona guuro Balad Islaam
Hirjadana waa ku waajib umadaan dusheeda
inay ka hijroodaan Balad Shirki una hijroodaan Balad Islaam,
Hijradana waa mid baaqi ah oo sii jiraysa ilaa ay ka dhacqo Saacada
Daliilkana waa Qawlkii Allaah T: {kuwa ay oof sanayso Malaa,igta Ayagoo nafsadahooda dulmiyay
Waxay yiraahdeen (Malaa,igta) maxaad ku sugneedeen Waxay dhaheen waxaanu ahayn kuwo lagu tabar yareeyey Dhulka (Malaa,igtii) waxay yiraahdeen miyaysan ahayn Arlada Allaah mid balaaran
oo aad u haajirtaan (kuwii ayagoo haajiri kara hijroon waayeen muxuu Allaah ku sheegay ? Waatanaa jawaabta) Kuwaasi meesha ay u hoyanaayaan waa Jahanamo meel loo noqdana Jahanama ayaa u xumaatay* Marka laga reebo kuwa aantabarta lahay oo ka mid ah Raga iyo Dumarka iyo Caruurta Ee aan awoodin Xeelad (ay kaga baxaan dhulka Gaalada) kuna toosi karin Jidka ( Qaab ay wadamada Islaamka ay ku gaaraan aan awoodin kuwaani Allaah ayaa u cudu daaray oo wuxuu yiri) Kuwaasi Allaah wuxuu mudan yahay inuu ka Cafiyo
Allaahna wuxuu ahaaday Mid Cafis badan oo Dambi dhaafid badan.}  Al-nisaa 97-99
(Waxaa kaloo Daliil u ah in hijradu ay waajib tahay) Qawlkii Allaaha Sareeyey:
[Adoomadaydiyeey Kuwa Xaqa Rumeeyow Arladayda way balaaran tahay ee Aniga Keligay I caabuda] Al-Cankabuut :56
Wuxuu yiri Albagawiyo rx :
sababta ay ku soo degtay aayadaani waa Muslimiintii Makka joogtay oo aan hijroonin,
Allaah wuxuu ugu dhawaaqay kuwaasi magaca Iimaanka
Daliilka Hijrada ku soo arooray ee dhanka Sunadana waa Qawlkii Rasuulka scw wuxuu yiri:
"Hijradu go,i mayso ilaa ay Tawbada ka go,do,Tawbadana (si guud) uma xirmayso ilaa ay Qoraxda ka soo baxdo halka ay u dhacdo".
Markuu Rasuulka scw nagaaday (sal dhigtay) Madiinah waxaa la amray Axlaamka Islaamka intii harsanayd sida:Zakada, iyo Soonka, iyo Xajka, iyo Jihaadka iyo Aadaanka, iyo Wanaag farida
iyo Xumaan reebida iyo wixii kaloo aan intaasi ahayn oo ka mid ah Sharaa,icda Islaamka Wuxuu ku qaatay arinkaan toban sanadood ka dibna waa la oofsaday Rasuulka scw.

Diintiisana waa Baaqi (oo way jirtaa ma aysan dhimanin) , waana tanaa Diintiisa (ina dhextaala),
Khayr uusan umada u sheegin ma jirto, Shar uusan uga diginna ma jirto,
Khayrkii uu (ummada) tusiyayna (uu u sheegayna) waa : Tawxiidka, iyo dhamaan wixii uu Allaah uu jecelyahay raalina uu ka yahay. Shartii uu (ummada) uga digayna waa : Shirkiga iyo dhamaan wixii Allaah uu neceb yahay uuna diidaayo.

Allaah wuxuu (Nabi Muxammed scw) u soo saaray Dadka oo dhan,
Wuxuuna Allaah ku waajibiyay inay adeecaan (Nabi Muxammed scw) dhamaan Mukalifiinta : Jinka iyo Insiga,
Daliilkana waa Qawlkii Allaah Sareeyey :
[waxaad tiraahdaa Dadaw waxaan ahay Rasuulkii Allaah oo adinka oo dhan la ii kiin soo diray] [suuratul-Acraaf aayada 158].
Wuxuuna Allaah (Nabi Muxammed) ku dhamaystiray Diinka,
Daliilkana waa Qawlkii Allaah Sareeyey:
[Maanta ayaan idin dhamaystiray Diinkiina, waxaana ku dhamaystiray dushiina Nicmadayda, waxaana idinkaga raali noqday Islaamka Diin ahaan] suuratul-Maa,idah aayda 5aad.
Waxaana u Daliil ah geerida Rasuulka scw Qawlkii Allaah Sareeyey:
[Waxaad tahay (Nabi Muxammedaw) mid dhimanaayo ayagana waa kuwo dhimanaayaan] Al-zumr, aayda 30 aad
[Kadibna Maalinta qiyaamo Rabigiina agtiisa ayaad ku doodaysaan] Al-Zumr, aayada 31 aad.
Dadkana marka ay dhintaan dib ayaa loo soo saarayaa,
Waxaana u Daliil ah (in Dadka dib loo soo saaraayo) Qawlkii Allaah Sareeyey :
[Xageedaan (Dhulka) idinka abuurnay, dhexdeedaana idinku celinaynaa, Xageedaana (Dhulka) idinka soo bixinaynaa markale] suuratu Daah, aayada :55aad,
Waxaa kaloo u daliil ah Qawlka Allaah Sareeyey:
Allaahna wuxuu idinka soo dhaliyay (inka soo saaray) Dhulka soo dhalin (soo saarid)*
[Ka dibna wuu idinku celinayaa dhexdeeda wuuna idinka soo saarayaa soo saarid] suuratu-Nuux aayadaha 17-18.
Isa soo saarida ka dibna (Dadka) waa kuwo la xisaabinaayo laguna abaalmarinaayo Acmaashooda (wixii ay horey u soo shaqeesteen), 

Waxaana u Daliil u ah Qawlkii Allaah Sareeyey:
[Si uu uga abaal mariyo kuwii xumaanta sameeyay wixii ay sameeyeen Ugana abaal mariyo Kuwii wanaaga sameeyeen Wanaag] Al-najm:31
Qofkiina beeniya Isa soo saarida wuu gaaloobay,
Daliilkana waa Qawlkii Allaah Sareeyey:
[waxay sheegteen kuwii gaaloobay inaan la soo saareenin Waxaad tiraahdaa haaye waxaan ku dhaartay Rabigeey waa la idin soo saarayaa oo la idin kaga waramayaa wixii aad camal fasheen arinkaasina Allaah waa mid u fudud]  Suuratu-Altagaabun aayada7.
Allaah wuu soo diray Rususha xaala ay yihiin kuwo bishaareenaya iyo kuwo digayayaaal
Daliilkana waa Qawlkii Allaah Sareeyey
[Waa Rusulo bishaareeyayaal iyo digayayaal ah si aysan Dadka xujo ugu yeelan Allaah ka dib Rasuulada] suuratu Al-nisaa aayada 165.
Kooda ugu horeeyay waa Nuux cs , kooda ugu dambeeyeyna waa Muxammed scw
Daliilka inuu kooda ugu horeeyey Nuur cs yahayna waa Qawlkii Allaah Sareeyey:
[Anagaa kuu waxyoonay sidaan ugu waxyoonay (Nabi) Nuux iyo Nabiyadii ka dambeeyay] Al-nisaa aayada 163.
Ummad walbana wuxuu allaah u soo saaray Rasuul laga soo bilaabo Nuux cs ilaa Muxammed cs,
Amraya Dadka Cibaadada Allaah keligiisa, kana reebaya Cibaadada Daaguutka (waxkastoo Allaah sukadiisa la caabudo),
Daliilkana waa Qawlkii Allaah Sareeyey:
[Dhab ahaantii waxaan ka soo dhex saarnay Ummad walba Rasuul (ula jeedada loo soo saarayna waa) inay caabudaan Allaah kana dheeraadaan Daaguutka] Al-naxl aayada 36 aad.
Wuxuuna Allaah ku waajibiyey dhamaan Adoomada inay ku kufriyaan Daaguutka , rumeeyaanna Allaah. 

Wuxuu yiri Ibnu-Alqayim rx Daaguutka waa: wixii uu Adoonka ka gudbo xadkiisa kaasoo ah mid la caabudo ama mid laraaco, ama mid la adeeco, Dawaagiit kana way badan yihiin madax doodana waa shan ( shanta golaha sare ee dawaagiitka) waa: Ibliis Allaah lacanadyee, Iiyo qofkii la caabuda asigoo raali ka ah, Iyo qofkii Dadka ugu yeera Cibaadada nafsadiisa, Iyo qof sheegta wax ka mid ah Cilmiga Maqan, Iyo qof dadka ku kala xukmiya (ugu kala gar qaada) wixii Allaah soo dejiyay waxaan ahayn. (in ay waajib tahay in lagu kufriyo Daaguutka lana rumeeyo Allaah) waxaa daliil u ah Qawlkii Allaah Sareeyey:

[Qasab ma aha Diinta (gelideeda), Hanuunka (Iimaanka) wuu ka cadaaday (ka soocmay) Baadida (Gaalnimada) Qofkii ku kufriya Daaguutka rumeeyana Allaah, dhab ahaantii Qofkaasi wuxuu qabsaday Guntintii adkeyd] Albaqra aayada 256aad.

Kanina waa macnaha Allaah Xaq lagu caabudo ma jiro Allaah mooyaanee. Xadiithna waxaa ku sugnaatay" Arinka (Diinka) madaxiisa waa Islaamka (Tawxiidka), tiirkiisana waa Salaada,
baarka kuruskiisana waa Jihaadka Wadada Allaah".
Allaah ayaana Ogaan badan, Nabad galyo iyo Naxariis/Amaan Nabi Muxammed dushiisa iyo Ahalkiisa iyo Asaxaabtiisa ha ahaato.


Sharax Usuulu Talaat






 

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Abdelqader1

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

673679
Today
Yesterday
All days
167
841
673679
2024-09-08 02:13

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_66dd0837963113242099321725761591
title_66dd0837964428645472501725761591
title_66dd0837965821210623521725761591
title_66dd0837966a92771348461725761591
title_66dd0837967c916927544151725761591
title_66dd0837968ce7172964571725761591

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_66dd083797c6d20357343991725761591
title_66dd083797d8f6269393741725761591
title_66dd0837aa56118173204781725761591
title_66dd0837aa6a09322744391725761591

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com