Saxaabada iyo dadkii raacay ee wanwanaagsanaa waxay ahaayeen kuwa aad ugu dadaala raacidda iyo ku dayashada sunnaha Nabiga صلى الله عليه وسلم) ) noloshooda waxay ku qaabeeyeen manhajkii uu Nabigu ( (صلى الله عليه وسلم baray, waxaa yool ay beegsadaan u ahaa muxuu Nabigu ( صلى الله عليه وسلم) yiri, siduu u dhaqmi jiray, waxay iskula dardaarmi jireen raacista Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) talaabo ma aysan qaadi jirin ilaa ay hubsadaan muxuu Nabigu ( صلى الله عليه وسلم) ka yiri arinkaasi, haddii loo sheegana sida uu yahay ayay u qaadan jireen su’aal ama muran kama aysan keeni jirin.

Culimadu waxay isku waafaqeen in dhammaan saxaabadu yihiin caadiliin aan shaki ku jirin cadaaladdooda, taana waxaa inooga filan amaanta iyo ka raalli noqoshada Alle (c) iyo Rasuulkiisa ay amaaneen kana raalli noqdeen.

Ibnu Cabbaas (h) markii uu fasirayay Aayaddan….

:قال تعالى

﴾ يوْمَ تبْيَضُّ وُجُوهٌ وََتسْوَدُّ وُجُوه ﴿َ

[سورة آل عمران: 106]

“Maalinta ay wajiyo cadaanayaan (nuurayaan) wajiyana ay madoobaanayaan”.

[Aala Cimraan:106]

Wuxuu yiri: “Kuwa ay wajiyadoodu cadaanayaan waa kuwa Ahlu Sunnaha oo ah kuwa sunnada Nabiga (صلى الله عليه وسلم) raacay iyo kuwa cilmiga u saaxiibka ah. Kuwa wajiyadoodu ay madoobaanayaan waa kuwa Ahlu bidaca ah iyo kuwa wadada sax ah ka lumay”.9

9 )72 / أصول الاعتقاد ) 1

Cabdullahi Ibnu Mascuud (h) wuxuu yiri:

“Qof kastoo idinka mid ah ee doonaya inuu sunnada Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) raaco, ha raaco sunnada dadkii dhintay, waayo qof nool fidno aamin loogama aha. Kuwaasi sunnadooda la raacayo waa saxaabadii Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) waxay ahaayeen kuwa ugu fadli badan Ummaddan, ugu qalbi baarisan, ugu cilmi badan, ugu xagjirnimo yar. Ilaahay (c) ayaa u doortay iney Nabigiisa la saaxiibaan, diintiisana oogaan, ogaada fadligooda, raacana raadkooda iyo siiradooda, waayo waxay ku sugnaayeen hanuunka toosan”.10

Cumar Ibnu Cabdulcasiis (r) wuxuu yiri: “Rasuulkii Alle iyo khulafadii ka danbeysay waxay noo jideeyeen sunnooyin, in la qaataana waxay ka mid tahay rumeynta kitaabka Alle, dhameystirka adeeciddiisa, iyo xoojinta diinta Alle, qofna ma badali karo, wixii ka duwanna lama eegi karo, qofkii ku daydo oo raaco wuu hanuunaa, qofkii ka beyraana wuxuu maray wadadii mu’miniinta midaanan ahayn, Ilaahay (c) shaydaan buu wali uga dhigaa jahanamana waa uu galiyaa meel loo hoydaana iyadaa ugu xun”.11

Al Awzaacii (r) wuxuu yiri:

“Waxaa la yiri: Shan ayay ku sugnaayeen Saxaabada Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) iyo dadkii ka danbeeyay ee wanaagga ku raacay, in Jamaacada la laasimo, in Sunnaha Nabiga la raaco, in Masaajidda la camiro, in Quraanka la akhriyo, in Wadada Alle (c) lagu jihaado”.12

Ibnu Qayyim(r) wuxuu yiri:

“Cumar Ibnu Khataab (h) markuu arin ku hammiyo ka dibna go’aansado, haddii lagu yiraahdo Rasuulkii Alle ma sameyn arinkan waa ka joogsan jiran arinkaasi”.13

logo 2


Facebook Liibaanta

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

3296344
Today
Yesterday
All days
529
2714
3296344
2026-10-17 06:33

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

JSN_TPLFW_GOTO_TOP
UongofuUongofu.com