Ibnu Xajar (r) wuxuu kitaabkiisa (Al Isaabah) ku yiri:
“Saxaabi waxaa la yiraahdaa qofkasta ee la kulmay Nabiga ( ,(صلى الله عليه وسلم rumeyayna kuna dhintay diinta Islaamka, waxaa arinkaasi soo galaya qofkii la kulmay ha dheeraato mudadii uu Nabiga ( صلى الله عليه وسلم), la joogay ama ha gaabnaato, wax ha ka wariyo ama yuusan ka warin, ha la duulaan tago ama yuusan la duulaan tagin, sidoo kale qofka arkay kaliya oo aan la fariisan iyo kan aan arag duruuf awgeed sida indho la’aan, intuba waxay soo galayaan iney yihiin saxaabadii Nabiga ( .”(صلى الله عليه وسلم
Waxaa aqoonsigaasi iyo qeexiddaasiba isku waafaqay culimadii muslimiinta sida Albukhari iyo Axmed Ibnu Xanbal ICM (iyo ciddii la mid ah).
Axmed Ibnu Xanbal (r) waxaa laga soo wariyaa inuu yiri:
“Saxaabi waxaa la yiraahdaa qof kasta ee Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) la kulmay mudadey doonta ha ahaato sanad, bil, maalin, saacad, qiimaha suxbadaasi waxay noqoneysaa qadarka uu Nabiga ( صلى الله عليه وسلم), la joogay ama la socday”.
Al Imam Cabduraxmaan Ibnu Abii Xaatim Ar Razi (rhl) wuxuu kitaabkiisa (Al Jarxu Wa Tacdiil ) ku yiri:
Saxaabada Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) waa kuwii goob joogga u ahaa waxyiga iyo soo dagiddii Quraanka, waa kuwii aqoonta u lahaa tafsiirkiisa iyo macneyntiisa, waana kuwii uu Ilaahay (c) u doortay iney Nabigiisa ( (صلى الله عليه وسلم la saaxiibaan una gargaaraan, diintiisana oogaan, xaqana muujiyaan, Ilaahayna uu suxbadaasi uga raali noqday, wixii uu Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) inoo jideeyay inoona sharciyeeyayna inoo xifdiyay, Ilaahay (c) wuxuu ku sharfay kuna karaameeyay suxbadaasi, dhammaantooda waa caadiliin waa imaamyadii hanuunka, xujadii diinta iyo soo gudbiyayaashii kitaabka iyo sunnaha inoo soo gubiyay”.

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix