Qiimaha saxaabada waxaa inooga filan Aayadaha uu Ilaahay (c) ku amaanay kuna cadeeyay inuu raalli ka yahay, muhaajiriin, ansaar iyo intii ka qeyb gashay Baycadii Ridwaan. Ilaahay (c) wuxuu ku tilmaamay iney gaalada ku ad adag yihiin lana dagaalamaan iyaga dhexdoodana isu naxariistaan, aad u cibaado badan yihiin rukuuc iyo sujuudba, fadliga iyo raalli ahaanshaha Alle (c) doonaan, wajiyadoodana ay ka muuqatoraadkii sujuudda.
وَالسَّابِقُونَ الأَوَّلُونَ مِنَ الْمُهَاجِرِينَ وَالأَنصَارِ وَالَّذِينَ اتَّبَعُوهُم بِإِحْسَانٍ رَّضِيَ اللَّهُ عَنْهُمْ وَرَضُواْ عَنْهُ وَأَعَدَّ لَهُمْ جَنَّاتٍ تَجْرِي تَحْتَهَا الأَنْهَارُ خَالِدِينَ فِيهَا أَبَدًا ذَلِكَ الْفَوْزُ الْعَظِيمُ
[سورة التوبة: 100]
Ilaahay (c) sareeyee wuxuu yiri:
“Kuwii ku hormaray -khayrka- ee horeeyay oo ka mid ah Muhaajiriin iyo Ansaar iyo kuwii ku raacay wanaagga, Allaa ka raalli noqday, iyaguna raalli ayay ka noqdeen, wuxuuna u diyaariyay jannooyin ay wabiyaal dhex socdaan, waligoodna ay ku waarayaan, taasi waa liibaan weyn”. [At Towba:100]
لَقَدْ رَضِيَ اللَّهُ عَنِ الْمُؤْمِنِينَ إِذْ يُبَايِعُونَكَ تَحْتَ الشَّجَرَةِ فَعَلِمَ مَا فِي قُلُوبِهِمْ فَأَنزَلَ السَّكِينَةَ عَلَيْهِمْ وَأَثَابَهُمْ فَتْحًا قَرِيبًا
[سورة الفتح: 18]
Alle sareeyee wuxuu yiri:
“Ilaahay wuu ka raalli noqday Mu’miniinta markii ay kugula mubaayacoonayeen geedka hoostiisa, wuu ogaaday waxa quluubtooda ku sugan, wuxuuna ku soo dajiyay xasilooni, wuxuuna ku abaalmariyay fatxi(guul) dhaw”. [Alfatx:18]
مُّحَمَّدٌ رَّسُولُ اللَّهِ وَالَّذِينَ مَعَهُ أَشِدَّاء عَلَى الْكُفَّارِ رُحَمَاء بَيْنَهُمْ تَرَاهُمْ رُكَّعًا سُجَّدًا يَبْتَغُونَ فَضْلا مِّنَ اللَّهِ وَرِضْوَانًا
[سورة الفتح: 29]
Alle Sareeyee wuxuu yiri:
“Muxammad waa Rasuulkii Alle, kuwa la jirana waxay ku ad adag yihiin gaalada, iyaga dhexdoodana way isu naxariistaan, waxaad arkeysaa iyaga oo rukuucsan oo sujuudsan , dalbanaya deeqda Alle iyo raalli ahaanshihiisa”. [Alfatx:29]
:و في الصحيحين
:عَنْ عِمْرَانَ بْنِ حُصَيْنٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا قَالَ: قَالَ النَّبِيُّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ
(( خَيْرُأمتي قَرْنِي، ثُمَّ الَّذِينَ يَلُونَهُمْ، ثُمَّ الَّذِينَ يَلُونَهُمْ، ثُمَّ يَكُونُ بَعْدَهُمْ قَوْمٌ يَشْهَدُونَ وَلَا يُسْتَشْهَدُونَ، وَيَخُونُونَ وَلَا يُؤْتَمَنُونَ، وَيَنْذُرُونَ وَلَا يَفُونَ، وَيَظْهَرُ فِيهِمْ السِّمَنُ ))
Labada saxiix (Bukhari iyo Muslim) waxay wariyeen in Cimraan Ibnu Xuseyn (h) uu yiri:
“Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) wuxuu yiri:
“Ummaddeyda waxaa ugu khayr badan qarnigeyga, ka dibna kuwa ku xiga, ka dibna kuwa ku sii xiga”. Waxyaabaha facaasi Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) la saaxiibay ugu khayr bateen waxa weeye, iney raaceen xilli ay dadku ku kufriyeen, iney rumeeyeen xilli ay dadku beeniyeen, u gargaareen xoojiyeenna diintii uu la yimid, naftoodana u hureen, maalkoodiina ku xiriiriyeen, soo dhaweeyeen xilli ay dadku fogeeyeen, la dagaalameen dadkii Islaamka colaadiyay ugu danbeyntiina gacantoodii uu Islaamka ku xoogeystay.

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix