234- {wuxuu nabigu s.c.w dawaafay
baytka isagoo saaran rakuub( awr),
markasta oo uu yimaado tiirka uu ku jiro
dhagaxa madow( xajar-aswadka), wuxuu
ku fiiqayay shay uu haystay (ul) , wuuna
takbiirsanayay, (allaahu akbar)}.
117- Ducada u dhaxaysa ruknil yamaaniga iyo xajarul-aswadka.

235- {rabbanaa aatinaa fiddunyaa xasanatan wa fil aakhirati xasanatan, wa
qinaa cadaabannaar}.
«rabbiganow nasii aduunka dhexdiisa
wanaag, aakhiro dhexdeedana wanaag,
nagana ilaali cadaabka naarta».
118- Ducada joogsashada safa iyo
marwa.

236- {markii uu u soo dhawaaday rasuulku s.c.w buurta safa, wuxuu akhriyey
aayadan{innasafaa wal-marwata min
shacaa-irillaahi…} waxaan ku billaabayaa
wuxuu ilaahay ku billaabay} wuxuuna
ku bilaabay safo, wuuna koray, illaa uu
ka arkay bayta, wuxuuna istiqbaalay
qiblada, ilaahayna wuu waxiday, wuuna
weyneeyey, wuxuuna yiri:{laa ilaaha illallaahu waxdahu laa shariika lahu lahul
mulku walahu al-xamdu wahuwa calaa
)193(
kulli shay-in qadiirun, laa ilaaha illalaahu
waxdahu anjaza wacdahu, wanasara
cabdahu, wa hazamal-axzaaba waxdahu} kadib wuu duceeyay,intii u dhaxaysay
intaas, wuxuuna yiri ducadan saddex
mar} xadiiskan waxaa kaloo ku jiray, in
uu sameeyay buurta marwana sida uu
sameeyay buurta safa}.
119- Ducada maalinta carafo.

237- {Duco waxaa ugu khayr badan
ducada maalinta carafo, waxa ugu khayr
badan een dhahay aniga iyo anbiyadii iga
horaysayba{ laa ilaaha illallaahu waxdahu laa shariika lahu, lahul-mulku wa
lahul xamdu wa huwa calaa kulli shay-in
qadiirun }.
< ilaah majiro xaq lagu caabudo ilaahay
mooyee, kaligii, ma laha wadaage wax la
wadaaga, wuxuu leeyahay boqornimada,
wuxuuna leeyahay mahadda, wax
walbana wuu karaa >.
120- xussidda ilaahay mashcaril xaraamka agtiisa.

238- { Wuxuu fuulay rasuulku s.c.w
hashiisii la oranjiray qaswaa, ilaa uu ka
yimid mashcaril xaraamka, kadib wuxuu
u qaabilay qiblada, markaasuu duceeyey
oo uu baryay ilaahay, wuuna wayneeyey,
wuxuuna yidhi (laa ilaaha illaahu), wuuna
waxiday) kama uusan suulin inuu taagnaado ilaa waagu ka guduutay si aad
ah, kadibna wuu dhaqaajiyey intaysan
soo bixin cadceedu (qorraxdu) } .
121- Allaahu akbar oo la dhaho marka la
tuurayo dhagaxa(jamaraatka).
{ wuxuu dhahayaa (allaahu
akbar) markasta oo uu ku tuuro
quruuraxa(dhagaxa) jamaraatka saddexda ah, kadibna horay ayuu u
soconayaa,wuuna istaagayaa isagoo
ducaynaya una jeeda qiblada, kadib gacmahana kor u dalacaya, jamrada hore iyo
ta labaadba. Laakiin jamratul-caqaba(ta
weyn) wuu tuurayaa mana ducaynayo,
wuxuuna leeyahay marka uu tuurayo
dhagax kasta allaahu akbar, kadibna wuu
tagayaa, mana istaagayo agteeda}.
122- Ducada wax ka yaabidda, iyo arinka
farxada leh.

240- {subxaanallaahi ! }
“ilaahay ayaa ka huffan xumaan iyo
ceeba”.

241-{Allaahu akbaru} <> ilaahaybaa weyn

123 –Waxa uu yeelayo qofka ay u timaado arrin uu ku farxo.

242- { Wuxuu ahaa rasuulku s.c.w haddii
ay u timaado arrink uu ku farxo ama lagu
farxo, kii dhaca sujuud shukri naqid uu u
shukri naqayo ilaahayga barakada badan
ee sarreeya}.
124– Waxa uu dhahayo qofka ka dareema
xanuun jidhkiisa.

243- {Saar gacantaada meesha ku
xanuunaysa kadibna dheh:{bismillaah,
saddex jeer, dhehne tadoba jeer: acuudu
billaahi wa qudratihi min sharri maa ajidu
wa u xaadiru}.
“magaca ilaahay. waxaan uga magan
galayaa ilaahay, iyo awoodiisa waxa aan
helayo (i haya) sharkiisa iyo waxa aan ka
digtoonahayba>> .
125- Ducada qofka ka cabsada inuu

244- { haddii uu ka arko midkiin walaalkiis, ama naftiisa ama maalkiisa
wax uu ka helay oo uu u bogay, ha ugu
duceeyo barako iyo barwaaqo, ishu waa
xaq (dhab)} .
126- Waxa la dhaho marka la argagaxo.

245- {laa ilaaha illallaah}
“ilaah xaq lagu caabudo majiro ilaahay
mooyee”.
127- Waxa uu dhahayo markuu qalayo
ama gawracayo.

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Abdelqader1

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

673529
Today
Yesterday
All days
17
841
673529
2024-09-08 00:35

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_66dcf15e967941053182781725755742
title_66dcf15e9688a17067000551725755742
title_66dcf15e9698114303490681725755742
title_66dcf15e96a6b16044784461725755742
title_66dcf15e96b5112894178061725755742
title_66dcf15e96c3612289044991725755742

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_66dcf15e97bbf2052891211725755742
title_66dcf15e97cc010894416281725755742
title_66dcf15e97db216451457221725755742
title_66dcf15e97ea020127754761725755742

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com