61.Ducada dabaysha.

166- {allahumma innii as-aluka khayrahaa, wa acuudu bika min sharrihaa}.
< allow anigu waxaan ku waydiisanayaa
khayrkeeda (dabaysha), waxaana kaa
magan-galayaa sharkeeda > .

167- {allaahumma innii as-aluka khayrahaa, wa khayra maa fiihaa, wa khayra
maa ursilat bihi, wa acuudu bika min
sharrihaa wa sharri maa fiihaa, washarri
maa ursilat bihi}.
“allow waxaan ku weydiisanayaa
khayrkeeda iyo khayrka ku sugan
dhexdeeda, iyo khayrka loo soo diray,
waxaana kaa magangalayaa sharkeeda
iyo sharka ku sugan dhexdeeda, iyo
sharka loo soo diray”.
62. Ducada onkadka.

168- {subxaanalladii yusabixurracdu bixamdihi wal malaaikatu min khiifatihi}.
“xumaan ilaahaybaa ka hufan allihii
onkadku ku tasbiixsanaya mahadiisa,
malaaigtuna ku tasbiixsanayso cabsidiisa darteed”.
63. Ducada roobdoonka.

169- { allahumma asqinaa qaythan muqiithan marii-an mariican, naafican qayra
daarrin, caajilan qayra aajilin}.
< allow na waraabi roob, na
roobeeya(biyo dhiga), jidiinkana mara,
doogna noo bixiya, waxna anfacaya
waxna aan dhibayn, dagdagna ah oona
daahaynin».

170-{ Allahumma aqithnaa,
Allahumma aqithnaa,
Allahumma aqithnaa }.
< allow roob nasii, allow roob nasii, allow
roob nasii > .

171- {allaahumma isqi cibaadaka wa
bahaaimaka wanshur raxmataka waxyi
baladaka almayita}
“allow waraabi adoomahaaga iyo
xoolahaaga , faafina naxariistaada,
nooleena baladkaagan dhintay(abaarta
ah).
64- Ducada marka uu arko roobka.

172- {allaahumma sayyiban naafican}.
“allow ka dhig roob shubma, oo wax
anfaca”.
65-Ducada la dhaho roobka kadib.

173- {mudirnaa bifadlillaahi wa raxmatihi}
“waxaa nalagu roobeeyay
dheeraadka(gallada) alle iyo naxariistiisa
sababteed”.
66. Ducooyinka dalbashada roob wareeji
nta(hareeramarka).

174- { allahumma xawaalaynaa walaa
calaynaa. Alahumma calal aakaami wa
diraabi, wa buduunil awdiyati, wa manaabitishshajari}.
< allow geesaha na mari roobka, oo
korkanaga ha marin, allow ku da-sii
taagaga, iyo buuraha yaryar, iyo togaga
dhexdooda iyo meelaha dhirtu ay ka
baxdo».
67.Ducada marka la arko bisha.

175- {allaahu akbar, allaahumma ahilhu
calaynaa bil amni wal iimaani, wassalaamati wal-islaami wattowfiiqi limaa
tuxibbuhu wa tardaa rabunaa wa rabuka
allaahu}.
“ilaahaybaa weyn, allow noogu bilsii bishan amni iyo iimaan, nabadgalyo iyo islaam, iyo waafajin waxa aad jeceshahay,
rabiganow, raalina aad katahay, rabiganaga iyo rabigaaguba waa ilaahay”.
68. Ducada afurka{marka la afurayo}.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1800692
Today
Yesterday
All days
1180
1257
1800692
2026-06-18 17:41

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a342db64dad19313182921781804470
title_6a342db64db219375959681781804470
title_6a342db64db6d5835368431781804470
title_6a342db64dbb89390265881781804470
title_6a342db64dc0316433798731781804470
title_6a342db64dc4e18501189861781804470

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a342db661b5517474441511781804470
title_6a342db661ba916908859601781804470
title_6a342db661bf919827012991781804470
title_6a342db661c462242856761781804470

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com