113 - {acuudu bikalimaatillahi,attaamm
aati min qadabihi, wa ciqaabihi wa shari
cibaadihi wa min hamazaatishayaadiin,
wa an yaxduruun}
“waxaan uga magan galayaa erayada
alle ee dhamays tiran, caradiisa, iyo
ciqaabtiisa, iyo sharka adoomihiisa,
iyo waswaaska shayaadiinta iyo inay ii
yimaadaan > .
31- Waxa uu yeelayo qofku haddii uu
arko riyo xun.

114 - {wuxuu u tufayaa saddex jeer dhinaciisa bidix, ((kadibna shaydaanka ayuu
iska naari)) (saddex jeer).
{Qofna ugama sheekaynayo riyadiisa}.
(( kadib wuxuu isku rogi dhinicii uu u jiifay
mooyee dhinaca kale)).

115- {haddii uu doono ha istaago oo ha
tukado}.
32- Ducada qunuutka ee witriga.

116- {Allahummahdinii fiiman hadayta, wa
caafinii fii man caafayta, wa tawallanii
fii man tawallayta, wa baarik lii fiimaa
acdayta, wa qinii sharra maa qadayta,
fa>innaka taqdii walaa yuqdaa calayka,
innahu laa yadillu man waa layta, walaa
yacizu man caadayta, tabaarakta rabbanaa wa tacaalayta}.
< allow i hanuuni kuwaad hanuunisay
dhexdooda, i caafina kuwaad caafisay
dhexdooda, igana wali noqo kuwa aad
waliga ka noqotay dhexdooda, iina
barakee waxa aad i siisay, igana ilaali
waxa aad qadartay sharkiisa,adigu allow
waad qadartaa (xukuntaa) ,laguumana
qadaro,(xukumo) ma dulloobo qofkaad
wali ka yeelato(noqoto), mana
cissoobo(liibaano) qofkaad la collowdo >.

117 – {allahumma innii acuudu biridaaka
min sakhadika, wa bi mucaafaatika min
cuquubatika, wa acuudu bika minka, la
uxsii thanaa>an calayka, anta kamaa
athnayta calaa nafsika}.
< allow anigu waxaan uga magan
galayaa caradaada raalinimadaada,
ciqaabkaagana nabadgaliyadaada iyo
cafiskaaga, adaana kuu magan galayaa,
ma koobi karo ammaan korkaaga, adigu
waa sida aad isku amaantay >.

118 – {allahumma iyyaaka nacbudu,
wa laka nusallii wa nasjudu, wa ilayka
nascaa wa naxfidu, narjuu raxmataka wa
nakhshaa cadaabaka, inna cadaabaka
bilkaafiriin mulxaq, allahumma innaa
nastaciinuka, wa nastaqfiruka, wa nuthnii
calaykal-khayra walaa nakfuruka, wa
nu>minu bika, wa nakhdacu laka, wa
nakhlacu man yakfuruka}.
< allow adigaan ku caabudaynaa,
adigaana kuu tukanaynaa, kuuna
sujuudaynaa, xaggaaga ayaan usoo
ordaynaa oon usoo cararaynaa,waxaan
rajaynaynaa naxariistaada, waxaana
ka cabsanaynaa cadaabkaaga,
cadaabkaaga aad cadaabayso gaalada
waa mid haleelaya, allow annagu kaalmo
ayaan ku waydiisanaynaa, danbi dhaafna
waan ku waydiisanaynaa, khayrna waan
kugu ammaanaynaa, kuguna gaaloobi
mayno, waana ku rumaynaynaa, waana
kuu dulloobaynaa, waana siibanaynaa
(nacaynaa) qofkii kugu gaalooba>> .
33. Ducada marka laga baxo salaada
witriga

119- {subxaanal-malikil qudduusi}saddex
mar, marka saddexaad kor ayuu u dhahayaa isagoo dhahaya:
{rabbil maa-ikati warruuxi}. «rabigii
malaaigta iyo malaku jibriil>> .
«waxaa xumaan ka hufan ilaahayga
boqorka ah ee ka nasahan ceeb iyo
xumaan».
34.Ducada walwalka iyo walbahaarka

120- {allahumma innii cabduka bnu
cabdika bnu amatika naasiyatii biyadika
cadlun fiyya qadaauka maadin fiyya
xukmuka, as-aluka bikullismin huwa laka
sammaytahu bihi nafsaka aw anzaltahu
fii kitaabika aw callamtahu axadan min
khalqika aw istatharta bihi fii calmil-qaybi
cindaka antajcala alquraana rabiica qalbii wa nuura sadrii wa jalaa-a xuznii wa
dahaaba hammii}
< allow anigu waxaan ahay adoonkaaga,
iyo wiilkii adoonkaaga, iyo wiilkii
adoontaada, foodaydu(hogaagkaygu)
waxay ku sugantahay gacantaada,
xukunkaagu wuu igu socdaa
qadahaaguna(waxa aad ii qadarto)
waa cadaalad dhexdayda, waxaan
kugu weydiisanayaa magac kasta ood
leedahay, kaas ood u bixisay naftaada
amase aad kusoo dajisay kitaabkaaga
dhexdiisa, amase aad bartay qof kamid
ah uunkaaga amase aad ku gaar yeeshay
agtaada cilmiqaybka dhexdiisa, in aad
ka yeesho quraanka weyn qaboojiyaha
qalbigayga, iyo nuurka laabtayda, iyo
faydaha walbahaarkayga, iyo tagsiiyaha
murugadayda ama walwalkayga”.

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Feed not found.

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1207695
Today
Yesterday
All days
2099
1925
1207695
2025-09-03 20:45

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_68b8a8d5f209f18003766391756932309
title_68b8a8d5f217310195728041756932309
title_68b8a8d5f22516213040161756932309
title_68b8a8d5f23201649979351756932309
title_68b8a8d5f23ed20515699551756932309
title_68b8a8d5f24ba19639103261756932309

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_68b8a8d5f31c85616333381756932309
title_68b8a8d5f329e19963933041756932309
title_68b8a8d5f337221155664581756932309
title_68b8a8d5f344112078013291756932309

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com