73- {allaahumma innii as-aluka cilman
naafican,wa risqan dayyiban, wa camalan mutaqabbalan}.
< allow waxaan ku waydiisanayaa cilmi
wax-tar leh, iyo irsaaqad xalaal ah, iyo
camal suuban oo la aqbalo > .
26. Ducada istikhaarada (kala
doorashada laba arimood midii roon).

74 – Wuxuu yiri jaabir ibnu cabdillaah alle ha ka raali ahaadee isaga iyo
aabihiiba: wuxuu ahaa rasuulku s.c.w
kii nabara istikhaarada(kala doorashada
laba arimood midii roon) arimaha oo
dhan sida uu noo baro suurada quraanka, wuxuu dhihijiray: haddii uu damco
midkiin arinta, ha tukado labo rakcadood
oo faral ahayn (suno ah) kadibna ha
yiraahdo:{allaahumma inni astakhiiruka
bi cilmika wa astaqdiruka bi qudratika
wa as-aluka min fadlika fa innaka taqdiru
walaa aqdiru, wa taclamu walaa aclamu
wa anta callaamul quyuub, allaahumma
in kunta taclamu anna haadal-amra(wuu
magacaabayaa baahidiisa) khayrun
lii fii diinii wa macaashii wa caaqibati
amrii faqdurhu lii wa yassirhu lii, thumma
baariklii fiihi, wa inkunta taclamu anna
haadal-amra sharrun lii fii diinii wa dunyaaya wa macaashii wa caaqibati amrii
fasrifhu cannii wasrifnii canhu, waqdur
liyal-khayra xaythu kaana, thumma ardinii bihi}
“allaw ii door laba arimood middii
roon,anigoo kugu waydiisanaya
cilmigaaga iyo awoodaada darteed,
waxaana ku weydiisanayaa fadligaag
a,(dheeraadkaaga) waayo, adigu allow
waad kartaa mana karo, waad ogtahayna
,mana ogi waxaadna tahay ogaanshebadane wixii maqan oo dhan,(qaybabka)
allow haddii aad ogtahay in arinkani(wuu
magacaabayaa baahidiisa) khayr u
yahay diintayda,nolashayda iyo cidhib
dembeedka arinkayga, ( ama wuxuu
dhahayaa: arinkayga kiisa dagdaga
ah iyo kiisa dambeeya) allow ii qadar
iina fududee, haddaadse allow ogtahay
in arinkani shar u yahay diintayda iyo
nolashayda iyo waliba cirib dambeedka
arinkayga allow iga weeci, anigana iga
jeedi, iina qadar khayrku meesha uu
yahay , kadibna igu raali gali”.
( ma qoomamoodo qof istikhaarooday
khaaliqa, lana tashaday kuwa la abuuray
ee muminiinta ah, kadibna arintiisa ka
)84(
fiirsaday, ilaahay subxaanahu wuxuu yiri:
((kala tasho asxaabtaada arinka, marka
aad go>aansatana ilaahay tala saaro)).
27.Ducooyinka subaxdii iyo galabtii
{al-xamdu lillah waxdahu wassalaatu
wassalaamu calaa man laa nabiyya
bacdahu}.
“mahad ilaahbay u sugnaatay kaligiis,
naxariis iyo nabadgalyana ha ahaato
nabiga uusan nabi ka dambayn”
77- {asbaxnaa wa asbaxal mulku lillaah,
walxamdu lillaah laa ilaaha illallaahu
waxdahu laa shariika lahu, lahulmulku
wa lahul xamdu wa huwa calaa kulli
shay-in qadiir,rabbi as-aluka khayra maa
fii haadalyowm, wa khayra maa bacdahu,
wa acuudu bika min sharri maa fii haadal
yowm wa sharri maa bacdahu, rabbi
acuudu bika minal kasali, wa suuil-kibari,
rabbi acuudu bika min caddabin finnaar
wa cadaabin fil-qabri}
“waan waabariisanay, boqornimaduna
wey waabariisatay iyadoo usugan
ilaahay, mahad ilaahay ayaa leh, ilaah
xaq lagu caabudaana majiro ilaahay
mooyee kaligii, cid wax lawadaagtana
malaha, wuxuu leeyahaya boqornimada,
wuxuuna leeyahayna mahadda, shay
kastana wuu karaa, rabbiyow waxaan
ku weydiisanayaa (inaad i siiso) khayrka
maalintan iyo khayrka kadambeeya,
waxaan kaa magangalayaa sharka
maalintan iyo sharka kadambeeya,
rabbiyow waxaan kaa magangalayaa
caajiska, waxaana kaa magan galayaa
gabow-xumi, rabbiyow waxaan
kaa magan galayaa cadaab naarta
dhexdeeda ah iyo cadaab qabriga
dhexdiisa ah”
78 - {allaahumma bika asbaxnaa wa
bika amsaynaa wabika naxyaa wabika
namuutu wa ilaykannushuur}
“allow sababtaada ayaan ku
waabariisanay, sababtaadaana
ku galabaysanay, sababtaadaana
ku noolnahay sababtaadaana ku
dhimanaynaa, xagaaguuna ahaaday
soobixitaanku”
79 .{allahumma anta rabbii laa ilaaha
illaa anta khalaqtanii wa anaa cabduka
wa anaa calaa cahdika wa wacdika
mastadactu,acuudu bika min sharri maa
sanactu wa abuu>u laka binicmatika
calayya wa abuu>u bidambii faqfirlii fa
innahu laa yaqfiruddunuuba illaa anta}
«allow adigu waxaa tahay rabbigay,
ilaah majiro adiga mooyee, adigaa
i abuuray, aniguna waxaan ahay
adoonkaaga, waxaana ku suganahay
balankaagii iyo yaboohaagii intaan
awooday, waxaan kaa magangalayaa
sharka aan sameeyay,waan kuu qirayaa
nicmada aad ii nicmaysay,waana qirayaa
danbigayga,ee ii dambi dhaaf, ma dhaafo
dambiyada adiga mooyee».
ducadan waa duco aad u weyn, qofka
yiraahdana isagoo yaqiinsan kadibna
dhinta isla habeenkiisaas, janno unbuu
horay ka gali.
hiduka-ush asbaxtu innii allahumma -
wa ush-hidu xamalata carshika wa malaa-ikatika wa jamiica khalqika annaka
antallaahu laa ilaaha illaa anta waxdaka
laa shariika laka, wa anna muxammadan
cabduka wa rasuuluka} (afar jeer)
marka aad galabaysatid ku badal
erayga (allahumma innii asbaxtu) erayga
(allahumma innii amsaytu)
“allow aniga waagaa iibaryey anigoo ku
marag galinaya, makhraatigalinayana
xambaarayaasha carshigaaga, iyo
malaa-igtaada iyo dhamaan uunkaaga
inaad tahay adigu ilaahay. ilaah majiro
adiga mooyee kaligaa, malihid wadaage,
nabi muxammadna waa adoonkaagii iyo
ergaygaagii”
(qofkii dhaha afar jeer subaxdii iyo
galabkiiba ilaahay wuxuu ka xorayn
naarta).
81- {allahumma maa asbaxa bii min
nicmatin aw bi axadin min khalqika faminka waxdaka laa shariika laka, falaka
alxamdu walakal-shukru}.
Waxaad ku badashaa galabtii
areyga allahumma maa asbaxa
areygan:(allahumma maa amsaa} qofka
dhaha ducadan subaxdii wuu gudtay
maalintiisaas mahadnaqa rabigiis, qofkii
yiraahdana galabkii isaguna wuu gudtay
mahadnaqa rabbigiis habeenkiisaas.
“allow waxa aan ku waabariistay oo
nimco ah, ama uu ku waa bariistay
qof kale oo uunkaaga kamid ah, adiga
xagaaga ayuu kasugnaaday kaligaa,
cid wax kula wadaagtana ma lihid, allow
waxaa kuu sugnaaday mahad iyo shukri”

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Abdelqader1

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

673541
Today
Yesterday
All days
29
841
673541
2024-09-08 00:51

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_66dcf50bb54e321004889031725756683
title_66dcf50bb55c97942629531725756683
title_66dcf50bb56937230473111725756683
title_66dcf50bb575a3293001711725756683
title_66dcf50bb581f3673664941725756683
title_66dcf50bb58ed20269508111725756683

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_66dcf50bb65a319050551701725756683
title_66dcf50bb667010637619091725756683
title_66dcf50bb673b10323612691725756683
title_66dcf50bb68038699522351725756683

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com