FIQHI CIBAADAAT


 twahara


WAXYAABAHA AAN U BANNAANAYN QOFKA JINAABAYSAN:

QOFKA JINAABAYSAN WAXA KA XAARAAN AH ARIMAHAN SOO SOCDA:

1-Salaadda

2- Dawaafka

Labadaa arrimood (salaadda iyo dawaafka) waxaynu hore ugu soo aragnay markaan ka hadlaynay waxyaabaha u baahan in loo weysa qabo.

3- Taabadashada iyo qaadidda Musxafka (Kitaabka Qur'aanka ah) Asxaabtu iskumay khilaafin inay xaaran tahay in qof jinaabaysani uu taabto ama qaado kitaabka Qur'aanka ah. Daa'uud iyo Ibnu Xazm oo banneeyay arrintaa waxay daliishadeen Xadiis al-Bukhaari iyo Muslim ay soo weriyeen “Inuu Rasuulku s.c.w . warqad u diray boqorkii Harqal warqaddaas oo uu Rasuulka Alle s.c.w. ku bilaabay: “Bismillaahi Raxmaani Raxiim . Ilaa uu yidhi: Dheh ahlul kitaabow isugu keen keena odhaah aan u simannahay annaga iyo idinkuba oo ah inaynaan caabudin wax aan Alle ahayn oo aynaan una shariig yeelin. .

Ibnu Xazm wuxuu yidhi mar haddii Rasuulkii Alle s.c.w uu nin gaal ah u diray warqad ay ku qoran yihiin Aayado Qur'aan ah oo uu Rasuulku s.c.w ogaana inay Harqal iyo dadkiisa oo gaalo markaa ahaa taaban doonaan warqaddaa, qof jinaabaysan oo Muslim ah inuu kitaabka taabto waxba kama xaaraan timaynayaan. Culimada intooda kale waxay arrintaa kaga jawaabtay iyagoo yidhi: “Waxba kuma jabna haddii uu qof jinaabaysani taabto kitaab ka kooban Aayado Qur'aan ah iyo erayo kale sida kutubta tafsiirka iyo fiqiga. Waayo kuwaa Musxaf looma yaqaano. Hase yeeshee, waxa mamnuuc ah Musxafka (kitaabka ka kooban Qur'aanka oo keliya) in la taabto.
4- Akhriga Qur'aanka: Qofka jinaabaysan (ama xayd leh) waa ka xaaraan inuu akhriyo Qur'aanka ama Aayado Qur'aan ah. Sidaa waxa laga soo weriyey inuu Cali bin Abii Daalib (Ihkra) yidhi: “Rasuulka Alle s.c.w wax iska hor taagi jiray inuu akhriyo Qur'aanka may jirin aan ahayn jinaabada. ” (Asxaabta Sunanka ayaa soo weriyey, at-Tirmidi iyo qaar kalena way saxiixeen). Al-Xaafid wuxuu ku sheegay kitaabkiisa Al-Fatx inay culimada qaar yidhaahdeen dadka Xadiiska soo weriyey qaarkood waa daciif.
Laakiin xaqu wuxuu yahay inuu Xadiisku xasan yahay xujona lagu oogi karo Sidoo kale, Cali bin Abii Daalib (Ihkra) waxa laga soo weriyey inuu yidhi: Waxaan arkay Rasuulka Alle s.c.w oo weysaysanaya oo intuu Aayado Qur'aan ah akhriyy yidhi:“Sidaas ayaa u bannaan qofkii aan jinaabaysnayn. Hase yeeshee, qofkii jinaabaysan uma bannaana inuu akhriyo Qur'aanka Aayadna ha ahaatee.” (Axmad iyo Abu Yacla ayaa soo weriyey. Al-Haythamina wuxuu yidhi dadka laga soo xigtay waa lagu kalsoon yahay
Ash-Shawkaani wuxuu yidhi: Haddii uu Xadiisku saxiix yahay inoogu filan daliil caddeeya inay xaaraan tahay inuu qof jinaabaysani akhriyo Aayado Qur’aanka ka mid ah. Laakiin Xadiiska hore kuma cadda inay arrintaasu xaaraan tahay. Waxa keliya uu Xadiiska hore ina tusayaa inay caadada Rasuulku s.c.w ahayd in aanu Qur’aanka akhriyin markuu jinaabaysan yahay. Axaadiis kale oo kaa la mid ah ayaa iyana tilmaamaya in aanay karaahiyo arrintaa ku jirin. Sidaas darteed, sidee Xadiiskaa looga dhigan karaa daliil arrintaa xaaraan ka dhigaya? Al-Bukhaari, ad-Dabaraani, Abuu Daa’uud iyo Ibnu Xazm waxay u banneeyeen qofka jinaabaysan (ama xayd leh) inuu Qur’aanka akhriyi karo. Al-Bukhaari wuxuu yidhi: Ibraahiim wuxuu yidhi:
Al-Albaani wuxuu tilmaamay inuu Xadiisku daciif yahay.

“Waxba kuma jabna inay haweenay xayd lihi akhrido Aayado Qur’aanka ka mid ah.” Ibnu Cabbaas isaguna umuu arki jirin inay wax ku jaban yihiin inuu qof jinaabaysani Qur’aanka akhriyo. Nebigun S.c.w Alle wuu xusi jiray goor kasta. AlXaafid Ibnu Xajar oo arrintaa ka faaloonayaa wuxuu yidhi: “Kitaabka saxiixa ah ee alBukhaari kuma jiro Xadiis keliya oo qofka jinaabaysan ama xaydka leh u diidaya inuu Qur’aanka korka ka akhriyo.” Inkastoo Axaadiis badan oo ka soo horjeeda sida Saxiix al-Bukhaari ku cad ay jiraan, haddana badankoodu waxay u baahan yihiin in tafsiirkooda loo fiirsado.

5-Joogidda Masjidka: Qofka jinaabaysan ama xaydka leh waa ka xaaraan inuu galo ama dhex joogo Masjid. Sidaa wuxuu Rasuulku s.c.w inoogu caddeeyay Xadiis Caa’isha (Ihkra) laga soo weriyey inay tidhi: “Wuxuu Rasuulku s.c.w arkay guryihii Asxaabta oo iridohoodu Masjidka Rasuulka ku soo jeedaan. Wuxuu yidhi: “Iridaha guryihiina ka jeediya Masjidka.” Markaasuu Rasuulku galay Masjidkii iyadoo aan Asxaabti waxba falin oo ay sugayaan inuu Ilaahay waxyi soo dejiyo u fasaxaya arrintaa ay faleen. Rasuulkii ayaa ku soo baxay isgoo leh: “Iridiha guryihiina ka jeediya Masjidka umana ogoli qof jinaabaysan ama xayd leh Masjidka.” (Abuu Daa'uud ayaa soo weriyey). Ummu Salamah iyadana (Ihkra) waxa laga soo weriyey inay tidhi: “Rasuulka Alle s.c.w ayaa u soo baxay daaradda Masjidkan, markaasuu kor ugu dhawaaqay: “Masjidka looma ogola gabadh xayd leh iyo qof jinaabaysan midna.” (Ibnu Maajah iyo ad-Dabaraani ayaa soo weriyey).
Labadaa Xadiis waxay inoo caddaynayaan in aan qof jinaabaysan ama xayd leh loo ogolayn Masaajidda. Hase yeeshee, qofku wuu dhex mari karaa Masjidka isagoo jinaabaysan ama xayd leh haddii uu waayo marin (irrid) kale oo uu ka baxo. Sidaa Nasruddiin al-Albaani iyo koox kale oo culimada ka mid ahi waxay ku tilmaameen Xadiiskan daciif. Mana aha laba Xadiis oo kala gooniya ee waa Xadiisk keliya (Eeg Daciif Sunan Abii Daa’uud).

wuxuu Alle casa wajala inoogu caddeeyay Qur’aanka kariimka ah isagoo yidhi: Kuwa xaqa rumeeyayow salaadda ha u dhowaanina idinkoo sakhraansan, idinkoo garan kara waxaad ku dhawaaqaysaan mooyee ama idinkoo jinaabaysan inaad ka gudubtaan mooyee, ilaa aad maydhataan. (An-Nisaa'a: 43).

Jaabir (Ihkra) wuxuu yidhi: “Qofka naga mid ahi wuu dhex mari jiray Masjidka isagoo jinaabaysan markuu irrid kale waayo.” (Ibnu Abii Shaybah ayay weriyey iyo Saciid bin Mansuur oo isna sunankiisa ku soo weriyey).
Zayd bin Aslam wuxuu isna yidhi: “Asxaabta Rasuulku s.c.w way dhex mari jireen Masjidka iyagoo jinaabaysan.” (Ibnul Mundir ayaa soo weriyey). Yaziid bin Xabiib wuxuu isna yidhi: “Ansaarta rag ka mid ah ayaa iridaha guryohoodu ay Masjidka ku soo jedeen. Markay jinaabo la kulanto biyo may heli kari jirin ama meel ay biyaha u maraan iyagoo Masjidka dhex mara mooyee. Markaasuu Alle casa wajala soo dejiyay: Ama idinkoo jinaabaysan inaad ka gudubtaan mooyee (Ibnu Jariir adDabarii ayaa soo weriyey).

Ash-Shawkaani oo arrintaa ka faaloonayaa wuxuu yidhi: “Arintaasu waa arrin aad u qeexan oo meelnaba aanu shaki ka soo geli karin.” Caa’isha (Ihkra) waxay tidhi: Wuxuu mar Rasuulku s.c.w igu yidhi: “Dharka iigasoo qabo Masjidka.” Waxaan ku idhi: Xayd ayaan leeyahay. Wuxuu yidhi: “Xaydkaagu gacantaada kuma yaalo.” (Jamaacada ayaa soo werisay al-Bukhaari mooyee). Macnihii way kuu bannaan tahay inaad ii soo qabato Maymuunah iyana (Ihkra) waxay tidhi: “Rasuulku s.c.w intuu mid naga mid ah (xaasakiisa) u soo galo iyadoo xayd leh ayuu madixiisa dhabteeda saari jiray oo Qur’aan akhriyi jiray iyadoo xayd leh. Markaasay mid naga mid ahi intay kacdo dharkiisa Masjidka soo dhigi jirtay iyadoo xayd leh.” (Axmad iyo an-Nasaa’i ayaa soo weriyey cid u marag furtana wuu leeyahay Xadiisku)
Alle wuu xusi jiray goor kasta. AlXaafid Ibnu Xajar oo arrintaa ka faaloonayaa wuxuu yidhi: “Kitaabka saxiixa ah ee alBukhaari kuma jiro Xadiis keliya oo qofka jinaabaysan ama xaydka leh u diidaya inuu Qur’aanka korka ka akhriyo.” Inkastoo Axaadiis badan oo ka soo horjeeda sida Saxiix al-Bukhaari ku cad ay jiraan, haddana badankoodu waxay u baahan yihiin in tafsiirkooda loo fiirsado.

5-Joogidda Masjidka: Qofka jinaabaysan ama xaydka leh waa ka xaaraan inuu galo ama dhex joogo Masjid. Sidaa wuxuu Rasuulku s.c.w inoogu caddeeyay Xadiis Caa’isha (Ihkra) laga soo weriyey inay tidhi: “Wuxuu Rasuulku s.c.w arkay guryihii Asxaabta oo iridohoodu Masjidka Rasuulka ku soo jeedaan. Wuxuu yidhi: “Iridaha guryihiina ka jeediya Masjidka.” Markaasuu Rasuulku galay Masjidkii iyadoo aan Asxaabti waxba falin oo ay sugayaan inuu Ilaahay waxyi soo dejiyo u fasaxaya arrintaa ay faleen. Rasuulkii ayaa ku soo baxay isgoo leh: “Iridiha guryihiina ka jeediya Masjidka umana ogoli qof jinaabaysan ama xayd leh Masjidka.” (Abuu Daa'uud ayaa soo weriyey). Ummu Salamah iyadana (Ihkra) waxa laga soo weriyey inay tidhi: “Rasuulka Alle s.c.w ayaa u soo baxay daaradda Masjidkan, markaasuu kor ugu dhawaaqay: “Masjidka looma ogola gabadh xayd leh iyo qof jinaabaysan midna.” (Ibnu Maajah iyo ad-Dabaraani ayaa soo weriyey).
Labadaa Xadiis waxay inoo caddaynayaan in aan qof jinaabaysan ama xayd leh loo ogolayn Masaajidda. Hase yeeshee, qofku wuu dhex mari karaa Masjidka isagoo jinaabaysan ama xayd leh haddii uu waayo marin (irrid) kale oo uu ka baxo. Sidaa Nasruddiin al-Albaani iyo koox kale oo culimada ka mid ahi waxay ku tilmaameen Xadiiskan daciif. Mana aha laba Xadiis oo kala gooniya ee waa Xadiisk keliya (Eeg Daciif Sunan Abii Daa’uud).

wuxuu Alle casa wajala inoogu caddeeyay Qur’aanka kariimka ah isagoo yidhi: Kuwa xaqa rumeeyayow salaadda ha u dhowaanina idinkoo sakhraansan, idinkoo garan kara waxaad ku dhawaaqaysaan mooyee ama idinkoo jinaabaysan inaad ka gudubtaan mooyee, ilaa aad maydhataan. (An-Nisaa'a: 43).
Jaabir (Ihkra) wuxuu yidhi: “Qofka naga mid ahi wuu dhex mari jiray Masjidka isagoo jinaabaysan markuu irrid kale waayo.” (Ibnu Abii Shaybah ayay weriyey iyo Saciid bin Mansuur oo isna sunankiisa ku soo weriyey).
Zayd bin Aslam wuxuu isna yidhi: “Asxaabta Rasuulku s.c.w way dhex mari jireen Masjidka iyagoo jinaabaysan.” (Ibnul Mundir ayaa soo weriyey). Yaziid bin Xabiib wuxuu isna yidhi: “Ansaarta rag ka mid ah ayaa iridaha guryohoodu ay Masjidka ku soo jedeen. Markay jinaabo la kulanto biyo may heli kari jirin ama meel ay biyaha u maraan iyagoo Masjidka dhex mara mooyee. Markaasuu Alle casa wajala soo dejiyay: Ama idinkoo jinaabaysan inaad ka gudubtaan mooyee (Ibnu Jariir adDabarii ayaa soo weriyey).

Ash-Shawkaani oo arrintaa ka faaloonayaa wuxuu yidhi: “Arintaasu waa arrin aad u qeexan oo meelnaba aanu shaki ka soo geli karin.” Caa’isha (Ihkra) waxay tidhi: Wuxuu mar Rasuulku s.c.w igu yidhi: “Dharka iigasoo qabo Masjidka.” Waxaan ku idhi: Xayd ayaan leeyahay. Wuxuu yidhi: “Xaydkaagu gacantaada kuma yaalo.” (Jamaacada ayaa soo werisay al-Bukhaari mooyee). Macnihii way kuu bannaan tahay inaad ii soo qabato Maymuunah iyana (Ihkra) waxay tidhi: “Rasuulku s.c.w intuu mid naga mid ah (xaasakiisa) u soo galo iyadoo xayd leh ayuu madixiisa dhabteeda saari jiray oo Qur’aan akhriyi jiray iyadoo xayd leh. Markaasay mid naga mid ahi intay kacdo dharkiisa Masjidka soo dhigi jirtay iyadoo xayd leh.” (Axmad iyo an-Nasaa’i ayaa soo weriyey cid u marag furtana wuu leeyahay Xadiisku)


logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

788962
Today
Yesterday
All days
1578
779
788962
2024-12-21 16:50

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6766f1c34563d7443990701734799811
title_6766f1c34571312439664731734799811
title_6766f1c3457e312847851741734799811
title_6766f1c3458b011592362901734799811
title_6766f1c34597b13360613691734799811
title_6766f1c345a4f17085539001734799811

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6766f1c3467b39815314851734799811
title_6766f1c3468857586840251734799811
title_6766f1c34695317498034581734799811
title_6766f1c346a2a17525905571734799811

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com