FIQHI CIBAADAAT
WAQTIYADA UU QUSULKU UU HABBOON YAHAY
Lixda arrimood ee aan hoos ku sheegi doono qofkii aan falini ciqaab mudan maayo hase yeeshee, ajar dheeraad ah ayaa ku jira in la falo.
1. Jimcaha: Waxa habboon inuu qofka Muslimka ahi qusul (maydhasho tifaftiran) sameeyo maalinta Jimcaha intaanu salaadda Jimcaha u bixin ka hor. Diinta Islaamku waxay ina faraysaa inaguna adkaynaysaa in aynu qusul samayno maalinta Jimcaha si aan u ilaashano cibaadada iyo nadaafadda jidhkeena. Abii Saciid (Ihkra) wuxuu sheegay inuu Rasuulku salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Qusulka Jimcuchu waa ku waajib qof kasta oo qaan-gaadh ah, iyo inuu cadar marsado qofkii haystaa.” (Al-Bukhaari iyo Muslim ayaa soo weriyey). Erayga waajib wuxuu markan tilmaayaa inuu qusulku mustaxab yahay Rasuulkuna salallaahu caleyhi wasalam inagu adkeeyay sida maalinta Jimcaha.
Sidaa waxa daliil u ah Xadiiska uu al-Bukhaari ka soo weriyey Ibnu Cumar: Inuu Cumar bin al-Khadaab (Ihkra) maalin Jimce ah isagoo khudbaynaya uu Masjidka soo galay Cuthmaan (Ihkra) oo ka mid ahaa Muhaajiriintii hore ee Asxaabta Rasuulka salallaahu caleyhi wasalam. Markaasuu Cumar kor u dhawaaqay oo yidhi: Maxay tahay goortaad socotaa? Wuxuu yidhi: Waan mashquulay oo gurigaygii waan tegi kari waayey. Markaan Eedaanka maqlayna weyso wax ka badan waan ka gaadhsiin waayey. Wuxuu Cumar yidhi: Ma weyso keliya adigoo og inuu Rasuulku salallaahu caleyhi wasalam qusul inagu amri jiray?” Ash-Shaafici oo arrintaa ka faalooday wuxuu yidhi: “Mar haddii aanu Cuthmaan salaaddii ka tegin si uu qusul u soo sameeyo, isla markaana aanu Cumar ku amrin inuu sidaa falo. Waxay ina tusaysaa inay labadooduba ogaayeen inuu qusulku yahay wax qofkii rabaana samayn karo kii kalena dhaafi karo. Hase yeeshee uu mustaxab yahay.
Muslim wuxuu Abuu Hurayra ka soo weriyey inuu Nebigu salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Qofkii weysaysta ee weysada dhamaystira, salaadda Jimcahana yimaada ee khudbadda degaysta aamusana, waa loo dembi dhaafaa wixii labada Jimce u dhexeeya iyo saddex maalmood oo kale oo dheeraad ah.”
Qurdubii wuxuu yidhi: “Daliilka Xadiiskaa ku cad gunaanadkiisu wuxuu yahay inuu qusulku mustaxab yahay maalinta Jimcaha. Weysada iyo ajarka kale ee uu Xadiisku tilmaamayna waxay ina tusayaan inay weysadu ku filan tahay.” Al-Xaafid Ibnul Xajar wuxuu ku sheegay kitaabka at-Talkhiis inuu Xadiiskaasu yahay daliilka ugu xoogga badan ee inoo caddaynaya in aanu qusulku farad ahayn maalinta Jimcaha. Qusulka Jimcuhu waa mustaxabna macnihiisu wuxuu yahay qofkii qusulka dhaafa maalinta Jimcaha wax dhibaato ahi salaadda qofkaa sooma gaadhayaan. Hase yeeshee, haddii dadka kale ay dhibsadaan dhididka ama qofka aan qusulka samaynin urtiisa xun iwm., qusulku waajib ayuu noqonayaa in laga tagaana xaaraan ayay noqonaysaa. Culimada koox ka mid ahina waxay qabaan inuu qusulka Jimcuhu waajib yahay xattaa haddii qofka qusulka iska dhaafaa aanu wax dhibaato ah gaadhsiinayn dadka kale. Culimadaas oo daliishanaya Xadiiska Abuu Hurayra laga soo weriyey inuu Nebigu salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Waa xaq lagu leeyahay qof kasta oo Muslim ah inuu todobaadkiiba maalin maydho jidhkiisa iyo madixiisaba.” (Al-Bukhaari iyo Muslim ayaa soo weriyey oo iyagu qaatay macnaha daahirka ah ee Axaadiista baabkan ku soo aroortay, isla markaana dhinac maray Axaadiista ka soo hor jeeda Xadiiskan Abuu Hurayra laga soo weriyey).
Waqtiga qusulka Jimcaha la samaynayaa wuxuu bilaabmaa fajarka ilaa salaadda Jimcaha inta u dhexaysa. Waxa mustaxab ah uguna fiican in la maydho marka salaadda loo baxayo. Qofkii isagoo maydhay ay weysadu ka jabto waxa ku filan inuu mar labaad weysaysto oo keliya, mana aha inuu mar labaad maydho. Al-Athram wuxuu yidhi: Waxaan maqlay iyadoo Axmad la waydiinayo qofka maydha ee ay weysadu ka jabto miyay weyso kale oo keliyi ku filan tahay? Wuxuu yidhi: “Haa, manaan maqal wax ka koreeya Xadiiska Ibnu Abzii.” Wuxuu Imaam Axmad u jeedaa Xadiiska uu Ibnu Abii Shaybah ka soo weriyey Cabdur-Raxmaan Ibnu Abzii oo ka soo tebiyey aabihii oo Saxaabi ahaa in markuu aabihii Jimcaha u maydho haddii uu weysajabo aanu mar labaad maydhan jirin. Waqtiga qusulku wuxuu dhamaadaa marka salaadda Jimcuhu dhamaato. Sidaas darteed, qofkii maydha marka salaadda Jimcuha laga soo dareero wixii ka dambeeya maaha qof qusulkii Jimcaha sameeyay, mana aha qofka sidaa falaa mid amarkii Rasuulka salallaahu caleyhi wasalam raacay. Arintaasu waxay ku salaysan tahay Xadiiska Ibnu Cumar laga soo weriyey inuu Nebigu salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Qofkii idinka mid ah ee salaadda Jimcaha imanayaa waa inuu maydho.” (Jamaacada ayaa soo werisay). Lafdi uu Muslim ku soo weriyeyna wuxuu yahay: “Qofkii idinka mid ah ee raba inuu Jimcaha yimaado waa inuu maydho.” Ibnu Cabdul-Barr wuxuu yidhi: Sidaa ayuu Ijmaaca culimadu yahay.
2. Ciidaha: Qusulku wuxuu mustaxab yahay oo kale maalmaha Ciidaha. In kastoo aanu jirin Xadiis saxiix ah oo arrintaa ku soo arooray. Qoraaga kitaabka Al-Badrul Muniir wuxuu yidhi: “Axaadiista qusulka maalmaha ciidaha sheegaysaa waa daciif. Hase yeeshee, raadad xoog leh oo arrintaa tilmaamaya ayaa Asxaabtii Rasuulka salallaahu caleyhi wasalam laga soo tebiyay.”
3. Maydhidda maydka: Waxay culimo fara badani qabaan inay mustaxab tahay in qofkii maydha mayd qof dhintay uu qusul sameeyo. Abii Hurayra (Ihkra) waxa laga soo weriyey inuu Nebigu salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Qofkii mayd maydhaa waa inuu maydho (qusul), kii qaadaana waa inuu weysaysto.” (Axmad iyo Asxaabta Sunanka ayaa soo weriyey iyo qaar kale).
Culimada qaar way dhaleeceeyeen Xadiiskaa. Cali bin al-Madaayin, Axmad, Ibnul Mundir iyo ar-Raaficii iyo qaar kaleba waxay yidhaahdeen: Culimada Xadiiska midkoodna muu soo tebinin wax saxiix ah oo baabkaa khuseeya. Laakiin al-Xaafid Ibnu Xajar wuxuu yidhi: At-Tirmidi wuxuu yidhi waa xasan, Ibnu Xibbaanna wuu saxixay Xadiiskaa. Waxana laga yaabaa inuu Xadiisku xasan yahay marka laga eego dariiqooyinka faraha badan ee lagu soo weriyey. An-Nawawi wuu diiday odhaahda atTirmidi ee ah Xadiisku waa xasan. Ad-Dahabina wuxuu yidhi: Silsiladaha lagu soo weriyey Xadiisku way ka xoog badan yihiin Xadiisyo kale oo ay fuqahadu daliishadeen. Nuxurka Xadiiskuna wuxuu tilmaamayaa inay habboon tahay inuu maydho qofkii maydha qof geeriyooday. Waxa sidaa taageeraya Xadiiska Cumar (Ihkra) laga soo weriyey inuu yidhi: “Markaanu mayd maydhno qaarkayo way maydhan jireen, qaarna may maydhan jirin.” (Al-Khaddiib ayaa sanad saxiix ah ku soo weriyey). Sidoo kale, Asmaa’ bint Cumays markay maydhay ninkeedii Abuu Bakar asSiddiiq (Ihkra) markuu geeriyooday, waxay ku tidhi Muhaajiriinta kuwii aaska joogay: “Maanta waa maalin qabow waanaan soomanay ee miyuu qusul igu waajibay? Waxay yidhaahdeen: Maya.” (Imaam Maalik ayaa soo weriyey).
4. Ixraamka Xajka ama Cumrada: Waxa habboon qofkii u kicitima Xaj ama Cumro inuu qusul sameeyo intaanu dharka Ixraamka xidhanin ka hor siday culimada badankoodu (al-Jamhuur) qabaan. Zayd bin Thaabit (Ihkra) wuxu sheegay “Inuu arkay Rasuulka Alle ومدلم ليده و ودل oo mar uu Xaj u kacay qusul sameeyay.” (Waxa soo weriyey Ad-Daaraqudni iyo al-Bayhaqi, iyo at-Tirmidi oo yidhi waa xasan. Al-Cuqaylii isaguse wuxuu yidhi waa daciif).
5. Gelitaanka Makka: Qofkii raba inuu galo Makka waxa habboon inuu gelitaanka ka hor qusul sameeyo. Ibnu Cumar (Ihkra) waxa laga soo weriyey: “In markuu maago inuu Makka galo uu u hoyan jiray Duwaa. Dabadeetana maalinnimada uu Makka geli jiray. Wuxuu sheegayna inuu Nebigu salallaahu caleyhi wasalam sidaa fali jiray.” (AlBukhaari iyo Muslim ayaa soo weriyey).
Ibnul Mundir wuxuu yidhi culimada oo dhammi waxay qabaan inay mustaxab tahay in qusul la sameeyo marka Makka la gelayo. Hase yeeshee, qofkii aan qusul samaynin dembi muu gelin fidyana laguma laha. Culimada qaarkoodna waxay leeyihiinba weyso keliya ayaa ku filan.
6. Istaagga Carafa: Haddii Xaj loo kicitimo waxa habboon in qusul la sii sameeyo intaan Carafa la istaagin ka hor. Imaam Maalik wuxuu ka soo weriyey Naafic (Ihkra) “Inuu Cabdullah bin Cumar qusul samayn jiray ixraamka ka hor, markuu Makka gelayo iyo markuu Carafa istaagayaba.”
Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix