FIQHI CIBAADAAT


 twahara


ISTICMAALKA MUSQUSHA

Asluubta (adaabta) isticmaalka musqusha waxa lagu soo koobi karaa dhawr iyo tobanka arrimood ee hoos ku taxan:
1. Ma habboona in lala galo mushqusha shay magaca Alle uu ku qoran yahay, haddii aan laga baqaynin inuu shaygaasu daayacmo ama la xado. Waxa Anas bin Maalik laga soo weriyey inuu yidhi: “Nebiga Alle Salallaahu caleyhi wasalam wuxuu lahaa kaatun ay ku qoran tahay Muxammad Rasuulu-Laah oo markuu musuqusha isticmaalayo uu iska saari jiray.” (Afarta Imaam ayaa soo weriyey).
Al-Xaafid Ibnu Xajar wuxuu yidhi Xadiiskanu waa macluul, Abuu Daa'uudna wuxuu yidhi waa munkar. Hase yeeshee, Xadiiska intiisa hore waa Saxiix.
2. In dadka laga fogaado layskana qariyo gaar ahaan marka la saxaroonayo si aan dadka kale wax ugu urin dhawaaqna aanay u maqlin. Jaabir (Ihkra) wuxuu yidhi: “Mar aanu Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam safar u raacnay musqusha markuu u kaco wuu naga fogaan jiray oo cidi may arki jirin.” (Ibnu Maajah ayaa soo weriyey). Lafdi kale oo Abuu Daa’uud uu ku soo weriyeyna wuxuu yahay: “Markuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam musqusha u kaco wuu fogaan jiray ilaa aanay cidi arki karin.” Lafdi kale oo Abuu Daa’uud leeyahayna wuxuu yahay: “Markuu Nebigu Salallaahu caleyhi wasalam musqusha u baxo wuu fogaan jiray.”
3. In Bisinka lagu dhawaaqo lana cawdu-billaysto marka mushqusha la gelayo ama dharka layska dhigayo. Anas (Ihkra) wuxuu sheegay “Inuu Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam odhan jiray markuu musqusha gelayo: Bismillah, Allahumma innii acuudu bika minal khubuthi wal khabaa’ith (Ilaahow waxaan kaa magan galay shayaadiinta lab iyo dhadigba) .” (Jamaacada ayaa soo werisay).
Dahaarada _ 41
4. Inaan haba yaraatee la hadalin marka musqusha lagu jiro. Xatta salaanta waa inaan la celinin, mu'adinka adimayana aan waxba laga daba odhan. Hase yeeshee, qof indha la' in la toosiyo (gargaaro) ama la tilmaamo waa la ogol yahay. Haddii uu qof musqusha ku dhex hindhiso waa inuu Ilaahay u mahad celiyo isagoo aan kor u dhawaaqin dibnahana aan dhaqaajin. Ibnu Cumar (Ihkra) wuxuu sheegay: “Inuu nin salaamay Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam oo kaadjaya oo Rasuulku uu salaantii celin waayey.” (Jamaacada ayaa soo werisay al-Bukhaari mooyee).

Sidoo kale, Abii Saciid (Ihkra) wuxuu sheegay inuu maqlay Rasuulka Alle
Salallaahu caleyhi wasalam oo leh: “Waa in aanay sheekaysan laba qof oo saxaroonayaa cawradooduna ay qaawan tahay, waayo Ilaahay aad ayuu u neceb yahay arrinkaa.” (Axmad, Abuu Daa'uud iyo Ibnu Maajah ayaa soo weriyey).
Xadiiskanu wuxuu ina tusayaa inay arrintaasu xaaraan tahay. Balse, jamaacada Islaamku waxay u arkeen inay karaahiyo ku jirto arrintaa hase yeeshee, aanay xaaraan ahayn.
5. Waa inaan la waajihin Qiblada dabadana aan loo jeedin marka la kaadjayo ama la saxaroonayo (khaas ahaan marka la joogo bannaan aan Qiblada wax idiin dhexaynin). Abuu Hurayra wuxuu sheegay inuu Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Markaad saxaroonaysaan ha wajihina Qiblada, dabadana ha u jeedinina.” (Axmad iyo Muslim ayaa soo weriyey).

Arinta Xadiiskaasu tilmaamayaa waa makruuh, sida uu caddaynayo Xadiiskan Ibnu Cumar (Ihkra) laga soo weriyey inuu yidhi: “Maalin aan guriga Xafsah (Ihkra) tegay waxaan arkay Nebiga Salallaahu caleyhi wasalam oo musqusha isticmaalaya isagoo Shaam (Suuriya) u jeeda, Kacbadana dhabarka u jeediyey” (Jamaacada ayaa soo werisay).

Nasrud-Diin al-Albaani wuxuu ku tilmaamay kitaabka Tamaam al-Minnah inuu Xadiisku daciif yahay.
Dahaarada _ 42
Labadaa Xadiis marka nuxurkooda laysu geeyo waxay inoo tilmaamayaan inay xaaraan tahay in Qiblada la waajaho ama dabada loo jeediyo marka bannaan la joogo. Hase yeeshee, marka guryaha la joogo aanay xaaraan ahayn. Marwaan al-Asqar wuxuu yidhi: “Waxaan arkay Ibnu Cumar oo hashiisu dhinacay ka xigtay u kaadjaya Qibladana u jeeda. Markaasaan ku idhi: Abaa Cabdur-Raxmaanow miyaan arrintaa la inoo diidin? Wuxuu yidhi: “Waxa la inoo diiday markaynu bannaan joogno. Haddiise adiga iyo Qiblada ay wax ku asturaa idiin dhexeeyaan waxba kuma jabna .” (Abuu Daa’uud, Ibnu Khuzaymah iyo al-Xaakim ayaa soo weriyey sanadkiisuna waa xasan siduu qoray kitaabka Fatxul-Baari).
6. Waa in kaadida lala doontaa meel aan kugu soo celinin (duul-duulin). Sidaana waxa caddaynaya Xadiis Abii Muusaa (Ikhra) laga soo weriyey inuu yidhi: “Wuxuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam raadsaday meel jilicsan oo dhulka ka mid ah oo gidaar u dhow, markaasuu ku kaadjay. Kolkaasuu yidhi: “Markuu qof idinka mid ahi kaadjayo waa inuu kaadidiisa meel habboon la doonto.” (Axmad iyo Abuu Daa’uud ayaa soo weriyey). Xadiiska silsiladdiisa waxa ku jira qof aan la aqoon hase yeeshee, macnihiisu waa Saxiix.
7. Waa inaan kaadida lala doonan god dulka ku yaala (sida godka qudhaanjada iwm,). Qataadah wuxuu ka soo weriyey Cabdullah bin Sarjas “Inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam inaga nahyiyay (mamnuucay) in lagu kaadjo godadka dulka ku yaala, Asxaabtii (Ihkra) waxay weydiiyeen Qataadah: Maxaa ku jaban arrinkaa? Wuxuu yidhi: Waa hoyga Jinka.” (Axmad, an-Nasaa'i, Abuu Daa'uud, al-Xaakim iyo al-Bayhaqi ayaa soo weriyey. Ibnu Khusaymah iyo Ibnu Sakni iyaguna waxay yidhaahdeen waa Saxiix)1.
8. In saxarada lagala fogaado meelaha dadku hadhsado, jidadka iyo meelaha lagu kulmo (sheekaysto). Abii Hurayra (Ihkra) wuxuu sheegay inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Ka digtoonaada labada shay ee wax nacdala, Asxaabti waxay yidhaahdeen: Rasuulkii Allow, waa kuwama kuwa waxa nacdalaa? Wuxuu yidhi:
1 Nasrud-Diin al-Albaani wuxuu ku tilmaamay kitaabka Tamaam al-Minnah inuu Xadiisku daciif yahay.
Dahaarada _ 43
“Waa haddii lagu saxaroodo jidadka ama meelaha la hadhsado.” (Axmad, Muslim iyo Abuu Daa'uud ayaa soo weriyey).
9. Waa inaan lagu kaadjin goobaha lagu maydho (sida baysinka musqusha ku dhex yaal), iyo biyo taagan ama kuwo socda midna. Cabdullah bin Muqaffal (Ihkra) waxa laga soo weriyey inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Waa inaydinaan ku kaadjin goobta lagu maydho, dabadeetana ka weysaysan, waayo wiswaaska badankiisu halkaas ayuu ka yimaada.” (Shanta Imaam ayaa soo weriyey). Erayga “Dabadeetana ka weysaysan” wuxuu ku jiraa lafdiga Axmad iyo Abuu Daa’uud oo keliya.”
Sidoo kale, wuxuu Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam inoo diiday in lagu kaadjo biyo taagan iyo kuwo socdaba. Jaabir (Ihkra) waxa laga soo weriyey inuu yidhi: “Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam wuu inoo diiday in lagu kaadjo biyo taagan.” (Axmad, Muslim, an-Nasaa’i iyo Ibnu Maajah ayaa soo weriyey).
Waxa kale oo Jaabir laga soo weriyey inuu yidhi: “Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam wuu inoo diiday in lagu kaadjo biyo socda” (Ad-Dabaraani ayaa ku soo weriyey kitaabkiisa Mujmac
Az-Zawaa’id yidhina: Dadka laga soo xigtay waa lagu kalsoon yahay). Hase yeeshee, meelaha sida bulaacadda u samaysan karaahiyo kuma jirto in lagu kaadjo.

10. Waa in aan sarajoog lagu kaadjin. Sarajooga in lagu kaadjo waxay qofka ka fogaysaa sharafta iyo haybadda waana caado xun. Kaadiduna inta badan way ku soo firidhaa qofka sarajoogga ku kaadja. Laakiin haddii uu qofku hubo in aan duul-duulka kaadidu soo gaadhaynin waxba kuma jabna in sarajoog lagu kaadjo. Caa’isha (Ihkra) waxay tidhi: “Hadday cidi idiin sheegto Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam sarajoog wuu ku
Nasrud-Diin al-Albaani wuxuu sheegay inuu Xadiiskani daciif yahay.
Dahaarada _ 44
kaadjay ha rumaysanina, muu kaadji jirin isagoo fadhiya mooyee.” (Shanta Imaam ayaa soo weriyey, Abuu Daa'uud mooyee. At-Tirmidina wuxuu yidhi: Waa shayga ugu fiican waxa baabkaa ku soo arooray, waana ka ugu saxsan)1.
Arrinkaa ay Caa’ishi sheegtay wuxuu ku salaysan yahay siday ka aragatay Rasuulka
Salallaahu caleyhi wasalam .
Mana burinayo Xadiiska Xudayfah (Ihkra) laga soo weriyey inuu yidhi: “Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam wuxuu ku kaadjay kudaafad xashiish isagoo sara jooga, kolkaasaan ka fogaaday. Markaasuu ii yeedhay oo yidhi: “Soo dhawow.” Waan u soo dhowaaday oo aan soo daba joogsaday, kolkaasuu intuu weysaystay sharabaadada korkoodana masaxay.” (Jamaacada ayaa soo werisay).
Imaam An-Nawawi wuxuu yidhi: Kaadida in aan la fadhiisto ayaan jecelay, inkastoo sarajooguna uu bannaan yahay, labadubana ay Rasuulka Salallaahu caleyhi wasalam ka soo sugnaadeen.
11. Qofku waa inuu dhagax daahir ah iyo wixii la mid ah nijaasta iskaga tirtiro (suuliyo) ama biyo. Caa’isha (Ihkra) waxay sheegtay inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam
yidhi: “Haddii aad saxaro u kacdaan, waxa idinku filan inaad ku istijootaan (nijaasta iskaga tirtirtaan) saddex dhagax.” (Axmad, an-Nasaa'i, Abuu Daa'uud iyo ad-Daaraqudni ayaa soo weriyey).
Anas bin Maalik isagana (Ihkra) waxa laga soo weriyey inuu yidhi: “Rasuulku
Salallaahu caleyhi wasalam markuu musqusha isticmaalayo aniga iyo wiil kale ayaa u qaadi jirnay weelka ay biyuhu ku jiraan iyo waranka, markaasuu biyaha ku istijoon jiray.” (Sixadiisa waa laysku waafaqay).
Nasrud-Diin al-Albaani wuxuu sheegay inuu Xadiisku daciif yahay (Tamaam al-Minnah).
Dahaarada _ 45
Ibnu Cabbaas waxa isna laga soo weriyey inuu yidhi: Nebiga ayaa Salallaahu caleyhi wasalam soo ag maray laba qabri, kolkaasuu yidhi: “Kuwan waa la cadaabayaa, waxa lagu cadaabayaana maaha dembi weyn. Midkood kaadida ayaanu iska maydhi jirin, midka kalena dadkuu isku diri jiray1.” (Jamaacada ayaa soo werisay).
Anas bin Maalik isagana waxa laga soo weriyey inuu Nebigu yidhi: “Kaadida iska maydha oo iska hagaajiya waayo cadaabta qabriga inteeda badan iyadaa keenta.”
12. Waa inaan midigta lagu istijoon si wisikhda looga fogaado. Cabdur-Raxmaan bin Zayd wuxuu yidhi: Salmaan ayaa la weydiiyey: “Nebigiinu
miyuu idin baray wax kasta, xattaa sida musqusha loo isticmaalo? Wuxuu yidhi: “Haa.” Wuxuu naga mamnuucay in aanu Qiblada waajahno markaanu saxaroonayno ama kaadjayno. In aanaan midigta ku istijoon, iyo in aanu isku nadiifinno saddex dhagax wax aan ka yarayn, iyo in aanaan ku istijoon saalada xoolaha iyo lafaha midna.” (Muslim, Abuu Daa'uud iyo at-Tirmidi ayaa soo weriyey).
Sidoo kale, waxa Xafsah laga soo weriyey (Ihkra) inay tidhi: “Nebigu Salallaahu caleyhi wasalam wuxuu gacantiisa midig ku isticmaali jiray cabidda, xidhashada dharka iyo qaadashada (guddoonka) iyo bixinta (siinta). Gacanta bidixna wixii aan intaa ahayn ” (Axmad, Abuu Daa’uud, Ibnu Maajah, Ibnu Xibbaan, al-Xaakim iyo al-Bayhaqi).
Isagoo labada qof midkood been ama arrin aanu samaynin ka sheegaya.
Dahaarada _ 46
13. Marka la istijoodo waa in gacmaha si fiican looga tirtiro nijaasta iyo urteedaba, oo saabuun ama ciid iyo biyo la isticmaalo. Abuu Hurayra wuxuu yidhi: “Markuu Nebigu
Salallaahu caleyhi wasalam musqusha isticmaalayo waxaan u keeni jiray kildhi ama qarbad biyo ah, markaasuu ku istijoon jiray, dabadeetana gacmihiisa ayuu dhulka ku masixi jiray ” (Abuu Daa’uud, an-Nasaa’i, al-Bayhaqi iyo Ibnu Maajah ayaa soo weriyey).
14. Biyo yar waa in lagu rusheeyo qoodhaha iyo surwaalka istijada dabadeed si wiswiska loola dagaalamo oo markuu qofku qoyaan dareemo uu isu yidhaahdo waa qoyaankii aad ku rushaysay.
Al-Xakim bin Sufyaan ama Sufyaan binul Xakim (Ihkra) waxa laga soo weriyey inuu yidhi: “Nebigu Salallaahu caleyhi wasalam markuu kaadjo intuu weysaysto ayuu biyo isku rushayn jiray.” Riwaayad (tebis) kalena waxay sheegaysaa inuu yidhi: “Waxaan arkay Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam oo intuu kaadjay qoodhihiisa rusheeyay.”1 Ibnu Cumar isaguna sidoo kale ayuu fali jiray ilaa uu surwaalkiisu qoyo.
15. Waa in lugta bidixda lagu horaysiiyo musqusha marka la gelayo, marka laga soo baxayona lugta midigta la horaysiiyo, lana yidhaado: “Qufraanak (Allow ii dembi dhaaf).” Caa’isha (Ihkra) waxa laga soo weriyey inay tidhi: “Nebigu Salallaahu caleyhi wasalam .
Nasrud-Diin al-Albaani wuxuu ku tilmaamay kitaabka Tamaam al-Minnah Xadiis kale oo kan ka saxsan oo Ibnu Cabbaas laga soo weriyey: “Inuu Nebigu  mar weysaystay oo uu qoodhihiisana biyo ku rusheeyay.” (Ad-Daarami ayaa soo saaray waana ku Saxiix qiyaasta labada Sheekh).
Dahaarada _ 47
markuu musqusha ka soo baxo wuxuu odhan jiray: “Qufraanak.” (Shanta Imaam ayaa soo weriyey).
Xadiiskaa Caa’isha laga soo weriyey (Ihkra) ayaa ugu saxsan Axaadiista arrintaa ka hadlaysa siduu Abul Xaatim yidhi.
Dahaarada 48


logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

789057
Today
Yesterday
All days
1673
779
789057
2024-12-21 17:22

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6766f93e5ec129798955671734801726
title_6766f93e5ed3e20196488521734801726
title_6766f93e5ee4121245606801734801726
title_6766f93e5ef4111828396811734801726
title_6766f93e5f02a16426708081734801726
title_6766f93e5f12d11354486581734801726

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6766f93e601079128569551734801726
title_6766f93e6020112342896361734801726
title_6766f93e602f67667391921734801726
title_6766f93e603f410842368081734801726

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com