FIQHI CIBAADAAT
Dhulka haddii ay nijaasi taabato, biyo lagu shubo ayaa nadiifinaya. Sidaa waxa daliil u ah Xadiiska aan hore u soo sheegnay ee Jamaacadu ay Abuu Hurayra ka soo weriyeen markuu ninka reer baadiyaha ahi ku kaadjay Masaajika Rasuulka Salallaahu caleyhi wasalam . Waxa kale oo nadiifin u ah dhulka engejinta. Mar haddii dhulka, gidaarka, dhirta iwm., ay engegaan (qalalaan) iyagoo nijaas lahaa engegga ayaa nadiifin u noqonaya. Abuu Qalaabah wuxuu yidhi: “Dhulka engegga ayaa nadiifin u ah.” Caa’isha (Ihkra) waxa iyana laga soo weriyey inay tidhi: “Engegga ayaa dhulka nadiifin u ah.” (Ibnu Abii Shaybah ayaa soo weriyey).
Arrimaha aan kor ku sheegnay waxay khuseeyaan nijaasta dareeraha ah (sida kaadida). Haddii ay nijaastu tahay wax adag ama fadhiya waxa keliya ee nadiifin karaa dhulka waa iyadoo nijaasta laga qaado ama nijaastu dhamaato oo ay iskeed u tirtiranto (isbedesho).
NADIIFINTA SUBAGGA IYO WIXII LA MID AH
Ibnu Cabbaas wuxuu ka soo tebiyay Maymuunah (Ihkra) “In Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam la weydiiyey wixii la yeeli lahaa haddii uu jiir ku dhaco subag. Rasuulku
wuxuu yidhi: “Meesha uu jiirku ku dhacay iyo hareereheeda gooya oo tuura, subagga wixii soo hadhana cuna.” (Al-Bukhaari ayaa soo weriyey).
Dahaarada _ 37
Al-Xaafid Ibnu Xajar oo arrintaa ka faalooday wuxuu yidhi: Ibnu Cabdulbar wuxuu soo tebiyay in laysku waafaqsan yahay haddii xayawaan bakhti ama nijaas ahi uu ku dhaco wax adag (jaamid ah) inay bannaan tahay in la gooyo meesha ay nijaastu taabatay oo la tuuro, inta kale ee la hubo inaan nijaastu taabanna la intifaacsado. Haddii ay nijaasi taabato wax dareere ah (sida biyaha) culimadu fikrado kala gedisan ayay qabaan. Culimada badankoodu (al-Jamhuur) waxay qabaan in uu dhammaan dareeruhu nijaasoobayo markay nijaasi ku laaqanto. Culimada qaarkood oo ay ka mid yihiin as-Suhriyi iyo al-Awzaacii waxay iyana qabaan arrin sidaa ka gedisan.
NADIIFINTA HARAGGA MAYDKA
Hargaha waxa nadiifin muuqata iyo mid qarsoonba u ah midginta1. Sida Ibnu Cabbaas (Ihkra) laga soo weriyey inuu RasuulkaAlle Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Haraggu haddii la midgiyo waa nadiif.” (Labada Sheekh ayaa soo weriyey).
NADIIFINTA MURAAYADAHA IYO WAXII LA MIDAH
Muraayadaha, mindiyaha, seefaha, ciddiyaha, lafaha, quraaradaha, dheryaha rinjiyaysan iyo dhammaan wixii uu korkoodu isku siman yahay daloolana aanu lahayn waxa nadiifin u ah in la masaxo (masixid qalalan) oo nijaasta masixid lagaga suuliyo. Asxaabtii Rasuulku dhammaan Ilaahay ha ka raali noqdee, waxay tukan jireen iyagoo xidhan seefo ay wax ku gawraceen ama ku soo dagaal galeen oo ay dhiiggii masixid kaga tirtireen. Sababtoo ah waxay qabeen inay tirtiriddu nadiifiso seefaha iyo wixii la mid ah.
NADIIFINTA KABAHA
Kabaha haddii ay nijaasi taabato waxa lagu nadiifin karaa iyadoo dhulka lagu xoqo (duugo) ilaa intay nijaastu ka tirtirmayso. Abuu Hurayra wuxuu sheegay inuu Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Haddii uu qof nijaas ku joogsado, kabihiisa waxa nadiifin kara ciidda oo lagu duugo.” (Abuu Daa'uud ayaa soo weriyey).
Habka haragga lagu jilciyo urta xunna ka tirtira kana dhiga saan la isticmaali karo.
Dahaarada _ 38
Sidoo kale, Abii Saciid waxa laga soo weriyey inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam
yidhi: “Markaad Masjidka timaadaan kabihiina roga oo hoostooda eega. Haddii aad nijaas ku aragtaan ciidda ku duuga dabadeetana ku tukada.” (Axmad iyo Abuu Daa'uud ayaa soo weriyey).
Madaama kabuhu ay yihiin meesha nijaastu inta badan ku ba’do (lagu joogsado) waxa ku filan in dhulka lagu xoqo (duugo).
ARRIMO MUHIIM AH OO DAHAARADDA LA XIDHIIDHA
• Xadhigga dharka lagu qalajiyo haddii lagu wadho dhar nijaas leh, marka uu xadhiggu engego (qalalo) kabacdi way bannaan tahay in lagu wadho dhar kale oo nadiif ah.
• Haddii ay wax qoyani taabtaan qof asaanu hubin qoyaankaasu inuu yahay biyo ama kaadi kumay waajibin qofkaas inuu warsado. Haddii uu weydiiyo qof ogaa qoyaankaasu dhab ahaan wuxuu ahaa waxa door roon in aanu qofkaasu u jawaabin xatta haddii uu og yahay inay nijaas ahayd. Waayo mar haddii aanu qofku hubin qoyaanku wuxuu yahay kuma waajibin inuu nadiifiyo dharkiisa.
• Haddii jidhka ama dharka uu qoyaan taabto habeenkii, laakiin aanu qofku ogayn wuxuu qoyaankaasu yahay kumay waajibin qofkaa inuu uriyo qoyaanka si uu ogaado inay kaadi (nijaas) tahay iyo kale. Waxa Cumar iyo saxaabi kale laga soo weriyey (Ihkra) in maalin qoyaan kaga soo duulay minjaroor. Saxaabigii kale ayaa warsaday ninkii minjaroorka lahaa inay biyihiisu daahir yihiin iyo in kale. Intuu Cumar (Ihkra) ninkii minjaroorka lahaa ku yidhi ha noo sheegin, ayuu meeshii ka dhaqaaqay.
• Waajib maaha in la maydho wixii (dhar ama jidh) ay dhoobada suuqu taabato. Kamayal bin Siyaad wuxuu sheegay inuu arkay Cali bin Abii Daalib (Ihkra) oo mar roob da’y soo dhex maray dhoobada suuqa isla markaana salaad ku tukaday Masjidka isgoo aan cagihiisa maydhin.
. Haddii uu qof markuu salaadda dhamaysto ku arko dharkiisa ama jidhkiisa nijaas aanu hore u ogayn ama uu horeba u ogaa hase yeeshee ilaaway ama tirtiri kari
Dahaarada _ 39
waayey salaaddiisi waa sax qofkaas loomana baahna inuu mar labaad ku celiyo. Sidaas wuxuu Alle Cazawajala inuugu sheegay Suurada Al-Axzaab , Korkiina dhibi ma saarna (laydiinma raaco) waxaad ku geftaan. Hase yeeshee, waxa quluubtiinu u kasto waa laydin weydiin, Ilaahayna waa dembi dhaafe naxariis badan (Al-Axzaab: 5). Asxaabta iyo Taabiciinta badankooduna sidaas ayay qabeen kuna dhaqmi jireen.
Qofkii ay ka qarsoonto meesha dharkiisa nijaastu ka taabatay waxa waajib ah inuu dhammaan dharkaa wada maydho. Waayo wixii arrin waajib ahi aanay la'aantii ku fulaynin isna waa waajib. Sidaas darteed, mar haddii aan la hubin bartii nijaastu taabatay waxa waajib ah in dharkaas oo dhan la maydho.
Haddii dhar nadiif ah iyo mid nijaas ahi is dhex galaan oo la kala saari kari waayo, waa inuu qofku dedaalo oo salaad walab shay gooni ah ku tukado (10 shay 10 salaadood). Arrintaasu waxay la mid tahay, haddii uu qof garan waayo Qiblada waa inuu dedaalo oo haddii uu u maleeyo inay noqon karto laba wajahadood uu marba mid u jeesto (salaadda hore dhinac, ta kalena dhinaca kale), ilaa intuu hubinayo Qiblada dhabta ah.
Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix