FIQHI CIBAADAAT
NIJAASTA
Macnaha guud ee nijaas waa dhammaan wixii ay habboon tahay in aan ka fogaano, iskana dhawrno kana maydhano. Wuxuu Alle Cazawajala Rasuulkiisa ku yidhi: Dharkaaga daahiri. (Al-Mudathir: 4). Waxa kale uu Alle Cazawajala yidhi: Ilaahay wuu jecelyahay kuwa toobad keena iyo kuwa isdaahiriya. (Al-Baqarah: 222) Rasuulka Allena wuxuu yidhi Salallaahu caleyhi wasalam : “Nadaafaddu waa iimaankan badhkii”.
QAYBAHA NIJAASTA
Nijaastu waxay guud ahaan u kala baxdaa mid xissi ah (la dareemo sida kaadida), iyo mid xukmi ah (sida jinaabada).
1. Bakhtiga
Neefkii aan loo gawricini hab sharciga Islaamka waafaqsan waa bakhti wuxuu la mid yahayna neefka hed (iskii) u dhinta. Wixii neef nool laga soo gooyaana sharci ahaan waa bakhti. Abii Waaqid al-Laythii (Ihkra) waxa laga soo weriyey inuu Rasuulku
Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Wixii neef xoola ah oo nool laga soo gooyaa waa bakhti.” (Abuu Daa’uud ayaa weriyey, iyo at-Tirmidi oo yidhi waa xasan, culimada ahlul cilmiguna sidaa ayay ku dhaqmaan).
Waxa intaa ka reeban oo aan la sharci ahayn:
b) Bakhtiga kalluunka iyo ayaxa, oo iyagu daahir ah Ilaahayna inoo xalaaleeyay.
Rasuulkeenii Muxammad Salallaahu caleyhi wasalam ahaa wuxuu inoogu sheegay Xadiis Ibnu Cumar (Ihkra) laga soo weriyey inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi:: “Waxa la inoo xalaaleeyay laba bakhti iyo laba dhiig. Labada bakhti oo ah kaluunka iyo ayaxa, iyo labada dhiig ee ah beerka iyo beer-yarada.” (Axmad, ash-Shaafici, Ibnu Maajah, al-Bayhaqi iyo ad-Daaraqudni ayaa soo weriyey).
Xadiiska aan kor ku sheegnay waa daciif. Hase yeeshee, Imaam Axmad wuxuu yidhi: waa mawquuf1, sidoo kalena waxa yidhi: Abuu Zarcah iyo Abuu Xaatim. Haddii uu Saxaabi yidhaahdo waa la noo xalaaleeyay, ama waa lanaga xarrimay ama waxa lana faray ama waxa la noo diiday (lanaga nahyiyay) Xadiiska noocaas ahi waa marfuuc2.
t) Bahktiga cayayaanka aan dhiigga lahayn:
Bakhtiga cayayaanka aan dhiigga lahayn sida shinida, qudhaanjada iwm,. waa daahir. Haddii ay ku dhacaan kuna bakhtiyaan caano ama biyo ma nijaasaynayaan. Ibnul Mundir wuxuu yidhi: Ma ogi khilaaf ka taagan inay kuwa aan kor ku sheegnay daahir yihiin, aan ahayn Imaam ash-Shaafici oo ay Mad-habtiisu qabto inay nijaas yihiin. Waxay Shaaficiyadu ka reebtay oo keliya haddii ay cayayaanka aan dhiigga lahayni ku dhacaan shay dareere ah (sida biyo) oo aanay shaygaa beddelin ma nijaasaynayaan.
j) Lafaha, geesaha, , ciddiyaha, dhogorta iyo haragga xoolaha bakhtiyey:
Dhammaan inta aan kor ku sheegnay iwm. iyana nijaas maaha ee assal ahaan waa daahir wax caddaynaya inay nijaas yihiinna ma jiraan. Az-Zuhriyi wuxuu yidhi: “Waxaan soo gaadhay culimadii salafka qaar ka mid ah oo lafaha xoolaha dhintay sida maroodiga iyo wixii la mid ah gadhfeedo ay ku feedhaan iwm. ka samaystay isla markaana aan u arag dhibaato isticmaalkooda ” (Al-Bukhaari ayaa soo weriyey).
Faalo: Hase yeeshee, Nasrud-Diin al-Albaani wuxuu ku tilmaamay kitaabkiisa Tamaam al-Minnah in loo baahan yahay haragga xoolaha bakhtiyey in la midgiyo. Waxa sidaa qeexaya Xadiiska Ibnu Cabbaas laga soo weriyey ee hoos ku qoran iyo Xadiiska Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam ee kale ahna: “Haddii haragga la midgiyo waa daahir.” (Muslim ayaa soo weriyey).
Ibnu Cabbaas isaguna wuxuu yidhi: “Addoon ay Maymuunah xoraysay ayaa sadaqo loo siiyey neef ida ah, neefkii oo ka dhintay ayuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam soo ag
Waa Xadiis silsiladiisa dib loo raaci karo kuna joogsada saxaabi oo aan dhaafin.
Waa Xadiis sisliaddiisa dib loo raaci karo ilaa Saxaabiga laga soo xigtay, hase yeeshee Saxaabigu uu Rasuulka u nisbeeyay.
maray markaasuu yidhi: “Maxaad haragga ugala bixiweydeen oo intoo aad midgisaan u intifaacsanweydeen?” Waxay yidhaahdeen: Neefku wuu bakhtiyay. Wuxuu Rasuulki Salallaahu caleyhi wasalam م yidhi: “Waxa xaaraan ah cuniddiisa.” (Jamaacada ayaa soo werisay Ibnu Maajah mooyee). Ibnu Maajah wuxuu yidhi: al-Bukhaari iyo an-Nasaa’i kumay sheegin Xadiiskaa midginta haragga. Ibnu Cabbaas isaguna wuxuu sheegay inuu Rasuulku akhriyay Aayadda: Dheh kama helayo waxa lay waxyooday wax xaaraantimaynaya cuntada aan ahayn bakhti, ama dhiigga dareera, ama hilib doofaar illayn iyagu waa wax xun ama nijaas ah (rijsi ama fisq) oo lagu gawracay magaca Eebbe wax aan ahayn. Wuxuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Waxa la xaaraantimeeyay waa cunidda hilibka doofaarka. Hase yeeshee, haragga, qarbadka, ilkaha, lafaha, timaha iyo dhogorta (suufka) intuba waa xalaal.” (Ibnul Mundir iyo Ibnu Xaatim ayaa soo weriyey).
Sidoo kale, caanaha dhayda ah ama danada (anfixah)1 ee xoolaha bakhtiyey lagala soo baxaa waa daahir. Waayo Asxaabtu (Ihkra) markay Ciraaq furteen waxay cuneen jubnah2 ay dad majuus ahi ka sameeyeen caano gadhoodh ah. Inkastoo xoolaha ay majuustu gawracdo uu bakhti xaaraan ah yahay, haddana Asxaabtu way cuneen jubnihii majuusta. Salmaan al-Faarisi waxa isna ka soo sugantay mar laga waraystay jubnaha, subagga iyo dhogorta inuu yidhi: “Xalaal waxa ah wixii uu Alle Kitaabkiisa ku xalaaleeyay, xaaraanna waxa ah wixii uu Alle Kitaabkiisa ku xarrimay. Wuxuu ka aamusayna waa wax uu inaga cafiyay (dhaafay).” Waxa la og yahay in waqtiga Salmaan jubnaha majuusta laga waraystay ay ahayd markuu wakiilka uga ahaa Amiiral Mu’miniinkii Cumar Ibnul Khaddaab dhulka Madaa’in (Ciraaq).
2. Dhiigga
Dano ama anfixah waa shayga caanaha dhayda ah gadhoodka ka dhiga.
Waa shay subagga oo kale ah oo adag sida saabuunta lagana sameeyo caanaha gadhoodhka ah.
Dahaarada _ 28
Dhiigga badan ee ka soo dareera dadka iyo midka ka yimaada xoolo la gawracay labaduba waa nijaas. Dhiigga caadada dumarka (xaydka) isaguna waa nijaas. Laakiin haddii uu dhiiggu yahay dhibic ama laba dhibcood waxba kuma jabna. Ibnu Jariij oo fasiraya Aayadda Qur’aanka ah ee: Ama dhiig dareera, ama hilib doofaar
Wuxuu yidhi: Waa dhiigga ka soo dareera marka neefka la gawraco, dhiigga ka soo bixi waaya xubnaha neefkana waxba kuma jabna. Ibnul Mundir ayaa sidaa ka soo tebiyay Ibnu Jariij. Ibnu Majlis isagana mar laga waraystay dhiigga ka soo dareeri waaya neefka la gawraco ama usarka (dhiigga korka uga soo baxa dheriga marka hilibka la kariyo) wuxuu yidhi: “Waxba kuma jabna, waxa la inoo diiday waa dhiigga ka soo dareera neefka la gawraco ” Xadiiska waxa soo saaray Cabd bin Xamiid iyo Abuu Shaykh ). Caa’isha (Ihkra) waxa iyana laga soo weriyey inay tidhi: “Waxaanu hilibka cuni jirnay isagoo usarku diilimo ku sameeya dheriga (isagoon wali aad u bislaan).”
Al-Xasan wuxuu isna yidhi: “Muslimiintu iyagoo dhaawacan ayay tukan jireen”
(Al-Bukhaari ayaa sheegay).
Cumarna (Ihkra) waxa ka soo sugantay siduu al-Xaafid ku sheegay kitaabka Fatxul Baari inuu Cumar tukaday isagoo nabar ku dhacay uu dhiig yari ka socdo. Abuu Hurayra (Ihkra) isaguna umuu arki jirin inay wax ku jaban yihiin dhibicda ama labada dhibcood ee dhiigga ah salaadda dhexdeeda. Sidaas darteed, dhiigga takfida (boodada) ama fin-doobka ka yimaada waxba kuma jabna. Abuu Majlas oo laga waraystay malaxdu hadday dharka iyo jidhka ku ba’do inay nijaas tahay iyo in kale wuxuu yidhi: “Waxba kuma jabna, Ilaahay wuxuu inoo sheegay dhiigga, malaxdana waxba inoogamuu sheegin.” Hase yeeshee, Ibnu Taymiyah oo arrintaa ka faalooday wuxuu yidhi: “Waa waajib in dharka iyo jidhka laga maydho malaxda, dheecaanka iwm., in kastoo aanu sheegin daliil nijaastooda caddaynaya. Waxa habboonna inuu qofku ka taxadiro intay awooddiisu tahay malaxda, dheecaanka iyo wixii la mid ah oo uu iska daahiriyo.
3. Hilibka doofaarka
Wuxuu Alle Cazawajala yidhi: Dheh kama helayo waxa lay waxyooday wax xaaraantimaynaya cuntada aan ahayn bakhti, ama dhiig dareera, ama hilib doofaar illayn iyagu waa wax xun ama nijaas ah (rijzi ama fisq) oo lagu gawracay magaca Eebbe waxaan ahayn . . . (Al-Ancaam: 145)
Dahaarada _ 29
Erayga iyagu ee Aayadda kor ku xusani wuxuu tilmaamayaa saddexda shay ee Aayadda ku xusan. Hase yeeshee, culimada badankoodu waxay qabaan inay bannaan tahay in la intifaacsado dhogorta doofaarka.
4, 5, 6. Matagga, kaadida, iyo saxarada dadka
Saddexdani dhammaan inay nijaas yihiin culimadu way isku waafaqday. Waxa intaa ka reeban oo aan ku jirin matagga intiisa yar oo isaga la inaga dhaafay1, iyo ilmaha lab ee aan wali cunto calaalin kaadidiisa oo iyada biyo lagu rushaynayo. Arrintaa waxa inoo caddaynaya Xadiiska laga soo weriyey Ummu Qiiys (Ihkra) “Inay Nebiga u timi iyadoo sidata ilma yar (lab ah) oo aan wali cunto calaalin, markaasuu ilmihi Rasuulka dhabtiisa ku kaadjay. Wuxuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam dalbaday in biyo loo keeno, markaasuu dharkiisii ku rusheeyay manuu maydhin ” (Sixadiisa waa laysku waafay).
Cali bin Abii Daalib isagana (Ihkra) waxa laga soo weriyey inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Kaadida ilmaha lab een wali cunto calaalin waa la rushaynayaa, ta ilmaha dhadigna waa la maydhayaa.” (Axmad iyo Asxaabtu Sunanka ayaa soo weriyey an-Nasaa’i mooyee).
Al-Xaafid wuxuu ku sheegay kitaabka Fatxul Baarii inuu Xadiiskaasu saxiix yahay.
Rushaynta waxa la ogol yahay oo keliya ilaa inta aanu ilmaha lab cunto calaalin ee uu naaska oo keliya ku kooban yahay. Hase yeeshee, haddii uu ilmuhu cuntada kale bilaabo waxay dhammaan culimadu isku waafaqeen inay waajib tahay in kaadidiisa layska maydho. Waxa laga yaabaa sababta ilmaha lab loo hawl yareeyay kaadidiisa inay tahay dadka oo caado u leh inay ilmaha lab had iyo goor qaadaan. Sidaas darteed, ay dadka dhibaato ku noqonayso inay mar walba kaadida faraha badan ee ilmaha iska maydhaan.
Nasrud-Diin al-Albaani oo arrintaa tacliiq ka bixiyey wuxuu ku soo tebiyey kitaabka Tamaam al-Minnah inuu mataggu assal ahaan daahir yahay, culimo ay ka mid yihii Ibnu Xazm iyo ash-Shawkaanina ay sidaa qabaan.
7. Al-wadyi
Al-wadyi waa dheecaan cad oo adag kana yimaada dadka qaar markay kaadjaan dabadeed, waana nijaas sida culimadu dhammaan isku waafaqday. Caa’isha (Ihkra) waxay tidhi: “Al-wadyi wuxuu dadka ka yimaadaa kaadida dabadeed, waana in laga maydho farjiga (rag iyo dumarba) lagana weysaysto. Hase yeeshe, in jidhka oo dhan la maydho (qusul) maaha ” (Ibnul Mundir ayaa soo weriyey).
Ibnu Cabbaas isagana waxa laga soo weriyey inuu yidhi isagoo ka hadlaya al-maniyi (manida), iyo al-wadyi, iyo al-madyi: “Manida waa in qusul la sameeyo si laysaga daahiriyo, al-amdyi iyo al-wadyi iyagana waa in laga weysaysto ” (Waxa soo weriyey al-Athram iyo al-Bayhaqi). Al-Bayhaqi lafdigiisu wuxuu yahay inuu Ibnu Cabbaas yidhi: “Al-wadyi iyo al-madyi qoodhaha1 ka maydha, kana weysaysta, weysada salaadda oo kale ”
8. Al-madyi
Al-madyi waa dheecaan (biyo) cad oo dhegdheg leh sida xabagta kana yimaada farjiga markay qofka hamadi qabato. Ma aha shay la dareemo markuu qofka ka imanayo. Rag iyo dumarbana wuu ka yimaadaa. Hase yeeshee, inta haweenka ka timaada ayaa ka badan inta ragga ka timaada. Waana nijaas siday dhammaan culimadu isku waafaqday. Markay jidhka taabato waa in layska maydho, dharka markay taabatana waa in biyo lagu rusheeyo meeshay taabatay. Waa shay nijaas ah oo ay aad u adag tahay sida laysaga ilaaliyaa, khaas ahaan dhalinyarta aan xaaska lahayn. Sidaas darteed, iyadaa kaga habboon in biyo lagu rusheeyo kaadida ilmaha yar ee aan wali cunto calaalin (oo iyada biyo lagu rusheeyo sidaan hore u soo sheegnay).
Cali (Ihkra) waxa laga soo weriyey inuu yidhi: “Waxaan ahaa nin al-madyi ay ku badan tahay. Markaasaan nin kale faray inuu Nebiga Salallaahu caleyhi wasalam ka waraysto, waayo anigu waan ka xishooday inantiisa aan qabay darteed. Wuxuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Weysayso, qoodhahaagana maydh” (Al-Bukhaari iyo qaar kale ayaa soo weriyey).
Alaabta ragga ama dumarka.
Dahaarada _ 31
Sahal bin Xaniif isaguna (Ihkra) wuxuu yidhi: “Waxaan ahaa nin uu aad uga yimaado dheecaanka al-madyi oo dhib ka mutay inaan mar walba ka maydho (qusul sameeyo). Markaan Rasuulka Salallaahu caleyhi wasalam u sheegayna wuxuu yidhi: “Waxa kugu filan inaad weysaysato.” Waxaan idhi: “Rasuulkii Allow markay dharkayga ku ba’dana maxaan yeelaa? Wuxuu yidhi: “Waxa ku filan inaad sacab muggii oo biyo ah ku rushayso dharka meeshaad u aragto inay ku ba’day.” (Waxa weriyey Abuu Daa’uud Ibnu Maajah, iyo at-Tirmidi oo yidhi waa xasan Saxiix. Hase yeeshee, Xadiiska can-canaddiisa waxa ku jira Muxammad bin Isxaaq oo Xadiiskiisu daciif yahay waayo waa Xadiis mudallis1 ah).
Al-Athram oo Xadiiskaa lafdi kale ku soo weriyeyna wuxuu yidhi: “Dhibaato ayaan kala kulmay dheecaanka al-madyi, kolkaasaan Rasuulka Salallaahu caleyhi wasalam u sheegay. Wuxuu yidhi: “Waxa ku filan inaad sacab muggii oo biyo ah ku rushayso.”
9. Manida (Al-Maniyi)
Culimada qaarkood waxay yidhaaheen waa nijaas manidu, dhab ahaanse waa daahir. Laakiin waxa mustaxab ah in la maydho markay qoyan tahay. Hadday qalashana in la xoqo ama laga jafo meeshay ku ba’day. Caa’isha (Ihkra) waxay tidhi: “Dharka Rasuulka Salallaahu caleyhi wasalam manida waan ka xoqi jiray hadday qalasho, hadday qoyan tahayna waan maydhi jiray.” (Ad-Daaraqudni, Abuu Cawaanah iyo al-Bazaar ayaa soo weriyey).
Mudallis waa Xadiis qofka soo tebiyey uu isticmaalay erayo aanay qeexnaynin inuu Xadiiska toos uga maqlay qofka uu ka soo raray iyo in kale. Tusaale ahaan, haddii uu yidhaado can fulaan . Muxammad bin Isxaaq waa nin lagu ogaa inuu xadiiska habkaa mudalliska ah u soo tebiyo, inkasta oo at-Tirmidi uu yidhi cidda uu xadiiskan ka soo tebiyey waa lagu kalsoon yahay.
Dahaarada _ 32
Ibnu Cabbaas (Ihkra) isagana waxa laga soo weriyey inuu yidhi: “Nebiga Salallaahu caleyhi wasalam ayaa laga warystay manidu markay dharka ku ba’do. Wuxuu yidhi Salallaahu caleyhi wasalam : “Waxay la mid tahay candhuufta iyo xaakada, waxa ku filan in lagu tirtiro maro yar ama tuwaal.” (Ad-Daaraqudni, al-Bayhaqi iyo ad-Daxaawi ayaa soo weriyey, waana laysku khilaafay inuu Xadiisku marfuuc yahay iyo inuu mawquuf yahay).
10. Kaadida iyo saxarada xayawaanka aan hilibkooda la cunin
Xayawaanka aan hilibkooda la cunin kaadidooda iyo saxaradooda labaduba waa nijaas. Sidaa waxa caddaynaya Xadiiska Ibnu Mascuud (Ihkra) laga soo weriyey inuu yidhi: “Rasuulka Salallaahu caleyhi wasalam ayaa musqusha u baxay, markaasuu I faray inaan saddex dhagax u keeno. Waxaan helay laba dhagax, kii saddexaadna waan raadiyay hase yeeshee, waan waayay. Waxaan soo qaaday oo aan u keenay laba dhagax iyo saalo. Labadii dhagax ayuu qaatay, saaladiina intuu tuuray ayuu yidhi: “Kaasu waa rijsi (uskag) ” (Al-Bukhaari, Ibnu Maajah iyo Ibnu Khuzaymah ayaa soo weriyey).
Tebis (riwaayad) kale wuxuu leeyahay: Wuxuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi isagoo saaladda ka hadlaya: “Waa rijzi (uskag), waa saalo dameer.” Hase yeeshee, kaadida iyo saxarada xawaanka aan hilibkooda la cunin intooda yar waa la inaga dhaafay, dhibaatada laga mudanayo sidii laysaga ilaalin lahaa darteed. Al-Waliid bin Muslim wuxuu yidhi al-Awzaacii ayaan weydiiyey oo aan ku idhi: “Ka warran kaadida xayawaanka aan hilibkooda la cunin, sida baqasha, dameerka iyo faraska? Wuxuu yidhi: “Asxaabta way ku bi’i jireen (taaban jireen) markay dagaalada ku jiraan, kamanay maydhi jirin jidhkooda iyo dharkooda midna.” Kuwa hilibkooda la cunana culimada ay ka mid yihiin Maalik, Axmad iyo jamaaco Shaaficiyada ka mid ahi waxay u arkaan kaadidooda iyo saxaradooda daahir.” Ibnu Taymiyah oo arrintaa ka faalooday.
Dahaarada _ 33
wuxuu yidhi: “Ma jiro mid keliya oo Asxaabta ka mid ah oo yidhi kaadida iyo saxarada kuwa hilibkooda la cunaa waa nijaas.” Ra’yiga odhanaya waa nijaas waa fikrad cusub oo aan Asxaabta raad ku lahayn. Anas bin Maalik (Ihkra) wuxuu yidhi: “Waxa Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam u yimi dad ka mid ah Qabiilada Cukul ama Curaynah oo uu calool-shuban ku dhacay markay Madiina yimaadeen. Wuxuu Nebidu Salallaahu caleyhi wasalam amray in loo keeno hal irmaan oo ay caanaheeda iyo kaadideeda cabbaan1.” (Axmad iyo labada Sheekh ayaa soo weriyey).
Xadiiskaasu wuxuu daliil u yahay inay kaadida geelu daahir tahay. Xayawaanka hilibkooda la cunona sidaas ayaa looga qiyaas qaadanayaa oo iyana waa daahir. Ibnul Mundir wuxuu yidhi: “Dadka yidhi waxay arrintaasu khaas u ahayd Cukul iyo Curaynah sax maaha. Khasaa’iska gaarka ahi kuma sugmaan daliil la’aantii.” Wuxuu yidhi Ibnul Mundir: “Cuilmadii hore iyo kuwa dambe labaduba way ogolaadeen iyagoo aan midkoodna inkirin in suuqa lagu iibiyo saalada adhiga, iyo in kaadida geela dewooyinka lagu darsado.” Taasu waxay ina tusaysaa inay daahir yihiin. Ash-Shawkaani wuxuu isna yidhi: “Xaqiiqadu waxay tahay inay daahir yihiin dhammaan kaadida iyo saxarada wixii hilibkooda la cuno. Dadkii nijaas ku sheegayna waa inay daliil la yimaadaan, mana jiro daliil ay cuskadeen dadka yidhi waa nijaas.”
11. Jallaaladda
Waxa Nebiga Salallaahu caleyhi wasalam ka soo sugnaatay inuu inoo diiday Jallaaladda in la rarto ama la koro, hilibkeeda in la cuno iyo caaneheeda in la cabbo intaba. Ibnu Cabbaas (Ihkra) waxa laga soo weriyey inuu yidhi: “Wuxuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam
inaga mamnuucay (inoo diiday) in aan cabno caanaha jallaaladda” (Shanta Imaam ayaa soo weriyey Ibnu Maajah mooyee, at-Tirmidina wuu saxixay). Riwaayad kalena, wuxuu Abuu Daa’uud soo weriyey “Inuu Nebigu Salallaahu caleyhi wasalam inoo diiday Jallaaladda in la rarto .”
Camr bin Shucayb wuxuu aabihii ka soo tebiyay inuu awowgii (Ikhra) yidhi: “Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam wuxuu inaga mamnuucay hilibka dameeraha dadku
Caanaha iyo kaadidada intoo ay isku daraan ay cabbaan.
Dahaarada _ 34
dhaqdo (belediga ah), Jallaaladdana in la koro ama la rarto iyo hilibkeeda in la cunaba wuu inaga mamnuucay .” (Axmad, an-Nasaa’i iyo Abuu Daa’uud ayaa soo weriyey).
Jallaaladdu waa neefka cuna saxarada, ha ahaado ido, geel, lo’, adhi ama digaag (dooro) iwm. Kuwaas oo markay saxarada cunaan urtoodu isbeddesho oo xumaato. Haddii neefkaa saxarada cuna lasiiyo caws muddo oo laga ilaaliyo cunidda saxarada wuxuu neefkaasu ku noqonayaa caadigiisii hore, hilibkiisana urta xumi way ka ba'aysaa. Diinta Islaamku markaa waxay inoo fasaxaysaa hilibkiisa, caanihiisa iyo manaafacaadkiisa oo dhan1.
12. Khamriga
Khamrigu waa nijaas siduu Ilaahay Qur'aankiisa kariimka ah ku caddeeyey, culimada badankooduna (al-Jamhuur) ay isku waafaqeen. Wuxu Alle yidhi:{ Kuwa Eebbe rumeeyow khamriga, khammaarka, asnaamta iyo faalku waa rijsi (uskag) camal shaydaan ah ee ka fogaada si aad u liibaantaan } (Al-Maa'idah : 90)
Culimada qaar ka mid ahina waxay yidhaahdeen khamrigu waa daahir, iyagoo u macnaynaya erayga “Rijsi رجلس ” ee Aayadda kor ku xusan inuu yahay eray gaar ah oo khuseeya khamriga iyo dhammaan wixii loo nisbeeyo. Isla markaana, aanu eraygaasu sifaynaynin nijaas xissi ah (muuqatta sida kaadida). Hase yeeshee, uu yahay nijaas macnawi ah. Wuxuu Alle Cazawajala yidhi: Ka fogaada uskaga ama nijaasta (rijsiga) asnaamta (Al-Xaj: 30).
Kaas oo ah rijsi (nijaas ama uskag) macnawi ah oo aan nijaasaynayn qofkii taabta. Isla markaana sida ay fasirayso Aayadda aan hore u soo sheegnay waa camal shaydaan, oo dadka cadaawad iyo nacayb ku dhex abuura, dikriga iyo salaaddana ka hor joogsada.
Faalo gaar ah: Waxa labada Xadiis ee aan kor ku sheegnay inooga caddaanaysa in dadka guryaha magaalooyinka xoolaha ku dhaqda ay waajib ku tahay inay foojignaan gaar ah u yeeshaan xoolohooda iyo waxay quutaan, kana ilaaliyaan kudaafadaha iyo meelaha nijaastu ku badan tahay.
Dahaarada _ 35
Kitaabka Subul As-Salaam waxa ku xusan: “Inuu xaqu yahay inay khamriga iyo sanamadu assal ahaan daahir yihiin. Hase yeeshee, xaaraanta la xaaraantimeeyay maaha mid ku salaysan nijaas ee waa shay assal ahaan uu Alle inaga xarrrimay.
Tusaale: Xashiishaddu waa xaaraan waana daahir. Wax kasta oo nijaas ahi waa xaaraan, laakiin wax kasta oo xaaraan ahi nijaas maaha. Xukunka guudna waa inaan la taaban haba yaraatee wixii nijaas ah. Dhammaan wixii nijaas ahina waa xaraan xukun ahaan. Waxyaabo badan oo iyaguna aan nijaas ahaynina waa inaga xaaraan. Dahabka iyo xariirtu waa ka xaaraan ragga labadubana waa daahir dhinaca sharciga Diinta Islaamka iyo dhinaca Ijmaaca culimadaba. Qofkii haddaba sidaa aqoonsani wuxuu fahmayaa in aanay xaaraanta khamrigu ahayn mid nijaas ku salaysan, ee ay ku salaysan tahay daliil kale. Arrinta gundhiggeeduna wuxuu yahay in assal ahaan laysku raacay inay khamriga iyo asnaamtu daahir yihiin, qofkii sidaa wax ka gedisan aqoonsanna daliilku isaguu la jiraa.
13. Eyga
Eygu waa nijaas, dhammaan wixii eyga carrabkiisu taabtana waxa waajib ah in toddoba goor la maydho oo marka ugu horaysa ciid lagu maydho iyo lix goor oo kale oo biyo ah. Sidaas ayuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam inoogu sheegay Xadiis laga soo weriyey Abuu Hurayra, inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Weelka uu ey leefo waa in toddoba goor la maydho si loo daahiriyo oo marka ugu horeeya ciid lagu maydhayo.” (Muslim, Axmad, Abuu Daa'uud iyo al-Bayhaqi ayaa soo weriyey).
Haddii uu eygu leefo weel cunto adagi ku jirtana waa in la tuuro meeshuu eygu leefay iyo wixii hareeraha ka xiga, wixii soo hadhana la intifaacsado waayo markii hore ayuu shaygaasu daahir ahaa. Dhogorta eyguna waa dhaahir wax caddaynaya inay nijaas tahayna ma jiraan.
NADIIFINTA JIDHKA IYO DHARKA
Dharka iyo jidhka markay nijaasi taabato (sida dhiigga ama nijaas kale oo muuqata) waxa waajib ah in la maydho ilaa nijaastu ka ba'ayso (tirtirmayso). Haddii uu qofku dedaalo hase yeeshee, nijaastu ka go'i waydo maryaha ama jidhka wixii itaalkiisu karo ee daacadnimo ku jirto ayuunbuu falayaa. Haddii ay nijaastu tahay mid aan la arkaynin sida kaadida waxa kafeeya mar keliya oo biyo lagu maydho. Asmaa bint Abuu Bakar (Ihkra) waxay sheegtay inay gabadhi Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam u timi oo ay tidhi: “Haddii uu dhiigga xaydku dharkayaga ku ba'o maxaanu yeellaa? Wuxuu yidhi:
Dahaarada _ 36
“Ka tirtir dhiigga, dabadeeto biyo ku xafuuji kuna maydh, kabacdina ku tuko.” (Sixadiisa waa laysku waafaqay).
Haddii ay nijaasi taabato maryaha dumarka intooda hoose (sida toobka dheer ee dhulka gaadhaya) waxa daahirinaya ciidda ay maradu kor marayso.
Ummu Salamah waxa laga soo weriyey inay gabadhi waydiisay “Waxaan gashadaa toob dheer oo dhulka jiidma, xatta markaan marayo meelaha nijaasta leh, maxaan yeelaa? Ummu Salamah (Ihkra) waxay tidhi: Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam wuxuu yidhi: “Dhulka uu toobku sii maro ayaa daahirinaya.” (Axmad iyo Abuu Daa'uud ayaa soo weriyey).
Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix