FIQHI CIBAADAAT


 twahara


Hadhaagu waa biyaha ku hadha weelka marka laga cabbo, waana shan nooc.
1. Hadhaaga dadka
Biyaha ku hadha weelka uu ka cabbo qof Muslim ama gaal ah, iyo mid jinaabaysan ama xayd leh dhammaan waa daahir. Ilaahay Caza wajala markuu yidhi: Mushrikiintu waa najis macneheedu wuxuu yahay nijaas macnawi ah oo caqiidadooda baadilka ah saamaysa, ee maaha nijaas uu jidhkoodu nijaas yahay. Gaaladu way la macaamili jireen Muslimiinta wufuudooduna way la kulmi jireen Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam waanay soo geli jireen Masjidkiisa. Manuu amrin Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam marnaba waxay taabteen in la daahiriyo. Caa’isha (Ihkra) waxa laga soo weriyey inay tidhi: “Anigoo jinaabaysan haddii aan weel ka cabo waxaan u gudbin jiray NebigaSalallaahu caleyhi wasalam oo ka cabi jiray meeshaan ka cabay ee ay dibnahaygu taabteen.” (Muslim ayaa soo weriyey).
2. Hadhaaga xoolaha hilibkooda la cuno.
Dhammaan xayawaanka hilibkoodu xalaasha yahay biyaha cabitaankooda ka hadhaa waa daahir (nadiif). Mar haddii xoolahaa hilibkoodu xalaal yahay candhuuftooduna nijaas maaha. Sidaas darteed, hadhaagooda waa la cabbi karaa laguna weysaysan karaa. Abuu Bakar Ibnul Mundir wuxuu yidhi: dhammaan ahlul cilmigu waxay qabaan kuna dhaqmaan arrinka aan kor ku sheegnay.
3. Hadhaaga gammaanka, dugaagga, iyo haadda
Dhammaan hadhaaga xayawaanka aan kor ku sheegnay waa daahir. Jaabir bin Cabdullah (Ihkra) waxa laga soo weriyey inuu yidhi: “Nebiga Salallaahu caleyhi wasalam ayaa la weydiiyey: Miyaanu ku weysaysan karnaa biyaha ka hadha weelka dameeruhu ka cabeen? Wuxuu yidhi: “Haa, iyo dhammaan dugaagga wixii ka hadha.” (Ash-Shaafici iyo ad-Daaraqudni iyo al-Bayhaqi oo isagu yidhi sanadyo kala gedisan ayaa lagu soo weriyey oo haddii laysu geeyo Xadiiska xoojinaya)1.

Ibnu Cumar (Ihkra) isagana waxa laga soo weriyey inuu yidhi: “Habeen uu Rasuulku
Salallaahu caleyhi wasalam suuqa u baxay isagoo safar ah, waxay soo ag mareen nin berked garab fadhiya. Markaasuu Cumar ninkii ku yidhi: Miyay dugaagu xalayto berkedaada ka cabeen? Wuxuu Rasuulki Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Ninka berkedda lehow ha u sheegin wuu iskalifayaaye. Dugaaggu waxay leeyihiin waxay calooshooda ku qaadeen, inana waxa soo hadha ayaa cabitaan iyo dahaaroba inoo ah.” (Ad-Daaraqudni ayaa soo weriyey)2.

Yaxya bin Cabdur-Raxmaan wuxuu isna yidhi: “Cumar Ibnul Khaddaab oo mar ay baxeen la socda koox uu ku jiro Camr binul Caas ayaa soo gaadhay berked. Markaasuu Camr ninkii berkedda lahaa ku yidhi: Miyay dugaaggu ka cabaan berkeddaada? Wuxuu Cumar yidhi: “Hanoo sheegin, madaama dugaagu inooga dambeeyo (cabitaanka), inaguna aan dugaagga uga dambayno.” (Imaam Maalik ayaa ku soo weriyey kitaabkiisa Al-Muwadda’).
4. Hadhaaga bisadda
Hadhaaga bisaddu waa daahir. Sidaa waxa daliil u ah Xadiis laga soo weriyey Kabshah bint Kacab inay tidhi: “Abii Qataadah ayaa ii soo galay markaasaan biyo uu cabo u shubay. Markaasay bisadi u timi oo ay biyihii ka cabtay, markaasuu isna uu weelkii
Nasrud-Diin al-Albaani wuxuu sheegay inuu Xadiisku Munqadic yahay. Sida Axaadiis kale ku qeexanna uu hadhaaga dugaaggu nijaas yahay, (Eeg Tamaam al-Minnah).
Nasrud-Diin al-Albaani wuxuu sheegay inay al-Xaafid iyo ash-Shawkaani yidhaahdeen Xadiisku waa daciif.
u janjeedhiyay ilaa ay bisaddi dhamaysatay cabitaankii. Wuxuu arkay anigoo eegaya, kolkaasuu yidhi: Miyaad ila yaaban tahay adeer? Waxaan idhi haa, wuxuu yidhi: Rasuulka Alle S Salallaahu caleyhi wasalam ayaa yidhi: “Bisaddu maaha nijaas waxay ka mid tahay kuwa aad wada nooshihiin ee idin dex wareega, idinna aad dhex wareegtaan.” (Shanta Imaam ayaa soo weriyey, at-Tirmidi wuxuu yidhi waa Xadiis xasan Saxiix ah, al-Bukhaarina wuxuu yidhi waa Saxiix).

5. Hadhaaga eyga iyo doofaarka
Hadhaaga eyga iyo doofaarku waa nijaas. Sidaas darteed, waxa habboon in laga fogaado. Abuu Hurayra waxa laga soo weriyey inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Haddii uu ey ka cabo weelkiina waa inaad maydhaan toddoba goor.” (Al-Bukhaari iyo Muslim).

Sidoo kale, Axmad iyo Muslim waxay sheegeen inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Haddii uu ey weelkiina leefo maydha toddoba goor oo marka ugu horeeya ciid ku maydha.” Hadhaaga dofarkuna isagu waa uskag iyo nijaas.


logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Abdelqader1

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

673833
Today
Yesterday
All days
321
841
673833
2024-09-08 04:17

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_66dd253bc52ac21136276701725769019
title_66dd253bc53cb3930041811725769019
title_66dd253bc54d019428887661725769019
title_66dd253bc55cb330940661725769019
title_66dd253bc56cf7102437161725769019
title_66dd253bc57c613267920291725769019

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_66dd253bc672f10899812011725769019
title_66dd253bc681612519978081725769019
title_66dd253bc68f910914904351725769019
title_66dd253bc69d819905748101725769019

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com