FIQHI CIBAADAAT
Diinta Islaamku waxay u qaybisay biyaha afar qaybood.
1. QAYBTA KOOWAAD WAA BIYO SAAFI AH:
Biyaha saafiga ahi waa biyo iskood daahir u ah, wixii najaasi taabatana way daahiriyaan. Biyaha saafiga ah waxa hoos yimaada:
b) Biyaha roobka, barafka iyo dhadada:
Dhammaan saddexdanu waa nadiif waxna waa lagu nidiifiyaa. Sidaas wuxuu Alle Subxaanahu watacaalaa inoogu caddeeyay Qur'aanka Kariimka ah: Alle waakii samada idiin ka soo dejiyaa biyo uu idinku daahiriyo (Al-Anfaal: 11). Waxa kale ee uu Alle Subxaanahu watacaalaa yidhi: Alle samada ka soo dejiyey biyo daahir ah (Al-Furqaan: 48).
Dhinaca Xadiiskana wax inoo caddaynaya inay daahir yihiin Xadiiskan Abuu Hurayra laga soo weriyey inuu yidhi: “Markuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam salaadda xidho wuu yara aamusi jiray qiraa’ada ka hor. Waxaan weydiiyey: Rasuulkii Allow, aabahay iyo hooyaday ha laguu fidyeeyee, salaadda markaad xidhato iyo qiraa’ada dhexdooda markaad yara aamusan tahay maxaad tidhaahdaa? Wuxuu yidhi: “Waxaan idhaahdaa: Allaahumma baacid baynii wa bayna khadaayaaya kamaa baacadta baynal mashriqi wal Maqrib, Allaahumma naqinii min khadaayaaya kamaa yunaqaa athawbul abyadu mina-danas, Allaahumma aqsilnii min khadaayaaya bithalaji wal maa’i wal barad.” (Jamaacada ayaa soo werisay at-Tirmidi mooyee). Taas oo macneheedu yahay sidan: Ilaahow aniga iyo gefkayga noo kala fogee sidaad bari iyo galbeed u kala fogaysay, Ilaahow gefkayga iiga maydh sida marada cad wisikhda looga maydho, Ilaahow gefkayga igaga maydh baraf, biyo iyo dhedo.”
t) Biyaha badda:
Biyaha baddu waa daahir sida uu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam inoogu caddeeyay Xadiiska Abuu Hurayra laga soo weriyey inuu yidhi: Nin ayaa Rasuulka Salallaahu caleyhi wasalam weydiiyey: “Rasuulkii Allow haddii aanu dooni saarannay kuna safrayno bad dhexdeed oo biyaha macaani nagu yar yihiin oo haddii aanu ku weysaysano aanu harraadi doonno miyaanu biyaha badda ku weysaysan karnaa? Wuxuu Rasuulki Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Badda biyaheedu waa daahir bakhtigeeduna waa xalaal.” (Shanta Imaam ayaa soo weriyey, at-Tirmidina wuxuu yidhi waa xasan Saxiix, al-Bukhaari oo aan waydiiyayna wuxuu yidhi waa Saxiix).
j) Biyaha zamzamka:
Biyaha zamzamku inay nadiif yihiin waxa daliil u ah Xadiiskan Ali bin Abii Daalib (Ihkra) laga soo weriyey “Inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam codsaday baaldi biyaha zamzamku ku jiraan oo uu waxna cabbay waxna uu ku weysaystay” . (Axmad ayaa soo weriyey).
x) Biyo isbeddelay:
Kuwanu waa biyo xaaladdoodii caadiga ahayd iska beddelay taas oo ay ugu wacan tahay waqti dheer oo ay meeshaa biyuhu fadhiyeen, ama meeshay biyuhu ku jireen darteed, ama waxyaabo ku laaqmay oo aan laga sooci karin dartood (sida saaruqda, caleenta dhirta, iwm.).
Culimaduna waxay isku waafaqday inay biyaha noocaas ahi daahir yihiin, waxna lagu daahirin karo. Dhammaan wixii hoos yimaada ama loo nisbeeyo biyaha saafiga ah waa nadiif wixii najaasi taabatana way nadiifin karaa. Wuxuu Alle Caza wajala yidhi: Haddii aad bukootaan, ama safartaan, ama aad
saxarootaan, ama haween u galmootaan oo aydinaan biyo haysan, ku gagabaysta carro wanaagasan (Al-Maa’idah: 6).
2. QAYBTA LABAAD WAA BIYO LA ISTICMAALAY:
Biyaha ka da'a xusullada ama jidhka qof weysaysanaya ama qof jinaabo ka maydhanaya (qusul) waa nadiif oo waxay la mid yihiin biyo saafi ah, maadaama ay markii hore biyahaasu nadiif ahaayeen. Sidaa waxa caddaynaya Xadiis Ar-Rubayic bint Mucawid laga soo weriyey iyadoo sifaynaysa weysada Rasuulka Salallaahu caleyhi wasalam inay tidhi: “Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam wuxuu madaxa ku masaxay biyihii markuu weysaysanayey gacmihiisa ku soo hadhay.” (Axmad iyo Abuu Daa'uud ayaa soo weriyey). Lafdiga Abuu Daa’uudna wuxuu yahay: “Wuxuu Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam ku masaxay madixiisa biyihii gacantiisa ku soo hadhay.”
Abuu Hurayra isaguna wuxuu sheegay “Inuu Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam
maalin kula kulmay dariiq magaalada Madiina ku yaala isagoo jinaabaysan, dabadeetana intuu ka dhuuntay Rasuulka Salallaahu caleyhi wasalam ayuu soo laabtay markuu jinaabadii ka soo maydhay. Rasuulkii Salallaahu caleyhi wasalam ayaa ku yidhi: “Abuu Hurayrow xaggeed jirtay?” Wuxuu yidhi: Waan jinaabaysnaa sidaas darteed, waxaan karhay inaan kula fadhiisto anigoon daahir ahayn. Wuxuu Rasuulka Alle
Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Subxaanalaah mu'minku ma nijaasoobo.” (Jamaacada ayaa soo werisay).
Maadaama aanu mu'minku nijaasoobin sida kor ku cad biyaha korkiisa taabtay waa daahir waxna waa lagu daahirin karaa. Waayo shay daahir ahi haddii uu taabto shay kale oo daahir ah waxba yeeli maayo. Ibnul Mundir wuxuu yidhi: Waxa laga soo weriyey Cali, Ibnu Cumar, Abii Umaamah, Cadaa’, al-Xasan, Makxuul, iyo an-
Nakhacii inay yidhaahdeen: Qofkii ilaawa inuu madaxa masaxo waxa u bannaan inuu ku masaxo biyaha gadhkiisa ka da’aya. Waxay arrintaasu ina tusaysaana inay Asxaabtaasu u arki jireen in ay biyaha la isticmaalay daahir yihiin, aniguna (Ibnul Mundir) sidaas ayaan qabaa. Ra’yigaasi wuxuu ku salaysan yahay riwaayado (tebis) laga soo weriyey Imaam Maalik iyo ash-Shaafici. Ibnu Xazm wuxuu ra’yigaa u nisbeeyay Sufyaan ath-Thawrii, Abii Thawr iyo dhammaan dadka Mad-habta Daahiriyada raacsan.
3. BIYO WAX DAAHIR AHI KUWALAAQMEEN:
Haddii waxyaabo daahir ah sida saabuunta, sacfaraanka, daqiiqda (burka) iwm, ay ku laaqmaan biyo daahir ah biyaahsu wali waa daahir. Waxa loo ictiqaadayaana daahir ilaa inta aanay biyahaa ku laaqmin wax yaabo aan daahir ahayni. Markay sidaasu dhacdana biyahaasu wali waa daahir (iskood) hase yeeshee, wax laguma daahirin karo. Ummu Cadiyah (Ihkra) waxa laga soo weriyey, inay tidhi: “Rasuulka ayaa noo soo galay Salallaahu caleyhi wasalam maalintii inanitiisa Zaynab geeriyootay. Wuxuu yidhi: “Maydha (maydka Zaynab) saddex ama shan goor iyo ka badan hadba kii ku habboon oo ku maydha biyo iyo caleen gob. Marka ugu dambaysana u raaciya biyaha kaafuur ama wax kaafuur ka samaysan. Markaad dhamaysaanna I war geliya.” Markaanu dhamaynayna waanu war gelinay kolkaasuu noo dhiibay go'iisii hoose oo yidhi ku duuba oo xigsiiya Zaynab jidhkeeda.” (Jamaacada ayaa soo werisay). Waxa la og yahay in aan maydka lagua daahirin karin wax aan ku habboonayn qof nool in lagu daahiriyo.
Ummu Haanii' (Ihkra) waxa laga soo weriyey inay tidhi: “Maymuuna iyo Rasuulku
Salallaahu caleyhi wasalam waxay labadooduba ku maydheen biyo ku jiray weel keliya oo cajiin leh.” (Axmad, an-Nasaa'i iyo Ibnu Khuzaymah ayaa soo weriyey).
Labadaa Xadiis waxay ina tusayaan:
• Inaan maydka lagu maydhin wax aan qof nool lagu daahirin karin.
• Haddii ay biyaha ku laaqmaan wax daahir ahi inay biyahaasu daahir yihiin waxna lagu daahirin karo.
4. BIYO WAX NIJAAS AHI KUWA LAAQMEEN:
Kuwanu waxay u kala baxaan laba qaybood.
1. Haddii waxyaabaha biyaha ku laaqmay ay beddelaan dhadhanka, midabka ama urta, biyahaa looma isticmaali karo in wax lagu daahiriyo, sida Ijmaaca culimadu qabaan ay soona xigteen Ibnul Mundir iyo Ibnul Mulaqin.
2. Haddii waxyaabaha biyaha ku laaqmay aanay beddelin dhadhanka, urta ama midabka biyaha, biyahaasu waa saafi (daahir) ha yareedaan hase badneedeene, waxna waa lagu daahirin karaa. Waxa arrintaa daliil u ah Xadiis laga soo weriyey Abuu Hurayra inuu yidhi: “Nin reer baadiye ah ayaa maalin ku kaadjay Masjidka Rasuulka
Dadkii ayaa u kacday inay farasaaraan oo ka joojiyaan. Hase yeeshee, Rasuulkaa Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Iska dhaafa oo baaldi ama wadaan biyo ah kaadidiisa raaciya (ku shuba), waxa la idiin soo saaray inaad isu debecsanaataan ee laydiinma soo saarin inaad isu qallafsanaataan.” (Jamaacada ayaa soo werisay Muslim mooyee).
Abuu Saciid al-Khuduriyi waxa laga soo weriyey inuu yidhi: “Waxa Rasuulka Alle
Salallaahu caleyhi wasalam la weydiiyey in lagu weysaysan karo biyaha ceelka Budaacah1? Wuxuu yidhi: “Biyuhu waa daahir wax nijaaseeyaana ma jiraan.” (Waxa soo weriyey Axmad, ash-Shaafici, Abuu Daa’uud, an-Nasaa’i iyo at-Tirmidi oo yidhi waa xasan, Axmadna wuxuu yidhi waa saxiix, waxa kale oo uu iyana yidhi waa saxiix Yaxya bin Maciin iyo Abuu Muxammad bin Xazm).
Waxa sidaa qaba oo kale iyana culimada ay ka mid yihiin Ibnu Cabbaas, Abuu Hurayra, al-Xasan al-Basrii, Ibnul Musayib, Cikrimah, Ibnu Abii Laylaa, ath-Thawri, Daa’uud ad-Daahirii, an-Nakhacii, Maalik iyo qaar kale. Al-Qazaali wuxuu yidhi: Waxaan jeclaan lahaa iyadoo Mad-habta Shaaficiyadu ay arrintaa kala mid tahay Mad-habta Imaam Maalik. Hase yeeshee, Xadiiska Cabdullah bin Cumar laga soo weriyey wuxuu Nebigu Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Haddii ay biyuhu qullatayn ka badan yihiin ma nijaasoobaan ” kaas oo ah Xadiis ay shanta Imaam soo weriyeen laakiin sanadkiisa iyo matankiisa labaduba ay mudrab yihiin. Ibnu Cabdulbar isaguna wuxuu kitaabkiisa At-Tamhiid ku qoray: Xadiiska qullataynka ee Mad-habta Shaaficiyadu raacday waa daciif dhinaca aragtida, mana sugna dhinaca atharka.
Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix