WANAAGYADA U GAARKA AH MAKKAH IYO MASJIDKA XARAMKA
Masjidka Xaramka wuxuu ku yaal Makkah Al-Mukarrama galbeedka Jaziiradda Carabta, wuxuuna leeyahay wanaagyo badan oo ku gaar ah, waxaa ka mid ah:
1- Waxaa ku yaal Kacbada la sharfay
Kacbadu waa dhismo afar gees ah waxayna dhexda kaga taal Masjidka Xaramka ee ku yaal Makkah.
Waa qiblada ay u jeestaan Muslimiinta waqtiga salaadda iyo qeyrkeed cibaadooyinka uu Allaah amray.
Waxaana dhisay Ibraahiim Al-Khaliil iyo wiilkiisa Ismaaciil amar kaga yimid darteed xagga Allaah Cazza wajalla. waxaana la cusbooneysiiyey dhismahiisa dhowr jeer
Allaah Kor ahaaye wuxuu yiri: “Oo (xus) markuu Ibraahiim kor u qaadayey aasaaska Beydka iyo Ismaaciilba (iyagoo leh): Rabbiyow! Naga aqbal, hubaal Waxaad Adigu tahay maqlaha wax kasta ee wax kasta Ogsoon”. (Al-Baqarah: 127)
Wuxuuna Nabi Muxammad Salallaahu caleyhi wasalam kala qayb galay qabaa’isha Makkah dhigidda dhagaxa madow halkiisii markay dib u dhisid ku samaynayeen dhismahiisa.
2- Waa masjidkii u horreeyey dhulka guudkiisa
Mar uu saxaabiga weyn Abuu Dar Allaha ka raari noqdee weydiiyey Rasuulka Salallaahu caleyhi wasalam : Rasuul Allow masjidkee baa loogu hor dhisay arlada? Wuxuu yiri:” Masjidka Xaramka” Wuxuu yiri: Waxaan iri: Kaddibna kee? Wuxuu yiri: Masjidka Al-Aqsaa” Waxaan iri: Intee baa u dhexeysey? Wuxuu yiri: “Afartan sano, waliba halkii ay kugu haleesho salaadda markaa ku tuko, halkaas baa fadli leh” (Al-Bukhaari 3186, Muslim 520).
3- Waxaa ajar labalaab ah leh salaadaha lagu tukado
Waxaa ka sugnaaday Nabiga inuu yiri: “Salaadda lagu tukado masjidkeygan – masjidka Madiina– wuxuu ka fiican yahay kun salaadood wixii ka soo hara masaaajidda kale marka laga reebo masjidka Xaramka, salaadda lagu tukadana masjidka xaramka wuxuu ka fiican yahay boqol salaadood oo lagu tukado wixii ka soo hara” (Ibnu Maajah 1406, Axmad 14694).
4- Waa meel xurmo leh ay caageen Allaah iyo Rasuulkiisa
Allaah kor ahaaye wuxuu yiri: “Dheh Nabi Muxammadow):
“Waxaa aniga la I amray sideedaba in aan caabudo Rabbiga magaaladaan ee ah Kan xurmada u yeelay oo iska leh wax walba. Oo waxaa la I amray inaan ahaado mid ka mid ah Muslimiinta (kuwa isu dhiiba Alle)”. (Al-Namal: 91)
Makkah waxaa ka xarrimay Allaah khalqigiisa inay dhiig ku daadiyaan ama cid ku dulmiyaan ama in la ugaarto ugaadheeda, ama la gooyo wax ka mid ah geedaheeda iyo cowseekda.
Nabigu Salallaahu caleyhi wasalam wuxuu yiri: “Makkah waxaa xarrimay Allaah, oo ma ayan xarrimin dadka, marka uma bannaana qof rumeysan Allaah iyo Maalinta dambeysa inuu ku daadiyo dhiig ama ka gooyo geed” (Al-Bukhaari 104, Muslim 1354).
5- Magaalooyinka waa midda uu ugu jecel yahay Allaah oo sidoo kale u jecel yahay Rasuulkiisa Muxammad Salallaahu caleyhi wasalam
Nin ka mid saxaabada baa wuxuu yiri: Waxaan arkay Nabiga Salallaahu caleyhi wasalam oo saaran awrkiisa jooga Xazuurah (xaafad ku taal Makkah) isagoo leh: “wallaahi waxaad tahay halka u khayr badan arlada Ilaahay, iyo arlada ilaahay midda uu Allaah ugu jecel yahay, haddiina aan la iga kaa saareyn kaama baxeyn” (At-Tirmidi 3952, An-Nisaa’I wuxuu ku yaal As-Sunan Al-Kubraa 4252)
6- Allaah wuxuu faral yeelay in loo soo xajiyo beydkiisa xaramka ah qofkii awood u yeesha jid mar
Wuxuu u dhawaaqay Ibraahiim dadka inay soo xajiyaan, markaasay dadkii ka kala yimaadeen meel kasta, waxaana u soo xajiyey anbiyada c.w., sida uu sheegay Nabiga Salallaahu caleyhi wasalam , Allaah Kor ahaaye wuxuu yiri isagoo ka warramaya amarka uu siiyey Ibraahiim:
“Oo ugu baaq dadka Xajka, waxay kuugu imaan doonaan lug iyo iyagoo fuushan bog-xoodan kasta, waxay ka imaan doonaan tub kasta oo fog”. (Al-Xaj: 27)
Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Ku dhaqanka dabci wanaagsan si loo dhowro
...Kula dhaqanka dabci wanaagsan xitaa xoolaha
...
Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix