SOONKA SUNADDA AH 
Allaah wuxuu faral yeelay soomid bil keliya sannadkii, laakiinse wuxuu dhiirra geliyey soomidda maalmo kale qofkii ka hela naftiisa awood iyo doonis arrinkaa isagoo doonaya ajar badsi iyo abaal gud, waxaana ka mid ah maalmahaa:

1. Maalinta Caashuraa, iyo maalin horteed ama bacdigeed. Caashuurana waa maalinta tobnaad ee bisha Muxarram bisha ugu horreysa ee taariikhda islaamka, waana maalinkii uu Allaah ka badbaadiyey Nabigii Ilaahay ee Muuse caddibaaddii Fircoon, oo qarqiyey Fircoon iyo intii la jirtey, marka waxaa sooma maalintaas qofka Muslimka ku shukrin Ilaahay badbaadinta uu badbaadiyey Muuse iyo ku dayasho Rasuulkeenna Salallaahu caleyhi wasalam oo soomay isagoo yiri: “Sooma maalin horteed ama maalin bacdigeed” (Axmad 2154) mar wax laga weydiiyeyna Nabiga Salallaahu caleyhi wasalam fadliga soomidda Caashuuraa – 10ka bisha Muxarram - wuxuu yiri: “Waxaa lagu dhaafaa danbiyadii sannadkii tagey” (Muslim 1162)
2. Maalinta Carafa, waana maalinka sagaalaad ee bisha Dul Xijjah, bisha labo iyo tobnaad ee taariikhda islaamka, maalinkaana waa maalinka ay ku kulmaan xujeyda beydka Ilaahay goobta Carafa, iyagoo barya Allaah Cazza Wajalla oo u dan iyo muraad sheeegta, waa maalinka u fiican maalmaha sannadka, waxaana loo sharciyeeyey dadka aan xujeyda ahayn inay soomaan maalinkaa, markiina la weydiiyey Nabiga Salallaahu caleyhi wasalam soonka maalinta Carafah, wuxuu yiri: “Waxaa lagu dhaafaa danbiga sannadkii tagey iyo kan soo socda” (Muslim 1162).
3. Lix maalmood ka mid ah maalmaha shawwaalka, shawwaal waa bisha soon fur, waa bisha tobnaad ee taariikhda Islaamka, Nabigu Salallaahu caleyhi wasalam wuxuu yiri: “Qofkii sooma bisha Ramadaan oo raacsha lix maalmood oo ka mid ah bisha Shawaal – Soon fur - waa sida qof soomay sannadka oo dhan” (Muslim 1164)
4. Ka soomidda seddex maamood bil walba, Abuu Hurayrah Allaha karaali noqdo wuxuu yiri: “Wuxuu igula dardaarmay gacalkay seddex arriommd aan ka tegi doonin jeer aan dhinto: ka soomidda seddex maalmood bil walba, salaadda duxada, iyo inaan seexdo anigoo witirka tukaday” (Al-Bukhaari 1178, Muslim 721).

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1710846
Today
Yesterday
All days
721
2817
1710846
2026-05-10 11:45

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a006fd15c8cd17295522251778413521
title_6a006fd15c91d8029244381778413521
title_6a006fd15c96a8224164151778413521
title_6a006fd15c9b712456573371778413521
title_6a006fd15ca0210854568051778413521
title_6a006fd15ca4e16394268561778413521

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a006fd1750ef6622178631778413521
title_6a006fd1751459229289051778413521
title_6a006fd1751908466198981778413521
title_6a006fd1751db8142949171778413521

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com