DADKA CUDURDAARKA UHEYSTA INEYSAN SOOMIN 
Allaah wuxuu u rukhseeyey dhowr qolo oo dadka ka mid ah inay iska afuraan Ramadaanka khafiifin iyo naxariis iyo u sahlid darteed iyaga, waana kuwan:
1. Qofka jirran uu dhib ka soo gaarayo soonka, waxaa u bannaan inuu afuro oo qalleeya maalmahaasi lagu yeesho Ramadaanka kaddib.
2. Qofkii kari waaya soonka da’ weyni darteed ama jirro aan laga rajo qabin inuu ka caafimaado, markaa waxaa u bannaan inuu afuro oo quudiyo maalin kasta miskiin uu siiyo kilo iyo bar raashinka laga cuno beledka.
3. Haweenta qabta dhiigga xaylka – caadada- iyo dhiigga dhalmada, waxaa ka xaaraan ah labadaba soonka, mana ka ansaxayo, waxaana saaran inay qalleeyaan Ramadaanka kaddib (Eeg bogga 104)
4. Haweenta uurka leh iyo tan ilmaha nuujineysa, hadday ka baqaan dhib soo gaara naftooda ama ilmahooda way afuri karaan, oo qalleynayaan maalmahaas.
5. Qofka Musaafirka ah inta uu ku jiro safarkiisa, iyo ku negaanashaiisa meel si ku meel gaar ah muddo ka yar afar maalmood, qofkaasi waa u bannaan tahay inuu afuro oo qalleeyo maalmahaasi Ramadaanka kaddib.
Allaah Kor wuxuu yiri:
“Oo qofkii buka ama safar ah waxaa saaran isla tiradii (maalmahii uusan soomin oo uu gudo) maalmo kale. Allaah wuxuu idin la rabaa fudayd, oo idinlama rabo culays” (Al-Baqarah: 185)

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1491802
Today
Yesterday
All days
1134
2040
1491802
2026-01-31 09:53

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_697dd0fe8a2104225370951769853182
title_697dd0fe8a26119322850791769853182
title_697dd0fe8a2ad1912030561769853182
title_697dd0fe8a2f91032550521769853182
title_697dd0fe8a3438460821801769853182
title_697dd0fe8a38e6090739111769853182

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_697dd0fe9bb451026116421769853182
title_697dd0fe9bb958228782311769853182
title_697dd0fe9bbe28368727211769853182
title_697dd0fe9bc2f11242306501769853182

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com