WAA MAXAY MAALKA AY KU WAAJIBTO SAKADA?
Sakada kuma waajibto waxa uu heysto Muslimka si uu naftiisa ugu isticmaalo sida gurigiisa uu deggan yahay si kastaba qaali ha u ahaadee, iyo baabuurkiisa uu isticmaalo xitaa hadduu yahay gaari aad u qiimo badan, waa sidoo kale dharkiisa iyo cuniddiisa iyo cabbiddiisa.
Balse wuxuu Allaah ku waajbiyey sakada noocyo ka mid ah maalka aan ahayn waxyaalaha uu u baahan yahay inuu isticmaalo, maalkoosoo ah mid tarma oo kordha waana kuwan:

1- Dahabka iyo qalinka aan loo isticmaalin xirasho iyo isku qurxin
Mana ku waajibto sakada jeer uu gaaro inta sharciga uu gooeyey (nisaabka) oo ka soo wareegto sannad dayaxeed kaamil ah oo ah 354 maalmood.
Nisaabka sakada waa sidan:
Dahabka 85 garaam, qalinka 595 garaam
2- Maalka iyo lacagaha caddaanka ah ee kala duwan markaa ha ugu jirto gacantiisa ama ha u taal bangiyada
Bixinta sakada: Waxaa loo eegaa nisaabka maalka iyo lacagaha waxa u dhigma ee dahab ah, marka hadduu le’eg yahay nisaabka dahabka ama ka badan yahay oo ah 85 garaam ku dhowaad waqtiga ay waajibto sakada, oo ka soo wareego maalkaa sannad bileed isagoo heysta, markaa wuxuu ka bixinayaa 2.5 %
Tusaale ahaan: Sicirka dahabka waa isbeddelaa, haddii aan ka soo qaadno in sicirka garaamka dahabka le’eg yahay 25 doollar halkii garaam, markaa nisaabka maalka waa sidan:
25 (sicirka garaamka dahabka oo is beddela) x 85 ( tirada garaamyada waa mid sugan)= 2125 dollar waa nisaabka maalka.
3- Alaabada loo soo bandhigo iib ahaan
Waxaana loo jeedaa, wax walba oo loo diyaariyey ganacsi oo hanta ma guurto ah sida dhulal iyo dhismooyin iyo guryo ama alaabo sida raashinka la cuno iwm.
Sida loo bixiyo sakadeeda: Wuxuu qofka xisaabinayaa qiimaha dhammaan waxa uu u diyaariyey ganacsiga markuu ka soo wareego sannad kaamil ah, waxaana lagu qiimeeyaa sicirka suuqa maalinkaas, qofka doonaya inuu ka bixiyo sako, hadduu gaaro nisaabka maalka waxaa laga bixiyaa rubuca toban meeleedoo meel 2.5%.

4- Waxa ka soo baxa dhulka ee leh saraca iyo miraha iyo haruurka, iwm
Allaah kor ahaaye wuxuu yiri:
“Mu’miniintow! Wax uga bixiya (si fiican) waxyaalaha wanaagsan aad kasbataan iyo waxaanu idiinka soo saarnay arlada” (Al-Baqarah: 267).
Waxayna ku waajibtaa sakadaa noocyo gaar ah ee ka mid ah saraca oo kuma waajibto dhammaantood, waxaase shardi ah inay gaarto qaddar go’an sharci ahaan.
Wayna kala duwan yihiin waxa lagu waraabsho biyaha roobka iyo webiyada, iyo waxa lagu waraabiyo qalab iyo shaqo xagga inta ku waajibta sako tixgelin xaaladaha dadka.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1814402
Today
Yesterday
All days
1082
1967
1814402
2026-06-26 08:27

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a3e37de63c58960694171782462430
title_6a3e37de63ca810825141261782462430
title_6a3e37de63cd114075079801782462430
title_6a3e37de63d1d13210052811782462430
title_6a3e37de63d672972634561782462430
title_6a3e37de63db220115566211782462430

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a3e37de79bf716863630981782462430
title_6a3e37de79c454457591981782462430
title_6a3e37de79c6a16919868681782462430
title_6a3e37de79cb512465131641782462430

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com