UJEEDDOYINKA LAGA LEEYAHAY SAKADA
Allaah wuxuu ku farl yeelay sakada Muslimiinta ujeeddooyin waaweyn dartood, aan xuseyno qaarkood:
1. Jaclaanta maalka waa wax ku beeran aadamiga oo ku xambaarta qofka inuu ku dadaalo dadaal dhan inuu dhowro oo ku dhego, markaasuu sharciga waajibiyey gudashada sakada ka daahirin nafsadda xumaha bukhliga iyo damaca, iyo ka zuulin jecaylka adduunka iyo ku dhegidda darfaheeda, Allaah Kor ahaaye wuxuu yiri:
“Ka qaad maalkooda Sadaqo (sako) aad ku daahirineyso oo aad ku barakeyneyso (maalkooda)”. (At-Towbah: 103)
2. Gudashada sakada waxaa ku hirgala mabda’a isku xirnaanta iyo wada jirka, waayo nafsadda aadamiga waxaa lagu beeray jeclaanta qofkii u axsaan fala, sidaas bay xubnaha bulshada muslimka ah ku noolaadaan iyagoo is jecel, isku duuban, sida dhismo isheysta oo qaarba uu adkeeyo qaar, waxaana sidaas ku yaraada dhacdooyinka xatooyada iyo dhaca iyo tuugada.
3. Waxaa ku hirgala macnaha addoonnimadda iyo hoggaansanka dhan iyo isu dhiibidda dhan ee la isu dhiibo Rabbiga caalamka, markuu bixiyo qofka hodanka ah sakada maalkiisa wuxuu sidaas ku dhaqan geliyey sharciga Ilaahay oo ku fuliyey amarkiisa, bixinteedana waxaa ku jira u shukrin kan bixiyey nicmaddaas, Allaah Kor ahaaye wuxuu yiri:
“Haddaad mahad naqdaan hubaal waan idiin kordhinayaa (khayrka), haddiise aad iga abaal dhacdaan, hubaal Cadaabtaydu waa mid aad u Daran”. (Ibraahiim: 7)
4. Waxaa ku hirgala gudashadeeda arrinka is kafaala qaadka bulshadeed, iyo isku dheella tirnaanta qaybaha bulshada, marka siinteeda dadka mudan kama yeeleyso maalka mid ag tuuran qaybo go’an ee ka mid ah bulshada oo ku gaar ah iyaga, Allaah Kor ahaaye wuxuu yiri:
“Si uusan (maalku) u ahaan wax ku wareegeysta oo keliya kuwiinna hodanka ah dhexdood”. (Al-Xashar: 7)

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1491802
Today
Yesterday
All days
1134
2040
1491802
2026-01-31 09:53

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_697dd0fe8a2104225370951769853182
title_697dd0fe8a26119322850791769853182
title_697dd0fe8a2ad1912030561769853182
title_697dd0fe8a2f91032550521769853182
title_697dd0fe8a3438460821801769853182
title_697dd0fe8a38e6090739111769853182

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_697dd0fe9bb451026116421769853182
title_697dd0fe9bb958228782311769853182
title_697dd0fe9bbe28368727211769853182
title_697dd0fe9bc2f11242306501769853182

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com