XUKUNKA SALAAD LA'AANTA:
Dhammaan culimada Diinta Islaamku waxay isku waafaqday inuu kaafir yahay qofka iska dhega mara, inkira ama dafira inay salaaddu tahay waajib saaran qof walba. Dhammaan culimada Islaamku way isku waafaqeen arrinkaa iyagoo daliishanaya dhawr Xadiis oo ay ka mid yihiin kuwa xoos ku xusan:
1. Jaabir bin Cabdullah waxa laga soo weriyey inu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Qofka iyo gaalnimada waxa u dhexeeya salaadda.” (Axmad, Muslim, Abuu Daa'uud iyo Ibnu Maajah ayaa soo weriyey)
2. Buraydah isagana waxa laga soo weriyey inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Faraqa inoo dhexeeya innaga iyo gaaladu waa salaadda, qofkii ka tagaana wuu gaaloobay.” (Axmad iyo Asxaabta Sunanka ayaa soo weriyey).
3. Cabdullah bin Camr bin al-Caas wuxuu sheegay inuu Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam maalin uu salaadda ka hadlay yidhi: “Qofkii xafida waxay u noqonaysaa nuur, marag iyo badbaado Maalinta Qiyaamaha. Qofkii aan xafidinna u noqon mayso nuur, marag iyo badbaado midna. Maalinta Qiyaamahana wuxuu ku biiri doonaa Qaaruun, Fircawn, Haamaan iyo Ubaya bin Khalaf.” (Axmad, adDabaraani iyo Ibnu Xibbaan ayaa soo weriyey sanadkiisuna wuu fiican yahay).
Sheegidda uu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam inoo sheegay inuu Aakhiro qofka aan salaadda xafidini ku biiri doono madaxda kufriga waxay tilmaamaysaa inuu kaafir yahay. Ibnul Qayim wuxuu yidhi: Xafid la’aanta uu qofku salaadda xafidi waayo waxa ugu wacan maal, hanti, madaxnimo ama tijaarad mashquulisay darteed. Qofkii maalkiisu salaadda ka mashquuliyo wuxuu la mid noqon doonaa Qaaruun. Qofkii boqortinimo ay mashquulisaana wuxuu la mid noqon doonaa Fircawn. Qofkii madaxnimo ay mashquulisaana wuxuu la mid noqon doonaa Haamaan. Qofkii ay tijaaradi mashquulisaana wuxuu la mid noqon doonaa Ubaya bin Khalaf.”
4. Cabdullah bin Shaqiiq al-Caqiilii wuxuu yidhi: “Muu jirin camal keliya oo Asxaabtii Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam haddii la dhaafo ay u arki jireen inuu kufri yahay aan ahayn salaadda.” (At-Tirmidi ayaa soo weriyey iyo al-Xaakim oo yidhi waa ku sixiix qiyaasta labada Sheekh).
5. Muxammad bin Nasr al-Mirwazii wuxuu yidhi: Waxaan maqlay Isxaaq oo leh: “Waxa Nebiga Salallaahu caleyhi wasalam ka soo sugnaatay inuu qofka salaadda ka tagaa kaafir yahay.” Dadka ahlul cilmiga ah ee raadkii Rasuulka ku joogana ra’yigoodu wuxuu yahay sida Rasuulka Salallaahu caleyhi wasalam laga soo xigtay inuu qofkii salaadda ukas uga taga isagoo aan haysanin cudur-daar munaasib ah uu kaafir yahay.
6. Ibnu Xazm wuxuu yidhi: Waxa laga soo xigtay Cumar, Cabdur-Raxmaan bin Cawf, Mucaad bin Jabal, Abuu Hurayrah iyo Asxaab kale intaba in: “Qofkii salaad farad ah ukas uga taga ilaa uu waqtigeedu dhammaado uu yahay kaafir murtad ah.” Arrinkaa Asxaabtu iskumay khilaafin. Al-Mundiri oo isna arrintaa kaga faalooday kitaabkiisa At-Tarqiib Wat-Tarhiib wuxuu yidhi: Jamaaco Asxaabtii ka mid ah iyo raggi ka dambeeyayba waxay qabaan in qofkii ukas salaadda uga taga ee tukan waaya ilaa uu waqtigeedu dhamaado uu kaafir yahay. Axsaabtaa waxa ka mid ah Cumar bin al-Khaddaab, Cabdullah bin Mascuud, Cabdullah bin Cabbaas, Mucaad bin Jabal, Jaabir bin Cabdullah iyo Abuu Dardaa' Ilaahay dhammaan ha ka raali noqdee. Culimada aan Asxaabtii ahayn ee iyana sidaa qaba waxa ka mid ah: Axmad bin Xanbal, Isxaaq bin Raahwiyah, Cabdullah bin Mubaarak, an-Nakhacii, al-Xaakim bin Cutaybah, Abuu Ayuub as-Sakhtiyaanii, Abuu Daa’uud adDayaalisi, Abuu Bakar bin Abii Shaybah, Zuhayr bin Xarb, iyo qaar kale Axaadiista qofkaa dilkiisa tilmaamaysa: Axaadiista qofka salaadda ukas uga taga tilmaamaysa in la dilo waxa ka mid ah:
1. Ibnu Cabbaas (Ihkra) waxa laga soo weriyey inuu Nebigu Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Udubyada iyo tiirarka ay Diintu ku dhisan tahay waa saddex, qofkii midkood ka tagaana waa kaafir dhiiggiisu xalaal yahay. Kuwaas oo ah: Shahaadada in aan Alle mooyee Ilaah kale jirin, salaadaha faradka ah iyo soonka Ramadaan.” (Abuu Yaclaa ayaa ku soo weriyey sanad xasan ah). Riwaayad kalena wuxuu yidhi: “Qofkii midkood ka tagaana Alle wuu ka kufriyay lagamana aqbalayo farad iyo Sunne midna, dhiiggiisa iyo maalkiisuna waa xalaal”
2. Ibnu Cumar (Ihkra) waxa isagana laga soo weriyey inuu Nebigu Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Waxa lay faray inaan dadka la dagaalamo ilaa ay qiraan in aan Alle mooyee Ilaah kale jirin Nebi Muxammadna Rasuulkiisa yahay, oo ay salaadda oogaan, zekadana bixiyaan. Haddii ay sidaa falaan way iga nabad geliyeen dhiiggooda iyo maalkoodaba wixii Islaamku xaq ugu leeyahay mooyee, xisaabtooduna Alle ayay la jirtaa.” (Al-Bukhaari iyo Muslim ayaa soo weriyey).
3. Ummu salamah iyana waxa laga soo weriyey inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Waxa idin soo mari doona madax wanaag iyo xumaanba fasha. Xumaantay falaan qofkii karhaa bari1 ayuu ka noqon doonaa, kii diidaana wuu ka nabadgeli doonaa. Laakiin ka nabadgelimaayo kii ka raali noqda ee raacaa. Waxay Asxaabti yidhaahdeen: Rasuulkii Allow ma la dagaalannaa? Wuxuu yidhi: 1 Xumaanta ay falaan isaga waxba ka soo gaadhi maayaan haddii uu karho iyaga iyo camalkoodaba oo aanu ka raali noqon kuna gargaarin waxay falayaan. Salaadda 137 “Maya, hadday tukadaan.” (Muslim ayaa soo weriyey). Halkaa waxa inooga cad inay salaaddu ka nabadgelisay madaxdaa dagaalkii lala dagaalami lahaa.
4. Abii Saciid isaguna wuxuu yidhi: Cali (Ihkra) ayaa Nebiga Salallaahu caleyhi wasalam u diray woxoogaa dahab ah markuu Yaman joogay, Rasuulkina Salallaahu caleyhi wasalam wuxuu u qaybiyay afar qof. Markaasuu nin yidhi: Rasuulkii Allow Eebbe ka cabso. Wuxuu Rasuulki Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Hoogaaga miyaanan ahayn dad oo dhan ka Alle ugu cabsi badan?” Ninkii markuu tegay ayuu Khaalid bin Waliid yidhi: Rasuulkii Allow qoorta ma ka jaraa? Wuxuu yidhi: “Maya, waxa laga yaabaa inuu tukado.” Khaalid wuxuu yidhi: Imisaa ku dhawaaqa wax aan qalbigooda ku jirin (aan ka dhab ahayn). Wuxuu Rasuulki Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Layma farin in aan quluubta dadka daalacdo ama uurkooda jeexo.” (Waa qayb kooban oo kamid ah Xadiis ay al-Bukhaari iyo Muslim soo weriyeen). Waxa Xadiiskaa isagana inoogu cad inay salaaddu ka nabadgeliso qofka dilkii la dili lahaa. Salaad la’aantuna ay keenayso in qofka la dilo.
Ra’yiga ay Culimada qaarkood qabaan: Inkastoo Axaadiistaa aan kor ku sheegnay ay xukumayaan in qofka salaadda inkiraa uu kaafir yahay, haddana culimo badan oo jiilkii hore iyo jiilka dambeba ah oo ay ka mid yihiin Abuu Xaniifah, Maalik iyo ash-Shaafici waxay qabaan in qofka salaadda inkiraa (ka taga ee aan tukan) aanu kaafir ahayn laakiin uu yahay faasiq uu ku waajibay toobadkeen. Hase ahaatee, haddii uu toobad keeni waayo xadkii dilka ayaa lagu xukumayaa siday Imaam Maalik, ash-Shaafici iyo culimo kaleba qabaan. Abuu Xaniifah wuxuu qabaa in qofkaa la xidho ilaa uu ka tukanayo. Culimadaasu waxay leeyihiin Axaadiista aan kor ku sheeganay ee gaalaynaya qofka salaadda tukan waaya waxay khaas u yihiin qofka inkira inay salaaddu waajib tahay oo keliya. Waxay Salaadda 138 cuskadeenna nusuus ay ka mid yihiin qawlka Alle ee ah: Alle ma cafiyo haddii loo shariig yeelo, wixii aan intaa ahaynse wuu ka dhaafaa cidduu rabo (An-Nisaa’: 116).
Sidoo kale, waxay cuskanayaan Xadiiska Abii Hurayra laga soo weriyey inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Nebi waliba wuxuu leeyahay duco mustajaab ah oo laga aqbalo. Nebi waliba wuu qadintay (hor-marsaday) ducadiisii, anna waan kaydsaday si ay shafaaco ugu noqoto Ummaddayda Maalinta Qiyaamaha. Waxa hanan doona (haddii Alle idmo) qofkii dhinta isagoo aan Alle u shariig yeelin.” (Axmad iyo Muslim ayaa soo weriyey). Al-Bukhaari lafdigiisuna wuxuu yahay inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Dadka shafaacadayda hanan doona waxa ugu farxad badan qofkii iyadoo qalbigiisa ay ka soo go’day yidhaahda: Laa Ilaaha Illa-Laah.” As-Sabkii wuxuu ku sheegay kitaabkiisa Dabaqaat Ash-Shaaficiyah in ash-Shaafici iyo Axmad ay ka wada hadleen qofka saalada ka taga. ash-Shaafici wuxuu ku yidhi Imaam Axmad: Qofka salaadda ka taga ma waxaad leedahay waa kaafir? Wuxuu Axmad yidhi: Haa. Wuxuu ash-Shaafici yidhi: Haddii uu kaafir ahaa muxuu ku muslimayaa? Wuxuu yidhi: Inuu yidhaahdo: Laa Ilaaha Illal-Laahu Muxammadun Rasuulu-Laah. AshShaafici wuxuu yidhi: Qofkii qawlkaa daa’ima ee aan ka tegini muxuu ku muslimayaa? Wuxuu Axmad yidhi: Wuxuu ku muslimayaa inuu tukado. Ash-Shaafici wuxuu yidhi: Salaadda kaafirku ma ansaxayso, sharciga Islaamkuna ku xukumi maayo qofka gaalka ah inuu tukado. Imaam Axmad wuu aamusay oo waxba muu odhanin. Ash-Shawkaani oo isna arrintaa ka faalooday wuxuu yidhi: Qofkii salaadda ka taga wuxuu xaqu yahay inuu kaafir noqonayo dilkiisuna bannaan yahay. Axaadiista saxiixa ahina waxay tilmaamysaa in qofka salaadda ka taga kaafir lagu magacaabo. Waxay Axaadiistu sheegtay oo kale in faraqa qofka iyo kufriga u dhexeeyaa uu yahay salaadda. Sidaas darteed, qofkii salaadda dhaafa in kaafir lagu tilmaamo waa wax dhici kara.
Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix