SALAADDA :
Salaaddu waa cibaado ka kooban odhaah iyo ficil Ilaahay u xadiday oo ku bilaabma Allaahu Akbar kuna dhamaada salaan (Assalaamu calaykum).
HEERKAY ISLAAMKA KA JOOGTO: Salaaddu waxay ka joogtaa Diinta Islaamka meel aanu tiir kale ka taagnayn. Salaaddu waa tiirka shanta tiir ee Islaamka ka mid ah ee la'aantii aanay Islaamnimo jiri karin. Taas oo uu macnaheedu yahay salaad la'aani waa Diin la'aan. Rasuulkeenii Muxammad ahaa Salallaahu caleyhi wasalam wuxuu yidhi: “Wax walba waxa ugu mudan uguna korreeya Islaamka, tiirkiisuna waa salaadda, fiiqa ugu koreeyaana waa Jihaadka Alle hortii ah.” (Muslim ayaa soo weriyey)
Salaaddu waa dhammaan waxa cibaado Alle inugu waajibiyay midda ugu horaysa. Waa hadiyad Alle Caza wajala inoogu deeqay habeenkii Micraajka ee uu Ilaahay Rasuulkiisa Salallaahu caleyhi wasalam u dheelmiyey samooyinka kore. Anas bin Maalik (Ihkra) wuxuu yidhi “Salaadda waxa Rasuulka Salallaahu caleyhi wasalam lagu farad yeelay hebeenkii uu Ilaahay u dheelmiyay samooyinka kore iyadoo konton salaadood ah, markaasaa la soo yareeyey oo laga dhigay shan. Markaasaa lagu dhawaaqay Muxammadow qowlkaygu isma beddelo shantaa salaadood waxay u dhigmaan konton.” (Waxa weriyey Axmad iyo an-Nasaa'i iyo at-Tirmidi oo saxixay).
Salaaddu waa shayga ugu horeeya ee qof walba lagu xisaabin doono Maalinta Qiyaamaha. Cabdullah bin Qurad waxa laga soo weriyey inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Qof walba xisaabtiisa waxa lagu bilaabi doonaa Maalinta Qiyaamaha salaadda, haddii ay hagaagto (uu ka soo baxo) dhammaan camalkiisa kale oo dhamina wuu hagaagi doonaa. Haddii ay hagaagi waydana, dhammaan camalkiisa kale oo dhamina ma hagaagi doono.” (Ad-Dabaraani ayaa soo weriyey).
Salaaddu waa dardaarankii ugu dambeeyay ee uu Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam kula dardaarmo Ummaddiisa saacadihii ugu dambeeyay adduunkan, isagoo leh: “Salaadda, salaadda iyo wixii midigtiinu haleesho1 .” Salaaddu waa tiirka ugu dambeeya ee Diinta ka halaabi doona. Sidaas darteed, haddii ay salaaddu halawdo Islaamnimana halawday. Abii Umaamah waxa laga soo weriyey inuu Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Udubyada Islaamku waxay dadka uga siiban doonaan hal hal. Markuu mid ka siibtaba ka ku xigta ayuu dadku ku dhegi doonaa. Waxa ugu hor siiban doonana xukunka2 , waxa uguna dambayn doona salaadda.” (Ibnu Xibbaan ayaa soo weriyey).
Sidoo kale, mararka qaar wuxuu Alle Caza wajala is raaciyay salaadda iyo dikriga Alle: Wuxuu Eebbe Caza wajala yidhi: Salaaddu waxay addoomaha ka reebtaa xumaanta iyo munkarka, dikriga Alle ayaana weyn, Eebbena wuu og yahay waxaad falaysaan (Al-Cankabuut: 45).
Sidoo kale, wuxuu Alle Caza wajala yidhi:Waxa liibaanay qofkii isdaahiriya (nadiifiya), magaca Eebbena xusa, salaaddana tukada . (Al-Aclaa: 14-15).
israaciyay salaadda iyo zekada sida: Salaadana ooga zekadana bixiya, wixii khayr ah ee naftiina aad u hor marsataanna waxaad ka helaysaan Alle agtiisa, Eebbena waxaad falaysaan wuu arkaa. (Al-Baqarah: 110).
1- Haweenka Jihaadka Alle hortii ah lagu qabsado. 2 Shareecada oo laga tago layskuna xukumi waayo ayaa noqon doona shayga ugu horreeya ee ay dadku ka tagaan.
Mararna wuxuu Alle Caza wajala israaciyay salaadda iyo sabirka sida: Kaalmaysta sabirka iyo salaadda, waanay ku wayn tahay (culus tahay) salaaddu kuwa khushuuca wixii aan ahayn. (Al-Baqarah: 45).
Ahmiyadda uu Islaamku salaadda siiyey aad ayay u wayn tahay, taas oo ah mid la inagu amray inaan la nimaadno waqti kasta, iyo xaalad kasta oo aynu ku jirno. Safar iyo degaan, nabad iyo colaad si kastaba ha ahaatee. Wuxuu Alle Caza wajala yidhi: Xafida salaaddaha iyo salaadda dhexe (Casarka), una istaaga Alle dartii idinkoo khushuucsan  . (Al-Baqarah: 238).
Isagoo Alle Caza wajala inoo qeexaya habka safarka dagaalka iyo nabadda loo tukado wuxuu yidhi: Markaad dhulka ku safartaan dembi korkiina ma saarna haddii aad salaadda gaabisaan, markaad ka cabsataan inay idin fidmeeyaan kuwa gaaloobay, gaaladuna waxay idiin tahay cadow cad. . . . (ilaa la gaadho) Salaadda ooga, salaaddu waxay ku tahay Mu'miniinta xukun waqtiyaysane (AnNisaa'a: 101-103)
Ilaahay si laxaad badan ayuu ugu digay kuwa salaadda dayaca (aan waqtigeeda tukan) ee doorbida waxay naftoodu jeceshay isagoo leh: Waxase ka daba yimi kuwo xun oo dayacay salaadda raacayna waxay naftoodu doonto, waxay kuwaasu la kulmi doonaan shar (dhibaato) . (Maryam: 59)
Sidoo kale, wuxuu Alle ugu digay kuwa salaadda dayaca Suuradda al-Maacuun. Wuxuu Alle yidhi: Waxa hoog ku sugan kuwa tukada ee haddana ka sahwiya salaaddooda . (Al-Maacuun: 4-5).
waa cibaado aad u muhiim ah una baahan hidaayad gaar ah iyo gargaarka Alle. Nebi Ibraahiim  oo aynu ognahay Ilaahay goobtuu ka joogo ayaa Alle Salaadda 134 waydiistay inuu ka yeelo isaga iyo duriyaddiisa kuwii ooga salaadda kuna gargaaro inay waajibkaa ka soo baxaan sida Alle Qur'aanka kariimka ah inoogu sheegay wuxuu Nebi Ibraahiim yidhi: Eebow naga yeel aniga iyo duriyaddayda kuwii ooga salaadda, aniga iyo duriyadayda Eebow aqbal ducadayada .

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Abdelqader1

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

720475
Today
Yesterday
All days
86
670
720475
2024-10-18 04:40

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6711e6cf22def14193101791729226447
title_6711e6cf22f531055244071729226447
title_6711e6cf230994174523331729226447
title_6711e6cf231f611049926201729226447
title_6711e6cf233389152633581729226447
title_6711e6cf234785164115801729226447

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6711e6cf24a8017060597241729226447
title_6711e6cf24bb515382539021729226447
title_6711e6cf24cfb16954473731729226447
title_6711e6cf24e2614254708761729226447

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com