WAX KA BIXINTA WAXAAD JECESHAHAY XOOLAHAAGA IYO WAXAFIICAN ADIGOO DAR ALLE ULA JEEDA

Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri:

123. "Gaari maysaan daacadnimo iyo dhowrsasho jeer aad wax kabixisaan waxa aad jeceshihiin". Suuradda Aali Cimraan: Aayadda 92.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

124. "Kuwa xaqa rumeeyoow! wax ka bixiya wixii wanaagsan oo aadshaqeysateen, iyo waxa aan dhulka idiinka soo bixinayba, hana damcina (siula kac ah) inaad kan xun bixisaan (sadaqo ahaan)". Suuradda Al-BaqarahAayadda 267.

297. Anas bin Maalik (A.K.R.) wuxuu yiri: Abuu Dalxa (A.K.R.) wuxuuka mid ahaa dadka Ansaar ugu hodansan xagga dhulalka iyo beeraha timirta.Wuxuu jeclaa beertiisii Bayraxaa oo wixii hanti iyo xoolo uu lahaa ugu wanaagsaneyd. Waxayna ka soo hor jeedday qiblada masjidka Nebiga (S.C.W.) Nabiga (S.C.W.) intuu galo buu ka soo cabbi jirey biyo fiican oo ay laheyd. Markii ay soo degtey aayaddan: "Gaari meysaan daacadnimo iyo dhowrsasho jeer aad wax ka bixisaan waxa aad jeceshihiin), buu Abuu Dalxa (A.K.R.) Nebiga (S.C.W.) u tegey oo ku yiri: Rasuul Alloow Alle wuxuu kugu soo dejiyeyaayaddan, (Gaarimaysaan daacadnimo iyo dhowrsasho jeer aad wax ka bixisaan waxa aad jeceshihiin) aniguna hantidayda waxaan u jeclahay Bayraxaa. Marka sadaqo ahaan xag Alle baan u baxsaday, anigoo ka rajeynaya ajarkeeda xagAlle, ee iga guddoon Rasuul Alloow oo sidii Alle kuu garto ka yeel, Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Waa khayr, waa khayr, waa maal aayatiin leh,waa maal aayatiin leh waxa aad tirina waa maqlay, waxaase ila fiican inaad xigtadaada u qaybisid". Abuu Dalxa (A.K.R.) wuxuu yiri: Waa yeelayaa Rasuul Alloow, xigtadiisii iyo ilma adeeradiis buuna u qaybiyey".(Bukhaari iyo Muslim)

Fiiro gaar ah:

Aadanahu waa noole bulshoole ah, noloshana bulshada dhexdeeda waxay ku dhisan tahay isii iyo qaado. Iskaashiga oo aasaas u ah nolosha bulshada, suura gal noqonmeyso, hadday dadku diidaan iskaashiga ama in wax loo qabto kuwa u baahan, iyagoo aan waxba ka hagraneyn si daacad lehna u gudanaya howsha. Hase ahaatee camal kaas iyo wax u tarka dadka wuxuu wax ku oolyahay oo keliya, ajar iyo qiimo gal yahay marka dar Alle loola jeedo ee aan loola jeedin dano adduun ku gaara laakiinse loola jeedo si lagu helo raalinimada Alle oo keliya.

Islaamku wuxuu ahmiyad gaar ah siiyey qaybinta hantida iyo xoolaha sadaqada ah qofka qaraabadiisa dhexdiisa, iyo bulsho weynta u baahan guud ahaan. Marka wax la bixinayana , in lagu dadaalo bixinta waxa wanaagsan xitaa hadday sadaqo tahay. Bixinta waxyaabaha xun ee liita waxay keeneysaa naceyb iyo karaahiyo.

Sidaa awgeed, si loo abuuro bulsho caafimaad qabta, loona hormariyo aragtiyooyinka wanaagsan, Islaamku wuxuu dhiiragaliyey qaybinta alaabada iyo hantida wanaagsan marka sadaqo la bixinayo.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1725487
Today
Yesterday
All days
47
1842
1725487
2026-05-18 00:50

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a0a623b33ab319808160181779065403
title_6a0a623b33b023627312371779065403
title_6a0a623b33b4e8159647981779065403
title_6a0a623b33b9916095419131779065403
title_6a0a623b33be220564950771779065403
title_6a0a623b33c2d11617222231779065403

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a0a623b473845003475401779065403
title_6a0a623b473d510311999411779065403
title_6a0a623b474205636861311779065403
title_6a0a623b4746c17632267321779065403

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com