XAQA UU NINKU HAWEENTIISA KU LEEYAHAY

Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri:

119. Raggu iyagaa haweenka mas'uul ka ah, waxa Alle isdheereysiiyey, iyo maalkooda oo ay ku masruufaan (dumarka) aawadeed. Markadumarka wanaagsan ee suubbanooyinka ah waa addeecooyinka dhawra marka lagamaqan yahay wixii Alle dhawray (yacni dhowra naftooda iyo arrimaha gurigeedaiyo ninkeeda)". Suuradda An-Nisaa: Aayadda 34.

Xadiisyadana waxaa ka mid ah kii Camar ibn Axwas oo aan ku soo marnayciwaankaan soo dhaafnay, waana xadiiska tiradiisu tahay 276.

281. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:"Markii uu ninku afadiisa u yeero oo gogoshiisa inay timaaddo uguyeero, oo ay imaan weydo, oo habeenkii ku seexdo caro uu u qabo, malaa'igtaanacaladda (haweentaa) ilaa waaberiga". (Bukhaari iyo Muslim)

Werin kalena oo Bukhaari iyo Muslim ku taal waxay ahayd:

"Habeenkii ay haweentu barido iyadoo gogasha ninkeeda diiddan,malaa'igtaa nacaladda illaa waaberiga". (Bukhaari iyo Muslim)

Werin kale baa waxay leedahay: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Allebaan ku dhaaran, ay nafteydu gacantiisu ku jidho, marka ninka naagtiisagogoshiisa ugu yeerto oo ay diiddo waxaa u caraysnaanaya iyada kan cirkajira (waa Alle), jeer uu ninkeeda raalli ka noqdo".

282. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Uma bannaana inay afadu soonto (soon sunno ah) ninkeeda oo gurigajooga, inuu isagu u idmo ma ahee, umana bannaana sidoo kale inay gurigiisau idanto cid uusan isagu u idmin". (Bukhaari iyo Muslim)

283. Ibnu Cumar (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Qofwalbaa waa mas'uul oo xil baa ka saaran (waajibyada dushiisa ah,waana ka mas'uul wixii ka dhaca cidda iyo waxyaabaha loo xil saaray),Ninka madaxda ahi waa mas'uul (waana la weydiinayaa sida uu xilkauga soo baxay la xiriira dadweynahaa uu mas'uulka ka yahay), Ninkuwaa mas'uul iyo wakiil oo reerkiisuu mas'uul ka yahay, naagtuna waa mas'uul oo guriga ninkeeda iyo ilmihiisa bay mas'uulka tahay. Hadal iyo dabuubti qof walbaa waa mas'uul, waana la weydiinayaa wixii ammaana ah oo gacantiisa ku jira iyo howl iyo dadba". (Bukhaariiyo Muslim)

284. Abuu Cali Dalq ibn Cali (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuuyiri: "Ninku markuu haweentiisa ugu yeerto dantiisa ha u timaaddoxataa haddii ay ku howlan tahay roodhi sameynti oy tinnaar ku jirto (macnahaxataa hadday cunto karineyso". (Tirmidi iyo Nisaa'i) Wuxuuyiri Tirmidi waa xadiis xasan ah, saxiixna ah.

285. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:"Haddii ay ahaan laheyd wax bannaan inuu qof u sujuudo qof kale,haweentaan amri lahaa inay ninkeeda u sujuuddo". (Tirmidi). Wuxuunayiri waa xadiis xasan ah, saxiixna ah.

286. Ummu Salamah (A.K.R.) waxay tiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Naagtiidhimata ninkeeda oo raalli ka ah, jannaday gelaysaa". (Tirmidi).Waa xadiis xasan ah.

Sh. Al-Baani wuxuu yiri xadiiskan waa daciif aan xujo iyo daliil lagadhigan karin.

287. Mucaad ibn Jabal (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:"Mar kastoo ay naagtu u keenta calool xumo iyo ciil ninkeeda noloshaadduunka, naagtiisa Xuurarcaynta ka mid ah baa waxay ku tiraahdaa (haweentaa):balaayo kugu dhacdaye ha dhibin ninkaaga, waayo, agtaada beri dhexmuu kuyahay (yacni marti) inuu dhawaan xaggayaga (jannada) kaa soo aadaa lagayaabaaye". (Tirmidi). Wuxuuna yiri waa xadiis xasan ah.

288. Usaamah ibn Zayd (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:"Kama tegayo gadaashay fidmo iyo imtixaan adag (sabab keenta fasahaad)oo kaga dhibaato badan ragga dumarka". (Bukhaari iyo Muslim)

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1516908
Today
Yesterday
All days
1059
2242
1516908
2026-02-10 16:05

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_698b574304d6913892450321770739523
title_698b574304db915049895701770739523
title_698b574304e052029076031770739523
title_698b574304e5014046670541770739523
title_698b574304e9a8885814161770739523
title_698b574304ed218639873921770739523

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_698b5743161d45116320761770739523
title_698b574316223416742231770739523
title_698b57431627110461036021770739523
title_698b5743162bd13515868131770739523

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com