XAQA UU NINKU HAWEENTIISA KU LEEYAHAY

Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri:

119. Raggu iyagaa haweenka mas'uul ka ah, waxa Alle isdheereysiiyey, iyo maalkooda oo ay ku masruufaan (dumarka) aawadeed. Markadumarka wanaagsan ee suubbanooyinka ah waa addeecooyinka dhawra marka lagamaqan yahay wixii Alle dhawray (yacni dhowra naftooda iyo arrimaha gurigeedaiyo ninkeeda)". Suuradda An-Nisaa: Aayadda 34.

Xadiisyadana waxaa ka mid ah kii Camar ibn Axwas oo aan ku soo marnayciwaankaan soo dhaafnay, waana xadiiska tiradiisu tahay 276.

281. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:"Markii uu ninku afadiisa u yeero oo gogoshiisa inay timaaddo uguyeero, oo ay imaan weydo, oo habeenkii ku seexdo caro uu u qabo, malaa'igtaanacaladda (haweentaa) ilaa waaberiga". (Bukhaari iyo Muslim)

Werin kalena oo Bukhaari iyo Muslim ku taal waxay ahayd:

"Habeenkii ay haweentu barido iyadoo gogasha ninkeeda diiddan,malaa'igtaa nacaladda illaa waaberiga". (Bukhaari iyo Muslim)

Werin kale baa waxay leedahay: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Allebaan ku dhaaran, ay nafteydu gacantiisu ku jidho, marka ninka naagtiisagogoshiisa ugu yeerto oo ay diiddo waxaa u caraysnaanaya iyada kan cirkajira (waa Alle), jeer uu ninkeeda raalli ka noqdo".

282. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Uma bannaana inay afadu soonto (soon sunno ah) ninkeeda oo gurigajooga, inuu isagu u idmo ma ahee, umana bannaana sidoo kale inay gurigiisau idanto cid uusan isagu u idmin". (Bukhaari iyo Muslim)

283. Ibnu Cumar (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Qofwalbaa waa mas'uul oo xil baa ka saaran (waajibyada dushiisa ah,waana ka mas'uul wixii ka dhaca cidda iyo waxyaabaha loo xil saaray),Ninka madaxda ahi waa mas'uul (waana la weydiinayaa sida uu xilkauga soo baxay la xiriira dadweynahaa uu mas'uulka ka yahay), Ninkuwaa mas'uul iyo wakiil oo reerkiisuu mas'uul ka yahay, naagtuna waa mas'uul oo guriga ninkeeda iyo ilmihiisa bay mas'uulka tahay. Hadal iyo dabuubti qof walbaa waa mas'uul, waana la weydiinayaa wixii ammaana ah oo gacantiisa ku jira iyo howl iyo dadba". (Bukhaariiyo Muslim)

284. Abuu Cali Dalq ibn Cali (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuuyiri: "Ninku markuu haweentiisa ugu yeerto dantiisa ha u timaaddoxataa haddii ay ku howlan tahay roodhi sameynti oy tinnaar ku jirto (macnahaxataa hadday cunto karineyso". (Tirmidi iyo Nisaa'i) Wuxuuyiri Tirmidi waa xadiis xasan ah, saxiixna ah.

285. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:"Haddii ay ahaan laheyd wax bannaan inuu qof u sujuudo qof kale,haweentaan amri lahaa inay ninkeeda u sujuuddo". (Tirmidi). Wuxuunayiri waa xadiis xasan ah, saxiixna ah.

286. Ummu Salamah (A.K.R.) waxay tiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Naagtiidhimata ninkeeda oo raalli ka ah, jannaday gelaysaa". (Tirmidi).Waa xadiis xasan ah.

Sh. Al-Baani wuxuu yiri xadiiskan waa daciif aan xujo iyo daliil lagadhigan karin.

287. Mucaad ibn Jabal (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:"Mar kastoo ay naagtu u keenta calool xumo iyo ciil ninkeeda noloshaadduunka, naagtiisa Xuurarcaynta ka mid ah baa waxay ku tiraahdaa (haweentaa):balaayo kugu dhacdaye ha dhibin ninkaaga, waayo, agtaada beri dhexmuu kuyahay (yacni marti) inuu dhawaan xaggayaga (jannada) kaa soo aadaa lagayaabaaye". (Tirmidi). Wuxuuna yiri waa xadiis xasan ah.

288. Usaamah ibn Zayd (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:"Kama tegayo gadaashay fidmo iyo imtixaan adag (sabab keenta fasahaad)oo kaga dhibaato badan ragga dumarka". (Bukhaari iyo Muslim)

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

921307
Today
Yesterday
All days
1133
1280
921307
2025-03-14 22:10

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_67d4a94a3797b10566859941741990218
title_67d4a94a37a8214053903931741990218
title_67d4a94a37b801408998541741990218
title_67d4a94a37c8a6313935301741990218
title_67d4a94a37d8215689337281741990218
title_67d4a94a37e7c18157529991741990218

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_67d4a94a38eb013572291161741990218
title_67d4a94a38fb315206644861741990218
title_67d4a94a390aa19219940471741990218
title_67d4a94a3919c12779883171741990218

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com