GOODIN RABBI OO LOO GOODIYEY QOFKA AFKA SAMAHA WAX KA FARA, XUMAHANA AFKA KA REEBA, AANSE KU DHAQMIN ISAGU

Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri:

94. "Dadka ma samaan baad faraysaan, marka aad idinku naftiinna halmaamaysaan (inaad wanaagga fashaan)? idinkoo kitaabka akhriyaya ma waydaan laheyn garaad iyo garasho". Suuradda Al-Baqarah Aayadda 44.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

95. "Kuwa xaqa rumeeyow maxaad u leedihiin wax aydaan falayn caro-weyn bay Alle agti keenaysaa inaad tiraahdaan wax aydaan falayn". Suuradda As-Saf: Aayadda 2-3.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

96. "Mana aan rabo inaan idiin daba maro waxa aan idinka reebayo". Suuradda Huud: Aayadda 88.

198. Abuu Zayd Usaama bin Zayd (A.K.R.) wuxuu yiri: "Waxaan maqlay Nebiga (S.C.W.) oo leh: "Maalinta qiyaamaha nin baa la keenayaa oo naarta lagu tuurayaa, markaas baa xiidmuhu soo dhacayaan oo markaasuu soconayaa isagoo wareegeysanaya hayana xiidmahiisa sida dameerku garan garta ugu wareego. Ehlu naarkaa isugu imaanaya oo oranaya hebeloow maxaa kugu dhacay? Sowtii aad samaanta fari jirtey, xumaantana reebi jirtey? Wuxuu oranayaa waa jirtaa. Laakiinse samaanta waa aan fari jirey, mana fali jirin; xumaantana waa reebi jirey anigaase fali jiray". (Bukhaari iyo Muslim)

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1407867
Today
Yesterday
All days
64
2864
1407867
2025-12-19 00:34

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_69449d9e7d1886430109701766104478
title_69449d9e7d1dc16452675791766104478
title_69449d9e7d2285281503821766104478
title_69449d9e7d27417738180911766104478
title_69449d9e7d2be21022041481766104478
title_69449d9e7d30984326791766104478

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_69449d9e8f7a616296241941766104478
title_69449d9e8f7f7797808751766104478
title_69449d9e8f8424508537201766104478
title_69449d9e8f88e6659294041766104478

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com