GOODIN RABBI OO LOO GOODIYEY QOFKA AFKA SAMAHA WAX KA FARA, XUMAHANA AFKA KA REEBA, AANSE KU DHAQMIN ISAGU

Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri:

94. "Dadka ma samaan baad faraysaan, marka aad idinku naftiinna halmaamaysaan (inaad wanaagga fashaan)? idinkoo kitaabka akhriyaya ma waydaan laheyn garaad iyo garasho". Suuradda Al-Baqarah Aayadda 44.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

95. "Kuwa xaqa rumeeyow maxaad u leedihiin wax aydaan falayn caro-weyn bay Alle agti keenaysaa inaad tiraahdaan wax aydaan falayn". Suuradda As-Saf: Aayadda 2-3.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

96. "Mana aan rabo inaan idiin daba maro waxa aan idinka reebayo". Suuradda Huud: Aayadda 88.

198. Abuu Zayd Usaama bin Zayd (A.K.R.) wuxuu yiri: "Waxaan maqlay Nebiga (S.C.W.) oo leh: "Maalinta qiyaamaha nin baa la keenayaa oo naarta lagu tuurayaa, markaas baa xiidmuhu soo dhacayaan oo markaasuu soconayaa isagoo wareegeysanaya hayana xiidmahiisa sida dameerku garan garta ugu wareego. Ehlu naarkaa isugu imaanaya oo oranaya hebeloow maxaa kugu dhacay? Sowtii aad samaanta fari jirtey, xumaantana reebi jirtey? Wuxuu oranayaa waa jirtaa. Laakiinse samaanta waa aan fari jirey, mana fali jirin; xumaantana waa reebi jirey anigaase fali jiray". (Bukhaari iyo Muslim)

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1725184
Today
Yesterday
All days
1586
3451
1725184
2026-05-17 20:21

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a0a233c552dd15984111281779049276
title_6a0a233c5532c18694745361779049276
title_6a0a233c55377955703351779049276
title_6a0a233c553c216002912611779049276
title_6a0a233c5540c3376957421779049276
title_6a0a233c554554791642541779049276

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a0a233c67cc51821211051779049276
title_6a0a233c67d133545165141779049276
title_6a0a233c67d5f11388827271779049276
title_6a0a233c67dc021048803051779049276

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com