Abuubakar(Allaha ka raalli noqdee) sida uu warinayo imaam Axmed ibnu xanbal, waxaa laga hayaa inuu yiri: “Waxaan jeclaystaa inaan ahaado xabbad tin ah oo kutaal jirka qof mu’min ah”, saas wuxuu uleeyahay saxaabigu cabsi uu kaqabo Ilaahay lakulankiisa.
Sidoo kale maalin maalmaha kamid ah ayuu wuxuu qabtay carrabkiisa foodiisa, markaasuu wuxuu yiri carabi ahaan: “haadaa Alladii awradanii almawaarid” (kan oo carrabkayga ahi waakan i dabaalsiinaya togaga iyo balliyada) wuxuu ula jeedaa kahadalka dadka maqan arrimahooda ayuu idabaalsiiyey carrabkaygu(saxaabigu wuxuu ahaa ruux Alle kacabsi badan, laakiin naftiisa ayuu dhaliilayaa).
Sidoo kale waxa uu imaam Axmed kuweriyey kitaabkiisa la yiraahdo AZZUHDI in uu Abuubakar yiri carabi ahaan: “ABKUU FA IN LAM TABKUU FATABAAKAW” (dadoow ilaahay dartiis u ooya, haddii iinnaan ooyi karinna kudadaala inaad ooydaan). Sidoo kale waxa uu Imaam Axmed ka warinayaa MUJAAHID isagoo sheegaya Abuubakar sifadiisa:
“WAKAANA IDAA QAAMA ILAA ASSALAATI KA’ ANNAHU CUUDUN MIN KHASHYATI ALLAAH”
Abuubakar markuu u istaago salaadda wuxuu ahaa sidii tiirkii oo kale, dhaqdhaqaaq la’aan, cabsi Ilaahay darteed.
Sidoo kale maalin maalmaha kamid ah ayaa Abuubakar yiri: ” Wallaahi waxaan jeclaystaa inaan ahaado geed ladaaqay oo xooluhu ay ruugeen”(yacni geeduhu maadaama aysan xisaab lahayn qiyaamaha, ayuu leeyahay maxaan geed u ahaan waayey aan xisaabta kabaxsadee!.

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix