AHMIYADDA U HOGAANSANKA AMARRADA ALLE IYO KAN DADKA UGU YEERAYA, AMA FARAYA WAX SAN WAX XUNNA REEBAYA

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

69. " Waa igu Rabbigaaye ma ayan rumayn (xaqa) jeer ay kuugu yimaadaan xugminta wixii ay isku qabtaan dabadeedna ku qancaan wixii aad go'aamiso wax dhibsi iyo culeys ahna ka gelin, hoggaansamidna hoggaansamaan'. Suuradda An-Nisaa: Aayadda 65.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

70. " Hadalka mu'miniinta (dhabta ah) markii loogu yeero inay Alle iyo Rasuulkiisu u gar sooraan waa inay yiraahdaan: waan maqleynaa oo adeeceynaa. Waana kuwaas kuwa iyagu liibaanaya'. Suuradda An-Nuur: Aayadda 51.

168. Abuu Hurayrah (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebiga (S.C.W.) markii ay ku soo degtey aayaddan: ÒAlle wuxuu leeyahay waxa cirarka iyo dhulka ku sugan; Haddii aad muujisaan waxaa maankiinna ku jira iyo haddii aad qarisaanba, Alle waa idiin xisaabayaa'. Suuradda Al-Baqarah: Aayadda 248.

Asxaabtiisii aad bay ugu cuslaatay taasi, markaasay aadeen Nebiga (S.C.W.) oo intay jilbaha ku soo fariisteen, bay waxay ku yiraahdeen; Rasuulkii Alloow (S.C.W.) waxaa naloo xilsaaray howlo iyo waajibyo aan awoodi karno, ay ka mid yihiin salaad, jihaad, soon, sako, I.W.M. haatanna waxaa kugu soo degtey aayaddaan oo aannaan awoodi u lahayn. Wuxuu yiri: ÒMa waxaad rabtaan inaad sidii ehlu kitaabkii idinka horreeyey oo kale tiraahdaan: Waan maqallay, yeeli meynana? Mayee waxaad tiraahdaan; maqallay, oo yeellay. ee Rabbiyoow dembi dhaafkaaga na sii, xaggaagaa noqodku ahaadayeÓ. Markii ay sidii yeeleen oo yiraahdeen baa markiiba Alle wuxuu soo dejiyey:

" Rasuulku waa rumeeyey wixii xagga Rabbigi looga soo dejiyey, (sidoo kale bayna yeeleen mu'miniintu. Mid walbaa Alluu rumeeyey iyo Malaa'igtiisa iyo Kutubtiisa iyo Rusushiisa, iyagoo leh rusushiisa midna gees u bixinmayno, waxayna yiraahdeen: waannu maqli, oo yeeli (wax kasta oo aad na farto) ee (na sii) dambi dhaafkaaga Rabbiyoow, xaggaagaa noqodku ahaadaye" Suuradda Al-Baqarah: Aayadda 285.

Markii ay sidaas yeeleen buu uga noqday xukunkiisaasi, soona dejiyey markaa aayadahan: " Alle nafna waxayan awood u laheyn ma saaro. Wixii ay shaqaysato bayna leedahay naf kasta, wixii ay galabsato baana loo raacanayaa. Rabbiyoow ha noo qaban haddii aan halmaanno ama gefno. (Alle Wuxuu yiri waa yahay). Rabiyoow! Culaysna ha na saarin sidii aad kuwii naga horreeyey u saartay (Alle Wuxuu yiri waa yahay). Rabiyhoow! Wax aannaan karinna hana saarin (Alle wuxuu yiri waa yahay). Oo na cafi, oo noo dembi dhaaf, oo noo naxariiso. Adigaa gacalkayagii ahe iyo gargaaraheenna ee gaalada nooga hiili. (Alle wuxuu yiri waa yahay) Suuradda Al-Baqarah: Aayadda 286. (Muslim)

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1725184
Today
Yesterday
All days
1586
3451
1725184
2026-05-17 20:21

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a0a233c552dd15984111281779049276
title_6a0a233c5532c18694745361779049276
title_6a0a233c55377955703351779049276
title_6a0a233c553c216002912611779049276
title_6a0a233c5540c3376957421779049276
title_6a0a233c554554791642541779049276

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a0a233c67cc51821211051779049276
title_6a0a233c67d133545165141779049276
title_6a0a233c67d5f11388827271779049276
title_6a0a233c67dc021048803051779049276

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com