Salaaddii buu kitaab u yahay.

(الصلاة) Salaaddii (المفروضة) ee la waajib yeelay (خمس) waa 5 salaad dood.

Salaaddaha waajibka ah waa shan salaad dood, bi macnaa wuxuu doon nayaa inuu ku yiraahdo 5 taa wixii ka soo haray oo salaad ah dhamaan tooda waa sunno ee waajib ma aha, wax waajib oo farad ah oo asal farad u ah 5 taas salaad dood waaye.

Waxaa ku tusaaya axaadiis dhowr ah, waxaa kamid ah xadiiskii micraajka (israa wal micraaj) ee Bukhaari iyo Muslim. Nabigaﷺ waa kii 50ka salaad lagu farad yeelay sooma aha markii hore?

Siduu mar Nabi Muuse (cs) ugu imaan nayay marna Allah ugu noqon naayay, markii dambe waxaa laga dhigay 5 salaad dood…

[hunna qamsun, wa hunna qamsuun] baa la yiri marka.

  • Tiradu waa 5 salaad dood
  • Xagga ajar kana waa 50

Marka 5taa un waaye.

Nin kii (acraabiga) ahaa ee Nabigaﷺ u yimid ee yidhi; salaadaha maxaa Ilaahay igu leeyahay?

Nabigaﷺ wuxuu ku yiri 5 salaad dood un.

Sidaas daraadeed bey waxay leeyihiin wixii 5taa ka soo haray oo dhan waa wada sunno, haa warku halkaa waaye.

Shan tii salaad dood buu marka guda galay (awqaad dooda) waqtiyada. Waqtiyada mid walba waqti bey leedahay sida Ilaahay uu quraanka ku sheegay…

‘’ إِنَّ الصَّلَاةَ كَانَتْ عَلَى الْمُؤْمِنِينَ كِتَابًا مَّوْقُوتًا ‘’

[سورة النساء آية ١٠٣]

 

Waa cibaado waqti leh, waqti loo gooyay waaye.

Waqti geedii buu ka hadlaayaa marka.

Waqtiga si guud salaadaha 5ta ah quraanka ayaa tilmaamay

(فَسُبْحَانَ اللَّهِ حِينَ تُمْسُونَ وَحِينَ تُصْبِحُونَ (١٧
(وَلَهُ الْحَمْدُ فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَعَشِيًّا وَحِينَ تُظْهِرُونَ (١٨

[سورة الروم آية ١٨/١٧]

Aayad daas ayaa waqtiyada salaadaha tilmaamtay

‘’ فَسُبْحَانَ اللَّهِ حِينَ تُمْسُونَ ‘’

Waxaa soo galaaya Maghribka iyo Cishaha ayaa soo galaaya.

‘’ وَحِينَ تُصْبِحُونَ ‘’

Waa salaaddii Subax.

Meeshaan meeqa ayaan haynaa?

Saddex salaad sooma ahayn?

‘’ وَلَهُ الْحَمْدُ فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَعَشِيًّا ‘’

Waa salaada Casir.

‘’ وَحِينَ تُظْهِرُونَ ‘’

Waa salaaddii Duhur, sooma aha?

Si guud quraanka ayaa u sheegay waqtiyada shanta salaad dood, axaadiista Nabigaﷺ wey sii sharaxday oo wey sii faahfaahisay.

Faahfaahin tii axaadiista ayuu galaayaa marka, mid walba waqti geeda xagguu ka bilowdaa, xaggee se ku ek yahay.

Salaadda koowaad ee 5ta ugu horeysa…

(الظهر)

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1725184
Today
Yesterday
All days
1586
3451
1725184
2026-05-17 20:21

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a0a233c552dd15984111281779049276
title_6a0a233c5532c18694745361779049276
title_6a0a233c55377955703351779049276
title_6a0a233c553c216002912611779049276
title_6a0a233c5540c3376957421779049276
title_6a0a233c554554791642541779049276

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a0a233c67cc51821211051779049276
title_6a0a233c67d133545165141779049276
title_6a0a233c67d5f11388827271779049276
title_6a0a233c67dc021048803051779049276

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com