DHIBAATOOYINKII QUREYSHI KU HAYSEY RASUULKA SCW

Qureysh markii ay intaas oo tallaabo ah qaadeen, Nabi Maxammed SCW iyo dacwadi islaamkana ay wax ka qaadi kari waayeen oo maalinba maalinka ka dambeeya ay sii xoogeysaneyso, Nabigana SCW ay difaacayaan reerkuu ka dhashay ee reer binu Haashim oo Abii-dhaalib u weyn yahay, ayey waxay go'aansadeen iney Nabiga SCW ka takhalusaan. Abii-jahal oo ahaa hoggaamiyihii qureysh ayaa qureysh la hadlay oo ku yiri: "waad u jeeddaan waxa uu Maxammed samaynayo, wuuna diidey xal kale inuu arrintiisaa ku socdo maahee, Abii-dhaalibna inuu wax ka qabto wuu diiday, haddaba ilaah baan ku dhaartaye haddaan arko Maxammed oo tukanaya intaan dhagax soo qaato ayaan madaxa bujin oo ka takhalusin, markaa qureyshey ama reer binu Haashim ii dhiiba ama i difaaca", dadkii qureysh waxay dheheen "waa ku difaacaynaa abal-xakam".

Abii-jahal maalin dambe ayuu arkay Rasuulka SCW oo tukanaya markaasuu dhagax soo qaatay oo ku soo dhaqaaqay si uu u fuliyo go'aankiisii, sidii loo dhowrayey inuu ficilkiisii fuliyo ayuu gadaal gadaal u soo boodey, markaasaa la yaabay oo la yiri "maxaa kugu dhacay", wuxuu yiri "waxaan arkay neef rati ah oo weligey wax luquntiisa oo kale leh aanan arag, anigana igu soo dhaqaaqay", Rasuulka SCW wuxuu yiri "kaasi malaku Jibriil buu ahaa, hadduu Abii-jahal ii soo dhowaan lahaana wuu dafi lahaa".

Sidoo kale ninka la yiraahdo Cuqbata ibnu abii Muceydh ayaa maalin arkay Rasuulka oo kacbada ku tukanaya, markaasuu inta mara soo qaatey luqunta ka geliyey oo ku ceejiyey, markaasaa Abuubakar al-siddiiq meeshii yimid oo ka qabtey kuna yiri "ma waxaad dileysaan nin yiri Rabbigey waa Allaah", markaasey qureyshtii meesha joogtey Abuubakar ku jeesteen oo rifeen. Abuubakar waxaa meesha laga qaaday isagoo tacbaan ah.

Arrimahaas oo dhan waxay ku tusinayaan in markey wax walba oo ay sameeyeen ku joojin waayeen Ilaahay diintiisa afna wax uga qaadi waayeen ay gacan ula tageen Rasuulka SCW iyagoo ay ujeeddaddoodu tahay iney dilaan Nabi Maxammed SCW oo ay joojiyaan Ilaahay diintiisa, Allese waa diiday.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1703086
Today
Yesterday
All days
1511
1961
1703086
2026-05-06 18:00

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_69fb81be29cf54981427781778090430
title_69fb81be29d4712602966591778090430
title_69fb81be29d9319350183081778090430
title_69fb81be29ddf7699307031778090430
title_69fb81be29e2a7166974321778090430
title_69fb81be29e756980930591778090430

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_69fb81be4462c19688019381778090430
title_69fb81be4468415023898021778090430
title_69fb81be446d318769232651778090430
title_69fb81be447236688520061778090430

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com