DHIBAATOOYINKII QUREYSHI KU HAYSEY RASUULKA SCW

Qureysh markii ay intaas oo tallaabo ah qaadeen, Nabi Maxammed SCW iyo dacwadi islaamkana ay wax ka qaadi kari waayeen oo maalinba maalinka ka dambeeya ay sii xoogeysaneyso, Nabigana SCW ay difaacayaan reerkuu ka dhashay ee reer binu Haashim oo Abii-dhaalib u weyn yahay, ayey waxay go'aansadeen iney Nabiga SCW ka takhalusaan. Abii-jahal oo ahaa hoggaamiyihii qureysh ayaa qureysh la hadlay oo ku yiri: "waad u jeeddaan waxa uu Maxammed samaynayo, wuuna diidey xal kale inuu arrintiisaa ku socdo maahee, Abii-dhaalibna inuu wax ka qabto wuu diiday, haddaba ilaah baan ku dhaartaye haddaan arko Maxammed oo tukanaya intaan dhagax soo qaato ayaan madaxa bujin oo ka takhalusin, markaa qureyshey ama reer binu Haashim ii dhiiba ama i difaaca", dadkii qureysh waxay dheheen "waa ku difaacaynaa abal-xakam".

Abii-jahal maalin dambe ayuu arkay Rasuulka SCW oo tukanaya markaasuu dhagax soo qaatay oo ku soo dhaqaaqay si uu u fuliyo go'aankiisii, sidii loo dhowrayey inuu ficilkiisii fuliyo ayuu gadaal gadaal u soo boodey, markaasaa la yaabay oo la yiri "maxaa kugu dhacay", wuxuu yiri "waxaan arkay neef rati ah oo weligey wax luquntiisa oo kale leh aanan arag, anigana igu soo dhaqaaqay", Rasuulka SCW wuxuu yiri "kaasi malaku Jibriil buu ahaa, hadduu Abii-jahal ii soo dhowaan lahaana wuu dafi lahaa".

Sidoo kale ninka la yiraahdo Cuqbata ibnu abii Muceydh ayaa maalin arkay Rasuulka oo kacbada ku tukanaya, markaasuu inta mara soo qaatey luqunta ka geliyey oo ku ceejiyey, markaasaa Abuubakar al-siddiiq meeshii yimid oo ka qabtey kuna yiri "ma waxaad dileysaan nin yiri Rabbigey waa Allaah", markaasey qureyshtii meesha joogtey Abuubakar ku jeesteen oo rifeen. Abuubakar waxaa meesha laga qaaday isagoo tacbaan ah.

Arrimahaas oo dhan waxay ku tusinayaan in markey wax walba oo ay sameeyeen ku joojin waayeen Ilaahay diintiisa afna wax uga qaadi waayeen ay gacan ula tageen Rasuulka SCW iyagoo ay ujeeddaddoodu tahay iney dilaan Nabi Maxammed SCW oo ay joojiyaan Ilaahay diintiisa, Allese waa diiday.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1463419
Today
Yesterday
All days
1522
2168
1463419
2026-01-12 16:03

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_69651b3d68caf8868652641768233789
title_69651b3d68d0016409126191768233789
title_69651b3d68d4d824997341768233789
title_69651b3d68d9a394135271768233789
title_69651b3d68de615210564501768233789
title_69651b3d68e3219730227721768233789

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_69651b3d7cce712387640731768233789
title_69651b3d7cd3713425052251768233789
title_69651b3d7cd849775459211768233789
title_69651b3d7cdd06643866891768233789

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com