20. Suáal: Waa maxay “tawxiidku”?

20. Jawaab: Tawxiidku waa keli ahaanta Ilaahay oo la qiro, waana aasaaska ugu horreeya ee diinta islaamka, waana macnaha “Laa Ilaaha illa Laahu”.

21. Suáal: Waa imisa qaybood tawxiidku maxayse kala yihiin?

21. Jawaab: Tawxiidka waxaa loo qaybiyaa saddex qaybood oo kala ah (qeexidda magacyada tawxiidka ee kala duwan waxaad ka fahmi suáalaha ku xiga);

  • Tawxiidu rubuubiya= Rabbinimada
  • Tawxiidu Uluuhiya= Ilaahnimada
  • Tawxiidu al-asmaa wa-sifaat.

22. Suáal: Waa maxay Tawxiidu-rubuubiyah?

22. Jawaab: Tawxiidu rubuubiyah waa in la qiro jiritaanka Ilaahay iyo in aan Eebbe cidi la wadaagin falalkiisa, tusaale ahaan:

  • Waa in la rumeeyo inuu Ilaahay kelidii (keligii) maamulo adduunka oo dhan nolol iyo dhimashoba, kelidiina wax arsaaqo.
  • Waa in la rumeeyo inuu Alle wax walba awoodo.

23. Suáal: Qofkii qira tawxiidu-rubuubiyah, ma ugu filantahay intaasi in lagu sheego muslin?

23. Jawaab: Maya, tawxiidu-rubuubiyah kelidii islaam laguma noqdo, maxaa yeelay? Dadka intooda badan way rumaysanyihiin jiritaanka Ilaahay. Gaaladii carbeed ee Nabi Muxammed (SCW) loo dirayna way wada qirsanaayeen in Ilaahay wax abuuro, wax dilo, waxna nooleeyo, waxna arsaaqo, laakiin intaas islaam kumay noqon sababtoo ah wax ka dhinnaa tawxiidu-Uluuhiyah!

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1463419
Today
Yesterday
All days
1522
2168
1463419
2026-01-12 16:03

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_69651b3d68caf8868652641768233789
title_69651b3d68d0016409126191768233789
title_69651b3d68d4d824997341768233789
title_69651b3d68d9a394135271768233789
title_69651b3d68de615210564501768233789
title_69651b3d68e3219730227721768233789

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_69651b3d7cce712387640731768233789
title_69651b3d7cd3713425052251768233789
title_69651b3d7cd849775459211768233789
title_69651b3d7cdd06643866891768233789

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com