13. Suáal: Gartay in ay isa soo gelayaan “Laa ilaaha illa Laahu” iyo “In Ilaahay la rumeeyo”, balse sidee ayey shanta tiir ee dambe ee arkaanul-iimaanku u soo hoos gelayaan qiritaanka: “Muxammed waa Rasuulkii Alle”?

13. Jawaab: Marka la qiro inuu Muxammed (scw) Rasuulkii Alle yahay, waxaa la rumeeyey rasuullada Ilaahay, maxaa yeelay Nebi Muxammed (scw) wuxuu ka mid yahay Ilaahay rasuulladiisa. Haddii la qiro inuu Muxammed (scw) rasuulkii Alle yahay waxaa la rumeeyey kutubtii Ilaahay, maxaa yeelay Muxammed (scw) wuxuu Rasuul ku noqday in Kitaabka Quráanka ah loo soo dhiibay, quráankuna wuxuu ka mid yahay kutubta Alle.

Rumeynta Nebi Muxammed (scw) waxaa soo hoos gelaya, rumeynta wax alla wixii uu ka warramay. Sidoo kale in la rumeeyo quraanka waxaa soo hoos gelaya, rumeynta wax alla wixii quraanku sheegay. Haddaba malaaígta Ilaahay iyo qaddarka Ilaahay iyo yoomal-qiyaamaha, saddexdaba waxaa ka warramay Nebi Muxammed (scw), Quráankuna wuu sheegay. Sidaas ayey isu soo hoos gelayaan arkaanul-islaamka iyo arkaanul-iimaanku. Sidaas darteed ayaa qofkii beeniya qodob ka mid ah arkaanul-islaam ama arkaanul-iimaanka uu ula mid yahay mid beeniyey wixii oo dhan.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1463419
Today
Yesterday
All days
1522
2168
1463419
2026-01-12 16:03

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_69651b3d68caf8868652641768233789
title_69651b3d68d0016409126191768233789
title_69651b3d68d4d824997341768233789
title_69651b3d68d9a394135271768233789
title_69651b3d68de615210564501768233789
title_69651b3d68e3219730227721768233789

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_69651b3d7cce712387640731768233789
title_69651b3d7cd3713425052251768233789
title_69651b3d7cd849775459211768233789
title_69651b3d7cdd06643866891768233789

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com