Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri:
97. "Alle wuxuu idin amrayaa inaad ammaanada cidda leh siisaan". Suuradda An-Nisaa Aayadda 58.
Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:
98. "Ammaanada waxaan u soo bandhignay cirarka iyo dhulka iyo buuraha, markaasay diideen inay qaadaan oo ka cabsadeen. Aadanahaana qaaday. Shaki li'i Aadanahu waa dulmi falaa jahli qabeen ah". Suuradda Al-Axsaab: Aayadda 72.
199. Abuu Hurayra (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Munaafaqu saddex calaamuu leeyahay markuu hadlayo wuxuu ku hadlaa been; tan labaad markuu ballan qaado waa ka baxaa; tan saddexaad markii la aamminana waa khiyaanaa". (Bukhaari iyo Muslim)
200. Xudayfah bin Yamaan (A.K.R.) wuxuu yiri: ÒNebiga (S.C.W.) laba xadiis oo uu noo sheegay midna waa aan arkay (oo waa dhabowday) midna waa aan sugayaa inay dhacdo. Nabigu (S.C.W.) wuxuu noo sheegay inay ammaanadu markii hore ku weyneyd oo meel wanaagsan kaga tiil qalbiga. Markii uu Qur'anka soo dagayna, wuu ku sii baraarujiyey oo ku adkeeyey, waxaa laga sii bartay sidoo kale dhaqanka rasuulka. Dabadeedna wuxuu noo sheegay in ammaanada nalaga qaadi doono oo wuxuu yiri: Nin baa seexanaya markuu soo kaco wuxuu arkayaa ammaanadii oo qalbigiisa laga qaaday, xoogaase raadkeedii ah uu ku haray qalbigiisa; Markaasuu misna seexanayaa intii ku hartay ammaanadii baa qalbigiisa laga qaadayaa, oo waxaa lagu dhaafayaa sida calaamad yar oo qalbiga ku yaal ilaa ay la mid noqoto meel dhuxuli kaa gubtey, oo inta soo foocday haddana maran. (Dabadeedna rasuulka S.C.W. inta quruurux soo qaaday buu bilaabay inuu cagtiisa ku tuuraa) Markaa waxay dadku soo kacayaan subaxii oo u baxayaan inay wax kala gataan iyadoo aanu lagu arag qof aammin ah oo ammaanada guta. Heer laga gaaro in la yiraahdo: waxaa ku jira nin qura wax aamin ah reer hebel iyo reer hebel. Waxaa dhacaysa dhinaca kale in la yiraahdo nin ku dagan danaha adduunka oo keliya: hebel waa wax garad, waa nin rag ah, waa meel mar, iyadoo aan qalbigiisa wax iimaan ah lagu arag. Xudayfah (A.K.R.) wuxuu kaloo yiri: Waxaan anigu soo maray mar aanan u meel dayi jirin qofka aan wax ka gadanayo, oo aan oran jirey: Hadduu muslim yahayna diintiisaa damaanad kaafi ah oo celineysa, hadduu Yuhuud ama Kirishtaan yahayna mas'uulkiisa baa damaan wanaagsan ahaa. Maantase cidaan wax ka gato ma jiro aan hebel wanaagsan ahaa. Maantase cidaan wax ka gato ma jiro aan hebel iyo hebel aheyn". (Bukhaari iyo Muslim)
201. Xudayfah iyo Abuu Hurayrah (A.K.R.) waxay yiraahdeen Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒMaalinta qiyaamaha Alle weyne kor ahaaye dadkii oo dhan buu isu keenayaa, muÕminiintana waxaa la istaajin doonaa meel ku dhow Jannada. Waxay marka hore u tegi doonaan Aadam (nabad dushiisa ha ahaatee) waxay ku oran doonaan: Aabboow noo codso in jannada na loo furo. "Wuxuu ku jawaabi: Waa gefkii Aabbihiin waxa keenay in la idinka soo saaro jannada, waxba idiinma qaban karo, u taga wiilkaygii, nabi Ibraahiim saaxiibkii Alle, markaa waxay u tegi doonaan nabi Ibraahiim, isagoo ku oran doona: Anigu ma ahi mid mudan inuu sidaa yeelo, arrintu waa adag tahay, wax kale anigu maan aheyn, waxaan ahaa oo keliya saaxiibka Alle (sidaa wuxuu u oranayaa jajabnaan iyo tawaaduc darti), utaga Muuse (buu oran) oo ah kii uu Alle toos ula hadlay, Muuse bay utagi wuxuu ku oran doonaa: Anigu ma ahi mid leh oo mudan arrintaa ee u taga Ciise, kelmeddii Alle iyo ruuxdiisii, Isaguna wuxuu oran: Taas kuma fiicni, Markaasay nabi Muxammad (S.C.W.) u imaan doonaan, Horay buu iman Alle weyne kor ahaaye wuxuu u oggolaanayaa inuu shafeeco si jannada loo galo. Ammaanadii iyo riximnimadiina waa la soo deynayaa oo siraadkay labada dhinac midig iyo bidix ka kala istaagayaan (siraadka oo ah buundo dul marta naarta Jahannama oo dadkoo dhammi kor mari doonaan maalinta qiyaame) Qaybta ugu horreysa ee dadka waxay ku mari doonaan sida hillaaca. Waxaan weydiiyey (Aabbahay iyo hooyaday baan kugu furine) maxaa taa loola jeedaa? Wuxuu yiri: Sow ma aadan arag siduu iftiinka hillaaca u gudbo una soo noqdo il biriqsi gudaheed? Dabadeed qolada xigta waxay u marayaan sida dabeysha, qolada saddexaadna waxay u marayaan sida shimbiraha duula, qolada xigta waxay u marayaan sida rag kuwa u dheereeya, kala duwnaantaana waxaa keenay Camal falkii siduu ahaa intii adduunka la joogay. Waqtigaana nebigiinu siraadka buu taagan yahay isagoo leh: Rabbiyoow nabad geli, Rabbiyoow nabad geli. Markii ay hoos u dhacaan camallada dadka oo soo nuxuusaan, orodka waa yaraanayaa illaa uu qof yimaado aan socon karin ee salka ku guuranaya. Siraadka labadiisa dhinac waxaa ka taagan kallaaliib biro ah oo xag Alle ka amran oo ciddii qabo la yiraahdo qabanaysa, mid bay xagtin gaari iyo daqar ha yeeshee la badbaadinayo, mid naartaa lagu tuurayaa. Abuu Hurayrah wuxuu yiri: kan ay nafta Abuu Hurayrah gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye Jahannama salkeedu waa ilaa todobaatan gu'inta loo soconayoÓ. (Muslim)
202. Abuu Khubayb Cabdullaah bin Zubayr (A.K.R.) wuxuu sheegay (in bishii Jamaadul Awwal, sannadkii 36aad ee Hijriyada) isagoo markaa Zubayr u socda inuu ka qayb galo dagaalkii Jamal inta uu ii soo cid diray, baan aaday, oo ag istaagay. Wuxuu igu yiri: Maandhow ama kan dulmi wadeenka ah baa la dili maanta ama kan la dulmay. Waxaana hubaa in maanta la i dili doono anigoo dulmane ah. Waxaan aad uga wal walsanahay hab qaybinta maalkeyga. Ma kula tahay inay wax ka soo harayaan guryaha iyo dhulalkayga marka deynta la igu leeyahayay la bixiyo? Dabadeedna wuxuu yiri: Maandhow deynta iga bixi markaad iibiso hantideyda ma guurtada ah. Markaad deynta iga bixiso hadday wax soo haraan saddex meelood oo meelna waa uu ka dardaarmay oo waa dhaxal, saddex meeloodkeed yacni marka sagaal meelood laga dhigo meel (wixii soo hara) waxaa leh wiilashaada (Wiilasha Cabdullaah bin Zubayr). Intaa kaddib haddii wax siyaado ah ay soo haraan, seddex meeloodka baaqigan waxaa leh wiilashaada (wiilasha Cabdullah). Hishaam wuxuu yiri wiilashii Cabdullaahi qaarkood waxay ku daÕahaayeen Khubaib iyo Cabbaad oo uu dhalay Zubayr, wuxuuna lahaa 9 wii iyo 9 gabdhood. Wuxuu intaa ii sharxayey sida maalkiisa loo qaybin lahaa, markaa kaddib buu wuxuu yiri: Maandhoow, haddii ay dhacdo in aad deynta wax ka mid ah bixin weydo, la kaasho sayidkeyga aan muto, kaalmona weydiiso. Garanna aan mayn wuxuu ula jeedo mudaneheyga sayidkeyga ah jeer aan weydiiyey oo iri Aabboow mudanahaagu waa kee? wuxuu yiri: Waa "Alle" Aniguna sidaa uu igula dardaarmay baan yeelay oo markastoo ay dhib igu noqoto inaan gudo qayb ka mid ah deyntiisa, waxaan ku duceysanayey oo aan lahaa: ÒZubayr Gacaliyihiisa iyo Gargaarihiisow deynka ka gud oo ka bixi. Waana ka bixinayey. Zubeyr waa la diley oo shahiiday. Markii uu dhintayna kama tagin Dirham iyo Diinnaar (yacni wax lacag caddaan ah) ee wuxuu ka tagay dhulal xoogaa ah, oo midkood ku yiil Qaabah, iyo kow iyo toban daar oo Madiina ku yiil iyo labo daarood oo ku yiil Basra iyo daar ku tiil Kuufah, iyo mid ku tiil Masar. Deynta uu qabaana waxay ku timid haddii uu qof u yimaado, isagoo weydiisanaya inuu wax uu leeyahay ammaano ahaan ugu hayo. Zubayr (A.K.R.) ma oggolaan jirin inuu kaga aqbalaa ammaana ahaan, baqdin uu ka qabo inay lunto awgeed wuxuuse u qaadan jiray deyn ahaan. Weligiisna ma aqbalin inuu jago madaxtinnimo ah qabto, ama jago ah sako soo ururiye. wuxuu lahaa sharafta inuu kala qayb gelay duullimaadyo xaq iyo jihaad dar Alle ah nebiga (S.C.W.), Abuu Bakar, Cumar iyo Cusmaan (A.K.R.) (qaniimona qayb wuu ku yeeshay, oo xoolo waa ka soo galeen). Cabdullaahi Wuxuu diyaariyey qoraal deymaha aabbihiis la xiriira waxayna gaareen laba malyan iyo laba boqol oo kun. Xakiim ibn Xisaam oo aan kulannay baa yiri: Adeer intee walaalkay lagu leeyahay deyn ahaan? Anigoo ka qarinaya xaaladda jidha baan waxaan iri: boqol kun, Xakiim wuxuu yiri: Ma filayo in maalkiinnu qiimahaa dabooli karo. Waxaan iri: Ka warran haddaba hadday tahay labo malyan iyo laba boqol oo kun? Wuxuu yiri: Ma filayo inaad taas itaal u heli kadhaan, haddii ay dhacdo inaad bixin weydaan qayb ka mid ah, ila soo xiriira si aan gacan uga geysto.
Zubeyr wuxuu kal soo baxay awel dhulka ku yaal Qaabah boqol iyo toddobaatan kun. Cabdullaahi wuxuu ku iibiyey hal malyan iyo lix boqol oo kun, Dabadeedna wuxuu ogeysiis ku bixiyey: Qofkii Zubayr wax ku lahaa ha noogu yimaado Qaabah. Cabdullaah bin Jacfar baa u yimid oo yiri: Waxaan ku lahaa Zubeyr afar boqol oo kun, waase idiin deynayaa, haddii aad rabtaan Cabdullaahi wuxuu yiri: Maya, ma doonayo inaad cafido. Ibn Jacfar wuxuu yiri: Haddaas waa dambaynayaa, oo diyaar baan u ahay inaan dib idiin kaga dhigo haddaad doontaan. Cabdullaahi wuxuu yiri: Maya, taa xitaa ma doonayo. Ibn Jacfar wuxuu yiri: Marka dhulka qaar ii gooya. Isla markiibaa Cabdullaahi dhulkii buu u cabbirey oo ku yiri: halkaan ilaa halkaasaad leedahay. Habkaa buu Cabdullaah ku guday oo kaga baxshay deynkii aabihi Zubayr isagoo iibiyey dhulalkiisii. Markii uu deyntii baxshay aabbihi baa waxaa haray afar jaamood iyo bar. Markaa kaddib Cabdullah wuxuu booqday Amiir Mucaawiye oo ay la joogeen markaa Camar ibn Cusmaan, Mundir Ibn Zubayr iyo ibn Zamcah, Mucaawiyaa wuxuu weydiiyey Cabdullaah ibn Zubayr inta lagu qiimeeyey dhulka Qaabah ku yaal? Wuxuu ku jawaabay Cabdullaah waa boqol kun jaamadiiba.. Markaa buu Mucaawiye wuxuu weydiiyey intee haatan ka haray dhulka? Cabdullaah wuxuu yiri: Afar jaamood iyo bar. Mundir ibn Zubayr baa wuxuu yiri: Jaan anaa ku qaatay boqol kun. Camar ibn Cusmaanna wuxuu yiri: anna jaan baan ku qaatay boqol kun. ibn Samcana wuxuu yiri: Aniguna jaam baan ku qaadanayaa boqol kun. Mucaawiye wuxuu yiri markaa kaddib: Intee in le'eg baa dhulkii ka haray? Cabdullaah ibn Zubair wuxuu yiri: Hal Jaan iyo bar. Mucaawiyaa iyana ku qaatay boqol iyo konton kun. Waa dambe buu Cabdullaah ibn Jacfar wuxuu intiisii ka sii iibiyey Mucaawiye oo ka siiyey lix boqol oo kun.
(Weriyeyaasha xadiiska waxay sheegaan in Cabdullaah bin Jacfar dhulkaa loo siiyey deyntii uu ku lahaa Zubar awgi uu ka iibiyey Amiir Mucaawiye kuna siiyey lix boqol oo kun halkaas oo uu ka faa'iday laba boqol oo kun). Markii uu Cabdullaah ibn Zubair dhammeeyey deyntii bay carruurtii Zubayr (A.K.R.) yiraahdeen; Dhaxalka iyo wuxuu odayga ka tagay intii hartay inoo qaybi. Laakiinse Cabdullaah ibn Zubayr wuxuu yiri: Alle baan ku dhaaran inaan idiin qaybinayn jeer aan afar xaj oo xiriir ah aan yaboohiyo hadday jidho cid wax ku leh Zubayr inay inoo yimaadaan oo xaqooda qaataan haddii ay jiraan wax deyn ama xaq ay ku leeyihiin. Sidaa buu yeelay oo arrintaa wuxuu naadinayey muddo afar sano ah. dabadeedna wuxuu u qaybiyey dhaxalkii warasadii Zubayr (A.K.R.) hab waafaqsan sidoo loo faray. Zubayr afar xaas buu lahaa mid walbaa waxay heshay hal malyan iyo laba boqo oo kun. Isu geynna maalkiisa oo dhammi wuxuu noqday konton malyan iyo laba boqol oo kun oo Dirham. (Bukhaari)
Fiiro Gaar ah: Xilka iyo ammaanada oo la guto iyo wixii lagu bllamay oo laga soo baxo, waa qodobka aasaaska u ah howl iyo heshiis kasta. Ujeeddaduna waa inuu qofku yeesho damiir nool oo garowsada xilalka iyo waajibaadka saaran una gutaa si ammaana leh iyo hufnaan. Qofkuna waa inuu xuquuqda ay dadka leeyihiin siiyaa oo u oofiyaa dib u dhig la'aan. Taas baana la yiraahdaa ammaano.
Alle weyne kor ahaaye, wuxuu ku magacaabay waxyaabaha adduunka ka jira ee galladiisa ah dadka uu ku manneystay ammaanooyin. Taana macnaheedu waxaa weeye in waxa adduunka ka jira oo idil iyo arrimaheeda inuu ammaano ahaan inoogu dhiibay, sidaa awgeed waxaa nalaka doonayaa inaan ka soo baxno oo gudanno xilka iyo waajibaadka aan qaadnay Alle xaggiisa si daacadnikmo ku jidho iyo hufnaan, haddaynu taa fali weynana waxaa naloola dhaqmayaa sida khaa'imiin xil gab ah, iyo ammaana dayac.
Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix