WAQTIGA SALAADDA CISHAHA 

(أول وقتها إذا غاب الشفق الأحمر)

(أول وقتها) waqti geedu bilow giisu waxa weeye (إذا) goortii (غاب) uu qarsoomo (الشفق) guduudka (الأحمر) ee guduudan.

Cawa weerta guduudan marka ay qarsoonto waaye, (الشفق) (shafaqu) waa un guduud kaas (الأحمر) waa un ku sii cadeyn nayaa.

(وآخره في الإختيار إلى ثلث الليل)

(وآخره) salaadda Cisho aakhir keeda na (في الإختيار) [في وقت الاختيار] ee waqtiga doora shada, waqtiga roon waxa weeyaan (إلى ثلث الليل) habeenka saddex meellood meeshii inta laga gaarayo.

(وفي الجواز إلى طلوع الفجر الثاني)

(وفي الجواز) [وفي قت الجواز] banaanida waqti geedu na waxa weeye (إلى طلوع الفجر) Fajar ka dhalasha diisa inta laga gaarayo (الثاني) ee labaad.

Fajar ka labaad dhalasha diisa inta laga gaarayo ayaa (قت الجواز و) ah.

Salaadda cishahu cinda Shaaficiya 3 waqti bey leedahay…

1: Waqti waa waqtiga bilowga ah, oo waxa weeyaan marka guduud kaasi qarsoomo ama cawa weertu tagto.

2: Waqti na waa [وقت الاختيار] oo waa waqti ka fiican wixii isaga ka dambeeya, yaa waqti fiican waaye, [وقت الاختيار] kuna waa inta laga gaarayo (ثلث الليل) habeenka nus kii laga gaarayo, waxaan u jeedaa saddex meellood meel inta laga gaarayo.

Saddex meellood meel marka habeenka laga hadlaayo [bi macnaa] waxaa la fiirin nayaa qoraxdu markay dhacday soo habeen kii ma soo galin? Xiligaa iyo fajarka markuu dhalan naayo ayaa la qeybin nayaa, saddex meellood baa loo qeybin nayaa.

Anaga mathalan fajarka goormuu inoo dhashaa? Yaa!

5ta ayuu inoo dhashaa sooma aha?

5ta oo daqiiqado dhiman buu inoo dhashaa sooma aha? Tayyib.

Qoraxda na goor may inoo dhacdaa?

Waxay inoo dhacdaa 7da oo wax dhiman sooma aha?

Soo saas ma aha?

Isku dar marka, saacadaha hal kaa ka soo baxa ayaad marka saddex meellood u qaybinee.

Fiiro gaar: tusaalahaan sheekhu wuxuu kaga hadlaayaa magaalada uu joog ee waxaan wada ogsoon nahay iney adduunka meela hiisa kale ay waqtiyada kala duwan yihiin.

Waxaa dhici karto iney noqoto 4 saac iney noqoto (ثلث) ku, waa markay noqoto 12 saac uu habeenka noqdo waaye. Hadduu ka yaraada na! 3 saac iyo wax bay noqon ney markaa, sooma aha ileyn saacad baa go’aysa oo meesha ka baxaysa, saas ayaa loo xisaabin nayaa.

(وفي الجواز) [قت الجواز] banaanida waqti geedu na waxa weeye (إلى طلوع الفجر الثاني) ilaa Fajar ka labaad dhalan naya na wey iska banaan tahay oo waa la tukan karaa.

Sidaasi waxaa tilmaamayaa ilaa waqtigaa in la tukan karaayo, waxay u daliishan nayaan xadiiska Muslim iyo khayrkii ku yimid, xadiis Abii Qataada…

Nabiga wuxuu yiri:

‘’Hurdadu sideeda ba gabood fal ma keento, laakiin gabood fal ku waxa weeye, waa cidda aan tukanin ilaa salaad dii kale waqti geedu soo galo.’’

Ilaa salaad dii kale waqti geeda yimaada ruuxii salaadda ka tagay, kaas ayaa gabood falay, laakiin ruux seexday oo iska nastay taa gabood fal ma aha. Marka salaadda waqti geedu waa jirayaa xadiiska laga qaadan nayaa ilaa tii kale waqti geedii yimaado, oo macnaha maghrib kii sooma aha?

Salaada cishaha tee ku xigtaa soo subaxa kuma xigto?

Subaxu goormuu soo galaa?

Fajarka labaad dhalasha diisa ilaa waqtigaa iney salaad dii cishaha waqti geedii sii jiray baa xadiisku tilmaam mayaa (cumuum) kiisa saas ayaa laga qaadan nayaa, kaas ayay u daliishan nayaan.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1463419
Today
Yesterday
All days
1522
2168
1463419
2026-01-12 16:03

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_69651b3d68caf8868652641768233789
title_69651b3d68d0016409126191768233789
title_69651b3d68d4d824997341768233789
title_69651b3d68d9a394135271768233789
title_69651b3d68de615210564501768233789
title_69651b3d68e3219730227721768233789

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_69651b3d7cce712387640731768233789
title_69651b3d7cd3713425052251768233789
title_69651b3d7cd849775459211768233789
title_69651b3d7cdd06643866891768233789

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com