Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar Qur’aanka Kariimka?
Jawaab 12: Waa (Thuma Nadara).
Su’aal 13: Waxaad sheegtaan Digaalkii uu ku geeriyooday C/laahi Binu Rawaaxaa?
Jawaab 13: Wuxuu ahaa Dagaalkii (Mu’ta).
Su’aal 14: Waxaad sheegtaan Qaalataa imsaa Quraanka ku jirta? iyadoo uu alifka kutaagan yahay?
Jawaab 14: 2 jeer
(Qaalataa ataynaa dhaa’iciina). (Surat: al-Fussilat)
(Qaalataa laa nasqii xattaa yasdura-Rucaa’u). (Surat: al-Qasas)
Su’aal 15: Waxaag sheegtaan Gabyaagii Rasuulka (scw)?
Jawaab 15: Gabyaagii Nabigu (scw) wuxuu ahaa (Xassaan ibnu Thaabit).
Su’aal 16: Waxaad sheegtaan magaalada Makka saxaabadu markaay gaareen 30 qofood qiyaastii gurigee baa lagu dukan jiray si qarsooni ah? Saxaabigaas magaciis?.
Jawaab 16: AL-ARQAM IBNU ABIL-ARQAM.
Su’aal 17: Waxaad sheegtaan Saxabigii jaliilka ahaa oo abuu Bakar iyo Nabiga (scw) ku yiraahdeen Caano inoo lis? kadibna Saxaabigaas wuxuu weeydiista in uu baro waxa ay kusameeyeen Ceesaatu?
Jawaab 17: Saxaabigaa wuxuu ahaa Cabdulaahi Binu Mascuud.
Su’aal 18: Balqiisa bintu mujaaxid yaa ugeeyay warqadii loo diray ? yaana soo arkay in ay yihii mushrikiin?.
Jawaab 18: HUD-HUD
Su’aal 19: Waxaad sheegtaan Asaxaabul Kahf imsaa ayay kujireen godka?.
Jawaab 19: 309 SANO.
Su’aal 20: Waxaad sheegtaa Masjidkii ugu horeeyay uu dhisay Nabi Muxamed (scw)?
Jawaab 20: Masjid Al-Qubaa.
Su’aal 21: Waxaad sheegtaan Awalu Rasuul keebuu ahaa?
Jawaab 21: Waa Nuux (csw).
Su’aal 22: Kalimada ama magaca Muxammad imisaa ku jirta Quraanka?
Jawaab 22: 4 jeer quraanka
(مُّحَمَّدٌ رَّسُولُ اللَّهِ وَالَّذِينَ مَعَهُ أَشِدَّاء عَلَى الْكُفَّارِ رُحَمَاء بَيْنَهُمْ) Faxi, Aayada 29-aad kafiiri
(وَالَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ وَآمَنُوا بِمَا نُزِّلَ عَلَى مُحَمَّدٍ) Muxammed, Aayada 2-aad kafiiri
(وَمَا مُحَمَّدٌ إِلاَّ رَسُولٌ قَدْ خَلَتْ مِن قَبْلِهِ الرُّسُلُ) al-Cimraan, Aayada 144-aad kafiiri
(مَّا كَانَ مُحَمَّدٌ أَبَا أَحَدٍ مِّن رِّجَالِكُمْ وَلَكِن رَّسُولَ اللَّهِ) Al-Axzaab, Aayada 40-aad kafiiri intaa oo kali ah ayaa ku jirta quraanka (Muxammed)
Su’aal 23: Waxaad sheegtaa Muhaajiriintii u hijrootay magaalada Madiina qofkii ugu horeeyay oo galay kee buu ahaa?
Jawaab 23: Abuu Salama oo looyiqiinay Ibnu Cabdi Asad.
Su’aal 24: Waxaad sheegtaan suurada quraanka ka midka ah oonan lagu arag xarafka miim (ć)? Markii laga reebo Bisimka.
Jawaab 24: Waa suuratul Kowthar ama inaa Acdheenaa.
Su’aal 25: Waxaad sheegtaan Suurada iyo Aayada ay ku jirto haweeneeyda lagu xusay Quraanka kariimka ah looguna magac daray (Imra-atu kharqaa) ama (Awil kharqaa)?
Jawaab 25: Waxaay ku jirtaa Suurada Al-Naxli Aayada 91 ee halkaa kafiiriya
Inta qofood oo isku dayday in aay kajawaabaa waa 4 qofood
A/raxmaan D, Osman 2 ayuu kajawaabay
Xuseen C/lle 3 ayuu kajawaabay
Guure 1 ayuu kajawaabay
Q,qujuc 1 ayuu kajawaaba
Su’aal 26: Magca Al imaam Ashaaficii?
Jawaab 26: Maxamed Ibnu Idriis ibnu Cabaas ibnu Cothmaan (Abuu Cabdulaahi) (QAZA) ayuu ku dhashay asagoo laba jir ah ayuu MAKAH yimiday (raximahulaa).
Su’aal 27: Waxaad sheegtaa Adkaarta la aqriyo marka laga soo baxo musqusha?
Jawaab 27: (Qufraanaka)
Su’aal 28: Ninkii uu u bixshay Nabiga (scw) Seeyfulaahil masluul ?
Jawaab 28: Khaalid Ibnu Waliid, ‘markii laga soo laabtay Qaswatul Mu’taa laguna soo guuleeysatay ayaa magacaas loo bixiyay;’
Su’aal 29: Imasa suurado ayaa ku bilwda xarafka (Qaaf)?
Jawaab 29: Waa 8 suurat ‘sida aan aniga u fahmay’
Suurat ‘Qaaf
Suuratul Mujadalah’Qad Samicalaahu qowlal latii:
Suuratul Jini ‘ Qul uuxiya ilaya”
Suurat Ikhlaas ‘ Quhuwalaahu Axad’
Suurat al-Falaq : Qul acuuthu birabil Falaq’
Suurat an-Naas’ Qul acuuthu birabinnaas’
Suurat al-Muminuun’Qad aflaxal muminuuna’
Suurat al-Kaafiruun’ Qulyaa ayuhal kaafiruun’
Su’aal 30: Waxaad sheegtaa macaga wiilkii ku hooyada ahaa nabiyullaahi Yuusuf (CS)?
Jawaan 30: Binyaamiin binu Yacquub
Su’aal 31: Keebuu ahaa kii sheegtay Nabinimo baadhil ah xiligii Nabi Muxamed (scw) uu noolaa? magacii uu u bixiyay?
Jawaab 31: Museeylamatul kadaab
Su’aal 32: Waxaad sheegtaan Afar aanan ladhalin oo qur-aanka ku jirta oo nafleey ah? hadii aan idiin bayaaniyo 2 bina aadam 2 xayawaan?
Jawabta 32:
Adam
Xaawo
Hasiishii nabi saalix
Wankii Nabi Ibraahim
Su’aal 33: Waxaad sheegtaan ninkii dilay Xamsa ibnu Cadulmudhalib oo Nabiga adeerkiis ahaa?
Jawaab 33: Waxshi
Su’aal 34: Waxaad sheegataa Beertii loo yaqiinay Xariiqatul-Moowt, Saxaabigii yiraaxday haliigu tuura aniga ayaa idin furaaye?
Jawaab 34: baraa Binbu maalik (Rxh) waa saxaabigii minjiniiqa lagu tuuray albaabkiina furay.
Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Ku dhaqanka dabci wanaagsan si loo dhowro
...Kula dhaqanka dabci wanaagsan xitaa xoolaha
...
Kula dhaqanka dabeecad wanaagsan xitaa dadka aan
...Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix