المكتب التعاوني للدعوة والإرشاد وتوعية الجاليات شرق جدة
COOPERATIVE OFFICE FOR CALL
AND GUIDANCE EASTERN JEDDAH.
P. O. Box 102137 Jeddah 21321 K.S.A
Tel. # 625-1671 - Fax 6240398
(باللغة الصومالية) الرســــــــالة
KAAT SATEYFINS
OO AH FANAAN NOQDAY
DAACI ISLAAMI AH
WAXAA ISKU DUBARIDAY
Dr.mahdi qaadi
Waxaa turjumay
C/qaadir sh. Max,ed akhii
Fiiro gaar ah : Kaat sateyfinis markuu islaamay wuxuu labaxay yuusuf islaam sababtuna waxey aheyd wuxuu ku islaamay suurada yuusuf
بسم الله الرحمن الرحيم
الحمد لله والصلاة والسلام على نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين ، أما بعد :
GOGOLDHIG
Waxaan aqriyey nolol maalmeedkii walaalkeen yuusuf Al-Islaam oo markii hore islaamka ka hor loogu wici jiraykaat setiifinis , Ninkaas odeyga ah xayaatadiisii waxaa ku sugan wacdi iyo waano cidii rabi kheyr la doono , sheekadani waxey cibro u tahay gaalada aan islaamka soo galin iyo kuwa islaamka ku dhashay ee dhaqankoodu ka fog yahay islaamka dhabta ah, qisadani waxey kaloo cibro u tahay aniga iyo adiga..
Runtii markaan eegay xayaatada ninkan odeyga ah waxaa ii cadaatay inaan gabood falay oon ubaahanahay dadaal dhinac walba ah, Taariikhda ninkan oo si gaaban loosoo aruuriyey waatan ee aqri oo ku dadaal sidaad xayaatadaada wax uga badali laheyd rabi hakuu naxariistee ..
Magaciisa islaamka ka hor waxaa la dhihi jiray Kaat setifinis, hadana waxaa la yiraahdaa yuusuf islaam
Qisada inta dhiman waxaad ka heli buugan, Qofkii u baahan iyadoo lagu qorey af carabi wuu nala soo hadli karaa si aan usiino nuskho ama maktabadaha caadiga ah ayaad ka heli kartaa ..
AKHII : Kitaabkan yar waxaa la qoray 1423h , iyadoo ujeedada laga lee yahay aheyd in la muujiyo shakhsiyad islaamka ku soo biirtay , isla markaana muujisay dadaal dheeraada -hadaba qof walba markii laga hadlaayo waxaa la fiirin diintiisa - waxaana aamin sanahay walaalaha yurub jooga iney naga yaqaanaan Walaalkeen yuusuf islaam sidaas darteed faaladan laga qorey hadey sidii dhabta aheyd tahay Fali llaahi xamdu , hadii ay ubaahan tahay in wax lagu siyaadiyo ama wax laga badalo , idinka oo aad u mahadsan waxaad kasoo xiriiri kartaan taleefoonha maktabka dacwada ee daneeyada wacyigalinta jaaliyadda soomaaliyeed ee ku nool wadanka Boqortooyada sucuudi carabiya ..
Walaalkaa akhii waxaad si toosa uga heli kartaa mobile : 0508359466
C/Qaadir Akhii..
بسم الله الرحمن الرحيم
HORDHAC
Mahad oo dhan Allaah baa iska leh . Alle ayaan ku mahdineynaa, isaga ayaana kaalmeysaneynaa , isaga ayaana danbi dhaaf weydiisaneynaa , rabi waxaan ka magan galeynaa sharka nafteena iyo xumaanta falalkeena . qofkii rabi hanuuniyo cid baadiyeyn karta ma jirto, qofkii alle baadiyeeyana cid hanuunin karta ma jirto, waxaan maqraati ka ahay inuusan jirin rabi xaq lagu caabudo oon aheyn allaha waaxidka ah een lala wadaagin cibaadadiisa Waxaan maqraati ka ahay inuu muxamed s.c.w. yahay adoonkii alle iyo rasuulkiisii nabad galyo iyo naxariis dushiisa ha ahaato..
Qisada kaat setiifinis iyo dadaalkii dheeraa ee uu muujiyey Ilaa waqtiguu soo islaamay xaga dacwada islaamka ayaa waxey tahay arin wax ku ool ah, waana mid laga fahmi karo waxyaabo badan, Waxaana illaahay weydiisaneynaa inuu naga dhigo kuwii u khidmeeya islaaamka .
Run ahaantii ninkan wuxuu mudan yahay in laga qoro kutub badan, kutub ka hadleysa dadaalkiisii , dhinaca kalena xusuusinaysa muslimiinta halyeygan lama iloobaanka ah gaar ahaan casrigan ay muslimiin badan ka seexdeen diintooda ..
Erayada uu ku hadlay waa kuwo heer sare ah oo ay ubaahan tahay umaddu iney ka faa,ideysato keeda yar iyo keeda weynba .
) يأيها الذين ءامنوا من يرتد منكم عن دينه فسوف يأتى الله بقوم يحبهم ويحبونه أذلة على
المؤمنين أعزة على الكافرين يجاهدون في سبيل الله ولا يخافون لومة لائم ذلك
فضل الله يؤتيه من يشاء والله واسع عليم .... ) المائدة : 54
WAAKAN ISAGOO KA SHEEKEYNAYA XAYAATADIISII ISLAAMKA KA HOR IYO QISADII ISLAAMNIMADIISA
Wuxuu yiri : waxaan ku dhashay London waxaana iska key dhalay aabe qubrisa iyo hooyo suweydi ah , xaaladaanada dhaqaaluhu caadi ayey iska aheyd, waxaan galay iskuul lagu barto mad-habka kaatooliga , markaas aqoon uma laheyn wax diin la yiraahdo xataa islaamka ,masiixiyadu ma qireyso inuu jiro rasuul alle oo nabi ciise ka danbeeya , waa sida nalagu baray iskuulada, sidaas darteed ma,aana baarin xaqiiqada arintan ku xusan diinta kiristaanka ..
Waxbarashadeydu caadi bey aheyd, laakiin waxaan ahaa faahim, Rabi subxaanahu watacaalaa wuxuu isiiyey mowhibo aan caadi aheyn , waxaan ahaa mid ku fiican heesaha iyo qoobkacayaarka da,adeyduna markaas waxey aheyd sagaal sano. Aadbaana u qancin jiray dadka idaawanaya, sidaasey tahay waxaan ahaa wiil xishoonaya oo jecel kalida, laakiin waxaan markasta ku dadaali jiray inaan fanaan noqdo. sidaas owgeed ayaa waxaan awooda isugu geeyey sidaan wax u maabeyn lahaa ..
Markaan gaaray shan iyo toban jir waxaan bilaabay muustikada aabahay ayaa wuxuu arkay inaan jeclahay muustikada ,markaasuu iigaday kaban, labo sano kadibna waxaan ka sare maray fanaaniin badan kadibna waxaan bilaabay inaan alifo heesaha, markaan gaaray todobo iyo toban sano waxaan suuqa usoo saaray cajaladii iigu horeysay ee heesta aheyd oo magaceygu ku qoran yahay , cajelkaasi aad ayuu ufaafay dadkuna wey la dhaceen, kadibna caanbaan noqday oo waxaan helay lacag aan sidaan rabo ugu tunto , khamro, naago ilaa uu igu dhacay tiibijo aan la galay isbitaal .
Sariirta Isbitaalka anigoo saaran ayaan waxaan bilaabay inaan nafteyda ka shaqeysiiyo, waxaan ku fikiray weynaanta illaahay iyo mucjisooyinka rabi, waxaan ogaaday inuu jirkeygu baaba,aayo, xayaatada aduunyaduna tahay imtixaan ay udanbeyso baaba,a iyo dhamaad... mid kamida saaxiibadey ayaa dareemay murugta iga muuqata markaasuu ii hadiyeeyay kitaab magaciisa la yiraahdo Al-dhariiqu ilaa Al- majhuul oo macnihiisu yahay jidkii aan la ogeyn wuxuu ku danbeyn doono, kitaabkaasna wuxuu ahaa kutubta wax ka qortay qeybiyaadka iyo waxa maqan waana kitaabkii u horeeyey een ka aqriyo noocan (kutubta yuujaa) si kastaba ha noqotee kitaabku wuxuu ahaa mid aan ku indho kala qaaday xaga aakhiradeyda .
Intaa kadib waxaan gudo galay inaan wax ka aqriyo kutubta falsafada iyo diimaha, taasina waxey si tartiib tartiiba iiga bixisay mugdigii, waxaa siyaaday su,aalaheygii aan isweydiinaayey, taasina waxey ka go,neyd heesahaan qaadi jiray, waxaan bilaabay inaan qaado heeso ujeedo ku saleysan markaasey waxey noqdeen cajaladaheygii kuwo xaqiijiya ujeedo.
Waxaan aqriyey buudiyada iyo diimo kale kumana qancin, markaan ka quustay diimaha kale ayaa waxaan damcay inaan sameysto diin cusub..
Waxaa faafay cajaladaheygii iyo habkaan ugudanaayey muusikada, dad badan oo ku nool mareykanka ayaa la yaabay sidaan usoo saaray heesaha, caanbaan noqday waxaana la iga duubay cajalado heer sare ah, saas oo ay tahay waxaan dareemaayey inuu iga maqan shey inaan baaro ay waajib tahay waxaan goostay ineyan iseejin caan noqoshadu iyo xoolaha waxaan baaraayey.
Waxaan bilaabay inaan si tartiiba uga fogaado fanka, walaalkay diifid ayaa usafray qudus si uu usoo siyaarto meelaha barakeysan, Masjidul-Aqsaa ayaa ka mid ahaa meelahuu soo siyaarto, markaasuu wuxuu soo ogaaday inuu masjidku ka badalan yahay kaniisadaha masiixiyada iyo meelaha ay yahuudu ku cibaadeysato.
Defid wuxuu bilaabay inuu dareemo amaan , mid muslimiinta kamida ayaa weydiiyey inuu islaam yahay iyo in kale markaasuu yiri masiixi baan ahay, muslimkii baa yiri ka bax masaajidka, bixinta masaajidka waxba ma yeelin jaceylkuu u qabay islaamka.
Markuu walaalkay ka soo noqday safarkii wuxuu iiga sheekeeyey wuxuu soo arkay iyo waxyaabihii yaabka galiyey ee uu ku arkay Masjidka Al-Aqsaa, wuxuuna ii hadiyeeyey labo musxaf mid carabi ah iyo mid ingiriis ku turjuman, waayo walaalkay wuxuu ogaa inaan baarayo xaqiiqada , sidaas owgeed hadiyadan waxey aheyd hadiyad nafteyda qaali ku ah .
Waxaan bilaabay inaan aqrinaayo Quraanka , waxaan dareemay inuu yahay kitaab aniga la ii qoray, mana dareemin raaxo ilaa aan ka dhameeyey markaasaan waxaan dareemay inay tahay diintii aan baaraayey, waxaan ka helay jawaabihii su,aalahaan qabay, kadibna waxaan aqriyey xayaatadii Nabi Muxamed s.c.w. waxeyna ii saameysay si layaableh. kadibna waxaan joogay sanad iyo bar oon islaamka aqrinaayey, intaas muslimiinta ma dhex galin , waxaan damcay inaan kaligay aqriyo diintan anigoon cidna kaashanin, waxaa mahad ah inaan sidaas yeelay waayo hadaan dhex gali lahaa muslimiinta qaar waxaan baran lahaa khilaafaadka udhaxeeya iyo waxyaabo kale oo laga xumaaado..
Sanad iyo nus ka dib kuma fikirin waxaan aheyn inaan noqdo muslim, waxaana si dhaba u ogaaday inuu islaamku yahay diinteydii, waxaana rumeeyey qowlkii nabiga s.c.w. ( dadku dhamaan waxey dhalanayaan iyagoo islaama kadibna waxaa badalaya reerahooda)
Waxaan tukan jiray maalinkii labo jeer sidaan ka fahmay quraanka, waana intaana baranin sunada nabiga s.c.w. mid muslimiinta ka mida ayaa itusay masaajidka Rejentbaark ee kuyaala London ,halkaas ayaan aaday maalin jimce ah oo sanadku yahay 1977 kadibna imaamka ayaan la kulmay waana islaamay..
Waxaan joojiyey khamradii iyo sigaarkii kadib markuu ii sheegay mid muslimiinta ka mida inuu xaraam yahay sigaarku, waxaa kaloon ka go,ay naagihii, waxaa xoogoobay islaamnimadeydii, waxaan bilaabay cunidii hilibkii aan udhaafay taxdar owgiis, mudadaasna waxaan cuni jiray khudaarta .
Intaan bilaabay quraan aqrintiisa, waxaan bilaabay inaan tukado shanta salaadood maalin kasta oon bixiyo sakada xoolaheyga .
Su,aasha hada igu wareegeysa waa sideen yeelaa aqoontaan ka gaaray muusikada, sideense ugu adeegsadaa diinta islaamka? Waxaan joojiyey xafladihii muusikada lagu dheeli jiray iyo soosaaridii heesihii, ilaa aan arintan xal uga helaayo.
Macaanka Quraanka iyo midhihiisa ayaa iga deeqay wax walba ..
Waxaan maqlay dad dhahaya muusikadu waa xaaraam iyo kuwo dhahaya waa xalaal , kuwa dhahaya waa xaaraam waxey lee yihiin muustikadu waxey qofka ku kaalisaa baadinimada, kuwa yiri waa xalaalna waxey dhaheen muustikadu waa xalaal hadii loo adeegsado khidmada islaamka , labadaas ra,yi midna ma goosanin oo waan joojiyey muusikadii intaan xal ka helaayo ..
Waxaan riyo ku arkay muusikada oo iga reebtay cibaadadii, waxaan kaloo arkay inay naarta iyo sheydaanku muusikada dadka ka soo gali karaan ..
Waxaan bilaabay barashada Af-Carabiga oo ah afkii quraanka kariimka iyo nabi muxamed s.c.w. Sanadku markuu ahaa 1979m. ayaa waxaan aaday mako si aan usoo cumreysto, markaan cumreystay een booqday meelaha dhaxal galka ah ee islaamku qiimeeyey , ayaa waxaan ku laabtay London, halkaasna waxaa dhacay meherkii gabadh muslimada oo aabeheed turki yahay hooyadeedna afgaanistaan tahay, meherka waxaa lagu qabtay masaajid dhexdiisa siday qabto shareecada islaamku , ilmaheyga ugu horeeya waxaan rajeynayaa bisha ramadaan .
Ilaahay subxaanahu watacaala aad ayuu iigu deeqay waxaana ogaaday hada liibaanta dhabta ah , waxaan raadin jiray naag wanaagsan , ujeedadeydu ma aheyn naag qurux badan, quruxduna ma ,aha aasaas , aasaas waxaa ah iimaanka iyo sharafta ..
Hiwaayadeeydu waxey aheyd markii hore qoritaan iyo kabantunka , hadana waxaan bartaa af carabiga si aan quraanka u dhadhamiyo macaankiisa iyo macnihiisa, hada waxaan qoraa kutub islaamka ka hadleysa anigoo uga faa,ideynaya diinteyda caan nimadeyda ..
Waxaan ictiqaadsanahay inay waajib inagu tahay inaan awooda saarno caruurta muslimiinta ee ku nool yurub si aan utusno jidka toosan, waayo waxaa badan waxyaabaha khatarta ku ah ,waxaan usameeyey caruurta cajalado ka hadlaya islaamka , waxaa kale oon sameeyey xalaqo daneysa quraanka iyo sidii islaamka loo faafin lahaa ..
Waxaan ictiqaadsanahay iney tahay salaadu kuwa ugu muihiimsan arkaanta islaamka , salaada oo la ilaaliyo waqtigeeda waa waxyaabaha qofka islaamka ku ilaaliya , sidaas darteed waan daa,imaa waxaana dareemayaa raaxo iyo xasilooni aan caadi aheyn salaad kasta markaan tukado .
Reer galbeedku jug baa gaartay markaan islaamay een joojiyey heesaheygii , waxey bilaabeen inay I weydiinayaan sideed isu badashay, qeybta warfaafintu wey aamustay,igamana soo daba hadlin sidey markii hore iidaba ordi jireen, islaamkeyga ma soo qaadin oo wey iska dhaga tireen, ma doonayaan iney nuurka islaamka u cadeeyaan reer galbeedka ,waayo maamulka yahuud ayaa gacanta ku heysata meel kasta.
Qudus waa dariiqii aan islaamka ku helay, waxaa la yaab la heyd inaan aaday qudus kadib markuu walaalkay ii hadiyeeyay quraanka kariimka , waxaa hormuud ii ahaa nin yahuuda jarmalka ah , waxaan la kulmay wax ka badalan wuxuu la kulmay waalaalkay, walaalkay wuxuu yiri islaam ma ihi laakiin anigu waxaan iri islaam baan ahay markaasaa aad la iisoo dhaweeyey, halkaas ayaan ku ooyay oon ku tukaday ..
Qudus waa wadnihii caalamka islaamka, hadii uu wadnahaasi jiran yahay caalamka islaamka oo dhan wuu jiran yahay , haduu wadnahaas caafimaad qabana caalamka islaamka oodhan ayaa caafimaad heli , sidaas owgeed waxaa waajib inagu ah inaan xoreyno qudus hadaan muslimiin nahay, shacabka falastiin waxaa waajiba inuu qabsado diintiisa iyo masjidkiisa ,waxaana aamin sanahay inuu alle uguuleyn doono ..
Hadaad magaceyga iweydiisay , waxaan ka qaatay suuradda yuusuf, waa suuradii sababta u aheyd inaan islaamo, markaan suuradan aqriyey waan ku ooyey.Hadaan reerkaanaga ka waramo , aabahay wuxuu dhintay 1978m, isagoo raali iga ah , islaamka wuu bartay nabigana s.c.w. wuu rumeeyey , walaalkay ilaa hada wuxuu wadaa aqrintii islaamka , waxaan aamin sanahay inuu gudaha islaamka u dhacay laakiin waxaa dhiman waqtigii, rabina ciduu doono ayuu hanuuniyaa ..
TUSAALOOYIN KU TUSAYA KU DHAQANKA ISLAAMKA
YUUSUF ISLAAM ..
Yuusuf islaam sida cad waa shakhsi ay diintu dhab ka tahay, rabina wax loo amaanayo ma jiraan, markii la eego ficilkiisa iyo ku dhaqankiisa islaamka, yuusuf wuxuu ka hor maray dad badan oo ku nool dhulka islaamka , dadkaas in badan oo kamida waxaa dhacda ineysan ku dhaqmin axkaam aasaas u ah islaamka ,, Hadana waxaan soo gudbinayaa qaar kamida ku dhaqankii yuusuf islaam islaamka, YUUSUF ISLAAM: Wuxuu faraha ka qaaday fanaanimadii uu ku caan baxay islaamka ka hor , kadib markuu shaki ka galay xaaraanimada heesaha, markuu ogaaday in dadka qaar lee yihiin waa xaaraam , qaar kalena dhaheen waa xalaal , ayaa wuxuu qaatay sida fiican ee diintiisa aan waxba yeeleynin ..markaasuu ka tagay.. eeg siduu uga fogaaday kadib markuu diintiisa u baqay , muslimiintana waxaa laga laayahay arintan iska dhaafe iska daaya xaaraanta rabi quraanka ku cadeeyey ama qaata waajib la is amray ...
Wuxuu qaatay sunadii nabiga xataa habka loo xirto dharka
Markuu islaamay wuxuu iska daayey sigaarkii ..
Wuxuu ka go,ay saaxiibadiisii kadib markuu faa,ido ka waayey , ka baq uu ka baqay inuu islaamkiisu daciifo, wuxuuna sheegay inay aheyd tii ugu dareyd arintan..
Wuxuu guursaday gabar islaam ah oo xijaabka si kaamila u qaadata .
wuxuu ku saahiday aduunka , wuxuuna doortay inuu xirto dhar caadi ah .
kadib markuu ahaa xidig faraha lagu tilmaamo ayaa wuxuu noqday hal mar ah kaliya qof caadi ah , yuusuf wuxuu ka aruurin jiray taakulooyinka xarunta islaamka ee kutaala London, wuxuuna kormeere ka ahaa gudiga ku afuriya dadka bilaash bisha ramadaan ,,
Yuusuf markuu islaamay wuxuu horay ka bilaabay dacwada islaamka ..
waana inoo Imaan doontaa dadaalkiisii ku saabsanaa dacwada islaamka..
)إن الذين قالوا ربنا الله ثم استقاموا تتنزل عليهم الملائكة الآ تخافوا ولا تحزنوا
وابشروا بالجنة التي كنتم توعدون ) فصلت : 30
)يايها الذين آمنوا أطيعو الله وأطيعوا الرسول ولاتولوا عنه وأنتم تسمعون
ولا تكونوا كالذين قالوا سمعنا وهم لا يسمعون ) الأنفال : 20-21
Dacwada iyo wanaaga oo la isu sheego iyo xumaanta oo la iska reebo waa arin laga rabo qof kasta oo muslim ah ,xataa haduu yahay qof gaabiya .. arintan waxaa inoo cadeeyey culimada islaamka , gaar ahaan samankan uu islaamku maraayo xaalad uusan hada ka hor soo marin, xal manoqoneyso ilaa qof kasta oo muslim ah uu ulaabto diintiisa xaqa ah , markaas ayey umadu gaari kartaa cisadeedii iyo kaalintii laga rabay inshaa allaahu ..
TUSAALOOYIN KU TUSAYA SIDUU DACWADA UGUTAY..
kadib Markuu islaamay wuxuu horey ka bilaabay dacwada iyo kobcinta islaamka muslimiinta ku nool baritish iyo waliba meelo kale .
Wuxuu ka aasaasay biritish iskuulo caruurta muslimiinta wax lagu baro sanadku markuu ahaa 1983 isagaana ka noqday maamule iskuuladaas ..
Wuxuu ka qeyb qaatay acmaashii kheyrka aheyd .
Wuxuu aasaasay jimciyada dhista masaajida , jimciyadana waxaa kasii farcamay jimciyada dacwada islaamka oo ah jimciyada uqumta bixinta duruusta iyo muxaadarooyinka dadka muslimiinta ah iyo kuwaan muslimiinta aheyn, wuxuu kaloo xil iska saaray inuu sameeyo fasalo lagu tababaro imaamyada masaajida taasoo looga gol lee yahay iney soo saarto imaamyo bulshada la jaan qaadi kara, taasina wey suuro gashay , wuxuu kaloo sameeyey jamaaco daneysa xalaqada islaamka , taasina waxey daneysaa dadka aan wali islaamka soo galin.
Wuxuu kaloo ku dadaalay inuu xoojiyo xaga siyaasada iyo dhaqaalaha iyo xaalada guud ee muslimiinta ku nool biritish .taasna waxaa daliil u ah inuu ku guuleystay inuu muslimiinta ku garab istaago inay gaaraan baarlamaanka ,
Wuxuu soo saaray geeraaro wacan ama -anaashiid- cajaledo ku duuban oo islaamka ka hadlaya, wuxuu dadaal kagaaray inuu hiwaayadiisa fanka islaamka uga khidmeeyo..
Sida uu isugu taxluujin jiray mashaakilaadka muslimiinta gaar ahaan meelaha ay dhibaatadu heysato sida ,boosno. Falastiin , afgaanistaan.
Wuxuu in badan aaday gobolada biritish si uu uga soo aruuriyo lacag loogu deeqo walaalaha dhibaateysan ee ku nool caalamka islaamka ..
Wuxuu aasaasay mu,asasda al-coon ee gargaarka bixisa ( muslim aid ) jimciyadan waxey isku taxluujisay inay ugargaarto muslimiinta tabaaleysan gaar ahaan afgaanistaan iyo falastiin , yuusuf islaam waxaa lagu soo oogay danbi ah inuu taakuleeyo nimanka mayalka adag ee xamaas , waxaana ergooday maxkamada askarta ee yahuuda ee kutaala Al- Aqasaa , xataa ciraaq cunaqabateyntii udanbeysay gargaar ayuu ugeyn jiray, jasaahu llaahu kheryan.
Yuusuf Islaam wuxuu noqday daaci islaami ah oo faraha lagu fiiqo, waxaana loo yaqaanaa daaciga islaamka , ra,yigiisa waa la qaataa waana la xujeystaa , waxaana looga wacaa shirarka waaweyn ee islaamka looga hadlaayo , wuxuu kaloo ka bixiyaa aduunka muxaadarooyin waaweyn ..
HADALADIISII..
In badan oo muslimiinta ka mida xataa qaar ka mida ducaada islaamka ayaa waxey ka hormariyaan danahooda khaaska ah iyo maciishadooda u shaqeynta islaamka iyo u adeegida diinta .
In la siiyo diinta wixii waqtiga ka soo hara ama wixii xoolaha kasoo hara ama wixii la awoodo ma keeneyso inuu gaaro islaamku meeshii la rabay.
Islaamku wuxuu ahanayaa mid gaabiya dariiquna aad ayuu udheer yahay , xaga kale eeg cadowga islaamku sidey xoolahooda iyo kartidooda uhurayaan, waxey diyaar uyihiin iney ku bixiyaan wax alaale iyo wixii looga baahdo .
Mushkilada hurdo la,aanta igu riday waa sideen khibradeydii fanka ugu khidmeeyaa islaamka ,,
Arinta falastiin ma,aha arin falastiin kaliya utaala ee waa arin muslimiinta oo dhan utaal..
Waxaan muslimiinta oo dhan ugu wacayaa inay qabsadaan kitaabka Iillaahay iyo sunada nabigiisa s.c.w. maxaa yeelay waa labada wado ee kaliya ee lagaga bixi karo dhibka ay maanta muslimiintu ku jiraan meel kasta ooy joogaan ,,
Waxaan ugu wacayaa muslimiinta iney is kaashadaan iyo iney caalamka ucadeeyaan xaaladaha muslimiintu ku sugan tahay ..Sidey hurdo inooga imaaneysaa , inagoo aragnay muslimiin la gowracaayo iyo rag lagu qasbaayo inay cabaan dhiiga caruurtooda (waa erayo uu ka yiri mar uu boosno wal hersak ka hadlaayey) ..
Waxaan aad u farxay markaan yaqiinsaday iney salaadeydu rabi toos iigu xireyso.. Ma aqoonin liibaanta intaana islaamka galin ka hor ..
Waxaan ku fangareynayaa xayaatadeyda cibaado iyo alle udhawaansho iyo inaan islaamka iyo muslimiinta u adeego .. Waxaan doonayaa inaan noqdo muslim wanaagsan , heesaha waan iska dhaafay islaamnimdeyda darteed ( waa jawaabtii su,aal laga weydiiyey sabata keentay inuu ka tago heesaha)
Waan joojiyey dhamaan wixii ku saabsanaa heesaha cabsi aan ka qabo darteed inuu iga mashquuliyo jidka toosan ..
Intaana ka qaadanin go,aan ka tagida heesaha ayaa waxaan weydiiyey islaamku wuxuu ka qabo heesaha ..
Xaqiiqadii mahelin ra,yi jag ah laakiin waxaan dareemay iney heestu shubho tahay, nabiguna s.c.w. wuxuu yiri : ka fogaada meelaha shakigu ka imaan karo , sidaas darteed ayaan ka fogaaday anigoo khibradeydu ay aad ugu sareyso..
Heesuhu waxey ahaan jireen nolosheyda inkasta oo hada alle iiga deeqay oon ka fogaaday , xadiisna wuxuu yiri : ( dhaaf wixii shaki kaa galay oo aad waxaan shaki kaa galin )
Waxaan ogahay iney muslimiin badan ka dhumeen jidka saxda ah waayo quraanka macnihiisa ma aysan dhuuxin..
Intaan bilaabay aqrinta quraanka .. markasta oon badiyo aqrinta quraanka waan sii yaabaa,, dadku maxey u aadayaan dhica baadida iyagoo heli kara jid cad ama iftiin hortooda ka baxaya, laakiin waxaan markasta xusuustaa hadalkuu yiri nabi muxmaed s.c.w. aakhiro samaanka : (Qofkii islaamka qabsada wuxuu la mid yahay sidii qof dhinbil dhuxula gacanta ku heysta ) xadiis kalena wuxuu ku sheegay in islaamku ku bilowday yaraan hadana ku laabanaayo sidii hore ..
Waxaa wax aad looga xumaado ah iney dad badan ku fitnoobeen raali galinta naftoodu waxey jeceshahay, sida heesaha iyo cajaladaha fiidiyowga ah ee filimada xunxun lagu duubay iyo joornaalada kuwaasoo ujeedadoodu tahay sidii waxoogaa aduunyo ah looga kasban lahaa ..
Waxaan rajeynayaa inaan noqdo kii sabab unoqda islaamka London si kastaba arintu ha ahaatee, anigoo adeegsanaya wax alaale iyo wixii tabar ah oon heli karo . Waxaan dareemaa murug iyo tiiraanyo markaan eego sida dadku ku yahay quraanka dadku quraanka kuma tadaburaan .Nabiga s.c.w. akhlaaqdiisu waxey aheyd sida quraanka oo kale waayo aadaabtiisa iyo akhlaaqdiisa iyo falalkiisa oo dhan iyo katagidiisa wixii alle ka reebay wuxuu ka qaatay quraanka, waana mida arinta furaha u ah, Maxey tahay faa,idada ka imaaneysa quraan carabka laga aqrinaayo een lagu camal faleynin?
Walaalayaal waa inaan quraanka nafteena ku qurxinaa oon ku camal falaa ..
Anigu waxaan dareemayaa inaan wax badan qabanin, hadaan awood lahaan lahaa waa la yaabi lahaa , quraanku markasta wuxuu la hadlaa muslimiinta aayad kasta oo ka bilaabaneysa : Yaa ayuha lladiina aamanuu waxey lee dahay yeela kheyr markaas la is faraayo ama ka fogaada xumaan markaas la iska reebaayo ,
Ibnu mascuud A.H.R.N. wuxuu dhihi jiray : Dadow hadaad maqashaan Yaa ayuha lladiina Aamanuu dhagahiina raariciya ama kheyr baa la idin fari ama xumaanbaa la idinka reebi-akhii- ,
Ayaamaha soosocda aad ayey u haboon tahay in la dhiso bulsho islaami ah , dusheena waxaa ah inaan dadaalo rabina wuu ina kaalmeyn , ma ,aha inaan labada gacmood is dulsaaro sidii wax gacmaha laga xiray, islaamku camal ayuu u baahan yahay( waa jawaab su,aal la weydiiyey raali ma ku tahay inaad muslim tahay?
Ma khasaarin waxaan kasbaday milyaar walaal oo muslimiina..
Suurada Al-Casri kaligeed ayaa ah dariiqa lagaga badbaadi karo naarta jahanamo ,,
Muslimiinta ku nool galbeedka waxey dhisaan masaajida oo ma soo saaraan muslimiin naf leh.. maxey tareysaa dhisida masaajidu hadaan lahelin ubad muslim ah oo ku tukada ama lagu tarbiyeynin islaamka..
Maxaa loogu talo galay masaajidka ? masjidka looguma talo galin salaad iyo cibaado kaliya.
Walaal ha igu kalifin inaan dhaho anigaa sameeyey waayo rabi wuxuu yiri : (Ha amaanina naftiina ) waxaan ka baqayaa iney arintan hoos gasho aayadan , waa jawaab uu bixiyey mar la weydiiyey mu,asasada Al-Coon ee uu isagu aasaasay.
Waxaan rajeynayaa inuu camalkan ahaado mid la mida kuwii hore een ka rajeynaayey alle raali ahaanshihiisa subxaanahu watacaala ( waa faalo gaaban oo uu ka bixiyey markuu soo saaray siirada nabiga s.c.w.)..
Shaki kuma jiro reer galbeedku inay diyaar u yihiin dacwada islaamka , baadida ay ku jiraan owgeed laakiin sidee bay ku suuro gali ? waa su,aal meesha taal .. waxaan qabaa aragtideyda inay tahay mushkiladeenu hadaan nahay muslimiin inaan u heysano in diinta islaamka inaga kaliya la inoogu talo galay oo markaas aan dayacno dacwadii la inooga baahnaa . dacwadu waxey rabtaa asluub munaasib u ah waqtiga la socdo . waxaan aamin sanahay habka ugu fiican dacwada maanta iney tahay ficilka ay muslimiintu sameeyaan , asluubtan waa mida ugu weyn ee sumcada islaamka muujin karta meel kasta oo aduunka kamida, ma,aha kaliya reer galbeedka
Cumaamada madaxa lagu daboosho waa sunadii nabigeena s.c.w. dharka waasica ahna waa dharka aan inta badan xirto waa dhar raaxo ah , waxaan intaas ku darayaa ra,yigayga : looma baahna inuu qofku isu ekeysiiyo cidaan muslim aheyn , waxaa loo baahan yahay inuu qofku ku faano muslinimada oo uu dharka islaamka qaato isagoon cidna ka sheexin ..
Sababtu waa hadaan nahay muslimiin waxaan awooda saaraa quutul yoomkeena is kamana xilsaaro islaamka ..
Waxaan rabaa inaan islaamka u noolaado maalin kasta , daqiiqad kasta iyo waqti kasta islaamka ayaa igu filan oo wax kale aduunka ka dooni maayo ..
ERAYO LAGA QORAY..
Majalada An-Nuur lam 73- rabiicul- awal 1410h waxaa laga soo xigtay : ( dhalin yarada uu cajab galiyey iyo gabdhaha uu cajab galiyey waxey in badan ka sugi jireen inay ka helaan magaciisa oo saxiixan ama ay sheekadiisa maqlaan .
Qisada yuusuf islaam ama fanaankii weynaa ee kaat setiifinis waa qiso mudan in la wariyo , waayo waxaa ku jira wacdi iyo waano ..
Ninkani waa nin ku caan baxay fanaanimo waana nin kamida raga ugu caansan aduunka oo dhan xaga heesaha, heesihiisa waxaa laga baafiyaa dhamaan idaacadaha reer galbeedka oo dhan , kalaabyada waaweyn ee caasimadahana waa laga dhageystaa , xayaatadiisii intuu noolaa wuxuu ku guuleystay wax kasta oo caan ka dhigi kara naftiisa . si kadis ah ayuu u joojiyey wuxuuna raacay wado kale oo ka badalan jidkii hore, oo ah jidka hanuunka .
Waxey ku dheheen muusikadu waa xaaraam markaasuu joojiyey .
Waxey ku dhaheen sigaarku waa xaaraam markaasuu joojiyey .
Wuxuu faraha ka qaaday khamradii iyo naagihii xaaraamta ahaa wuxuuna ku badashay gabar muslimad ah .
Wuxuu ka fogaaday wixii usoo jiidaayey in la fiiriyo wuxuuna ka doortay xayaato caadi ah.
Waxaa la dagaalay yahuud , laakiin wuxuu ku difaacay kutub uu islaamka ka qoray.. eeg jariidada al-madiina lam : 4963-5/9/1400h.
Layaab ma laha inaad aragto maalin maalmaha ka mida adigoo dadkoo dhan ku daneynayaan , jaceylna laguu qabo , malyan dheera ah , arintan waa heer sare xaga aduunyada , laakiin waxaa kasii fiican inaad waxaasoo dhan gadaal ka tuurto oodan dan ka galin, ood kasoo qaado sidii waxaan horey udhicin ...
Xaqiiqadii aniga ma rumeysni , in kastoo ay dhagaheyga ku dhacday waxyaabo badan oo run ah , laakiin aduunyo soo ma,aha mida hamiga iyo murugta keenta.
Aduunyadu waxey lamid tahay sidii cajuuso wajigeedii badelmay oo aan qurux iyo bidhaan laheyn .
Ficlan wey dhacday .. Maxaa ka weyn in aakhiro aduunka lagu gato? Wax yarna lagu gato wax weyn? qamandina lagu badasho wax macaan xaqiiqadana laga raaco dhalanteedka ..
Wuxuu soo caan baxay (Kaatsitiifinis ) yuusuf islaam lixdanaadkii, isaga iyo saaxiibadii, wuxuuna kamid noqday fanaanada ugu caansan xaga magaca iyo xoolaha heesihiisa jeceylka waxey gaareen 12 ilaa hadana biritishku wey dhageystaan , wuxuu kaloo ku heesay 100 heesood oo ay alifeen rag ku caan baxay fanka , xoolihiisu waxey gaareen dhowr malyan , taas waxaa kadaraa badeecada ku jirta cajeladihiisa waxey kor udhaafeysay malyan , hadana waxaa soo dhan wax ka soo qaad malehan, maanta waxaa kaliya oo uu heystaa hal dariiq - kaasoo ah Al-Islaam Maxaa ka fiican inuu qofku ahaado muumin aan islaam ma ahane diin kale waxba ku faleynin. قال الله تعالى : ( ومن أحسن قولا ممن دعا إلى الله وعمل صالحا وقال إنين من المسلمين ) فصلت : 33
Yaa ka hadal fiican qof dadka ugu wacay illaahay diintiisa ,hadana yiri :
waxaan ahey mid muslimiinta ka mida
Waan ka careysiiyey intaana bilaabin wada hadalka, waayo waxaan ugu yeeray kaat sitiifinis markaas ayaa waxaan ka dareemay inuu lee yahay ma rabo inaan ku laabto wixii laga soo tagay , sidey ku dhici kartaa inaad dib inoogu celiso , kaasi waa sidii darbi dumay oo kale, wixii lasoo dhaafay wuxuu agteyda ka yahay lacnad oo kale .. wixii dhacay ayaa dhib ku filaa .
Waan ka cudur daartay markaan arkay isagoo dhulka fadhiya oo cunaya gobol jubno ah iyo rooti, wuxuu iigu wacay inaan soo dhawaado , xafiiskiisu wuxuu ahaa caadi aad beyna uga muuqatay wajigiisa dagenaan iyo wanaag , kulankaas waxaa dhowr goor soo dhex galay taleefoono uu ka jawaabayey, waxaana afkiisa aad ugu badneyd inuu dhahaayo Inshaa Allaah waan yeeli doonaa, xataa haduusan fahmin qofka kale ujeedada laga wado Inshaa Allaah .
(Waxaa arintan ka soo xigtay tabiyaha majalada iqra ee London lam-420 22/7/1403h)
Dhamaan ducaada iyo dhamaan muslimiintu waa iney eegaan tusaalahan aan usoo qaadanay yusuf islaam. Ninkani wuxuu ka haajiray xoolihiisii iyo sumcadiisii iyo darajaduu lahaa , wuxuuna u cararay alle xagiisa isagoo muslima oo alle u laabtay, intaa kaliya kuma gaabsan ee wuxuu bilaabay inuu islaamka u shaqeeyo isagoo adeegsanaya wuxuu tabar hayo, xoolo , waqti , sooma haboonaateen inaan ku dayano?
ANAGA IYO ISAGA..
Badin maayo ku xeel dheeraanta arintan laakiin waxaan nafteyda iyo dhamaan muslimiinta ugu wacayaa inaan dib u eegno xayaatada ninkan odeyga ah iyo siduu ugu dhaqmay islaamka, kadibna siduu ugu dadaalay islaamka iyo xaalada aan maanta ku sugan nahay, walaahi waxaa la inooga baahan yahay inaan qeyb libaax ka qaadano hagaajinta iyo dacwada umadda , waa inaan ku tartano kheyrka anaga iyo umaddeena..
AAN DIB U EEGNO..
Anaga iyo isaga sidaan diinta ugu camal falo , xalaasha iyo xaaraamta , sunada , waxyaabaha la jecel yahay midkeenee ku fiican .
Aan eegno anaga iyo isaga midkeenii ku fiican ka tagida wixii shaki ku jiro...Waxaa dhacda in badan oo muslimiinta kamida inaysan qaadan amar waajib ah oo rabi xagiisa ka soo fulay ama aysan ka tagin shey rabi xaaraan ka dhigay oo uusan ku jirin wax khilaafa ..
Eeg farqiga u dhaxeeya anaga iyo isaga xaga dacwada islaamka ...
Arintan waa laga wada gaabiyey dadweynaha muslimiinta iska dhaafe xataa ducaada , dadweynaha waxaadba moodaa iney iska hilmaameen waajibnimada dacwada looga baahnaa dhamaan muslimiinta, gaar ahaan casrigan ay muslimiintu noqdeen kuwo ka fog dhaqanka islaamka , waana tan keentay inay noqdaan kuwo taagdaran kadibna la ihaaneysto oo meel kasta lagu gowraco muslimiinta ..
Hadaan eegno anaga iyo isaga xaga alle jeclaanta waxaad ogaaneysaa inuu ku guuleystay khidmada islaamka iyo ku dhaqanka islaamka , Xaga kale waxaad arkeysaa in qaar badan oo muslimiinta ka mida ay ku dhex jiraan wixii rabi ka xarimey tumasho iyo waxaan loo baahneyn, iyadoo la gowracaayo muslimiinta dariska la ah.
Waxaa wax laga xumaado ah iney umaddii ku dhex jirto danbi gaaladuna wey sugaayaan , qiyaamahana waa la weydiin ..
Anaga iyo isaga farqi weyn baa noo dhaxeeya ..
GABOGABO:
Walaalayaal kadib markaan aragnay taariikhda ninkan odeyga ah malaga yaabaa inaan ku dadaalo oon qaadano diinteenu waxey ina amreyso iyo waliba inaan halkaas kasii anboqaadno wixii dadaal ah oo kor u qaadaya waajibka dacwada islaamka inaga saaran..
Ma yeeli karnaa siduu yuusuf islaam islaamka ugu dhaqmay oo kale ? Ma yeeli karnaa siduu uga fogaaday wixii dheeh ka gala xaaraantinimadiisa inaan uga fogaano? dadaal wuxuu ka qabo owgiis , mase ka dhigi karaa fikirkeena oo dhan sidaan islaamka ugu adeegi laheyn siduu yuusuf yeelay? sidaas ayaan ka rajeyneynaa umadda muslimiinta, umadda nabi muxamed s.c.w., shaki kuma jiro iney tahay umadd kheyr leh, laakiin waxaa umadda ku habsaday gaabin iyo hilmaan ay hilmaantay waajibkii saaraa iyo dhagar ka heysata xaga mufsidiinta iyo cadowga islaamka ..
يايها الذين ءامنوا استجيبوا لله وللرسول إذا دعاكم لما يحييكم واعلموا ان الله يحول بين
المرأ وقلبه وأنه إليه تحشرون ، واتقوا فتنة لاتصيبن الذين ظلموا منكم خاصة
واعلمو ا ان الله شديد العقاب ) الأنفال 24-25
SAWIRADII YUUSUF ISLAAM IYO FARQIGA U DHAXEEYA
MARKUU FANAANKA GAALKA AHAA IYO MARKUU
DIINTA ISLAAMKA SI DHAB AH U DHEX GALAY ..
Laa illaaha ila llaah muxamadu rasuulu llaah s.c.w.
قال الله تعالى : ( أومن كان ميتا فأحييناه وجعلنا له نورا يمشى به في الناس كمن مثله
في الظلمات ليس بخارج منها ، كذلك زين للكافرين ما كانوا يعملون )الأنعام :122
هذا وصلى الله وسلم على نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين
Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix