Waxaa waxasoo dhan kasiidaran kuwo magac diineed huwan oo mujtamaca ama qofka ku gaalnimo xukmiya si ay udilaan halka kuwo kale oon ka agab sokaynina uu qumanahooda qoorta ugu jiro iyagoo fadwo diineed daliishada marka ay doonayaan in ay meel qarbudaad kagaystaan,tiiyoo ay jiraan kuwo kale oo kuwaas kusii kufrinimo xukmiya,qabanqaabada ugu horaysa oo ay galaan qolooyinkan dambe ayaa waxay tahay sidii ay marka hore bulshada oga raaridi lahaayeen in ay qoomkan yihiin khawaarij bidco ah oo in ladilo mudan.waa amakaag.
Akhristow waxa la ogyahay in diintanadu tahay diin samaxaad diin cadaaladeed oo caadifo kamaran iyo lablakac,diin basharka oo dhan udamaanad qaadaysa nabad iyo nolol,diin aan ogolayn dulmiga iyo jowrka,diin faraysa macruufka,munkarkana reebaysa,diin siinaysa qofkastoo xaqleh xaqiisa,diin gacanta kudhagaysa dulmiilaha doonaya inuu dunida fasaadiyo,diin dadka kaxoraynaysa inay dad kale adoomo u haadaan,diin kor uqaadaysa qiyamka,karaamada iyo sharafta qofka,diin dhiiri galinaysa horomarka,cimiga iyo aqoonta,diin ladiriraysa jahliga iyo dib udhaca,diin doonaysa inay dunida kufaafto cadaalada,sinaanta,iyo kala dambaynta,diin aan ogolayn in qaanuunka lagu xadgudbo oo dhowraysa xuquuqul insaanka,diin ciqaabaysa dulmiilaha sharkiisana kabadbaadinaysa umadda,Diin…..diin….diiin
runtii maanta dhaqanka dadka muslimiinta ah ee xaqiiqatan ku salaysan nacaybka waa mid ka fog diinta ay sheganayaan waana kan sababay cadaawada heerkeeda sareeyo eeloo qaaday iyaga iyo diintoodaba,halkii ay awal kadhici jirtay in qaabdhaqameedkii muslimiintii hore oo kali ah ay ku soo islaami jireen mujtamacaad dhan oo malaayiin ah,sida ay sheegeen dadka taariikhda islaamka ukuur gala ee loo yaqaano mu,arikhiinta badankood.
Taariikhdu waxa ay marag katahay in inta islaamka ku gaaray sida nabadgalyada ah in la eg uusan ku gaarsiinin seefta tiiyo la ogyahay dhulalka islaamka kufurtay jihaadka xitaa uusan marna kadhicin cid lagu jujuubay diinta ee ay iyaga iskood si akhtiyaari ah uqaateen mabaadiida islaamka kadib markii ay arkeen inuu oga fiicanyahay dastuuradii dulmiga kusalaysnaa ee ay dowladihii laga xoreeyay kula dhaqmi jireen,sideedana marka aad udhabo gasho hadafka jihaadkii ay dowladaha islaamka ah kufurteen dunida dacaladeeda waxa aad arkaysaa in waxa ay kuduleen uu ahaa Nidaam dulmi iyo jowr kusalaynaa ee uusan ahayn waxa ay kuduuleen xoriyad iyo caqiido sida dad badani moodaan,taasina waxa daliil marag madoonto ah ugu filan inan meelihii uu islamku qabsaday marna laga burburin dadkii ahlulkitaabka ahaa meelihii ay wax kucaabudi jireen diintoodiina aan lagu faro galin.runtiina waxa maanta haboonaan lahayd inay muslimiinta ku dhaqmaan nuxurka diinta ay sheeganayaan oo aan xaqiiqdii ahayn sida ay ufahmeen iyo inay badalaan wax naftooda kujira ee ay ku hoobteen si uu ilaahayna ubadalo xaaladooda maanta iyo ducfiga haysta ugu dambaystii waxaan ilaahay kabaryayaa inuu dadka muslimiinta ah tubta toosan waafajiyo.

logo 2


Facebook Liibaanta

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

3259066
Today
Yesterday
All days
245
2176
3259066
2026-10-04 02:22

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

JSN_TPLFW_GOTO_TOP
UongofuUongofu.com