Qisadii Baxiira

Markuu Rasuulka SCW 12 sano jirey ayaa adeerkiis Abii-dhaalib iyo rag kale oo qureysh ka mid ah ay safar ugu kicitimeen dhinaca Shaam, wuxuu markaa Rasuulku scw ka codsadey adeerkiis inuu raaco, adeerkiisna waa uu ka yeelay. Dabadeed markuu safarkii baxay waxaa uu sii maray meel la yiraahdo Busra oo ay safarrada qureysheed ee Shaam u socda sii mari jireen uuna degganaa nin raahib (suufi) ahaa oo Baxiira la oran jiray heystayna diinta masiixiga, cilmina u lahaa waxyaalihii uu ilaahay ku sheegay Tawreet iyo Injiil.

Ninkaas raahibka ah safarrada qureysheed waa ag mari jireen danna kama geli jirin; laakiin maanta waxaa uu arkay calaamooyin ku saabsan wiilkan yar oo safarka la socda, calaamooyinkaas oo kutubtii hore lagu sheegay, markaas ayuu ninkii martiqaad u sameeyey safarkii oo dhan. Waa ay la yaabeen waxayna yiraahdeen “weligayo waannu ku ag mari jirney martiqaadna nooma aadan samyn jirin ee maanta maxaa jira?”, wuxuu ku yiri waa sax laakiin marti baad tihiine imaada. Markii ay u yimaadeen wuxuu yiri “Ma cid baad ka soo tagteen?”, waxay ku jawaabeen yar ayaannu rarkii uga soo tagnay. Baxiira ujeeddadiisu waxay ay ahayd wiilka yar markaasu ku yiri “u yeera gabanka”.

Markii la qadeeyey ayuu Baxiira su’aal weyddiiyey Abii-dhaalib oo uu ku yiri “wiilkan mxaad u tahay”? wuxuuna ugu jawaabey “Aabbe ayaan u ahay”. Baxiira waxa uu yiri “suurogal maaha in wiilkan aabbihiis nool yahay ee maxaad u tahay?”. Abii-dhaalib waxaa uu yiri “Adeer baan u ahay”, intaa ka dib Baxiira wiilkii ayuu gees ula baxay wuxuuna weyddiiyey su’aalo, ugu dambeyntiina wuxuu ka arkay khaatumkii nebinimda oo nabiga scw garbihiisa dhexdooda ku yaalley.

Baxiira wuxuu ku yiri Abii-dhaalib “wiilkani arrin weyn ayuu yeelan doonaa, waxa aan anigu ka fahmeyna haddey nimanka yahuudda ihi ka fahmaan waa ay dilayaan ee ku celi magaaladiisii kana ilaali yahuudda”, Abii-dhaalib markii uu alaabtiisii soo gateyba si degdeg ah ayuu ugu soo rogmaday Makka. Markaas ka dib waxaa uu Rasuulku SCW Makka ka baxay hal mar oo kale illaa hijrada laga gaarey. Rasuulka SCW markuu soo barbaaray waxa uu bilaabey inuu buuraha Makka ariga ku ilaaliyo.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1413948
Today
Yesterday
All days
845
3151
1413948
2025-12-21 09:41

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6947c0d0c9b7612422356171766310096
title_6947c0d0c9bc88528122101766310096
title_6947c0d0c9c1514979776121766310096
title_6947c0d0c9c6211893741831766310096
title_6947c0d0c9cad7836977181766310096
title_6947c0d0c9cf9343943631766310096

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6947c0d0dd0dc17894330681766310096
title_6947c0d0dd12e14960283441766310096
title_6947c0d0dd17c8038583111766310096
title_6947c0d0dd1c8900818901766310096

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com