Qisadii Baxiira

Markuu Rasuulka SCW 12 sano jirey ayaa adeerkiis Abii-dhaalib iyo rag kale oo qureysh ka mid ah ay safar ugu kicitimeen dhinaca Shaam, wuxuu markaa Rasuulku scw ka codsadey adeerkiis inuu raaco, adeerkiisna waa uu ka yeelay. Dabadeed markuu safarkii baxay waxaa uu sii maray meel la yiraahdo Busra oo ay safarrada qureysheed ee Shaam u socda sii mari jireen uuna degganaa nin raahib (suufi) ahaa oo Baxiira la oran jiray heystayna diinta masiixiga, cilmina u lahaa waxyaalihii uu ilaahay ku sheegay Tawreet iyo Injiil.

Ninkaas raahibka ah safarrada qureysheed waa ag mari jireen danna kama geli jirin; laakiin maanta waxaa uu arkay calaamooyin ku saabsan wiilkan yar oo safarka la socda, calaamooyinkaas oo kutubtii hore lagu sheegay, markaas ayuu ninkii martiqaad u sameeyey safarkii oo dhan. Waa ay la yaabeen waxayna yiraahdeen “weligayo waannu ku ag mari jirney martiqaadna nooma aadan samyn jirin ee maanta maxaa jira?”, wuxuu ku yiri waa sax laakiin marti baad tihiine imaada. Markii ay u yimaadeen wuxuu yiri “Ma cid baad ka soo tagteen?”, waxay ku jawaabeen yar ayaannu rarkii uga soo tagnay. Baxiira ujeeddadiisu waxay ay ahayd wiilka yar markaasu ku yiri “u yeera gabanka”.

Markii la qadeeyey ayuu Baxiira su’aal weyddiiyey Abii-dhaalib oo uu ku yiri “wiilkan mxaad u tahay”? wuxuuna ugu jawaabey “Aabbe ayaan u ahay”. Baxiira waxa uu yiri “suurogal maaha in wiilkan aabbihiis nool yahay ee maxaad u tahay?”. Abii-dhaalib waxaa uu yiri “Adeer baan u ahay”, intaa ka dib Baxiira wiilkii ayuu gees ula baxay wuxuuna weyddiiyey su’aalo, ugu dambeyntiina wuxuu ka arkay khaatumkii nebinimda oo nabiga scw garbihiisa dhexdooda ku yaalley.

Baxiira wuxuu ku yiri Abii-dhaalib “wiilkani arrin weyn ayuu yeelan doonaa, waxa aan anigu ka fahmeyna haddey nimanka yahuudda ihi ka fahmaan waa ay dilayaan ee ku celi magaaladiisii kana ilaali yahuudda”, Abii-dhaalib markii uu alaabtiisii soo gateyba si degdeg ah ayuu ugu soo rogmaday Makka. Markaas ka dib waxaa uu Rasuulku SCW Makka ka baxay hal mar oo kale illaa hijrada laga gaarey. Rasuulka SCW markuu soo barbaaray waxa uu bilaabey inuu buuraha Makka ariga ku ilaaliyo.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1723280
Today
Yesterday
All days
3133
1444
1723280
2026-05-16 19:42

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a08c88fcb41712653212721778960527
title_6a08c88fcb4687752388911778960527
title_6a08c88fcb4b615259914601778960527
title_6a08c88fcb503655808451778960527
title_6a08c88fcb54e6139708041778960527
title_6a08c88fcb5986087561141778960527

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a08c88fde6ab18585369761778960527
title_6a08c88fde6ff475476831778960527
title_6a08c88fde74c9247630331778960527
title_6a08c88fde7988849514981778960527

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com