Ma banaantahay in loo dabaal-dego dhalashada Nebiga (S.C.W)???...

Waxaa mahad mudan Allaha nagu hanuunshay diinta Islaamka. Walaalayaal sida aad ogtihiin waxaa nagu soo socda bisha Rabiicul-Awal, oo ah bisha uu dhashay nebiga (S.C.W)(sida taariikhyahanadu badankoodu qabaan). Waxaa dad badan ay sameeyaan dabaaldegyo iyo xaflado ay ku xusaayaan Nebiga (S.C.W)oo lagu magacaabo MAWLIID. Hadaba waxaa is weydiin mudan Islaamku muxuu ka qabaa dabaaldegyada noocaas oo kale ah?? Goormeese ayay bilowdeen xafladaha noocaas oo kale ah?? Yaase bilaabay??. Waxaan halkaan kusoo gudbin doonaa dhowr dersi oo aan uga hadlaayo mawduucan. Duruustu waxay u bixi doontaa sidan:

1) Goormuu ayuu Billowday u dabaaldega dhalashada Nebiga (S.C.W)?? Yaase bilaabay??
2) Ma banaantahay in loo dabaaldego dhalashada Nebiga (S.C.W)?? Sidee ayaase loogu dabaaldegaayaa??
3) Raddi ku saabsan Adillada ay soo daliishadaan dadka iyagu baneeya u dabaaldega Nebiga (S.C.W).

Inaan mawduucan ka hadlo waxaa igu dhaliyay in dad badan ay ka tageen ku dhaqanka sunnada Nebiga (S.C.W)iyo raacidiisa. Wakhtiga kaliya oo ay dadkaasi xasuustaan Nebiga (S.C.W) waa marka la gaaro dhalashadiisa waxay ku xusaana waa bidco iyo waxaan sunnadiisa ka mid ahayn.

Afeef: Waxaa laga yaabaa in dad badan ka hadlaan mawduucan iyagoo aqoon badan u laheyn diinta iyo taariikhda Islaamka. Walaal hadalkaaga ha noqdo mid ku saleysan daliil iyo cilmi. Kana fogow dood iyo muran aan faa'iido leheyn.

1) Goormuu ayuu Billowday u dabaaldega dhalashada Nebiga (S.C.W)?? Yaase bilaabay??

Culumo & taariikhyahano badan ayaa waxay cadeeyeen in dadkii ugu horeeyay ee u dabaal-degay dhalashada Nebiga (S.C.W) ay ahaayeen dawlada Banii Cubeyd oo ku caanbaxday FAATIMIYIINTA oo xukunka haystay inta u dhexeysay 297-578H, 909-1171M. Qofkii ugu horeeyay ee jideeyay u dabaaldega Nebiga (S.C.W) wuxuu ahaa Khaliifka la magac baxay Al-Mucuzi Li-Diinillaahi markay taarrikhdu ahayd 362H. Dabaaldegii ugu horeeyay wuxuu ka dhacay magaalada Qaahira oo xarun u ahayd Dawladaasi. Dawladaasi waxay jideysay 5 dabaaldeg oo kale U dabaaldega dhalashadii Cali Bin Abii Dhaalib, U dabaaldega dhalashadii Xasan & Xuseyn, U dabaaldega Faatima binti Nebi (S.C.W), U dabaaldega khaliifka markaa xukunka haya. waxaa sidaa sheegay Taqiyu-Diin Ahmed bin Cali oo ku magac dheer Al-Miqriizi kitaabkiisa "Al-mawaacid Wal-ictibaar Bidikri Al-khudadi Wal-aathaar" 1/432

Dawlada Faatimiyiinta waxay ahayd dawlad ka fog ku dhaqanka Islaamka iyo raacida Nebiga (S.C.W). Waxay ahayd dawlad Shiico Raafida ah, Taasna waxaad ka dareemi kartaa dabaaldegyada ay sameeyeen oo ay ku gooni yeeleen Aalu beytka oo kaliya. Culumo badan ayaa cadeeyay inay ahaayeen Baadiniyiin gaalo ah. Ibnu Taymiyah wuxuu leeyahay "Waa dad aad uga fog Rasuulka iyo Sunnadiisa oo ku taagan baadi waxaana dadka uga digaa diintooda iyo fikradahooda" Al-Istigaatha Fir-raddi Calal Bakri.

hadaba walaalayaal waxaa noo muuqanaysa in MAWLIIDKA aan la sameyn jirin intii ka horeysay Qarnigii Afaraad ee Hijriyada!!!.. Waxaa kaloo noo muuqaneysa in MAWLIIDKA ay bilaabeen Dawladii Faatimiyiinta oo ahaa dawlad Baadiniyah ah kana fog ku dhaqanka Islaamka ujeedadoodana ay ahayd inay Muslimiinta ku mashquuliyaan waxyaalo bidcooyin ah oo aan jirin!!

Hadaba waa maxay kheyrka uu Nebiga, Asxaabta iyo culumadii ka dambeysay ay arki waayeen oo ay arkeen Dawlada Faatimiyiinta!!!

2) Adillada Tusaysa in MAWLIIDKA uusan banaanayn

Addillo badan ayaa waxay tusaysaa in MAWLIIDKA uusan banaanayn waxaana ka mid ah:

A) In MAWLIIDKA uu yahay bidco (Bidco: waxaa loo yaqaanaa jid cusub oo la hindisay diinta dhexdeeda iyadoo looga dan leeyahay in Allaah loogu dhawaado (Ash-shaadibi kitaabkiisa Al-ictisaam).
Nebiga (S.C.W) aad ayuu uga digay waxyaalaha bidcooyinka ah oo diinta lagu soo daro. Nebiga (S.C.W) wuxuu yiri "Ruuxii sameeya camal aysan diinteena jideynin waa lagu celinaayaa". Nebiga (S.C.W) xadiis kale wuxuu ku yiri "Shay walba oo diinta lagu soo daro waa bidco, bidco walibana waa baadi". Axaadiistaa waxaa u marqaati kacaaya aayada micnaheedu yahay "Maanta ayaan Diintiina idiin dhamaystiray, nimcadeydana kdushiina ku tamyeelay Diin ahaana Islaamka ayaan idinkiga raali noqday".

Hadaba walaalayaal hadii MAWLIIDKU wanaagsanyaahay Nebiga ayaa inoo jideen lahaa, Asxaabtiisa ayaa sameyn lahaa, Culumadii wanaagsanaa ee ka dambeysay (Abuu xaniifah, Maalik, Shaafici, Ahmed, Sufyaan etc.) ayaa daaha ka qaadi lahaa LAAKIIN waxay ogaayeen inaan Eebe lagu caabudin shay bidco ah!!!. Culumo badan oo ka hadlay MAWLIIDKA ayaa jirta waxaana ka mid ah:

1) Sheykhul-Islaam Ibnu Taymiyah wuxuu kitaabkiisa Iqtidaa'u As-siraadul Mustaqiim ku yiri " Salafku ma aysan sameyn iyagoo awood u lahaa inay sameeyaan wax u diidaayana aysan jirin. Hadii uu yahay (MAWLIIDKA) kheyr Salafka (Nabiga (S.C.W), Asxaabta, Taabiciinta IWM) ayaa noogaga haboonaan lahaa sameyntiisa waayo ayaga ayaa nooga jeceyl Nebiga (S.C.W) noogana wayneyn badnaa kheyrkana noogaga dadaali ogaa. Nebiga (S.C.W) jeceylkiisa iyo weneyntiisa waxay ku jirtaa raacidiisa, adeecidiisa, fulinta amarkiisa, nooleynta sunnadiisa kor(muuqaalka kore) iyo hoosba(Qalbiga), faafinta diintiisa iyo ku jihaadida jidkiisa iyadoo la isticmaalayo Gacanta, Carabka iyo Qalbiga. Taas ayaa ah jidka dadkii wanaagsanaa ee naga horeeyay ee Muhaajiriinta, Ansaarta iyo kuwa kaga dayday wanaaga )

2)Cumar bin Cali bin Saalim Al-lakhamiyyi Abuu xafsah Taaju diin Al-faakihaaniyyi wuxuu dhintay 732H wuxuu yiri " Ma jirto Aayad ama Xadiis baneynaaya MAWLIIDKA lagamana soo guurin culumadii wey-weyned oo ah kuwa loogaga daydo wanaaga oo si wanaagsan u heystay diinta. Bal waa BIDCO ay soo allifeen shaqo laawayaasha, waa naftu waxay jeceshahay oo ay ku qaraabtaan calooshood u shaqeystayaasha..." kitaabkiisa At-tabaruk 362)

La soco.. Inshaa Allaahu

Waad ku mahadsantahay naseexadaada, hasayeeshee, kuguma raacsani ra'yigaada. Yaska hadalkaaga waxaan ku darsan lahaa arimahan soo socda:

1)Mowliidku waa shay bidco ah oo diinta lagu soo kordhiyay, sidaan maqaalkaygii hore kusoo xusay, mudanna in laga hadlo oo ummada looga digo. Maaha shey khillaaf ku jiro sidaad sheegtay.

2)Mowliidka wuxuu ka mid yahay dhibaatooyinka iyo aafooyinka aad sheegtay oo ummada haysata. Marka la gaaro Mawliidka waxaa la sameeyaa waxyaalo badan oo diintu mamnuucday oo ay ka mid yihiin in la akhriyo kutub badan oo shirki ka buuxo (sida Mowliidka, Burdaha), in raga iyo dumarka is dhexgalaan, in xadgudub weyn lagu sameeyo Nebiga (S.C.W) oo darajadiisa la dhaafsiiyo Hadaba Yaskow miyaysan waajib ahayn in laga hadlo munkarkaas??!!

3)Fiqh Awla'wiyaat yaa ukhtii!!! Diinta Islaamka waxaa ugu weyn TAWXIIDKA. Marka laga hadlo dadka qubuuraha ku dawaafaya oo baryaaya dadka dhintay waxaad leedihiin maantoo dhan qubuuro iyo waxaan loo joogin ayaad ka hadlaysaan maad isticmaashaan Fiqh Awla'wiyaat!!! Manhajka Rasuulka iyo culumada waa in laga hadlaa dhibaatooyinka waaweyn ee ummadaa heysta oo ay ka mid yihiin Shirkiga iyo Bidcooyinka.

Waxaana mawliidka billaabey sideedaba nin la yiraahdo "Muzafar ad-din ibnu zain ad-din" oo meel madax ka ahaa. Sheekadiisa waxaad ka heli kartaa kitaabka la yiraahdo "Al Qowlul Muctamad Fil Camalil Mawlid" ee uu qorey "Ahmed bin Muhammed Al misri".

Waxaa ninkaas ku caawiyey inuu hirgeliyo Mawliidka oo u qorey kitaab dhan nin la yiraahdo "Abdul Khattab Cumar binu Dihya" lacag abaal marinna uu kaga heley Muzaffar markuu aqriyey kitaabka oo ahaa boqorka irbil. Waxaad ka heli kartaa sheekada oo faahfaahsan "Ibn Kathir, al-Bidaya wa al-Nihaya, Vol.I3 pp.144-146". Kitaabkuu ninkaas qoreyna waxaa la oran jirey "Attanwiir fii mawlid alsiraajil muniir".

Ibnu xajar casqalani wuxuu ku yiri kitaabkiisa "Lisan al-Mizan, VoL 4 p.295"

"Wuxuu ahaa beenaale, been abuur badan, Culumaduu badanaa caayi jirey, Aragtidiisa xagga diintana masii fogeyn, Diintana waaba yasi jirey," arrinkaan waxaa laga wariyey Alaxafid diyaa"

Marka brother, masalo qilaafi maahee waa arrin muslimiinta laga rabo iney isaga fogaadaan sameynteeda si cibaadada ilaahey ugu qalis noqoto. Ninkii nabiga jecel caleyhi salaam sunnadiisa ha nooleeyo oo jidkii uu ku jihadey habeen iyo maalin haku jihaado si diintan uga sara marto diimaha kalee beenta ah.

 

Tan kale ee dadka xadka ka bixinaya wixii ilaahay xadeeyey, ama tadaruf la imanaya marka ay cibaadooyinka alle sameynayaan Aniguba waan kugu taageersanahay in aan diintu Tadaruf ogoleyn isla markaana ayna nusqaan ogoleyn.

Mida aan kaaga figrad duwanahayse waxay tahay, Qabuurahan la siyaaranayo iyo Xuskan Nabiga ee Foosha xun ee aad ka hadlaysid xagay ka dhacaan? ma Europe iyo North America ayaa qabuuro la xusaa?
Ukhtii filaah Adiga Goor maa kuugu danbaysay mar aad Qabuuro Muslimiinta tagtid?

Malaha West-ga qabuuro lama siyaartee Material/Dunida ayaa la siyaartaa. Ukhtii Waxaan jeclaa uun in aan kugu baraarujiyo in waxyaabihii la siyaaran jiray iyo wixii laga barakaysan jirayba ay isbedeleen maanta oo Bidcooyin iyo aratiyo mulxidnimo oo cusub ayaa soo baxay, markaa miyeynan habooneyn in aan kuwaa ku radino oo aan maskaxdeena iyo maankeenaba siino, sidii culimaddeenii horeba ay BIDCADDA WAKHTIGOODII jirtay u radiyeen?

ALLALE;
Waad ku mahadsan tahay soo jeedintaadda. Dhibaatooyinka jira ee doonayo in ayno xal u raadinana waxaa ka mid kuwa aan qoraalkeyga hore ku soo gudbiyey ee ah: SIDEE BAYNO ISLAMKAN AAN XAMBAARSANAHAY U GUDBINAA?-SIDEE BAYNO RESOURCE AAN HAYSANO U ISTICMAALNAA SI AAN U WAJAHNO MUSHKILAATKA WEST-IGA AAN KALA KULANAY?-SIDEE BAYNO ISBEDELKA WAKHTIGA ULA SOCONAA, SI AYNO U DHIGNO SHEY WALBA MEESHII LOOGU TALA GALAY,,,,,MARKA WAKHTIGIISA LA JOOGO.......Fiqh tawaasun wal awlawiyaat !!

2)Qaladaadka waaweyn ee la sameeyo marka loo dabaal degaayo Mowliidka.

Bidcanimada Mowliidka waxaa kaloo wehliya qaladaad waaweyn oo dadka dabaaldegaya ay sameyaan. Dadku isku si uguma dabaaldegaan Mowliidka. Wadan walba ama bulsho walbo waxay leedahay qaab iyo hanaan ay ugu dabaaldegaan Mowliidka. Waxaynu wax ka taaban doonaa qaladaadka ugu waaweyn oo dadku badankoodu sameeyaan kolkay u dabaaldegaayaan dhalshada Nebiga (S.C.W):

A) Nebi ammaanada dadku badankloodu akhriyaan waxaa ku jira shirki iyo xad-gudub lagu xad-gudbaayo Nebiga (S.C.W). Nebiga (S.C.W) wuxuu yiri (Ha igu xad-gudbina siday Nasaaradu ugu xad-gudbeen Ciise (calayhi Salaam) oo kale. Waxaan ahay Addoon Eebe, waxaad tiraah: Adoonkii Eebe iyo Rasuulkiisa). Dadku qaarkood, markaay isagu yimaadaan xaflada Mowliidka, waxay ku tawasulaan, baryaan, gar-gaar weydiistaan Nebiga (S.C.W). Kutubta dadku akhriyaan oo ay kamidka yihii Mowliidka iyo Burdaha waxaa ka buuxa kelmado shirki ah sida:

Yaa Akramal khalqi maalii man aluudu bihi
Siwaaka cinda xuduusi xaadithil camami
oo macnaheedu yahay (Rasuulka Allow ma jiro ruux aan megen galaayo oo aan adiga aheyn markay dhibaatooyinka waaweyn yimaadaan!!!!)

waxaa kaloo ka mid ah:

Fa inna min juudiga dunyaa wa darratahaa
wa min culuumika cilmu lowxi wal qalami

oo macnaheedu yahay (Rasuulka Allow deeqdaada waxaa ka mid ah Aduunka iyo Aakhiro, cilmigaadana waxaa ka mid ah Cilmiga looxul maxfuudka ku qoran!!)

B)Bidcooyinka waaweyn oo ay dadku sameeyaan waxaa ka mid ah inay istaagaan marka lasoo gaaro ka sheekeynta dhalashadiisa iyo dhimashadiisa, iyagoo aaminsan in Rasuulkuba goob joog yahay (uu la fadhiyo xaflada dhexdeeda).

C)Waxaa is dhex gala raga iyo dumarka, waxaa la isticmaalaa meelaha qaarkood qalabka muusikada iyo heeso Nebi Ammaan ah. waxaa wada ciyaara oo kuwada luqeeya rag iyo dumar isku dhex jira oo aan kala xijaabneyn.

D)Waxaa ku sugan ku dayasho aan ku dayaneyno Nasaarta ayaga ayaa u dabaaldego dhalashado Nebi Ciise (Calayhi salaam). Nebigana (S.C.W) wuu noogua digay inaan ku dayano Ahlu Kitaabka.

Walaalayaal waxaa yaableh oo caqli xumo ah in aan dhahno waxaan u dabaal degeynaa dhalashada Nebiga (S.C.W) oo aan ugu dabaal-degno wixii uu diiday. Waxyaalaha aan soo sheegnay dhammaantood waa wixii uu Nebiga (S.C.W) ka digay oo uu diiday.

Waxaan leeyahay ma aha oo kaliya in Nebiga (S.C.W) loo dabaal-dego sanadkii hal maro, bal waa in loo dabaal-degaa maalin kasta iyo saacad kasta. Waxaa loogu dabaal-degaa muujinta sunnadiisa, raacida jidkiisa, qaadashada amarkiisa, ka fogaanshaha caasintiisa. Waxaa la yaab leh inaad aragto ruux ku dhahaya waxaa u dabaal-degaayaa dhalashada Nebiga (S.C.W) oo aan salaadayn, soomayn khilaafaya jidkiisa. jaceylka noocaas oo kale ah waa jaceyl dhalanteed ah. Hadii jacaylka daacad kaa yahay waad ku dayan lahayd oo raaci lahayd. Waxaa kugu dhaboobay gabayga ah:

Law kaana xubbaka saadiqan la adactahuu
Innal muxibba liman yuxibbu muddiicu

oo macnaheedu yahay (Hadii jacaylkaadu dhab yahay waad raaci lahaeyd waayo qofku qofka uu jecelyahay wuu u dhega nuglaadaa!!!)


Wasalaamu Calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message
Yaska

Unrecorded Date
Salaam 'aleukum;

Bashir Abdi

Raali iga ahow marka hore waan soo daahay, mashquul dartiis, marka kale ereyga bidco fahamkiisa iyo hadba sidaad u xadidid ayaa koobaya ula jeedadaydda in mas'aladdu tahay mas
alo ikhtilaafi ah.

Islaamku wuu reebay oo diiday BIDCADDA(waxa lagu daro diinta) sababaha soo socda daraadood:
1-
Diinta waa dhamaystiran tahay umana baahna dhamaystir xaga soo dajinta: "Al youma akmaltu lakum diinakum wa'atmamtum calykum nicmatii.."

2-
In aan loo ogolayn in dadku wax sharciyeeyaan oo kadib insaanka ku khasbaan wax aanu ilaahayn sharciyeynin" Walaa taquu limaa tasafa alsinatikum alkadiba Hadaa xalaal wa hadaa xaraamu litaftarow cala'Laah al kadiba.."

3-
In ummadda caqligeedda aan lagu mashquulinin wax aan khayr ugu jirin si wakhtigeedda aan looga dayicin oo wax qiimo aan ugu fadhin lagu shuqlin

4-
In aan sunnadda asliga ahayd aan lagu bedelin wax kale oo dadka naftooda u dhow ama aanay ku doorsanin wax ka fudud iyagoo hawadoodda iska raacaya

ARIMO U BAAHAN KAFIIRSASHO IYO FOOGIJNAAN

Dadka marka uu IIMAANKOODU dabco isla markaana DADDALKOODU yaraado amaba dhamaadaba waxaa la arkaa in ay seddex mid uun noqdaan
1- In ay dayacaan nusuus ama ay ka gaabiyaan amaradda alle amaba ay casyaan kale la yimaadaan
2-In ay tartiibtii iyo kala hormarintii takaalifka khalal kaga dhaco oo la arko in ay soo hormariyaan kii yaraa dibna u dhigaan kii weynaa ee mudnaa horumarinta, ama ay quursaddaan Arimaha kuwoodda waaweyn iyagoo ihtimaam siinayaa kuwa yar yar.
3-In ay iyagu waxyaabo cusub iska samaystaan, lana yimaadaan arimo farabadan oo asalaka iyo farciyadda diinta ku shuqul leh oo iyagu la yimaadeen.

Haddaba marka ladoonayo in dadka iimanku ka sii gudhayo in lala mucaamalo si loogu soo duwo loona xoojiyo IIMAANKOODDA mar labaad in tartiib iyo tawaasun lagula dhaqmo ee aan lagula mucaamaltamoonin sifo caam ah oo kale �yaddo oo la leeyahay" Kula Bidcatu Dalaala, Wakula Dalaalatu FINAAR.

Sideed u tadbiiqineysaa goodigan Alle ee leeyahay..."Waman yacsi lahaa warasuulahu fa ina lahu naar jahanama khaalidiina fiihaa abada" qof ku sinbiriixday amaba tartiibtii kala hormariyey amaba kala janjeera oo aan maqaasidda diintaba si fiican u arkayn maxaa arinkiisu noqonayaa? Waa ahlunaar miyaa!!!!

Mieyeysan lagama maarmaan ahayn hadaba in ayno kala hubsano oo aan kala saarno BIDCADAN aanu ka hadlayno? mise "Naqcaddu cinda xarafiyah"oo erayadda uun baan ag fariisanaa oo bidco waa bidco ma qaybsanto mana kala roona ...kab iyo xaarkeed waa la isla tuuraa baan ka dhignaa?
Kan danbi yar la yimid iyo kan danbi weyn layimid isla si ayeyno u wajahnaa miyaa?

Arinta ku saabsan imisa ayey u qaysan taa bidcaddu iyo sidee loola mucaamiloonayaa waxaan u arkaa in ay soo galayso mowduucyadda ama daairaadda khlaafka fiqiga, khilaaful fiqiguna sidaan ognahayba wuxuu yeelan karaa oo lagu xanbaari karaa aragtiyo kala duwan oo isagu dhib maleh.

Waa socotaa..

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Abdelqader1

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

673724
Today
Yesterday
All days
212
841
673724
2024-09-08 02:28

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_66dd0bc94f1fd9569389061725762505
title_66dd0bc94f32f3094464871725762505
title_66dd0bc94f42c3724869471725762505
title_66dd0bc94f5479253389711725762505
title_66dd0bc94f661152851241725762505
title_66dd0bc94f77a5463981241725762505

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_66dd0bc9509d35193779191725762505
title_66dd0bc950af213082667221725762505
title_66dd0bc950c0f14550781001725762505
title_66dd0bc950d1c10787554221725762505

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com