Halista Cudurka Cancer-ka
Hordhac.
Marka hore waxaan ku billaabayaa magaca eebe xumaan ka nasahan, marka xigta nabadgelyo iyo naxariis suubanaheena dushiisa ha ahaato.
Marka xigta anigu takhakhus uma lihi Cilmiga Cudurka Cancer-ka, laakiin markaan arkay halistiisa iyo sida aysan Bulshadaydu ugu baraarugsanayn waxaan is tusay wixii awoodayda ah inaan baaritaan ku sameeyo wixii illaah iga garowsiiyana aan la wadaago Walaalaha Soomaaliyeed taasoo runtii aan u arkay waxa ugu yar ee aan ka qabankaro Halista Cudurka Cancer-ka iyo dhibaatada sii koraysa ee uu ku hayo Bulshada Soomaaliyeed.
Intaa kadib markaan arkay dhibaato aad u wayn iyo ogaal la’aan ka jirta cudurka halista ah ee Cancerka waxaan istusay inaan qoro Warbixintaan oo ku saabsan halista uu leeyahay Cudurkan Dilaaga ahi iyo sida aysan Bulshadeenu waxyeeladiisa ugu baraarugsanayn,
Hadaba sida la ogyahay Cudurkaan Cancerka Ibni’aadamku jiritaankiisa intiisii badnayd waa la tacaalayey waxaana la ogaaday jiritaankiisa intii u dhaxaysy 3000---1600 BC waxaana laga ogaaday Dalka Egypty ama Masar.
Warbiximihii ugu damayeey ee ay soo saareen urur cilmi baare ah kuna xeel dheer arimaha Cudurka Cancerka kana dhisan Dalka Maraykanka waxay sheegeen in sanadkii uu Cudurka Cancerku dilo 7.6million oo qof taasoo celcelis ahaan maalintii ka dhigaysa inay u dhintaan 20,000 oo qof waa tiro aad u badan, illaahay anaga iyo inta Muslimka ah haka bad baadiyee.
Hadaba aan guda galo muhiimada qormadaydan.
Waa Maxay Cudurka Cancerku?
Cudurka Cancerku waa koox cuduro ah oo uu kala qaybiyo xukun la’aan ku timaada koriimada unugyada jirka, sidaa darteed
waxaa jira 100 nooc oo Cancer ah oo kala duwan midkastaana waxaa qeexa ama sheega nooca unuga marka uu Cudurku bilowga yahay uu sameeyey,
Africa waxa uu soo galay waqti hore iyadoo Wadamada Africa aysan u lahayn khibrad badan sida loola tacaalayo waxaana ugu wacnaa aqoon yari ku aadanayn cudurka iyo dhaqaale la’aan ka jirtay inta badan wadamada Africa, Soomaliya oo ku dhawaad 22sano dowlad dhexe oo shaqaysa aan lahayn waxa ay keentay inay dad badani u dhintaan cudurka iyada oo aan laga diagnose garayn, dadkana lagu baraarujin inay tagaan halka ugu dhow goob caafimaad haday dareemaan calaamadaha cudurka xanuunkiisa, waqtigaan aan joogno inta badan wadamada Africa waxaa loo sameeyey xarumo u gooni ah oo lagu dabiibo dadka qaba cudurka cancerka laguna xanaaneeyo, hadaba nasiib daro Waddankeena iyo Dadkeenu wali ma lahan xarumo si khaas ah lagula tacaalo Cudurkaas aadka u xun ee dilaaga ah.
Noocyada qaar iyo Calaamadaha Lagu Garto Cudurka Cancerka.
Calaamadaha lagu garto Cancerku waa ay kala duwanyihiin waxa ayna ku xirantahay meesha uu markaa kaga dhaco qofka iyo sida uu ugu faafo jirka ibni aadamka, noocyo ka mida Cancerka waxaa laga arkaa jirka ibni aadamka dushiisa waxaana loogu yeeraa Skin Cancer (Melanoma) kaas oo lagu garto isbedel ku yimaada koriinka jirka, waxaa kaloo jira mid loo yaqaan Oral Cancer kaas oo calaamadaha lagu gartaayi ay ka mid yihiin goobo yar yar oo cad cad oo lagu arko afka gudihiisa ama Carabka dushiisa,
Sidoo kale waxaa jira mid loogu yeero Colon Cancer oo ku dhaca qaybta wayn ee mindhicirada waa wayn kan noo caan ah waxaa lagu gartaa Caloosha oo fariisata (Constipation) marna shuban (Diarrhea) joogta ah iyo isbedel ku dhaca cabirka saxarada qofka, sidoo kale waxaa jira mid la dhaho Bladder ama Prostate Cancers waxaana sababa is bedel ku dhaca kaadi haysta oo ka dib sababta inay kaadidu aad u badato ama ay aad u yaraato, waxaa kaloo jira Lung Cancer sidoo kale waxaa sababa koriimo aan xadidnayn koariimo xumo ama aan loo baahnayn oo ku dhacda Unugyada (Cells), Noocaan Sanbabka ku dhaca waxaa dhaawac ku yimaadaa Malignant (Cancerous) koriimada Sanbabada, noocaan waxa uu kamid yahay nooca ugu badan ee rag iyo dumarba kud dhaca, waxaa kaloo jira Breast Cancer kani waxa sida kuwa kale sababa koriin qaldan oo ku yimaada unugyada Naaska Haweenayda waxana uu ku dhacaa Naaska Haweenayda isagoo ka bilaamaa qaybta hore ee ibta loo yaqaan ama dahaarka gudaha ee tuubada caanaha keenta markaas koriinkaas qaldani waxa uu ku faafaa qaybaha kale ee jirka, markaa kan ka bilaama halka uu naasku ka kal qaybsamo waxaa loogu yeeraa lobular carcinoma, sidoo kale kan ka dhasha tuubada caanaha naaska hooyada keenta waxaa loogu yeeraa ductal carcinoma, waa jiraan kuwo kale oo badan laakiin inta ugu caansani waa kuwaan aan xusay.
Waxyaalaha keena inta badan.
Cudurka Cancer-ku waa kooxo cuduro ah kaasoo ay abuuri karaan ama sababi karaan wax yaalo badan oo maquul ahi, kuwa ugu caansan ee sababa Cudurkaan halista ah waxaa ka mida (inaad dhaxal u heshid, qaab nololeedkaaga sida istcmaalka Tubaakada alkaholka iyo wixii lamida, isu dheeli tirka cunada aad cunayso, shaqada jirkaaga, qaybo kamida infectionska, deegaanka oo aan hagaagsanayn sida isagoo leh Chemicals ama Radiations, qoraxda oo aad isugu dhigto), inkastoo uu cudurkaani kamid yahay sababaha ilaaheey uu umadiisa u dilayo, hadana dalkeena somaliya wuxuu kamid ahaa wadamada uu ku yaraa cudurkaan inta badan dadka somaaliyeed waxeey maqli jireen in uu jiro cudur Cancer layiraahdo balse way yarayd sida loo arko dad u dhimanaya cudurkaan ayadoo cudurkaan uusan ahayn mid ku cusub caalamka, dunidu sidaan ayeey uga qaylinaysay sanado aad u fara badan ka hor, balse geeska Afrika 15-kii sano ee u danbeeysay ayuu kusoo batay, wixii ka horeeyay wuu jiray balse wuu sakhirnaa hada sanadba sanadka kadanbeeya wuu sii kordhayaa waxaadna ku garan waagii hore dadka waxeey u dhiman jireen T.B, Cagaarshoow (Hepatitis), Maleeriya iyo cuduro kale hadase 10-kii qof ee geeriyooda 6-7 kamida waxaa dila cudurka Cancerka, sidaa darteed markaan aragnay dadka Soomaalida ah ee ku nool Nairobi Kenya iyo inta badan dadka laga keenayo Guud ahaan Soomaaliya gaar ahaana Sida Magaalooyinka Boorame, Hargeeysa, Garoowe, Gaalkacyo, Beledweyn, Muqdisho iyo Kismaayo waxaa laga helaa inta badan isku cudur kasoo ah Cancerka waxaa dhacda isbitaal qura in ay ku kulmaan 5 qof oo laga kala keenay 5 magaalo oo kala duwan in laga helo cancer taasi waxeey keentay dadkii in ay yaabaan oo dhaqaatiirtii laweeydiiyo sababta keentay arintaas dhaqaatiirtii waxeey noqdeen isku af sida DR O.J.OWINO oo ah dhaqtar can ah kana howl gala Nairobi hospital Doctors Plaza, Wadankiina 22 sano Dowlad dhexe oo awood leh malahayn taas kantarooli lahayd waxyaalaha lakeeno dalka sida Cunada iyo Dawada iyo alaabada bulshadu inta badan isticmaasho, taasina waxay sahashayin ganacsato badan oo aan damiir lahayni ay keenaan cuno iyo dawo dhacday taasaa keentay inay kor u kacdo tirade Dadka uu ku dhacayo cudurka cancer-ka ayuu yiri Dr Owino, isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in ay suurto gal tahay Daawada somaaliya lakeeno inay laba mid noqon karto waa tan horee in heerkii ay daawo waxtar uleh cudurka looqoray aysan gaarsiisnayn ama Components-ka ay ka koobantahay sidoo kale aan la gaarsiin inay noqoto mid waxtar u yeelata Cudurka lagu dawaynayo, tusaale ahaan Capsule-ka meeshii 500gm laga rabay in laga dhigo 250gm markaa dawada Gramska dusha kaga qoran iyo kan gudaha ku jiraayi aysan islahaan, wuxuu kaloo soo hadal qaaday in caanaha gasacadaysan iyagana heerkii caano waxtar leh ku noqon lahaayeen aysan gaarsiisnayn duruufo markaa jira owgood.
Cancerka ma la kala qadaa (Is Cancer Contagious)?
Waxaa hubaal ah in marka laga hadlo Cudurka Cancerka ay dad badani is waydiiyaan in Cudurka Cancerku uu yahay Cudur la kala qaado sida in lagu kala qaado taabashada, Dhunkashada iyo in hab la isasiiyo ama in galmadu gudbiso, hadaba wali wax cadayn ah looma hayo in Cudurka Cancerku uu yahay Cudur la kala qaado maxaa yeelay cudurka Cancerka Germs ma sababo sida hargabka (Flu and Cold) sidaa darted ma ahan Cudur la kala qaado (Cancer is “NOT” Contagious).
Sidaa darted haduu jiro qof Cancer qaba oo qaraabadaada ama xaaskaaga/ninkaaga ah ha ula dhaqmin sidii qof kaa dhintay oo kale ee ha dareemo inuu xor yahay adoo niyadda u dhisayana dareensii inuu caafimaadayo dhibaatana uusan ku hayn dadka uu markaa la noolyahay.
Gunaanad.
Bulshada meelkasta oo ay joogto waxaa la gudboon inay ka digtoonaadaan waxkasta oo caafimaadkeeda iyo nolosheeda wax u dhimaya sidaa darteen shaqsi kasta waxa uu xil ka saaran yahay inuu u istaago siduu noloshiisa iyo tan bulshada uu ku dhexnoolyahayba uga illaalin lahaa dhibaato kasta noocay tahayba, ogow shaqsi kastow inay muhiim tahay inaad noqoto ruux faa’iido u yeesha noloshiisa bad baadinteeda iyo tan bulshadiisa.
Cudurkaan aan ka soo sheekaynay oo kaliya ma ahane cudurkasta oo dhibaato ku haya bulshadeena ka hortag waxkasta oo aad ka qaban kartidna ka qabo mas’uuliyad baa kaa saran.
Talo Soo jeedin.
Hadaba ujeedadu waxeey tahay in ay ogaato 4 qolo doorka uga aadan in ay ka qaadato si bal ugu yaraan looga hortago cudurkaan halista ah ee aysan dadka Soomaalida ahi inta badani ku baraarugsanayn.
1. Maamulada Soomaaliya ka jira tusaale ahaan S.L, P.L iyo Dowlada dhexe waa in ay sameeyaan wacyi gelin aad u balaaran oo ku aadan khatarka iyo halista uu leeyahay Cudurkaan dilaaga ah, waa in warbaahinta maxaliga ah dadka laga wacyi geliyo ardada iskuulaadka loogu sheego waana in ay hubiyaan alaabada wadanka soo galaysa tayadooda lana sameeyo hay’adda ku shaqada leh ee afka qalaad lagu yiraahdo Quality Control ee shaqadeedu noqonayso inay hubiso tayada iyo waxtarka alaabada wadanka Soogalaysa iyo tan gudihiisa lagu samaynayo, sida Cunada Daawada, abuurka iyo wixii la mida, waana in ay ilaahay ay ka cabsadaan oo dadka ay masuuliyadooda hayaan oo ku hoos nool ay iska xil saaraan oo canshuurtooda oo qura yaysan ka fakarinee ee ay sameeyaan waxkasta oo ay ku illaalin lahaayeen caafimaadkooda iyo faya’dhowrkooda, cidii keenta dawo iyo cuno dhacday ama aan habooneeyn waa in talaabo adag laga qaado lagana qaado shatiga ay ku shaqaynayaan Gacansigana laga joojiyo.
2. Sidoo kale Ganacsatada alaabada, Cunooyinka iyo Daawada ay ka mid yihiin keenta in ay wadaninimo iyo dad jacayl muujiyaan kuna shaqeeyaan, sidoo kalena ilaaheey ka cabsadaan oo dadkaan hadeey dhamaadaan ay ku xisaabtamaan beri yaa wax idinka gadandoona, waana wax aad u liita in qof uu ka ganacsado wax Qatar ku ah bini aadamka jiritaankiisa, dadkaan aad alaabada dhacday ama tayadoodu heerkii loo baahnaa aysan gaarsiisnayn aad u keenaysaan ama ka gadaysaan soo kuma jiraan dadkii idinku aad ka dhalateen iyo qoysaskiinii.
3. Culimada in ay masaajidda ka wacyi geliyaan oo dadka uga waramaan ganacsiga banaan iyo sida uu xaaraanta ku noqonayo waayo ganacsatada noocaa u shaqaysa kana ganacsata alaabadaa dhacday ama aan tayada lahayn hadii ilaaheey iyo aaqiro la xasuusuyo marwalba waxaa suuroowda in quluubtooda ilaah rogo iskana dhaafaan waxkastoo dhib u keenaya aduunyadooda iyo aakhiradooda iyo umaddaan ay ku dhex noolyihiinba.
4. Ugu damayntii Shacabka oo ah kan lagu baabi`inayo Dawada iyo Cunada dhacday in ay si foojignaan leh uga digntoonaadan inay gataan Cuno iyo Daawo waqtigoodii isticmaalka dhaafay marka ay iibsanayaana iska eegaan taariikhda ay jiritaan beelayaan, Bulshada meelkasta oo ay joogto is wacyi galiyaan oo maamuladay ku hoos noolyihiin kala hadlaan ileen iyaga iyo caruurtooda weeye kuwa lagu baabi`inayo, Maamuladaa aan soo sheegnay iyo kuwo kalee jira ay usoo sheegaan hadii qofi arko alaabo dhacsan oo suuqa taal ama dadka shacabka ah laga gadayo.
F.G. Qofkasta oo isku arka calaamadahaas kor ku xusan ee lagu garto Cudurka fadlan sida ugu dhakhsiiyaha badan u tag goobta caafimaad ee kuugu dhow markaa si aad u ogaato xanuunkaaga dhabta ah.
Wabillaahi towfiiq.
W/Q:- A.Ghani A. Dahir (Abrone)
Fadlan adoo raali ah wixii talo iyo tusaale ah noogu soo hagaaji ciwaankan hoos ku xusan.
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it., This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix