ISLAAMKA AYAA XAL AH.
ISLAAMKU WAA DIINTA KALIYA EE WAX KA QABAN KARTA DHIBAATOOYINKA MAANTA INA HEYSATA .
إعداد : عبد القادر شيخ محمد أخي
Islaamka waxaa sharaf ugu filan inuu yahay diintey Alle ku caabudeen rususha Rabi soo diray oo dhan laga soo bilaabo Nabi Nuux ilaa Nabi Muxamed Islaamka waa diinta kaliya ee Rabi raaliga inooga yahay inaan isaga ku caabudno. Wixii iyada ka soo hareyna waa baadinimo iyo khasaaro. Fiiri Suuurada Aali Cimraan Aayada (85 )
قال الله تعالى:(ومن يبتغ غير الإسلام دينا فلن يقبل منه وهو في الآخرة من الخاسرين )
HORDHAC
الحمد لله والصلاة والسلام على نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين أما بعد :
Mahad oo dhan rabi baa iska leh , rabiga inaga dhigay muslimiin , rabiga inoo soo dajiyey kitaab ay wax walba ku qeexan yihiin, kitaab kala cadeeyey wixii maslaxo inoo ah iyo wixii dhib inoo keenaya, kitaab cidii qabsata ay liibaantay cidii ka jeedsatana ay khasaartay rabi baa mahada iska leh rabiga inoo soo diray nabi muxamed s.c.w. oo ah nabi naxariis socoto ah, nabi ay dhibeyso wixii ina dhibaya, nabi uyimi inuu ugu bishareeyo qofkii shareecadiisa ku toosnaada kheyr, qofkii shareecadiisa ka leexdana iga digo dhibka kusoo food leh , nabad galyo iyo naxariis aan buugan yar lagu soo koobi karin dushiisa allaha yeelo isaga iyo saxaabadiisii iyo ehelkiisii iyo intii ku raacday xaqa uu la yimi . walaalayaal buugan yar waa mid kamida taxanihii dheeraa een soo wadnay mudada dheer, kaasoon ugu talogalay inay ka faa,ideystaan muslimiinta gaar ahaan walaalaha soomaaliyeed ee fahmaya luuqada uu ku qoran yahay kitaabkan yar, waxaana rabi ka tuugayaa inuu ka dhigo kitaabkan kii wax ka badala xaalada aan maanta ku suganahay. Aamiin yaa allaah.
WALAALKIIN
C/QAADIR SH.MAX,ED AKHII
SAABABTA IGU KALIFTAY INAAN
MOWDUUCAN WAX KA QORO
1-Waxaan arkay muslimiinta maanta aduunka joogta inteeda badan oon fahmin wanaaga uu lee yahay islaamku iyo sharafta ay gaareyso cidii ku dhaqanta shareecada islaamka.2-Cadowga Islaamka oo uguntaday inuu islaamka ka bixiyo fikrad ka fog islaaamka dhabta ah ee Rabi Qur,aanka inoogu cadeeyey.3-Dadka intiisa badan oo isku khalda macnaha islaamka iyo dhaqanka muslimiinta sadexdan qodob ayaan ku soo koobi mawduucan qiimaha badan anigoo ku dabaqaya mid kasta cinwaanka dhambaalkan qiimaha badan.
HADEY MUSLIMIINTU FAHMI LAHAYEEN QIIMAHA ISLAAMKA DHIBKA HEYSTA MAANTA MA HEYSTEEN….
Islaamku waa diinta kaliya ee Rabi u doortay banii,aadamkoo dhan inay gaarsiiso naciimada aakhiro iyo libta aduunka.ISLAAMKU waa diin xaq ah oo Rabi ku adoonsaday dhamaan adoomihiisu inay diin ka dhigtaan. Islaamku waa diin aan khalad ku jirin maxaa yeelay ILLAAH baa ka dhowray . Islaamku waa diinta kaliya ee daawo unoqon karta dhibaatooyinka aduunka ka jira oo dhan Bal waxay gaarsiisaa qofkii qabsada guul aduunyo iyo liibaanta aakhiro.Hadaan tusaale gaaban soo qaadano dib u fiiri taariikhdii ragii odayaasha ahaa –saxaabada- ee uu hormuudka u ahaa Nabi Muxamed mudadii yareyd ee ay aduunka joogeen sidey aduunka wax uga badaleen,
taas waxaa la mid ahaa raadkii macnaha weynaa ee ay noo dhaafeen. Islaamka waxaa sharaf ugu filan inuu yahay diintey Alle ku caabudeen rususha Rabi soo diray oo dhan laga soo bilaabo Nabi Nuux ilaa Nabi Muxamed Islaamka waa diinta kaliya ee Rabi raaliga inooga yahay inaan isaga ku caabudno. Wixii iyada ka soo hareyna waa baadinimo iyo khasaaro. Fiiri Suuurada Aali Cimraan Aayada (85 )
قال الله تعالى:(ومن يبتغ غير الإسلام دينا فلن يقبل منه وهو في الآخرة من الخاسرين )
Nacam wey jireen islaamka ka hor diimo la soo dajiyey sida towreet iyo injiil iyo sabuur laakiin markii Nabi muxamed s.c.w. quraanka lala soo diray ayey diimahaas oo dhan noqdeen diimo aan dhaqan iyo qabsasho aduunka uga dhamaatay dadkii heystayna ay waajib ku tahay inay rumeeyaan nabi muxamed taasna waxaa cadeeyey rabi subxaanahu watacaalaa rusushii diimahaas hore loo soo dhiibayna waxey bishaareeyeen nabi muxamed inuu iman doono gadaashooda, wuuna yimi isagoo xaga alle ka wata diin taam ah, diin wixii hore koobtay wixii danbana faahfaahinaysa, diin ay wax walba ku cad yihiin.
قال الله تعالى:( ونزلنا عليك الكتاب تبيانا لكل شئي وهدى ورحمة وبشرى للوؤمنين ) سورة النحل الآية 87
Diin ka sareysa diimahoo dhan sida ku cad suuradda al-maa,idah aayadda (48)
قال الله تعالى:(وأنزلنا إليك الكتاب بالحق مصدقا لما بين يديه من الكتاب ومهيمنا عليه فاحكم بينهم بما أنزل الله ولاتتبع أخواءهم عما جاءك من الحق لكل جعلنا منكم شرعة ومنهاجا ولو يشاء الله لجعلكم امة واحدة ولكن ليبلوكم فيما ءاتاكم فاستبقوا الخيرات إلى الله مرجعكم جميعا فينبئكم بما كنتم فيه تختلفون )
Nabi muxamadow waxaan kugu soo dajiney kitaabka xaqqa kaasoo rumeyn wixii ka horeeyey oo kitaab ah, isagoo marag iyo garsoore u ah, ee ku kala xukun dhaxdooda wuxuu soo dajiyey eebe, hana ka raacin hawadooda waxa kuu yimid oo xaq ah, dhamaan waxaan u yeelay shareeco iyo wado, haduu doono eebana wuxuu idinka yeeli umadd kaliya, laakiin wuu idinku imtixaani wuxuu idin siiyey ee u tartama kheyrka , xaga eebe ayey noqoshadiinu tahay dhamaan wuxuuna idiinka warami waxaad isku diidaneydeen ) .
Islaamku wuxuu yimi iyadoo aduunkoo dhan dulmi iyo dhibaato ka taagan tahay dhibaatooyinka ka taagnaa aduunka hadaan wax ka taabano, waxaa jiray dhibaatooyin ku saabsan xaga caqiidada, waxaa jiray dhibaatooyin ku saabsan xaga dhaqanka waxaa jiray dhibaatooyin ku saabsan xaga mucaamalada waxaa jiray dhibaatooyin ku saaabsan xaga bulshada waxaa jiray dhibaatooyin ku saabsan xaga dhaqaalaha kadibna islaamku wuu xaliyey dhibaatooyinkaasoo dhan.
Islaamku waa nidaamka kaliya ee ku dhisan cadaalad aan eexasho laheyn taasna waxaa sabab u ah ILLAAHAY ayuu ka soo fulay . Islaamku uma fiiriyo dadka xaga midabka iyo jinsiyada iyo wadaniyada iyo xoolaha ee wuxuu dadka ku kala saro mariyaa xaga iimaanka iyo camalka wanaagsan.Islaamku waa diin dhex dhexaada, waa diin shey walba meeshii loogu talo galay dhigeysa tusaale ahaan dhinaca dhaqaalaha islaamku ma ogola in xoolaha lagu fataalo, sidoo kale ma ogala inaan xoolaha laga bixin xaqa waajibka ku ah.
Islaamku wuxuu la dagaalamay ribada wuxuuna la yimi sakada oo ah tiirka sadexaad ee arkaanta islaamka kuna dhisan iscaawin iyo is-taakuleyn. Islaamku waa diin loo soo dajiyey dhamaan banii,aadamka oo dhan inay qaataan midka cad midka madow midka carabka ah iyo midka cajamiga. Islaamku waa diin u suubata waqti kasta iyo meel kasta , Macnnaha qofkii joogay waqtigii Nabiga iyo qofka hada nool dhamaantood isku si ayaa islaamka looga rabaa inay ugu dhaqmaan, iskusi ayaa rabi wax u amray ,iskusi ayaa rabi wax uga reebay.
Islaamku waa diin dadka ku dhiiragalisa barashada cilmiga sidaas darteeed ayaa hadaad kitaabka qur,aanka kala bixiso aad ka heli aayado badan oo ku tusaya qiimaha wax barashada fiiri suuradda dhaaha aayada 114 & suuradda aali -cimraan aayada 18 suuradda az-zumar aayada 9 suuradda al-calaq aayadaha 1-5 suuradda
cilmiga islamku ina faray inaan barano ma ahan diiinta islaamka kaliya ee waxaa islaamku ina faray inaan barano wax kassta oo qofkka anfacaya aduunkiis iyo aakhiradiisa
Islaamku wuxuu lee yahay sharci ama nidaam ILLAAHI ah oon la badali karin, cidii isku deyda inay wax ka badashana hoog aduun iyo mid aakhiro ayaa u dambeeya, Islaamka markaad u dhabagasho xikmadaha ku jira markuu wanaag dadka faraayo ama xumaan ka reebaayo waxaa kuu cadaaneysa inuu kuligii kheyr socda yahay , bes wuxuu laa yahay kaliya dadkii dhulka ku dhaqan galin lahaa kaliya, sidaas owgeed markaad dib u eegto dhibaatooyinka ummadaha heysta waxaa ku cadaan in xaga sharciga rabi laga gaabiyey ama lagu gaaloobey tusaale ahaan maanta dowladaha lagu tilmaamo inay hormar gaareen ahna dowladaha lagu magacaabo barwaaqo sooranka ayaa ugu murug badan, waana dowladaha ugu badan ee dadkoodu nafta iska gooyo, dadkaas waxaa ka maqan ruuxdii iimaanka ee ku sabirsiin laheyd xayaatada aduunka, ruuxdaas xaqiiqada ahna waa islaamka, cid kasta oo xaqiiqadan ka gaabisana jasaheeda waxey ku arki aduunyada intaan aakhiro lagaarin. waxaa kuusoo haray dadka hawadooda raacay ee jecel in la qaato ra, yigooda kaliya waxaad ogaataa kuwaasi ineysan kudhaqmin islaamka, waana dhibaatooyinka maanta muslimiinta meelay joogaanba heysta, waxaad arkeysaa ninbaa xoog ku qabsanaya wadan dhan, markaasuu wuxuu isku dayayaa inuu cabudhiyo ummadda intuusan rabin, qaar uu laayo iyo qaar uu xoriyadda ka qaado iyo qaar uu xabsiyada ka buuxiyo iyo qaar durbaanka u garaaca,Run ahaantii dhinacaas maanta muslimiinta waxaa kaga horeeya gaalada waliba nimanka reer galbeedka la yiraahdo waayo waxey sameyteen nidaam aan labadli karin, allaahuma hadey maslaxadu diido waa la badali sida maantaba aduunka ka socota, waxaad arkeysaa gaalada ninbaa la dooranayaa mudo la isku og yahay hadhowtana waa laga qaadi , hadii la rabana waa loo siyaadin, laakiin muslimiinta qofkii kursiga nabad ku gaara wuxuu ku dadaali inuu ku dul dhinto, ama laga eryo sidii dhurwaagii oo markaas uu meelaha qaxooti ka noqdo qaar baa waxaa laga hayaa inay yiraahdeen dhul ma,ahane dad ka tagi maayo, qaar kalena waxaa dhacda inay gaaladu ku ilaaliso kursiga, haduu maslaxadooda ka hor yimaadana shacabka ayaa lagu kicin sidaas ayuuna ku dhacayaa, calaa kuli xaal islaamku barii buu ka yahay maamulada aan shareecada ku saleysneen.Islaamku wuxuu lee yahay nidaam la yiraahdo Al-Shuuraa- oo macnihiisu yahay wada tashi si la isugu darsado maskaxaha ka la duwan. Fiiri Qur,aanka suurada Al-Cimraan Aayada (159)
قال الله تعالى : ( وشاورهم في الأمر )
وقوله تعالى : ( وأمرهم شورى بينهم )
Islaamku qofka madaxweynaha noqonaya shuruud ayuu u sameeyay, xataa dadka dooranaya sharuud ayey lee yihiin , laakiin dadka shacabka caadiga ah iyo haweenka waxma garatada ,caruurta , waxaa ka masuula nimanka cilmiga iyo caqliga isku darsaday taasi waa hadii la doonayo in lagaaro kheyr, laakiin hadii laga daba wareegto diimoqraadiyo iyo waxey yiraahdaan wood ama reer hebel wax ha lagu qeybsado waxaa ka imaanaya waxaan lagu mahdin doonin cidhibtiisa danbe, waana sida hada howshu ku socoto, matalan hadaan wax ka taabano shuruudaha laga rabo qofka xaakimka noqonaya.
waa inuu ahaado nin muslima.
Waa inuu ahaado nin diinta islaamka wax ka yaqaan.
Waa inuu ahaado nin caqligiisu taam yahay .
Waa inuu ahaado nin caadil ah.
Waa inuu ahaado nin siyaasada iyo maamulka yaqaan.
Waa inuu ahaado nin amaanada gudan kara .
Waa inuu ahaado nin lixdiisa laxaad taam yihiin
Ninkee maanta tilmaamaha noocana laga heli karaa ???? madaxweynaha waxaa dooranaya wax garadka ay arintu ka go,do, ma,aha in qabiil lagu doorto ama ay gaaladu inoo dhoodhoobto midaan eebe agtiisa waxba ku laheyn,
hadii la helo madax weyne tilmaamahaan wax ka soo sheegnay wata dadweynaha waxaa waajib ku ah inay adeecaan, inay ka caawiyaan wixii diinta iyo dalka dan u ah, waa inay ku sabraan wixii dhib ah oo ka yimaada xaga dowlada, waa inaysan ka hor imaanin nidaamka dowlada islaamka udagan allaahuma haduu nidaamku ka hor imaanayo diinta rabi ama macsi yahay lagu adeeci maayo cidna , waayo nabiga s.c.w. ayaa waxaa laga hayaa inuu yiri : (على المرأ السمع والطاعة فيما احب وكره إلا أن يؤمر بمعصية ، فإذا أمر بمعصية فلا سمع ولا طاعة ) متفق عليه .
(Qofka waxaa waajib ku ah maqlid iyo adeecid -amarka madaxweynaha - wuxuu jecel yahay iyo wuxuu karhayo, laakiin hadii macsi la faro ma aha inuu maqlo ama adeeco) run ahaantii mowduucyadan waa wada xasaasi mid walbana kitaab gaara ayuu ubaahan yahay in laga qoro laakiin maadaama aan soomaali nahay waxaa aad u yar aqrinteena iyo wax qoraalkeena sidaas darteed waxaan jeclaaday inaan sida ugu gaaban mas,alo kasta wax uga sheego,waxaa la arkaa in eebe naxariistiisu na hadheyso .
ISTAAG… STOP …. FIKIR…. FAHAN… CAQLI YEELO.
waxaan lee nahay may muslimiintu horey usocoto , umadd iyadiiba isdaba jareysa xagey ka hor mari , ummadd aan isu ogoleyn sharaf iyo raganimo miyaa horey u mari waxaan idiinka sheekeynayaa qiso dhacday samankan aynu ku jiro –waxaa jira boqolaal qisooyin oo tan ka daran- nin reer suuriyaana ayaa ingiriiska wax ku soo bartay, gaar ahaan wax barashadiisu waxey aheyd –teknoolajiga casriga iyo sida hubka loo sameeyo, ninkii markuu wax barashadiisa dhameystay ayaa wuxuu yiri waxaan aadayaa dhulkeygii si aan u anfaco ummadeydii , gaaladii aad ayey isugu taxluujiyeen inay joojiyaan laakiin waxey arkeen inuusan ogaleyn, ninkii markuu dhulkiisii hooyo ku laabtay, wuxuu u ban dhigay madaxdii wadankiisa inuu awood u lee yahay inuu hubka wax ku siyaadiyo, waxey jawaabtiisii noqotay in dugsi sare maamule looga dhigo – bal eeg takhasuska ninkaas iyo meesha loo direy – gaaladii kama aysan harin ninkii ee waxay daba dhigtay sakuurad xaaladiisa ka soo warama , ugu danbeyntii markii la ogaaday inuusan tixgalin ku heysan bulshaduu shalay u ordayey, ayaa lala soo hadlay waxaana loo balan qaaday aduunyo wuxuu rabo, sidii ayuu ku noqday ninkii odayga ahaa, wuxuuna ka mid yahay hada raga sameeya hubka muslimiinta lagu gumaado, dhibka maanta ina heysta waa midaynu gacmaheena ku kasbanay inta illaahay inoo asturaayo ayaana ka badan fiiri suuradda ash-shuuraa aayadda (3o)
قال الله تعالى : (وما أصابكم من مصيبة فبما كسبت أيديكم ويعفوا عن كثير)
YAA AKHII meel fogba ha aadin eeg xaalada ay maanta soomaaliddu ku noo shahay, qaar yurub ka soo xajiyey oon xajka kula kulmay waxey ii sheegeen inaysan niyad u heynin inay soomaaliya ku laabtaan inta ay wax iska badaleyso, qaar kale waxey yiraahdeen waligeen ku noqon meyno, dadkaas maxaa halkaas gaarsiiyey ? waxaa halkaas gaarsiiyey dulmi ka carar iyo indho xumada taala wadankii hooyo, soomaaliddu hadeysan miyir yeelana waxaa dhici doonta intaas wax ka daran, waayo sidaan la socono soomaaliya waa meel cadow u tashaday laakiin caruurtii dhulka u dhalatay ayaa keynta sii qardeysay si cadowgu meel diyaara oon qodax iyo geedo laheyn u helo,Intaasoo dhan marka laga soo gudbo ma,ahan in raxmada illaahay laga quusto, aduunyadu waa daarul-camal iyadoo dhan ayaa dhib socda ah, qofka muslimka ahna waxaa loo abuuray cibaado sida uunka oo dhan loogu abuuray cibaado
قال الله تعالى: (وما خلقت الإنس والجن إلا ليعبدون ) سورة الداريات الآية 56 waxaa lagama maarmaana inuu guto qof walba waajibkiisa wuxuusan awoodina looma heysto, taasina waxey ka mid tahay naxariista eebe inoogu deeqay.
قال الله تعالى: ( لا يكلف الله نفسا إلا وسعها ) سورة البقرة الآية :286
Waxaan maanta u baahanahay in qof kasta wuxuu islaamka u qaban karo uu u qabto, qof aan wax qaban karina ma jiro , cidii dhahda anigu waxba ma qaban karo waxaan ka codsaneynaa iney dhibkeeda ka heysato adoomaha illaahay ee u adeegaya islaamka .
Waxeynu maanta u baahanahay hadal ay soomaaliddu dhihi jirtay, hadalku ha yaraadoo howshu ha badnaato carabtuna waxey tiraahdaa: خير الكلام ما قل ودل hadal waxaa u kheyr badan hadal yar oo wax badan tusiya.
ISLAAMKU CEEB MALAHA EE DADKA
AYAA CEEBEYSAN
Dad badan ayaa waxey is weydiiyaan mar kasta su,aashan islaamku haduu sidaas u wanaagsan yahay maxaa ku dhacay muslimiinta? Jawaab :nasiib xumo waxaa dhacday labo arimood oo mid kasta keentay dhibaato aad u balaaran, MIDA KOOBAAD: Dadkii islaamka sheeganayey oon intooda badan aqoon u laheyn diinta islaamka iyo guulihii ay muslimiintu soo mareen iyo sharaftii bulshadii ku dhaqantay islaamka ay gaartay iyo xaaladihii ay ummadihii hore ku noolaayeen islaamka ka hor .MIDA LABAAD:Bulshada maanta joogta oo indhaha ku kala qaaday cadowgeeda oo albaab kasta hangool la taagan iyo iyagoon arag bulsho islaamka ku dhaqmeysa ama isku xukumeysa, Hadaba si looga baxo duliga iyo dandarada waxaa waajib inagu ah inaan diinta islaamka ulaabano.
SHARAFTA ISLAAMKA
waxaa cadeeyey islaamku inuu sharaf lee yahay intaan cid kale la gaarin qaar ka mida aqoonyanadda gaalada oo runta iska sheegay, nin la yiraahdo dictor: Cimaadu-Diin Al-Khaliil ayaa wuxuu qoray kitaab uu ku magacaabay Qaaluu cani Al-Islaam oo macnihiisu yahay islaamka waxey ka yiraahdeen, kitaabkaas wuxuu ku cadeeyey in ka badan kun aqoon yahan oon muslimiin aheyn inay uqireen diinta islaamku inay xaq tahay,dadkaas muslimiin ma,aha laakiin aqoontoodu waxey gaarsiisay xaqiiqo aan la qarin karin kadibna runta ayey sheegeen,
Dhamaan cid kasta oo diinta islaamka soo gashay waxay cadeysay in islaamku yahay xaqiiqada kaliya ee ummaduhu ubaahan yihiin.Diinta islaamka waxaa soo gala maalin kasta in ka badan 5o.ooo oo qof taasina waxay ku tuseysaa in islaamku yahay xaq dadku raadinayo.Waxaa si cilmiyeysan lagu ogaaday ilaa hada in la hayo gaalo-boobab- badan oo islaamka soo gashay kadib markay ogaadeen xaqiiqada, laakiin ilaa hada lama hayo QOF ka mida culimada muslimiinta oo ka baxay islaamka oo galay diinta gaalada.taasina waxay ku tuseysaa in islaamku yahay diin xaq ah, Waxaa la isku raacay in islaamku maalin walba maalinta ka dambeysa uu sii siyaadayo sababtoo ah:
1-dadka islaamka galaya oo maalin walba maalinta ka dambeysa sii badanaya .
2-tiradii islaamka oo sii kordheysa maalin walba maalinta ka dambeysa.
CIDII CADAALAD RABTA
ISLAAMKA HA KU DHAQANTO :
Dadka maanta jooga intiisa badan markaad la sheekeysato waxaa kuu cadaan in qof kasta lee yahay waxaan rabnaa nidaam cadaalad ku dhisan, taasna waxaa sabab u ah in dadku karhay nidaamyada islaamka ka fog sida dimoqraadiyada i.w.m nidaamyada ku dhisan caqliga banii,aadamka ee naaquska ah , hadaba islaamku waa diinta kaliya ee ku dhisan cadaalad - waa diinta aan ogoleyn in qof qof kale ku xad gudbo, waa diinta amreysa qofkii qof ku xad gudba in laga abaal mariyo intaan cadaabka aakhiro lagaarin. Islaamku si toosa ayuu u diiday dhamaan nidaamyada duwan ee kala ah Dimoqraadiyada, Hantigoosadka, Shiyuuciyada Maasuuniyada, Hantiwadaaga 1.w.m. maxaa yeelay dhamaantood waxay ku saleysan yihiin dulmi iyo xaqdaro.
ISLAAMKU WAA DIIN AAN DADKA
XORIYADA KA HOR ISTAAGIN
Islaamku wuxuu qof kasta siiyey xuquuq gaar u ah, dhinaca ra,yiga, dhinaca shaqada,dhinaca deegaanka, dhinaca wax barashada, dhinaca dhaqaalaha, dhinaca siyaasada 1.w.m. sidaas darteed ficilka dadka qaar ku kacaan ama dowladaha qaar ma matalayo islaamka ee waxaa masuul ka ah dadka sameynaya ama dowlada sameyneysa arintaas, marka waxaa wax aad looga xumaado ah , dadka reer galbeedka waxyaabahaas oo kale si toosa ayey islaamka ugu dhaawacaan.
ISLAAMKU WUXUU DIIDAY
IN LAGU XAD GUDBO
1- Diinta 2- Nafta 3-Xoolaha 4-Caqliga
5-Sharafta banii aadamka . arimahan shanta ah waxaa afka carabiga lagu yiraahdaa kuliyaatul-khamsa waana shanta qodob ee ugu waa weyn ee islaamku sida gaarka ah udaryeelay, islaamku wuxuu u sameeyey Arimahan xurmo gaara oon lagu xadgubi karin matalan qofkii diinta islaamka ka baxa waa la dili, qofkii diinta islaamka dagaalkusoo qaadana dagaal ayaa lagu qaadi arimaha kalena waa la mid xoolaha in lagu fataalo islaamku ma ogola , in xoog lagu qaatana wey kasii daran yahay, caqliga in lagu ciyaaro islaamku wuu diiday sidaas darteed ayuu islaamku xarimay wax kastoo maanka doorinaya , islaamku wuu diiday in banii aadamka la dilo ama uu isdilo waayo naftu amaano ayey inagu tahay, waxaa la mida in sharafta qoyska lagu xadgudbo sidaas awgeed ayaa islaamku reebay sinadda i.w.m,
ISLAAMKA OO LA ISKU XUKUMO AYAA
KEENTA NABAD IYO WANAAG.
islaamku dhinaca xukunka wuxuu waafaqsan yahay caqliga wanaagsan een bukin sidaas darteed ayuu in badan ku celceliyey cidii aan ku xukumin islaamka waa gaal , cidii aan ku xukumin islaamka waa daalim cidii aan ku xukumin islaamka waa faasiq . ISLAAMKA oo la isku xukumo ayaa barwaaqo lagu gaaraa islaamka oo la isku xukumo ayaa amni iyo amaan lagu heli karaa su,aal ubaahan in laga jawaabo dadka isku xukumaya islaamka waa iney aqoon u leeyihiin faa,idada isku xukunka islaamka dowlada maamulka gacanta ku heysa waa inay aamin san yihiin isku xukunku inuu cibaado yahay intaa markii lahelo kadib ayaa ummadu isu taagi kartaa arintan tusaale ahaan hadii ninka tuuga gacanta laga gooyo yaa wax xadi, hadii ninka saaniga ah iyo naagta saaniyada ah 100 jeedal lagu dhufto yaa sineysan ,hadii ninkii nikaax horey u galay uu gabar ka sineysto ninka dhagax ayaa lagu dilayaa gabadhana 100 jeedal ayaa lagu dhufanayaa, laakiin hadii labada kala sineysatay naagtu guur hore soo martay ninkuna wali guursan naagta dhagax ayaa lagu dilayaa ninkana 100 jeedal ayaa lagu dhufanayaa, hadii qof qof kale dilo isagana waa la dilayaa, hadii qof qof kale il ka rido isagana il ayaa laga ridayaa , BILLAAHI intaan ummadd kale la aadin hadii maanta soomaaliya diinta lagu xukumi lahaa waxaan aamin sanahay inaan la arkeen cid cid kale ku xad gudbeysa, waxaan la socdaa mudo yar oo soomaaliya laga sameeyey maxkamado islaami ah oo aysan dawlad xoog badan ka danbeynin inay wax badan ka badashay dhaqanka iyo xaalda amaanka bulshada , bal ka warama maxkamadahaas oo helay xoog iyo dhaqaale iyo culumo dowladi ka danbeyso sidey arintu noqon laheyd? waan ogsoonahay in cidii maanta shareecada isku xukunta ay cadow badan la dagaalami laakiin in rabi cadow inoo noqdo ayaa ka daran in banii aadam ina coleysto mida kale hadii dowlad islaamka ku xukunto waxay isku dayi kartaa inay dowlado kale oo islaam ah soo raacaan ilaa duliga laga baxo oo cisadii islaamku soo laabato.
CODOWGA ISLAAMKA
cadowga islaamku door weyn ayuu ka ciyaaray burburinta dhaqanka islaamka si aan islaamka loosoo galin- iyo si ay bulshada muslimiintu u noqoto midaan haad heysanin aduun iyo aakhiro sida maanta ay ujeedo cid kasta oo caqli leh.Hadaan wax yar ka taabano asluubta ay gaaladu u adeegsadaan burburinta islaamka :
1-in muslimiinta laga fogeeyo dhaqanka islamka.
2-in muslimiinta lakala qeybiyo
3-in la hor istaago fiditaanka islaamka.
4-in laga bixiyo islaamka sawir qaab daran
5-in muslimiinta la qalbi jabiyo si aysan waxba u qabsan.
6-in gudaha muslimiinta la dhigo dad shaqadoodu tahay jaajuusnimo.
8-in yahuuda si toosa loogu adeego .
9-in laga furo dalalka muslimiinta isbitaalo loogu gabanayo .
10-in muslimiinta la kala laaluusho si dhexdooda looga abuuro fitno , ama in qabiil qabiil la isaga hor geeyo.
11-In haweenka iyo caruurta si toosa tooshka loo saaro.
MACNAHA ISLAAMKA &
DHAQANKA MUSLIMIINTA.
Islaamku waa diin rabi soo dajiyey , kalimadda islaamna waa eray af-carabi ah oo macnihiisu yahay uhogaansamid sidaas darteed ayaa uunka oo dhan waxey u hogaansan yihiin eebe, banii,aadamka iyo jinkuse waxey intaas dheer yihiin cibaado ayaa loo abuuray, oo qiyaamha waxaa sugeysa xisaab iyo masuuliyad la is weydiin doono , marka waajibka ina saaran aad ayuu uweyn yahay ee aad ha loo feejignaado, islaamku waa diin xaga rabi ka timi , marka ciyaar iyo been been alle agtiisa ma taal, Laakiin dadka muslimiinta ah waxaa ku jira dad saalixiina iyo dad xun xun oon Rabi ka cabsooneynin, muslimiinta waxaa ku jira dad magaca kaliya muslim ka ah laakiin aan islaamka waxba ka aqoonin, muslimiinta waxaa ku jira qaar aadan iyaga iyo gaalada kala garan karin muslimiinta waxaa ku jira qaar hadey Alle baryaan ducadooda laga aqbalayo islaamnimo waxay ka qabaan. Sidaas darteed shey kaamil ah iyo shey naaqus ah la isma barbar dhigi karo qiyaasna isuma noqon karaan, islaamku waa taam, laakiin dadka muslimiinta sheeganaya waa shantaada farood oo kale , cid kasta waad ka heli , sidaas owgeed cidii wanaag la timaada isaga ayey u roon tahay cidii xumaan la timaadana isaga ayey dhibeysaa, abaal marinta noocaas ahna islaamka ayaa laga heli karaa, xataa axkaamta aduunyada markaad eegto waxaad arkeysaa islaamku inuu qiraayo in aan shey walba laga siyaadin sidii alle ugu talo galay , matalan radii lagu xad gudbo waxaad xaq u lee dahay inaad xad gudubto intii lagugu xad gudbay in la eg hadaad cafidana wey ka sii fiican tahay , allaahuma qofka la cafinaayo haduu kibir iyo isla weynaan ka sii qaadayo ma haboona in la cafiyo ee waxaa wanaagsan in xadkiisa la joojiyo , si uusan mar danbe qof muslima ugu xad gudbin., waxaa kuu soo haray banii ,aadamka, banii,aadamku dabeecadihiisa waxaa ka mida dagdag, dulmi , sabir daro, jaahilnimo, i.w.m. allaahuma qof islaamka si toosa u dhabaqay ma ,ahane .
shaki kuma jiro hadey muslimiintu fiicnaadaan inay turjumaan unoqoneyso diintooda, waana siduu islaamku faray muslimiinta, laakiin hadii la waayo muslimiin ku dhaqanta diinta rabi, diinta rabi wax dhaawaca ka soo gaari maayo cidii ka baxda iyo cidii ku dhaqmi weyda iyada unbaa khasaarsan., qabsashada diinta islaamka dadka ayey uroon tahay , rabi subxaanahu wa tacaalaa haduu doono umadd umaddan ka fiican ayuu la imaan karaa , wuuna yiri ficlan hadaad ka jeedsataan diinteyda waxaan keeni kuwa idin badela oo idinka fiican ;
قال الله تعالى:(وإن تتولوا يستبدل قوما غيركم ثم لا يكونوا أمثالكم ) سورة محمد 38
SIDUU ISLAAMKU ADUUNKA
WAX UGA BADALAY:
Islaamku markuu yimi wuxuu ka dhigay aduunkoo dhan nuur, mugdigii lagu jirey ayaa laga baxay, cumar ibnu –khidaab Alle ha ka raali ahaadee isagoo arintan ka hadlaya wuxuu yiri nicmada islaamka ma garanaayo qofkaan soo marin jaahiliyadii-gaalnimo. waxaa kaloo laga hayaa cumar inuu yiri hadal macnihiisu yahay ciso aan islaamka aheyn ma jirto, cidii meel aan islaamka aheyn ka raadisa ciso eebe wuu duleynayaa, marka maanta waxaa wax aad looga xumaado ah iney dad badan oo islaamka sheeganaya ku qanacsaneyn wax qabadka islaamka, markii islaamka lagu dhaqmi jiray sowtii ma,aha sharafta uyi cisada lagu noolaa , anigu waxaan dhihi lahaa diimoqraadiyo waan soo aragnay, gar geedka hoostiisa lagu go,aamiyo waan soo aragnay, shuyuuciyo waan soo aragnay,waxaa kaliya oo inoo dhiman waa inaan islaamka aan sheeganeyno ku dhabaqno nafteena, dowladeena dadweynaheena, islaamku wuxuu qabaa. hadii qof qof kale dhaawac gaarsiiyo in isagana intuu gaarsiiyey in la eg la gaarsiiyo. Billaahi hadii maanta ummadaha aduunka ka jira ay ku dhaqmi lahaayeen dhaqankan waxaa hubaal ah inaan la arkeen qof qof kale ku xad gudbaya. Laakiin markii la waayey dhaqankii islaamka ee dhabta ahaa ama dadku qaatay qaanuunada faransiiska iyo kuwa ingiriiska ayaa waxaa dhacday in aduunkii oo dhan uu qas iyo lab ka dhamaan waayo gaalo iyo islaamba, hada maanta aduunku wuu qasan yahay waayo ma jirto cdaalad, cadaalad aan islaamka aheyna ma jirto.
TALO WAA NIN QAATA IYO NIN KEENA.
Maxaa xal ah ? waxaa xal ah in islaamka loo laabto
Waxaa xal ah in islaamka la isku xukumo
Waxaa xal ah in islaamku uusan noqon af kaliya Eeg dastuurada muslimiinta waxey qeexayaan iyo daqanka ka jira bulshada iyo maamuladda jira, dastuurada waxaa ku qoran qodobka koobaad waa in islaamka la isku xukumo .
Waxaa xal ah in bulsho weynta la wacyi galiyo sidey mar labaad ugu soo dabaalmi lahaayeen dhaqanka diinteeda .
Waxaa xal ah in la iska kaashado sidii loo hir galin lahaa dowlado islaam dhab ah.Waxaa xal ah in la xoojiyo xiriirka ka dhexeeya muslimiinta meel kasta joogta . Waxaa xal ah in jihaadka la soo nooleeyo taasna waxaa lagu gaari karaa in la sameeyo mujjaahidiin bilaa xuduud ah oo islaamka ilmadiisa daadatay gacanta ku masaxda waxaana taas ka horeeya inay jiraan dowlado la dabataagan ragaas hiil iyo hoo meel kastoy tagaan, waxaa aad ii cajab galiyey kalimad uu joornaalka ku qoray sheekh abuubakar al-jasaairi labo sano kahor , wuxuu yiri sheekhu waa iney muslimii
Waxaa xal ah in culimada muslimiinta loo ogolaado booskoodii lagu yaqaanay hada kahor , wallaahi summa wallaahi hadeynaan xaaladeena maanta wax ka badalin waxeynu ku jiraa af-libaax , waxaan nahay umadd xaasidiin badan leh . Muslimiintow toosoo toosoo isku tiirsadayey hadba kiina taag daraney taageera waligiineey.
Soomaaliyey toosoo toosoo isku tiirsadyey hadba kiina taagdaraney taageera waligiineey .
اللهم يا كريم يا أرحم الراحمين ، أبرم لهذه الأمة أمر رشد يؤمر فيه بالمعروف في كل الأمور ، ويعود فيه المسلمون إلى تطبيق كل أوامر دينهم ، وينطلقون داعين إلى نهج نبيهم في أنفسهم وفي كل أرجاء الأرض ، لينقذوا أمتهم والعالم أجمع من محن وضياع الدنيا والآخرة ، (ليكونوا حقيقة لا خيالا) ، إنك على كل شيء قدير .
WALAAL HADII AAD KITAABKAN YAR KU ARAGTO WAX KU FARAX GALIYA HAKA HILMAAMIN WALAALKAA DUCO KHAALIS AH, HADAAD KU ARAGTO KHALAD AMA SINBIRIRIXO WAXAAN KAA CODSANAYAA INAADAN IGA QARININ , WAAYO RABI BAA KAAMIL AH. WAXAAD IGALA SOO XIRIIRI KARTAA MAR KASTA P.O.BOX 102137 JEDDAH 21321 AMA 6200005/122 AMA MOPILLE /0508359466
Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix