J: Maxaa laga helaa qaddaha iyo qadarka rumayntooda?
C: Wax badan baa laga helaa:
Caqiidadan saxiixa ah oo sidaa loo qaato ajribaa Alle lagaga heli.
Muslimku ma quusto, khayr seegayna naftiisu iskama daba riddo, ee wuxuu caqiideeyaa inaan looba qorin oo uuna marnaba heleen, awood kasta haku bixiyee, oo waxaas oo kale u shallaayi maayo, kana murgi maayo, illayn tiiraanyadu cudurray nafta u keentaaye, oo haddii ay qofka seegto fursad ganacsi, ama shaqo ama uu ka geriyoodo ruux qaraaba ah, ama uu jecelyahay, wuxuu ogaan inuu waxaas oo dhammiba qalle Alle iyo qadarkii ku dhacay, kolkaasuu sabri, Alle agtiisana ajri wayn ka sugi.
Muslimka dhabta ihi, kolkuu khayr soo gaaro uu – masalan – tijaaro ku ribxo, ama shaqo helo, ama jago sare, ama khayr kalaba ma kibro, addoomaha Allana iskama wayneeyo, oo wuxuu ogyahay inuuna waxaasi ku imanin fadligiisa iyo fariidnimadiisa, uuse ku yimid fadliga Alle ee khayrka u qadaray, sababtiisana u diyaarshay, kolkaas ayuu ku shukriyi Alle, addoomihiisana u tawaaduci, waxaa khayrka ah ee uu helayna sabab uuma ahaanayo inuu is qaruufiyo, ama isqaad-qaado.
J: Ruuxa aan muslimka ahayni, kolkuu doono inuu islaamo waa maxay nidaamka laga doonayo inuu sii maro?
C: Wax nidaam ah oo la raaci iyo wax ducooyin ah oo ruuxa muslimi laga rabo, midna majiro oo ka baxsan inuu ku hadlo odhaahdan:
.(أشهد أن لا إله إلالله وأشهد أنّ محمّدا رسول الله)
J: Oo waa maxay macnaheedu?
C: Waa inuu ruuxu qiro, kana marag kaco inuuna jirin wax xaq lagu caabudo, oo aan Alle ahayn, una tukanin waxaan Alle ahayn, una sujuudin, waxaan isaga ahayn, oo waxa cibaadada loola qasdo uuna u falin aan Alle ahayn , uu ku adeeco wuxuu faray, u rumeeyo wuxuu ka warramay, ka fogaado wuxuu u diiday, kuna caabudin waxaan ahayn wuxuu sharciyeeyay. Wuxuu qiri oo kale inuu Muxammad yahay addoon Alle iyo rasuulkiisii, dadka oo dhanna Alle u soo wada diray. Kolkuu ruuxu odhaahdaa yidhaahdo, qalbigiisana ka caqiideeyo waa muslim.
J: Maxaa ka dhalan odhaahdan uu yidhi iyo islaamka uu galay?
C: Kolkuu ruuxu Alle run kula macaamilo, odhaahdanna ku hadlo, waxay keenina ku camal falo, Islaamkaa uu galay ayuu jannada ku geli, danbiyadiisii uu horay u galayna xasanaad baa loogu beddeli.
Alle wuxuu leeyahay:
(70) إِلاَّ مَن تَابَ وَآمَنَ وَعَمِلَ عَمَلا صَالِحًا فَأُولَئِكَ يُبَدِّلُ اللَّهُ سَيِّئَاتِهِمْ حَسَنَاتٍ وَكَانَ اللَّهُ غَفُورًا رَّحِيمًا
(71) وَمَن تَابَ وَعَمِلَ صَالِحًا فَإِنَّهُ يَتُوبُ إِلَى اللَّهِ مَتَابًا
.(الفرقان (70-71)
“Laakin ruuxii ka tawbad keena danbiyadii lasoo sheegay: Shirkiga -naf xaq darro lagu dilo – zinada….. Oo Alle rumeeya, camal saalixana fala, kuwaas Alle danbiyadoodii wuxuu uugu beddeli xasanaad, Allana waa danbi dhaaf badane, naxariis badane. Ruuxii tawbad keena, ee camal saalixa fala, tawbada Alle wuu ka aqbali.”
[Suuradda (25) Al furqaan, Aayadda (70-71).
Ruuxii islaamka soo gala, wuxuu geli nolol cusub oo u damiinata nolol uu ruuxa muslimka ihi dadaal iyo nashaad uugu hawl galo aduunyadiisa, aakhiradiisana uu uugu shaqaysto ikhlaas iyo yaqiin, oo wuxuu garan kii abuuray, wuxuu garan kii arzaaqay , wuxuu garan xaguu usocdo, wuxuu garan wuxuu aayihiisu yahay, wuxuu garan rabbigii iyo khaaliqii iyo raaziqii, wuxuu garan cibaadada iyo ka mudan in lasiiyo, wuxuu garan liibaanta, daganaanshaha iyo raaxada, kolkuu khayr soo gaadho wuu shukriyi, kolkuu shar helana wuu sabri, wuu niyo iyo go’aan adagyahay, geerida uugama cabsado sida ay kuwa kale uuga cabsadaan, oo wuxuu ogyahay in waxa Alle musliimiinta Aakhiro uugu diyaarshay ka khayr iyo raagitaan badayihiin aduunyadan.
Muslimku waa inuu cilmi doonto, kol haddii islaamku sidaa amray. Islaamku wuxuu ku dhiiri gelin in la iktishaafo wax alla wixii faa’ida ku jirto, ee aan ka hor imanayn xaqaa’iqda cilmiyeed, oo waliba mucjiznimada cilmiyeed ee Qur’aanka ku jirtaaba ah daliilka uugu waynee arrintaa cadaynaya, waxaana dhab ah inuu Qur’aanku si wayn oo kifaaya ah, oo lagu caafimaado, u caddeeyay xaqiiqooyin badanoo ku saabsan: cilmiga, taariikhda, dhaqaalaha, siyaasada, iyo dhinaca bulshada, iyo sharciga.
Waxaanu dadka uugu yeedhi waa risaaladdii Rabbi, si aanu dadka uuga samato bixinno mugdiyada, dulmiga, shirkiga, addooma caabudka, ciriiriga aduunyada, xad gudubka suldaanka, oo loo saaro nuurka, cadaaladda, tawxiidka, waasicnimada aduunka, cadaaladda islaamka, iyo in la caabudo adoomaha rabbigooda.
J: Maxaa ku sugnaaday muslimiinta naftooda?
C: Muslimka dhabta ihi wax badan buu garan: wuxuu garanna waxaa ka mid ah :
Yaa inna abuuray? Oo muxuu innoo abuuray? Oo xageen u soconaa? (Waydiimahaa jawaabtoodana wuu garan). Wuxuu muslimku ogyahay in wixii asiibay uuna ahaadeen wax seega, wixii seegayana uuna ahaadeen wax asiiba, illayn qadarkuu rumaysan yahaye. Wuxuu ogyahay xaqa Alle ku leeyahay addoomada, iyo xaqa addoomadu Alle ku leeyihiin, oo xaqa Alle ku leeyahay addoomada waa inay caabudaan, oo ayna wax kale la caabudin, xaqa addoomadu Alle ku leeyihiinna waa inuuna cadaabin ruuxii aan wax kale la caabudin.
جوج: هذ ا الدين الذي كنت أبحث عنه : أشهد أن لا إله إلا الله وأشهد أن محمداً رسول الله.
(Kani waa diinkii aan daydayi jiray: waxaan qiri inuuna jirin waxaan Alla ahayn oo xaq lagu caabudo, waxaan qiri oo kale inuu Muxammad Rasuul Alle yahay) .
عمر: الحمد لله الذي أنقذك بي من النار
(Ammaan idaylkeed waxaa leh Allaha sababtayda naarta kaaga badbadbaadshay).
:جورج
الْحَمْدُ لِلَّهِ الَّذِي هَدَانَا لِهَذَا وَمَا كُنَّا لِنَهْتَدِيَ لَوْلا أَنْ هَدَانَا اللَّهُ لَقَدْ جَاءَتْ رُسُلُ رَبِّنَا بِالْحَقِّ
.(الأعراف ( 43)
“Ammaan idaylkeed waxaa iska leh Allaha Kan nagu hadeeyay, mana aanan ku hanuuneen, haduuna Alle nagu hanuunin, wallaahi inay rusushii Rabbi xaq layimideen.”
[Suuradda (7aad) al-Acraaf, Aayadda 43]
وفي الختام/ اعلم ان المسلم الصادق يحب الخير لكل الناس: قريبهم وبعيدهم, ويحب ان يشاركوه في السعادة
الحقيقية في الدنيا والاخرة, ففي الدنيا بدخول الا سلام وفي الآخرة بدخول الجنة
(Khitaamka/ ogow in muslimka dhabta ihi, dadka oo dhan khayrka la jecelyahay: kooda dhaw iyo kooda dheerba, wuxuuna u jecelyahay oo kale inay adduun iyo aakhiraba liibaanta kula wadaagaan, liibaanta Adduunyadu waxaa lagu helaa Islaamka geliddiisa, ta Aakhirna jannada geliddeeda.
.نسال الله- تعالى- ان يرينا الحق حقا ويرزقنا اتباعه, ويرينا الباطل باطلا ويرزقنا اجتنابه اللهم أمين
(Allaanu baryi- sarreeye- inuu xaqa xaq noo tuso, raacidiisana nagu arzaaqo, baadilkana baadil noo tuso, ka fogaanshihiisana nagu arzaaqo, Allaw aamiin (ajib).
.وصلى الله على نبينا محمد و على آله وأصحابه و أتباعه وسلم تسليما كثيرا
Wasallalaahu calaa Nabiyinaa Muxammadin, wa calaa Aalihi, WA Asxaabihi, WA Atbaacihi, wasallama tasliiman kathiiran.
Alla ha u naxariisto Nabigeeni Muxammad ahaa, iyo Ehelkiisa, iyo Asaxaabtiisa, iyo Atbaacdiisi, nabagelyo bandanna ha nabad geliyo.
[1] Faraxkibir baa loo jeedaa.
Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Su’aal 12: Waxaad sheegtaan Aayada ugu yar
...Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix