SANADKA CUSUB
ALLHAYOW KA DHIG MID KA FIICAN
SANADADII LA SOO DHAAFAY..
بداية عام الهجري الجديد
Allahayow kii gafay u dhaaf ,Allahayow kii wanaagsanaa usii siyaadi camalkiisa .
Ikhwaanii sanadkii wuu dhamaaday , hadana waxaa bilaabanaya sanad cusub, Allaah subxaanahu watacaalaa waxeynu ka baryeynaa inuu ka dhigo sanadkan cusub mid ka fiican sanadadii la soo dhaafay , Allaah waxeynu ka tuugeynaa inuu ka dhigo sanad ay ummaddu usoo laabato diinteedii xaqa aheyd , diinta ay kaga sare martay umaddaha oo dhan , Allaah waxaan weydiisaneynaa inuu inaga dhaafo gaboodfalkii la soo dhaafay naguna kaalmeeyo daacadiisa iyo waafajinta kheyrka Ikhwaanii midkeenee baan gafin ayaamihii la soo maray? Ikhwaanii midkeeneebaan u baahneyn cafi iyo caafimaad? Ikhwaanii xageebay aadeen kuwii dhintay sandkan dhamaaday? Ikhwaanii yaa kuu balan qaadi kara inaad sii noolaan doontid? Jawaabaha su aalahan si dagan uga jawaab kadibna ka anbaqaad halkaas adigoo kaalmeysanaya allaha waaxidka ah ee iska leh maalmaha iyo bilaha iyo sanadyada.. Akhii nin caraba oo gabayaa ah aayaa wuxuu yiri : Anagu waxaan ku farxeynaa maalmaha aan goyneeyno maalin kastana waxey inoo sii dhaweyn ajasheenii -Inaa li llaahi wa inaa illaahi raajicuun- Nacam maalin walba waxaan usii dhawaaneynaa qabriga , nacam maalin walba waxey inaga sii fogeyneysaa aduunka aynu joogno , soomaalidu waxey tiraahdaa ninka da,da weyn wuu cimri dheer yahay laakiin waxaa xaqiiqo ah inuu ka cumri dheeraa markuu dhashay.. Ikhwaanii dadka waxaa u fiican qofkii cimrigiisu dheeraado daacadiisuna badato, hadaba waa fursade yaan la dayicin ayaamaha iyo bilaha is daba taxan ..Sanad kasta markuu dhamaado waxaa mudan in la xusuusnaado hijradii nabigeena s.c.w uu ka soo haajiray mako iyo dhibkii uu diinta usoo maray.. taariikhda islaamku waxey bilaabatay hijradii nabigu s,c,w, usoo haajiray Al- Madiina al munawara halkaas oo xabiibka loogu gargaaray c.s.w. Ikhwaanii waxaa wanaagsan intuusan sandku dhamaanin maalmo ka hor in nafta la xisaabiyo ,sida ay ganacsatadu xisaab xidh usameyso dabayaaqada sanad kasta , taas hadii la inaga helo waxaa inoo sahlanaan inaan sanadka cusub buug cusub u sameyno oo aan sidaas naftaana ula socono.. waxaan ku soo gabagabeynaa dhambaalkan dagdaga ah qisadii la yaabka laheyd ee nabiga s,c,w, qabsatay markuu madiina yimi : Nabigu s.c.w. wuxuu madiina kula kulmay yahuudii madiina daganeyd oo sooman markaasuu ku yiri : maxaad usoo man tihiin? Yuhuudii waxey yiraahdeen waa maalin farxad noo ah waa maalintii nabi muuse allaah u gargaaray fircoon iyo qoomkiisiina la rogay , isla markiiba nabigu s.c.w. wuxuu amray saxaabada iney soomaan , wuxuuna yiri s.c.w. muuse inagaa uga xaq badan yuhuuda , maalintaas waa maalinta la yiraahdo yoomu caashuuraa ee bisha muxaram, waxaana sii fiican in soomkeeda maalin laga hor mariyo ama maalin laga dib mariyo, in maalin laga danbeysiiyo maalina laga horeysiiyana ayaana kasii fiican. Ikhwaanii yaan la hilmaamin soomka caashuuraa , ikhwaanii ha nodo sanadkan cucub mid wax ka badala ayaamihii la soo dhaafay- Allahayow nasii cimri dheer iyo cibaado san. Waxaa diyaariyey C/Qaadir akhii
وصلى الله وسلم على نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1523011
Today
Yesterday
All days
148
1670
1523011
2026-02-14 01:52

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_698fd54b11d7a8140768691771033931
title_698fd54b11dc96420147201771033931
title_698fd54b11e0212591634061771033931
title_698fd54b11e4b1227432801771033931
title_698fd54b11e958448271331771033931
title_698fd54b11ee110373801901771033931

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_698fd54b1fe6b17970802781771033931
title_698fd54b1feb813216713581771033931
title_698fd54b1ff0318811265811771033931
title_698fd54b1ff4c17771624251771033931

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com