MA RABTAA IN CIMRIGAADU DHEERAADO ?
Intaan aduunka joogay wali ma arkin cid jecel cumri gaban , caruurta hadaad weydiiso meeqa sano ayaad jirtaa ? waxey kuu sheeganayaan da,dooda da ka weyn , taasina ma a,aha ineysan aduunka damac ka laheyn , dhinaca kale dadka waa weyn waxaad arkeysaa ineysan sheegeynin dadoodii saxda aheyd carar ay ka carayaan duqnimo iyo gabow , dhinaca haweenku kuma sii jiraan xaga da, da mida ugu weyn iyo mida ugu yar labaatan ma dhaafaan , nacam wey jiraan rag iyo haween da,dooda aan qarinin laakiin waxaan ka hadleynaa sida loo badan yahay , waxaasoo dhan markaad uduur xusho waxaa kuu soo baxaya labo arimood :

1- Aduunyo jaceyl.

2- Aakhiro naceyb, hadii aan su aasha kor ku qoran jawaabteeda si gaaban halkan ugu soo koobno .. NACAM HAA .. YES Qof kasta wuu rabaa cumri dheer iyo cibaado badan ... Hadaba wali ma is weydiisay waxyaabaha lagu heli karo cumri dheeraanta
1-SADAQO: Sadaqadu waa lama huraan, waa mida damisa carada rabi sida ay biyuhu u damiyaan dabka markii lagu shubo , nabiguna s.c.w. wuxuu yiri : (Dadow wax la baxa timir gobolkeedba ha ahaadee ) waxaa hubaala inay maalin walba soo dagaan labo malag oo mid u xilsaaran yahay inuu uduceeyo cidii wax baxsata in rabi u barakeeyo , midka kalena uxilsaaran yahay inuu habaaro midka aan waxba la bixin, allahyow ceyr ka dhig, hadaba wax bixintu waqti go,an ma lehan , qof kastana wuxuu bixiyo naftiisa ayaa iska leh , qofaan wax la bixi karina ma jiro , dadkaa qaarbaa rabi xoolo siiyey oo xoolahooda alle dartiiis u bixiya , qaarna waxba maheysto laakiin wuxuu sabab u noqdaa inuu mid wax heysta ku qanciyo faa,idada wax bixinta mid kalena xoogiisa u huro islaamka , mid kalena .
2- QARAABADA OO LA XIRIIRIYO : Qaraabadu waa xigtada aad nasabka wadaagtaan , ku waasi waxey lee yihiin xaq gooniya , xaqoodu waa labo jeer xaq qaraabo iyo xaqii islaamka .


MEELAHA UGU FIICAN EE WAX LAGU BAXSADO
1-agoonta wax sii .. la garab istaag mujaahidiinta jidka rabi ku dagaalamaya hiil iyo hoo
baahida muslimiinta ka qeyb qaago ilaha dacwada islaamka wax ku darso
kafaalo qaad ardey diinta islaamka raba inuu barto ka qeyb qaado badinta cajeladaha diinta islaamka lagu duubay ka qeyb qaado qoraalada islaamka lagu
wax ku darso acmaasha aan istaagin sida dhisida masaajida , dugsiyada quraanka , iskuulada lagu barto islaamka , C/QAADIR AKHII 1424H

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Feed not found.

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1311953
Today
Yesterday
All days
1291
1130
1311953
2025-11-02 21:48

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6907d1919d1f9609757881762120081
title_6907d1919d2d28443445521762120081
title_6907d1919d3a314232660111762120081
title_6907d1919d47c679860761762120081
title_6907d1919d54a4466737691762120081
title_6907d1919d61719811634621762120081

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6907d1919e4903517773061762120081
title_6907d1919e56716824294091762120081
title_6907d1919e63b15046417261762120081
title_6907d1919e70d13061187331762120081

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com