141- {ilaahay oo looga magan galo}.

142- {adinka} dhagaha oo lagaga adimo
qofka.
143- {Adkaarta iyo quraanka oo la
akhristo}.

46. Ducada qofka ay qabsato arrin uu
raali ka-ahayn ama qorshihiisa ka tanroonaatay.
144- {qadarullaahi wamaa shaa-a facal}
“Waa ilaahay qadarkiis, wuxuu doonana
wuu sameeyaa”.
47. u hanbaliyeenta qofka cunug u
dhasho iyo jawaabtiisa.

ِ145 - {baarakallaahu laka fil-mawhuubi
laka, wa shakarta waahiba, wa ballaqa
ashuddahu, wa rusiqta birrahu}
“ilaahay ha kuu barakeeyo ilmahan
laguu hibeeyay, adigana ilaahay ha kaa
yeelo mid ku shukriya (hibadiisa) ,hana
gaarsiiyo hanaqaadkiisa (xoogiisa),
ha lagugu irsaaqana wanaagiisa iyo
baarinimadiisa”.
Wuxuu ugu jawaabayaa waalidka ilmaha
dhalay:( baarakallaahu laka wa baaraka
calayka wa jazaakallaahu khayraa, wa
rasaqaka allaahu mithlahu wa ajzala
thawaabaka).
< ilaahay hakuu barakeeyo, korkaagana
ha barakeeyo, khayrna ha kugu abaal
mariyo, hana kugu irsaaqo isagoo kale,
hana weyneeyo ajirkaaga >.
48-Ducada lagaga naaro caruurta shaydaanka.

146- { wuxuu ahaa rasuulku s.c.w kii uga
naara shaydaanka xassan iyo xusseen
alle ha karaali ahaadee (( uciidukumaa
bikalimaatillaah attaammati min kulli
shaydaanin wa haammah, wa min kulli
caynin laammah}.
“waxaan idinkugu magangalinayaa
kalmadaha ilaahay ee dhamayskatiran
shaydaankasta iyo halaq iyo qarjaajuf
walba, iyo il kasta oo wax dhabata
(ilaysa)”.
57.Ducada bukaanka marka labooqanayo.

147- {laa ba-sa dahuurun inshaa allaah}
< dhibaato malaha waa dambi-dhaqid
inshaa allaah”.

148- { as-alullaahalcadiim rabbalcarshil-cadiimi an yashfiyaka} todoba
jeer.
“waxaan weydiisanayaa ilaahayga weyn,
ee ah rabiga carshiga weyn in uu ku
shaafiyo”.
50- Fadliga booqashada qofka jiran
(buka).
َ149- Wuxuu yiri rasuulku s.c.w: {haddii uu
booqdo ninku walaalkiisa muslinka ah,
wuxuu ku sugnaanayaa intuu sii socdo
mira gurashada jannada illaa uu ka fariisto, haddii uu fariisto, waxaa daboolaysa
naxariis, haddii aytahay subaxna waxaa
ku saliyaya todobaatan malag illaa uu
ka galabaysto, haddii aytahay galabna
waxaa ku saliyaya todobaatan malag
illaa uu ka waabariisto} .
51- Ducada bukaanka haddii uu ka
quusto noloshiisa.

150- {allahumma iqfir lii war xamnii wa
al-xiqnii birrafiiqil aclaa}.
“allow ii dambi dhaaf, iina naxariiso, i
haleelsiina saaxiibka sare”. Oy kamid
yihiin anbiyadii saalixiintii shuhadadii iyo
runsheegayaashii.

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Feed not found.

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1334994
Today
Yesterday
All days
777
1268
1334994
2025-11-14 12:23

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_69171f41ccb3615554083591763123009
title_69171f41ccc118109679121763123009
title_69171f41cccdf15974401051763123009
title_69171f41ccdb51346554091763123009
title_69171f41cce815468549391763123009
title_69171f41ccf4a17332795511763123009

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_69171f41cdc0f13143941411763123009
title_69171f41cdcdf6291583431763123009
title_69171f41cddbb8595404801763123009
title_69171f41cde8618885931061763123009

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com