Safarkiisa Bilaad Shaam iyo Guurkii Khadiija

Markuu Muxammad gaaray 12jir, isaga iyo adeerkiis waxey u safreen iney ka ganacsadaan Bilaad Shaam, haddaba; Safarkaas iyagoo ku jira waxey la kulmeen Nin la yiraahdo Al-Raahib Buxeyrah oo daganaa Madiina Busra.

Al-Raahib waxaa galay dareen markuu arkay Muxammad, isagoo uu ka dareemay Sifaat uu ku arkay Kitaabka la yiraahdo (Ahlul Kitaab), iyo wixii laga yiri Muxammad Sifaatkiisa. Al-Raahib dadkii ayuu u sheegay, waxeyna yiraahdeen Al-Raahiboow sidee ku ogaatay? wuxuu yiri: Markaad ka soo laabateen Caqabada Waxba kama harin Geedihii iyo Dhagxaantii ilaa Qaara saajidan, kuwaasina uma sujuudaan ilaa Hal nabi maahee. Sidaasi ayaan ku ogaaday Wiilkaan inuu yahay Nabiyaasha kii u dambeeyey.

Abuu Taalib wuxuu mar kasta uu Muxammad uga digi jiray iney isla aadin Ardi Ruum, isagoo uga baqaayey in la dilo.

Abuu Taalib wuxuu Muxammad u celiyey Makkah, ka dib ayuu Abuu Taalib u soo laabtay Ardi Shaam, oo ay joogtay Khadiija Bint Quweylad iyo Wiilkeeda (Meysar), sidaasi darteed Abuu Taalib Khadiija wuxuu u aqbaaray wixii ay la soo kulmeen Isaga iyo Muxammad, ka dib Khadiija waxey damacday iney Muxammad Guursato.

Abuu Taalib markuu soo laabtay ayuu Muxammad u aqbaaray iney Khadiija ay rabto, Muxammadna wuu ka aqbalay, wuuna guursaday, da’diisuna waxey aheyd 25jir, iyadana waxey jirtay 40sanno, horeyna waxey u soo guursatay Labo nin, mid waxey u dhashay Gabar iyo Wiil, midka kalena Hal Gabar.

Ugu horeyn Malakul Jibriil ayaa wuxuu u soo dejiyey Suuratul Calaq, bishii Ramadaan ee Sannadkii 40aad ee Muxuammad dhalshadiisa, waxaana loogu soo dejiyey meesha la yiraahdo Gaaral-xera, Muxammad isagoo cabsanaayo ayuu u soo noqday Gurigiisa, Khadiija buste ayey ku duubtay, waxeyna u keentay nin ay Khadiijo ay ilmo habreed yihiin oo la yiraahdo Warqah Ibnu Nowfal, wuxuuna u sheegay inuu Muxammad noqon doono Nabiga Ummadaan.

Ibnu Noofal wuxuu jeclaa inuu ahaado nin dhalin yaro ah oo xoog leh si uu ugu gargaaro Nabiga, ka dib Nabiga waxaa loo soo dejiyey Suuratul Mudathir, markaas ayuu Ilaah ku amray inuu Qoomkiisa ugu yeero Islaamnimada. Qofka ugu hareeyey ee nabiga rumeeyana wuxuu noqday Abuubakar, Naagahana waxaa ugu horeesay Xaaskiisa Khadiijo, Wiilashana waxaa ugu horeeyey Ina adeerkiis Cali bin Abii Taalib, adoomadana waxaa ugu horeeyey Zeen Binu Xaarith.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1622811
Today
Yesterday
All days
1031
1975
1622811
2026-03-30 14:45

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_69ca8c7db515d1835175041774881917
title_69ca8c7db51ae345868421774881917
title_69ca8c7db51fc14900933801774881917
title_69ca8c7db52498923225531774881917
title_69ca8c7db529577153201774881917
title_69ca8c7db52e016676784801774881917

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_69ca8c7dc878013366488251774881917
title_69ca8c7dc87d07877210011774881917
title_69ca8c7dc881e398493451774881917
title_69ca8c7dc883e17943907091774881917

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com