XIKMADDA LAGA LEE YAHAY SOONKA 
Allaah wuxuu u faral yeelay soonka xikmado badan darteed iyo ujeeddooyin dhowr ah xagga diinta iyo dunida, waxaana ka mid ah:
1- Hirgelinta cabsida Ilaahay Cazza Wajalla
Waayo waa cibaado uu ugu dhowaado addoonka Rabbigi isagoo ka taga waxyaalaha uu jecel yahay oo uu ka joogo rabitaannadiisaa, markaasuu wuxuu ku celiyaa naftiisa taqwada iyo dhugashada Ilaahay subxaanahu watacaalaa meel iyo waa’ uu joogaba, sir iyo saaqba, sidaas awgeed buu Allaah u yiri:
“Mu’miniintow! Waxaa la idinku faral yeelay soon, sidii loogu faral yeelayba kuwii idinka horreeyay, si aad isaga jirtaan (xumaha)”. (Al-Baqarah: 183)
2- Waa tababar si uu qofka uga haro macaasida iyo dunuubta
Haddaba markuu qofka ka joogo waxyaalaha u bannaan isagoo qaaadanaya amarka Ilaahay, waxaan shaki ku jirin inuu u sii awood yeelan doono ka celinta naftiisa rabitaannadiisa xagga macaasida iyo danbiyada iyo inuu dhaafeyn xuduudda ilaahay oo ka joogayo ku sii socodka baadilka, Nabigu Salallaahu caleyhi wasalam wuxuu yiri: “Qofkii aan iska deyn hadalka beenta iyo dhaqanka xun, Allaah dan kama leh inuu iska daayo cuntadiisa iyo cabbitaankiisa” (Al-Bukhaari 1804) taasi macnaheedu waxaa weeye qofkii aan ka joogin beenta iyo faasiqnimada xagga qowlka iyo camalka, ma uusan haleelin gunta iyo danta laga leeyahay soonka..
3- Xusuusashada dadka aan waxba heysan iyo wax siintood
Waayo waxaa ku jira tijaabin ka sheegashada wax la’aanta iyo gaajada, iyo xusuusasho fuqarada ee ka sheegta wax la’aanta goor kasta, markaasuu wuxuu xusuustaa walaalihi fuqarada ah, iyo sida ay uga sheegtaan labada kala daran gaajada iyo harraadka, markaasuu wuxuu ku dadaalaa inuu kaalmo siiyo oo u asxaan falo masaakiinta iyo dadka baahan.

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Feed not found.

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1380085
Today
Yesterday
All days
516
1442
1380085
2025-12-08 08:58

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6936934f5175817693438881765184335
title_6936934f5183215353813091765184335
title_6936934f5190216153936981765184335
title_6936934f519d51198026331765184335
title_6936934f51aab18205845531765184335
title_6936934f51b7b4476519061765184335

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6936934f5286e16902746281765184335
title_6936934f5294214432535371765184335
title_6936934f52a2512618318081765184335
title_6936934f52af617602716931765184335

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com