FADLIGA BISHA RAMADAANKA
Bisha Ramadaan waa bisha sagaalaad ee bilaha dayaxa ee lagu xisaabsado taariikhda islaamka, waa bisha u wanaagsan bilaha sannadka oo dhan, Allaah wuxuu ku gaar yeelay dhowr waxyaalood oo wanaagsan uu dheer yahay bilaha kale, waxaana ka mid ah waxyaalaha uu ku leeyahay fadliga gaarka ah:
1. Waa bisha uu Allaah uu u doortay soo degitaanka kan ugu weyn uguna sharaf badan kutubtiisa, Qur’aanka Kariimka, Allaah Kor ahaaye wuxuu yiri:“Bisha Ramadaan ee dhexdiisa Qur’aanka la soo waxyooday, hanuun u ah dadka iyo xujooyinka cad ee leh hanuunka iyo kala saaridda. ee qofkii idinka mid ah ee jooga bisha waa inuu soomo inta lagu jiro”. (Al-Baqarah: 185)
2. Waa bil la furo albaabbada Jannada: Nabigu Salallaahu caleyhi wasalam wuxuu yiri: “Markuu soo galo Ramadaanka waxaa la furaa albaabbada jannada, oo la xiraa albaabbada naarta, oo waxaa lagu xiraa silsilado shayaadiinta” (Al-Bukhaari 3103, Muslim 1079), Allaah wuxuu u diyaarshay addoomahiisa inay ugu soo jeestaan falasho cibaadooyinka iyo ka tegidda waxyaalaha xun.
3. In qofkii sooma maalinkiisa oo u istaaga salaad habeenkiisa waxaa loo dhaafaa wixii horay uga dhacay danbiyo, Nabigu Salallaahu caleyhi wasalam wuxuu yiri: “Qofkii u sooma Ramadaanka iimaan qab iyo ajar dalab waxaa loo dhaafaa wixii horay uga dhacay oo danbiyo ah” (Al-Bukhaari 1910, Muslim 760) wuxuu kaloo yiri: “Qofkii u kaca salaatu leyl Ramadaanka iimaan qab iyo ajar dalab, waxaa loo dhaafaa wixii horey uga dhacay oo danbiyo ah” (Al-Bukhaari 1905, Muslim 759)
4. Waxaa ku jira habeenka ugu weyn habeennada sannadka oo dhan, uu noogu sheegay Allaah Kor ahaaye Kitaabkiisa in camalka wanaagsan gudahiis uu ka khayr badan yahay camalka waqtiyo badan, Allaah kor ahaaye wuxuu yiri:
“Habeenka Qaddarku wuxuu ka khayr badan yahay kun bilood”. (Al-Qadar: 3). Qofkiina u kaca salaatu leyl iimaan qab iyo ajar dalab waxaa loo dhaafaa wixii horay uga dhacay oo danbiyo ah, waa habeen ka mid ah habeennada tobanka dambe ee Ramadaanka, mana jiro axad u cayyimi kara si gaar ah waqtigeeda.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1491802
Today
Yesterday
All days
1134
2040
1491802
2026-01-31 09:53

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_697dd0fe8a2104225370951769853182
title_697dd0fe8a26119322850791769853182
title_697dd0fe8a2ad1912030561769853182
title_697dd0fe8a2f91032550521769853182
title_697dd0fe8a3438460821801769853182
title_697dd0fe8a38e6090739111769853182

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_697dd0fe9bb451026116421769853182
title_697dd0fe9bb958228782311769853182
title_697dd0fe9bbe28368727211769853182
title_697dd0fe9bc2f11242306501769853182

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com