YAA LA SIINAYAA SAKADA ?
Islaamka wuxuu caddeeyey cidda la siinayo sakada, waxaana u bannaan qofka Muslimka ah inuu sakadiisa siiyo qolo ka mid ah qolooyinkaas ama ka badan ama inuu siiyo ururrada iyo hey’adaha sama falka ee u qaybisa dadka mudan ee ka mid muslimiinta, waxaana mudnaanta leh in lagu bixiyo gudaha beledka uu qofku ku nool yahay
Qolooyinka mudan sakada waa kuwan:

1. Fuqarada iyo masaakiinta oo ah kuwa aan helin wax ku filan ee waxyaalaha ay u baahan yihiin ah ee aanay ka maarmin.
2. Dadka ka shaqeeya soo ururinta sakada iyo qaybinteeda.
3. Addoonka doonaya inuu iska xoreeyo abbaankiisa, waa in la kaalmeeyo oo wax laga siiyo sakada si uu xor u noqdo.
4. Qofkii deyn qaba aan awoodin inuu iska gudo ha ahaado deyn uu u galay danta guud iyo u sama fal dadka ama dantiisa gaarka ah.
5. Mujaahidiinta u jihaada Dar Ilaahay, oo ah kuwa u dirira difaaca diintooda iyo dalalkooda, waxaana soo galaya camal kasta oo faafin islaamka ah iyo kor yeelid Kelmedda Ilaahay.
6. Kuwa la soo dumayo quluubtooda diinta Islaamka, oo ah gaalada soo islaamay ee ku cusub diinta ama qofkii la filayo inuu soo islaamo oo ka mid ah gaalada, qaybtanna lagama siiyo sakada xagga qof qof waase shaqada madaxda talada u haya Muslimiinta iyo hey’adaha sama falka ee garan kara danta ku jirta arrinkaa.
7. Musaafirka soo galootiga ah ee jiscinka ka go’ay oo u baahday maal xitaa hadduu ku heysto beledkiisa maal badan.
Allaah Kor ahaaye wuxuu yiri isagoo caddeynaya qolooyinka waajibka ah in lagu bixiyo sakada:
“Sadaqooyinka (Zakada) waxaa sideedaba iska leh oo keliya Fuqarada iyo Masaakiinta iyo kuwaa looga howl galiyey inay soo ururiyaan; iyo kuwa ay u soo wehel sameen quluubtooda (Islaamka); iyo in lagu xoreeyo addoomaha; oo waxaa leh deymeysanayaasha; iyo in lagu bixiyo Jidka Ilaahay, iyo musaafirka (go’doonsan), waa faral Allaah uu gooyay. Oo Allaah waa wax kasta Oge, Xakiim ah”. (Al-Towbah: 60)

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1491802
Today
Yesterday
All days
1134
2040
1491802
2026-01-31 09:53

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_697dd0fe8a2104225370951769853182
title_697dd0fe8a26119322850791769853182
title_697dd0fe8a2ad1912030561769853182
title_697dd0fe8a2f91032550521769853182
title_697dd0fe8a3438460821801769853182
title_697dd0fe8a38e6090739111769853182

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_697dd0fe9bb451026116421769853182
title_697dd0fe9bb958228782311769853182
title_697dd0fe9bbe28368727211769853182
title_697dd0fe9bc2f11242306501769853182

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com