YAA LA SIINAYAA SAKADA ?
Islaamka wuxuu caddeeyey cidda la siinayo sakada, waxaana u bannaan qofka Muslimka ah inuu sakadiisa siiyo qolo ka mid ah qolooyinkaas ama ka badan ama inuu siiyo ururrada iyo hey’adaha sama falka ee u qaybisa dadka mudan ee ka mid muslimiinta, waxaana mudnaanta leh in lagu bixiyo gudaha beledka uu qofku ku nool yahay
Qolooyinka mudan sakada waa kuwan:

1. Fuqarada iyo masaakiinta oo ah kuwa aan helin wax ku filan ee waxyaalaha ay u baahan yihiin ah ee aanay ka maarmin.
2. Dadka ka shaqeeya soo ururinta sakada iyo qaybinteeda.
3. Addoonka doonaya inuu iska xoreeyo abbaankiisa, waa in la kaalmeeyo oo wax laga siiyo sakada si uu xor u noqdo.
4. Qofkii deyn qaba aan awoodin inuu iska gudo ha ahaado deyn uu u galay danta guud iyo u sama fal dadka ama dantiisa gaarka ah.
5. Mujaahidiinta u jihaada Dar Ilaahay, oo ah kuwa u dirira difaaca diintooda iyo dalalkooda, waxaana soo galaya camal kasta oo faafin islaamka ah iyo kor yeelid Kelmedda Ilaahay.
6. Kuwa la soo dumayo quluubtooda diinta Islaamka, oo ah gaalada soo islaamay ee ku cusub diinta ama qofkii la filayo inuu soo islaamo oo ka mid ah gaalada, qaybtanna lagama siiyo sakada xagga qof qof waase shaqada madaxda talada u haya Muslimiinta iyo hey’adaha sama falka ee garan kara danta ku jirta arrinkaa.
7. Musaafirka soo galootiga ah ee jiscinka ka go’ay oo u baahday maal xitaa hadduu ku heysto beledkiisa maal badan.
Allaah Kor ahaaye wuxuu yiri isagoo caddeynaya qolooyinka waajibka ah in lagu bixiyo sakada:
“Sadaqooyinka (Zakada) waxaa sideedaba iska leh oo keliya Fuqarada iyo Masaakiinta iyo kuwaa looga howl galiyey inay soo ururiyaan; iyo kuwa ay u soo wehel sameen quluubtooda (Islaamka); iyo in lagu xoreeyo addoomaha; oo waxaa leh deymeysanayaasha; iyo in lagu bixiyo Jidka Ilaahay, iyo musaafirka (go’doonsan), waa faral Allaah uu gooyay. Oo Allaah waa wax kasta Oge, Xakiim ah”. (Al-Towbah: 60)

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1710846
Today
Yesterday
All days
721
2817
1710846
2026-05-10 11:45

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a006fd15c8cd17295522251778413521
title_6a006fd15c91d8029244381778413521
title_6a006fd15c96a8224164151778413521
title_6a006fd15c9b712456573371778413521
title_6a006fd15ca0210854568051778413521
title_6a006fd15ca4e16394268561778413521

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a006fd1750ef6622178631778413521
title_6a006fd1751459229289051778413521
title_6a006fd1751908466198981778413521
title_6a006fd1751db8142949171778413521

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com